Dilaalkii Nolasha &
Mugdigii Xabaasha Aduunka.
Dhagarqabe joogto ah:
W/Q: Hassan Abdi Shire
Todobaad
kali ah ayaa geeridii Cilmi Calas laga soo wareegay, dadka degaanku waa qof iyo
tiraanyadiis, caqli gaabku waxba kamaay bedelin xusuusta geeridu iyo hadba
sidaa aay dad faro badani u baxayaan, meeshu waa tog biyo mareen ah oo hore u
ahaan jiratay kaam, aay degaan dadka danyarta ah, hadase balaadhay oo dhowor
tuulo ayaa ku hoosyaala hayeeshee kal go’an, oo u kala yaalaa qabiilo, qaar waa
arad daran yihiin oo waa xoolo dhaqato, qaar kale waa qaxooti kaso hayaamay meel
aad u fog, tiro kalena, biyaha toga ayaa dadka dib uga xaraashaan iyagoo iskoodna isu xilqaamay, hadaan baahi u
geeynba.
Geerida Cilmi
Calas waxaa loo aneeyaa dhoowr qof,
waxaana ka mid ah Dhooli, oo ah saxiibkiisii nolosha ee muddo dheer aay soo
wada rafiiqeen, waxa hadal-haayntaas inta badan dabada haayn jiray inta wax
garadka, wax magratadu may soo hadal qaadi jirin oo iyada dan badani kamaay
galin, garasho dheeraad ah oo aay ku garwaaqsadaana dani kama hayn oo iyagaaba
wadaddaa marayaa waqtigaay doonaan, inkastoo Dhooli dhagar qabe looga yaqaan tuuladda, isagu wuu is ogaa wax
muraad ahana kama u lahaayn, afjibaarka aadmaha, mar hadii asxaaab badani ku
khasban tahay. Magaca Cilma waxaa Calas loogu daray mudoo aan ka badnaay 15sano
ka hor geeridiisa, waxaana u bixisay Hooyo waayeel (inta badan tuulooyinka
dawadda waxaa iibiya cidkasta oo ganacsi u aragtaa), xaajiyadaas oo Cilmi Calas
ka qaadan jiray habeenkii kiniinka madax
xanuunka, oo ad uga yaabtay calaacalkiisa badan marka uu kiniinka qaadanayo waxa
u ku tiraabi jiray si urugo ka muuqato oo ka baxsan codka raganimada, iyo
yaqaanka Rabi, ee og in dhibtu Aadmaha la jaar tahay use baahan tahay dulqaad
faro badan, kelmadaha aay ka midka yihiin
‘ war niyahoow madaxaas ayaa doog iga haysaa, oo ima dego” “ taloow caawa maa
hogal ayaa jirta dhulku kululaa” qaar kale oo aan hada halkan ku soo koobi
karaayn, arinkan waxaa uu bilaabay tan iyo mudadii la bar -bilaabay barashadii Dhooli
& Cilmi Calas.
Cilmi Calas caafimaad
dari so jiidantay buu u geeriyooday, sanado bukaan ayu ahaa, waxaa lagu dul baanan
jiray dermada korkeeda, waxaana laga waraabin jiray dacalka afka, sidoo kale baahidiisa
laga waaydiin jiray faraha oo ku began meel aay indhihiisu wax ka arki
karaaan, masaafo ahaan aan-ka fogaayn, dhinacna aan uga leexsanaayn, waayo
awoodiisa Aragti iyo tan dhaqdhaqaa bu’da indhaha oo tag dareeysay, mid ka mid ah caruurtisa ayaa fahmi jiray,
jawaabta Cilmi bixiyo waayse iska dhici jirtay in isaga laftigiisuna aaaanu
garan jirin isla markaas(waa wilkiisa curadee),waxa mararka qaarkood lo keeni
jiray wax aanu dalban ba, dadku maalmihii hore waa lasoo booqanjiray, bux dhaaf ayaa xaafada afkaas ka hidhiq oran
jirtay, bilo ka bacdi se waxaa dadka qaarkood u hasyteen inuu dhintayba, waxa
ta markhaati ka ah in geeridiisi dad faro badani aay ka naxanba, qaar kalena
aay is waydiinayeen miyuu noolaa, waagan aayn u gabaabsi taaganahay( xanuun
dheeraada dadka somaalida ahi waay isku nacaan waa caado aay leeyihiin)
imtixaankuna waa arin jira waayo aduunyada ayaa u sameeysan.
Cilmi Calas
waxaa u ahaa garaad yaqaan dhalin yaro mudadii u barbaarayay sidoo kale u
beryay waagii cusbaa ee nolosha, guyaal badan ayuu soo jiray, markii dambena ku
dambeeyay odayga & guurtida, degmo meel wada taala, oo gar iyo talo laga
wada qaato, hadba duruufta taala lala wadaaga degaankaas, markii hore waxa uu
ahaa beero Falato ka saboool ah Xaga xoolaha marka laga tegi waayo kadin geel
tuldo ah. Aabihii wuu ku garaadsaday Cilmi Calas isaga oo weeyn, wuuna yaqaanay dabeecad kasta
oo abihii ku dhaqmo waxase uu ka dhaxlay o kali ah, buuriga abudambaska ah ee
daanka ladhigo, waxaana ugu horeeysay, galab Ramdaan ah oo aay taagan yihiin
mid kamid ah buuraha aay geela ku raaci jireen sacadaha hore ee subaxii, Cilmi
Calas wuu ku galab dhacsaday galabtaas buurtii
Ceel-dhudhuub, waxaa la jooga adeerki Warsame Kedis, iyo aabihii Cabdi Jeebe,
markii afurku aay ku qiyaseen inaay gaadhay, iyagoo ku halbeegsanayaa casuuska
cirka ee dhanka qorax kadhaca inaay ku asiibeen waqtigii afurka, madama aay
tuulooyinka laga Adimo kuna yaalaan Masaajidada Islaamka aanay joogin, Taasi waxaay tusaale cad oo soo
jireen ah u tahay dadka miyi oolka ah ayaa ku cabiraa hadba sidaay u qiyaatsaan
inaay gadhahy waqtigi salaada.”Inta cadceedu soo jeedo waxaay ku eegaan Hadhka
qofka oo dhererkiisa ku cabir qaataan, marka cadceedu dhacdano waxaay ku eegaan
Casuuska Cirka, iyo mugidaga habeenka”, galabtaas ayaa markii uu waayay wax
kale uu afka saaro ayaa labadii oday yiraahdeen waryaa Abbe, waa Cilmi Calas odaygii dhalayee, hoo ku jabi afurka( in u
dhiganta labo cantuuga oo buurigii tumahaa ah), “Cajiib!! ma nasteexo ayaay u
wadan mise hadimo nololeed ayaay u horseedayaan, war bal yaabkan eega oo
miyaanay sacadaas dhib hor leh u horseedaayn ilaayn waa u ku cusub yahaye”, Cilmi
Calas inta oo qac ka siiyay ayuu dalqada
ku cararsiiyay , kulaayl badan awgiis waa u soo tufay, labadii Odey intaay sidaas u
wada eegeen ayaay yiraahdeen bal nacaskan eega war ma gabadh baad tahay, iyo ku
celcelinta dhoowr jeer tiraabta ah waar laq, waa iska camal lagusoo caano maale, “inanta
iyo inanka ilaahay miyaan wax isku mid ah kawada xaraamtimeeyn caafimaad darida
miyaanay u sinaayn”, cabaar yar ka bacdi Cilmi waaa u wareeray oo dhulka ayu sida
xidigaha u tiriyay, odayaashu waxaay moodeen in gaajo kusoo if baxday , waxaay
iskudayeen inaay mar labaad cantuugsiiyaan buuriga, waxa see sida shaandhada
gacmaha ruxay Cilmi isagoon awood &tamar
tooan u haayn gacmihiisa oo muujinayaa sidii wax diidmo ku jirto, hadalkeed-badaa
inuu hadlo, Cilmi wuu dareemay inaay fahmeen, cabaar markii u jiifay lug ayaay
cagta saareen labadii Odey waxaayna u sheegeen marka uu nasto inuu ka daba yimaado
madaama u gurigii hada u yara muuqdo oo aay gaadhi doonaan, Cilmi xanuun badan
dabadeed iska toos,(isagoo aad moodo inuu soo baraarugayo) matag faro badan
ayaa ku waashay oo keentay inuu gabo awoodisii socod iyadooy u dheertahay
safrada gaajo ee uu saaka kusoo soomay, qunyar socod talaabsay oo uso ruqaansay xagii guriga, markii
usoo gaadhay helayna qaar ka mid ah goobjoogtii
degelkaas, u waram una sheeg sidaay waxu
dhaceen, la yaab o la canaanay odaygii, haba ugu Canaan darraatee, ooridii Xaajiga Cilmi Calas dhalay, canan dheer ka bacdi markii aay dadkii
ka tageen, ayuu u yeedh wiilkii u dhalay
ee Cilmi Calas inta uu halkan ardaaga
dabadiisa kala laabtay dhegta dhiiga u daray, isagoo ka hoga tusaalaynayaa,
kalana talinayaa jileeca kusoo jira
inankiisa, iyo dookh xumida noloshiisa madaama isagoo intaas uu jiray, aan waxa raganimo ahi ku jirin(raganimadu goormaay buuri loo
adkeeysto & caafimaad dari la badi doono noqotay, wa suurto gal dad faro
badan oo sigaar cabayaa aad aragto inaay afka taagaan, oo u hasytaan inaay ka
fiican yihiin Miskiin Alle ka baqay oo aan
sigaarka cabin, Akhrist miyaad u malayn-kartaa inaan faanka & amaanta ku salaaysan balwada, lagasoo min guuriyay
Tabtaa Cilmi calas loogu khasbay oo ah badawtinimo jeenyo adkeeystay).
Biloowgi hore ee
uu yaraa ama la barbaaray, Cilmi Calas waxa uu noqday mid ka mid ah dhalinta sida
daroogada buuriga u isticmaasha hadh iyo habeenna doondoonaa, oo geyigaas la
saxiib ah qofka ku cawiya buuriga iyo kan iibiyaa ee Daynta u ogol, bal u fiirso ma waxa u saxibi la yahay
buuriga mise asxabtaas shaqsiga laftigiisa, waa saxiibnimo baahi ku salaaysan,
o teedi xumaayd ku jaan go’an, waxaa u guyaal badan ku nabad iyo caano cabay baahida aan dhamaadka lahaayn, degaankaas inta uu ahaa kaamka biyaha laga
dhaansado.
Mudo yar markii
kaamku isu rogay meel tuulooyin faro badani ka dilaceen, Cilmi Calas waxaa uu la saxiibaay saxiibka nolasha ugu
badnaa ee u la rafiiqo, waa Dhooli, waa saxiib leh lix astaamood, haddana waa
la saxiib oo ma ilaabo Cilmi saacad ka
mid ah noloshiisa saxiibkiina ma ilaabo oo waay isku lamaan yihiin ilaayn
dhowaan ayaay is barteene, Cilmi Calas saxiibkii wuu ridqaa, tumaa , hadana shiida,
maalin kasta meeyd ayuu uga tagaa markaa
u hubsado inuu dhintayna meeydkiisa bananada ayuu ku xoraa oo aaskii ma haleelo,
waa Cilmi Calas ka wax ridqaa ee meeydka
uga taga ka dhintaa maalinkastna waa saxiibkii kiisa kale ee Dhooli, saxiibkii
wa ka raali in la ridqo o la dilo maalinkasta, mana dhamaado aroortiiba isagoo
lugooynayaa ayaa guriga ugu yimadaa, Cilmi Calas waa ku farxaa oo kama naxo habeenkiina waa uu
ka mururgooda marka uu sii seexanaayo geeridii saxiibkiis, Dhooli waxa uu
leeyahay, lix astaamood
1. Waa caan o waxa u can ku yahay dhib iyo xaalad abuur, dadkuna
waaay ku jecel yihiin gaar ahaan inta la saxiibka ah.
2. Maalintii timaadaba waa u dhashaa, wuuna dhintaa, da’diisu ma
dhaafto maalin jir haduu ku darsado waa saacado uun.
3. Waa baahi badan yahay oo waxa uu ad u jeclaasytaa in la tumo oo
dadku ridqaan qaar kalena ilkaha qaniiyo kala daalaan
4. Waa uu isku dir badan yahay oo marka yimaado meel waxa isu keenaa
dadka inta xanta iyo sheeekda badan, waayo isaga ayaa jecel dadkaas
5. Waa uu soo dhoweeyn badanyahay waana macruuf marka uso gaadho
degaankaas
6. Waa noocyo badan oo maalin isaga oo lugo yaryar gaagaaban ayuu
ku iman, maalin kale isaga oo dheer, muruqyo leh, & dhexhdexaad ah
7. Waa uu magacyo badan yahay, lakiin cidina benaale u ma taqaan, magacasyadaas
ayaa loo wada yaqaanaa, hadba sida uu usoo labisto ayaa loogu magac daraa.
8. Waa curyaan aan meeelna aan gaadhin hadana cidkasta ka
dheereeyaa, marka uu helo dilaalkiisa nolosha, iyo saxiibki kali ahaa ee Cilmi Calas.
9. Dhooli, hadii uu arko cadceeda, dabaaysha, roobka, nolishiisa
halis ayuu galaysaa.
Cilmi Calas hada waxa uu hasytaa saxiib aad u jecel yahay, sheeko badan
ayaay wadaadgaan waxaayna wad maraan hadba durrufta nolosha kala duwan, dookha
ku jiraa waaa xad dhaaf cikasta oo ula dego Dhooli, Cilmi Calas na lagama
agwaayo oo iyagaaba jecel markasta in Dhoolio iyo Cilmi Calas lakala saari kari
waayo, Dhooli waxa uu rajaynayaa inuu Cilmi Calas muqaalka Dhooli oo kale
yeesho, waana mid ka mid ah qorshayaasha Dhooli ee waqtiga fog, Climi lakiin
waxba ugama qorsheeysna arinkaas.
Cilmi Calas Dhooli waxa uu ka qabaa duruufo badan, maalintii aay is
barteen waxaa uu ahaa xoog aan cidna legdinta tuulada loo garab dhigin, muruq
maalka iyo xamaalashada ku saabsan xogaaga caydiga ah ee magaalda kaso gala,
xaga tuurta ka sareeysa ee aay degan yihiin dad kaluumaysato ah, mararka qaarkoodna
waxaa jirta gawaadhi waweeyn oo keena galaay qaadhaaan ah oo aay kento WFP,
barashadodii ka bacdi Cilmi Calas noloshu waxaay u tahay, waqti farxad, mid
cadho, iyo mid murugo. Aroortii waa u cadho, habeenkii waa u murugo, galabtiina
wa u farxad, Dhooli waa aabaha dhamaan is bedelada Sadexdaas waqti,isaga ayaa horsed
ka ah, lakiinse waa ku heshiis labad saxiib, waayo Dhooliba Cilmi Calas waxa uu ka ogolyahay in habeenkii iyo galbtii
aroortii markaay is arkaanba u ridqo, oo u dhaadhiciyo xagaa iyo moowdka, waase
la yaab waa ma dhintee aan dhamaanee, Cilmi Calas durufta nolushu waay isku bedeshay sidii hore
uu fikiri jiray oo aay ku dheehnaayd wax qabso wa arad beeshay, waxaayna
maskaxdiisu u egtahay nabad guur, ku nool werwer iyo walaac nololeed, waayo
saxiibkii Dhooli ayaaba intaas oo dhanba u haya oo waa u barbaariyay, in aan la
fikirin, in werwer lagu noolaado, Climi waa ka markhaati arinkaasi kuma adka
inuu Dhooli kaga cadhoodo, hadiise laga tagi waayo labada Dhooli ayaa duda,
maalinta Cilmi Calas jeebkiisy
daranyahay waxaayna si gaar ah isugu qabsadaan marka Cilmi Calas u sheego inuu manta madhan-yahay, ayaa Dhooli
codsadaa inuu seedigii oo xoogaa yara ladan soo shaxaado, Cilmi Calas isaga waxaa aay ku xidhantahay in la
xusuusiyee. Markaas ayuu cagta jaw ka siiyaa oo isku raraa seedigii isagoo ka
ag-yuusaa Walaashii oo ka yar. Soo helitaankooda
lacagtaas laga soo yabadheeystay qof aan baryadda geyin gaar ahaana ka timaadaa
shaqsi xididtinimo ka dhexeeyso, oo xaq u leh sooryo nin weeyn oo ku talo
gal-leh, aan se ku sal-fadhiyin in hurdo looga kiciyo seedigii oo baahan ayaa
halkan taagan, hayeeshee Dhooli ayaa sababta lehee, Cilmi & Dhooli markaas
ayaay si werwer la’aan ah u bilaabaaan
sheekadan, duunkana kama uu dambeeyn dagaalkii labaadba, haduu ka dambeeyayna
kii Somalia iyo xabashida kama uu dambaayn, hadii uu soo yara habsaamay burbrukii
Somalia kama u dambaayn, Dhooli waa sida uu aamin san yahayee “war aduunkan iyo
Somalia maxaa isku xidhay?”, waxa uu ku jeediyay fikirkii Cilmi Calas oo intaas
uga sheekeeyaa, marka aay idaacda dhegaaystaana oo maqlaan dagaal dhacayna
waxaay aaminsan yihiin in Wanka madaxa madoob ee Somaalia laayksu haaysto. Cilmi
Calas waa uu ku farxaa oo kama werwersana ilaayn
saxiib aan caajisaayn oo so dhoweeyay ayuu helee, dookh faro badan ayaa
noloshisaa ka muuqda, dumarka magaaldana dushaas ayaa kawada qabaan, Cilmi Calas lama kulmo ihsuunbuu ku dheereeyaa, lakiin Dhooli
isaga waxba kuma aha inuu qar faro badan aay kulamo yeshaan, si aan ku jirin xishood qaar kalena sidaas Cilmi Calas ayaay saaxiib yihiin, Dhooli maaha nin haawl
yar, oo guryaha marka uu galaayo cidina il gaar ah kuma eegto, hinaasi raggu kuma
qabaan, waayo?? isagoo jiifa Fadhigga gurigaas, ninka guriga leh ayuu isak baxaa, Marwada la qabaanaa
intaay soo gasho, ayaay doc isaga riixdaa oo haawsheeda qabsataa, sida guri
fiiqista, hadhoow marka uu dhex
geeriyoodana, debeda ayaa laasyaga soo tuuraa oo waxaa soo gura cidii dishay
mooyaane cid kale sida xaaska guriga lagu qabo, ciidamada amniga sugaa, cidna
uma racaan oo laaysma waaydiiyo sababta keentay geeridiisa, waana la yaqaan
cida ka dambeesya dhimashadaas, maaydkiisa suuqyada ayuu tuuran yahay, Ma’uro
waa se fool xumo intaas le’eg, sixiroole
looma yaqaan ilaayn wa tii shalay la dilee maxa noleeeyay maanta, saacadaha waa
u firfircoon yahay, marka dambena waa u soo tag dareeya, sharaftiisu waa
cirkaas daqiiqadaha hore,marka dambena hoos ayuu dhacaa, hadii asxaabtiisu
aanay la dagaalamin, oo an la dilin isagaaba iskii isaga dhintaa, isagoo meeyda
qaar kale ayaa niyad u hayaa inaay gacmahooda kusi qalaan waaba maayd ee miyaan
damiirku ka hor istaagayn, lagam wisiwiso oo lam yiraahdo soowtii u shalay
dhinatay, waaba isagii o dhaadhaalayaa, war niyahoow kuwa u labisaa ee
maalinkasta dhar kale usoo xidhaa miyaanay kaba daalin, oo qarash badanaa inta
ku baxaysaa, lakiin inta uu soo saarayo ayaaba ka badan, iyo dhego jalqsanaanta
sida uu fuliyo haawlihii loo xilsaartay, iyo sabir la’anta kuwa la saxiibka ah,
maalinaksta may sugaan saacadaha u dhimanaayo.
Cilmi Calas saxiibkii Dhooli waa
saxiib u ku kolsoonayahay, o saaca kasta u niyad ku hayo isaguna Dhooli ma
iloowsana waxaase la yaab leh, hantaaqooyinka Dhooli ee badan Cilmi Calas ayaa kuu can baxay ma xoogsade waana u ku
waaniyaa, waayo waxa uu balan qaada inuu isagu wax taraayo, cuntada waxa uu ku
yiraahdaa waa lagu xanuusadaayee, iska daayoo arigtayda ayaad ku dhergaaysaa,
tacab uma dhigmo oo isaga ayaa aminsan inuu lacagta iyo qarashka wax kusoo
saari karo markaa Dhooli aya lagu wareejiyaa, Cilmi Calas na waxa uu hasytaa
inuu Dhooli akoon ugu shubo lacgtaas, qaraabo iyo tol col ayuu uga dhigay,
cibaado iyo caqli saalixa ciil ayuu ka baday, ma tasahde, ma tashiishe, ma
tabcade ayuu ka dhigay rag sadexdii u liitay ayaa Cilmi Calas ku dambeeyay, saxiibkan Cilmi Calas keli kuma aha waa Dhooliyee, hada kumanaan
saxiib ayuu daafahan caalmaka ku leeyahay inkasto mararka qaarkood ama
taariikhda hore la eego dhoowr qof oo kali ah Cilmi ka mid yahay la aha saaxiib.
Cilmi Calas waxaa uu ka mid noqday
odayaasah o da’dii ayaa soo godlisay, so gaabay, tacab malaha oo waa ceeb u
jooga iyo ciro nolushu hoday, waa caqli gab o qabiil kugarnaqa, Dhooli, hada
isaga ayaa iskii isaga xil qaamo sidii hore saxiib ulama aha.
Aroor kamid ah maalmaha nolosha ayaa Cilmi Calas go’aansaday in uu
joojiyo saxiibtinimada Dhooli, sababo badan awgood oo aay ka mid tahay
1. In aanu tabcan guri carurueed intii Dhooli la saxiibka ahaa
2. Camalna aanu sameeysaan, uu kaga badbaado wax wada waaydiisiga
Aadmaha, oo beryahan dambe eediisu iska badatay.
3. Caqli wanaagsan aanu kaga tegin
4. Cil iyo calool yoow u baday
Dhooli wa u daremaa marka da’daas laso gaadho in asxabtiisa hore aay ka
niyad jabaan, Sidoo kale daremaan madhaxa
noloshiisa, goor aay ku beegan tahay barqo ayaa Dhooli oo saaaka isasoo
xilqaamay so booqday gurigii Cilmi Calas
ee uu keliga ku ahaa, waaa lays
wareesytay, war Cilmi Calas miyaanad
kacaayn, wa kuma waa Dhooli, maya waan kacayaa ee xagee ka timi saaka adaaba
lugeeynayee(markii hore Cilmi Calas ayaa
lug ugu tagi jiray saaka se Dhooli ayaa isasoo xilqaamay) , waa lays raacay
halkii ayaa laga wada sheeksyaty dagaalkii joogtada ahaa ayaa biloowday, markii
aay ku egathay in Dhooli manta la aaso, ayaa waxaa dhacday waxaa soo booqatay,
mid ka mid dumarka aay saxiibka yihiin Dhooli “waryaa Cilmi Calas hawda aasin Dhooli ee aan kula yara
juga-jugeeyo, si aanu inoogu so noqon”, Alla maxaa uu ciroole cadho baday,
ilaayn waa xabashii nolosha oo madoobee, “badhkaas minjaha lugaha kaga sii jirto
naftu iidhiib aan si fiican u yaryareeyee” iaydaa la yaryaraayn doonayee”, “waxaan
maqli jirey Madax-tuki malaha waa iaydii oo Dhooli iskasoo dhigtaye”. waxaa sidaas ku leh Cilmi Calas marwadii Dhooli
seejiyay, manfac nololeed, maalgashi aduunyo, iyo fikir aakhiroba, waxase yaab
ku noqotay Cilmi Calas, Dhooli oo ila dumarkii la saxiibeen, kaba sii yaab
badan aragti xumida uu Dhooli baday, Cilmi Calas, isagu waa u Rag ee, ka waram
duulka dumarka ah ee Dhooli is barteen oo Climi yaqaan talo xumidiisa, Dhoolli sidaas
ayaay raali kaga yihiin, dadka la saxiibka waay yaqaanan hadana dan lagama
galo.
Maalinkasta oo aay is arkaan Cilmi Calas iyo Dhooli waa u barasho cusub, yaabkan eegaa
waxaa isku xidha mid ehel la ah Cilmi Calas oo u sheegaa ama umaana qiimaha Dhooli kuna tiraaba halka uu taagan yahay wanaag ahaan,
kaba sii daranee Dhooli iyo Cilmi Calas waa saxiib, hadana dib ayaa laayska baraa “war
niyahoow taloow maxaa is iloowsiiya, ma si yar oo hoose ayaay col u yihiin”,
waxaana horjeego u ah oo si fududu iskum arkaane, nin la dhaho Dilaalkii
nolosha, iyo Damc laawaha aay Qaraabada yihiin Odey Cilmi Calas , Cilmi Calas hadal
adag ayuu ku qaabilaa waxase u farxaa
marka uu arko Dhooli oo nool, xoog badan
oo dhalaalayaa, ilaayn Dhooli markasta waxaa lagu ilaaliyaa meel dhaxanta ka
fog, dabaaylna hadalkeedba ka tag, indhah ayu ku cadeeyaa Cilmi Calas , waa u rogrogaa
dhoowr nabar oo kasoo gaadha meelo kala duwan ayuu hadba dhinac ka eeega,
waxaana uu ku yiraahda war sidaad wax u qabtaa inaad bed qabto lay sheeg yee,
iyo kan haay tusinee, waa nabar weeyn, ee nabar kale oo kuso gaadhay I tus,
“Cajiib, nacabee maxaa nabarkiisa waayn
ku falayaa, maxaad se ka eegaysaa meelaha uu bed qabo ilaayn socod daayn maayo,
oo maxaad kawad-wadaaba kolaay mar dhoow waa uu dhiman ee, cajiib waaba yaab
fikir la’aaanta Cilmi Calas ku jirtaa”.
Dhooli iyo Cilmi Calas , waxaay lahaayeen dhoowr kelmadood, sidoo kale
dhoowr balan, iyo dhoowr meelood oo aay ku balami jireen, waxana ka mid ahaa
maanta xalkaagu ma caaneeysan yahay, ma curub cuntay, dalqadu ma kuu
qoyantahay, xalay ma xidigadahaad tirisay, sidoo kale dhoowr balan oo ka
midyihiin, waa inoo iyo bacda duhurka, waa inoo Xabaashii mugdiga, iyo aan is
aragno goor hore oo cadeceedu ugu kulushahay, inta badan xabaasha mugdiga ee ka
qarsoon ifka, ee laga faiido eelka nolosha, waxase kasii daran qayirnaanta, iyo
dhuudhuubnida, foolxumida uu leeyahay Dhooli cidkastaba waay ka qaadaa, waxaan
maqli jirey waxaan col & nabad ahaayn waa la kala qaadaa, iyagoo
doqoniimada sheegayaan dadka Somaalida waxaanse markhaati ka ahay, In Dhooli
dad fara badan qaadsiiyay ama asxaabtiisa ahaadeenba, dhaliilo faro badan oo
aay ka mid yihiin: dayacnaan aan ceeb loo arkaayn, Qaaylo caado nqotay, Baahi
aan dhamaan, &duruuf iska nooloow ah.
Maalmaha Farxadaha muslimiintu ee aay u dabaal degayaan bandhigooda
islaamku, sida: ciidaha, iy IWM, waxaa u dhooli udalbadaa asxaab badan oo aay
wada jaaraan, maalintaas waxaay dad faro badan Dhooli uga sheekeeyaa, arimo
murugo leh, kuwo werwer geliya mustaqbalkooda iyo qaar kale oo ku keenaa madhax
xumi nololeed, hayeshee qosolka Dhooli
ee aan kala go’a lahaayni waxa u hal beeg u yahay oohinta ka dambeeyn doonta
kumanaan galabtaas rafiiq la’ah iyo
holoca mari doonaa dhoowr jaad oo dhalinyaro waalid fiicani kusoo tabcay, muddana
ka dhoowraayay la raad dhaqaajiska eegmada gadani ku jirto oo aay hore la
wadaageen Dhooli, dhoowr kacaan ah, oo aan la garaayn maanta halka aay ku
dambeeyeen, waayo qaar badaha ayuu mariyay, Waa halyeeygaka & naakhuudaha
Doonida, Waa dilaal marka aay saxaraha marayaan, waa Aabaha fikirkan taban ee ku
dhasho dhowr murayadood oo umadani lahaayd, waana xeer-Ilaaliyaha guud ee
cidkasta oo ka hor timaado fikir khaldan, waayo mararka qaarkood hadaad la dooddo
asxaabta Dhooli waa qaaylo badanyihiin, hadalka
loogu talo galay xushmadana, iygu waay kugu argagax gelinayaaan, waaba qof aad shalay
taqaanid xishoodkiisa, edebtiisa, asbuuc kali ah oo la saxiibay dhooli ayaa
sidan u bedelay, hadaad mararka qaar kood aragto qofkan kula doodayaa Dhooli
ayaad ka dhex dareemaysaa codkiisa, markaa u hadlo ayaad moodaysaa inaad
maqlayso codka Dhooli, hareerahaad eegaysaa, ilaayn qofkan ku garab taagan waad
garan inuu Hebel yahayee, markaas ayuu ku leeyahay, waad iska nooshahy, waxaad
tahay nin jileec, laguma afgarto, wa kelmadaha caadada u ah Dhooli, “ waxaa
yaab ah qofka ka tegay abuurtiii dabeecadeed oo u guuray mid cidaan lagu dayan Karin”.
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Dhooli waxa u bartay jiil cusub oo si
fiican isaga u maroorin-karaa ilaayn ninkan Dhooli waa u dhimasho jecel yahay,
cida sida fiican u disha dookhiisa ayaa ah, halka qaarkale isago badh noolyahay
aay ka tagaan oo naftu ku rafaadayso, markasta waxa uu isagu jecel yahay, qofka laso kaca
xooga iyo awooda, sidoo kale isaga aya ma dhalays ah oo ciksata oo wadadiisaas
mari axsaan u aragtaa waa uu mariyaa, waana u kasa saaraa ayaaha nolosha ilaayn
isaguba waa goblan, waa matabcade danitiisunawaa duul-duul degelo abaareed,
waxaad moodaaba inuu hayo shaqooyinki shaydaanak oo kale, waa hubaal in dad
badani qofkan is waaydiinayaan, hadaanad garanba oo fikirkani ka dhex
guuxaaynba markaagii hore, ma danasytee hawshiisa wataa Dhooli, oo isaguba maxaa
u noqon waayay dadka umada maamula, waxase kasii daran, qofkan dadka faraha
badan ee uu saxiibka la yahay, waxase aad layaabaysaa eexda nolosha uu dad faro
badan geliyay oo ilaahay kareemayay, “Mudane/Marwo
horta saxiibkaay akhristaha ahoow adiga saxiib ma kula yaahay waa suurto gal
inuu agtaada hada jiifo, adigoo ka muragaaysan” .
Sanado soo jiitamay ka bacdi oo
diif adag iyo dhib soo kala martay labadan saaxiib, hadda gugan iyo daayrtii
tagtayba Cilmi Calas waay kala baadeen
isaga iyo Dhoolo, waayna kala tageen hada waayo inta aay iska arkaan waa
in yar waxaa kusoo baxay da,da, lacag
la’aan, iyo tamr dari, waxaayse kulmaan galbihii isku arkaan qaar Dhooli
gacnyare u ah, goobaha garooamada ciyaaruhu ka dhacaan, ee inta badan u sameeyay
ama ah fikiradah xorta ah ee ka yimi Dhooli,
waana hal abuur xaga ciyaaraha kaftan wadaaga qof isu keeni karaa,
Alla maxaa u dalkan kasoo saaray kumanaan afmishaar ah, oo aad yaabasyo sidaaay hadalka u yaqaanan si fiicana u tababaray, Dhooli, marka dambena siidhiwale ayuu ka noqdaa, nimankaas sidaas hadalka u yaqaana hadaay socod kudarsdaan cidna iskma celin karteen yaase u socsocnayaa ilaayn Dhooli ayaa garb taagane ah, isaguna waa curyaan.
Alla maxaa u dalkan kasoo saaray kumanaan afmishaar ah, oo aad yaabasyo sidaaay hadalka u yaqaanan si fiicana u tababaray, Dhooli, marka dambena siidhiwale ayuu ka noqdaa, nimankaas sidaas hadalka u yaqaana hadaay socod kudarsdaan cidna iskma celin karteen yaase u socsocnayaa ilaayn Dhooli ayaa garb taagane ah, isaguna waa curyaan.
Cilmi Calas waxa uu dhowaan guursaday inan carmal ah, ilaayn wuu awood gabay
oo Dhooli aya bakhitiga kasoo dhigay, waxa uu weliba si adag u dayici jiray
marka uu galbtii legdanka geli jiray, ilaayn waa nin dhaawac u ooli jiray ayuu
ahaa uu markasta is lahaa si adag u dil yaanan lagugu arag dhaawacan ceebtiisa daalna
kuma yaraayn, waxa u si oranjiray xabaal iyo ninkeedi loo kala tag, waa marka Dhooli
garab yaalo.
Cilmi Calas iyo Dhooli maalin
ayaay wiigi kala badbadaan, marka aay dadku ku arki waayaan waay uga duceeyaan
ugana mahad naqaan, in aan ilaahy dib isu tusin, isaguna si farxad leh ayuu u yiraahdaa,
war dib usu arki maayno manta yaa isugu kayo dambeeysa, waxaa u moodanaa inuu qol madoow ku haaystay,
waxase kasii daran qaar kale wxaay yiraahdan war miyaad u sixrantahay, ilaayn waa
adigan arkaa inuu dhib ku gaaystay Odaygani Dhooli, mase dhacdo beriba isago
qoslaaya ayuu wajahaa, “cajiib mudane sidan oo kale weli qol maluguugu xidhay oo fikirkaagii ma la gumaaystay, o
hadaayse dhacday ma ka yara fikirtay is yara xoreey, ilaayn aabayasheen waa
taay is xoreyeenee oo iska kiciyeen Ingiriis, o ka awood badan Dhooli oo kaso
jeedaa Wadan laangaab ah”.
Guurkii wuu ku adkaaday oo wax badan ayuu soo talax gabay, hayeshee
marwada cusub waa carmal. labo caruur ah
markii aay u dhashay ayaay dhalmo daaysya waa wiil iyo gabadh aan lagu barbaarin
farxad iyo wanaag waayo markii Dhooli lo sheegay guurkii Cilmi Calas , ayu dagaal ku qaaday culus oo ah in uu dib
ugu soo laabto garoomadi ciyaaraha, ee Dhooli siidhiga haayn jiray, waxaana uu
dagaal culus ka dhex qarxiyay gurigii cusbaa, oo hadh iyo habeen joogta ahaa, Cilmi
Calas maalintii wa ka raali Dhooli ,
haabenki waa u ciil iyo cadho marka u ku qaayliso xaaskiisa , waayo Ooridu waxay
necbaayd Dhooli o ay arki jirtay isagoo taagan hadba gidaarda iyo meelaha aadka
u dayacan, oo aanlahaayn sharaf & karaamo toona, Dhooli waa u yaqaan
marwadan oo hore ayuu isugu dayay inuu sheeko wadaag la noqdo hadii u guursan karona
isku dayoba, war yaa walaal guurka Dhooli maxaa uu soo kordhin karaa adba
aragoo. Marwada qudhaas, Quruxdaas, iyo Quwadaas leh ayu Dhooli raba inu guursado, maxanuse ugu
diidaaynaa imisuu xoog dumar wiiqay, Adaan
aqoon ee qaar kale oo daymada u roonaa oo kacaan barbaaray, ayuu guursaday
hadase inaga hoseeyaa Alle ha u naxariistee, Dumarka jooga leh ayuu eegtaa
waayo marka uu la saxiibo wuu rifaa si uu u wiiqo awoodooda, dadkuna ugu qudro
qaataan waxse iskam bedelaan inta kusii jirtay heshiiskaas saxiibtinimo,
cibrona uma noqoto qaarka kusoo biirayaa naadigaas, war ma aboor baa, waa aboor
aduunyo maaha mid aakhiro, soo mid aakhiron miyaano noqon Karin, ilaayn soowkan
aakhiro ku seejiyay Dhooli.
Cilmi Calas markii u mudo
joogay,ayaa wax dhacday, inuu gurigiisii u baaba’o o si qoto dheerna aay xaaskiisu
u kal tagaan, wa laga yaabaa inaad ka fikiraayso si qoto dheer u kala tegistu
maxaay kaga duwan-tahay, kala tegista caadiga ah, waxaayse tahay marka la
ogaado karti daradaada, iyo camal xumidadaa, liidashada shaqsiyadaada,
necaaybka aay ku qabaan reerka aad la xididay guyaashaas, furiinka aad furtaa
inantaas farxad uun ayaa laga qaadayaa, Xaawaleeyda aad kala tagteena kuumasooo
boholyoobi doonto ilaayn waxba kumaad kordhin jirinee, Odey Cilmi Calas , Duqa
habaar faro badan ayaa ku dhacay, iyo yaab waxase ka habaar badnaa Dhooli, Dhooli
isagu waxaasi ma dhibaan oo hore ayuu u dabar go’I lahaabaa, waxaana noloshiida
ku dhici lahaa nabaad guur, Si kooban aan ku su’aalo horta Qalbigaagu ma ila
jooga si’aad u fahanto Dhooli “ma suurto gal ba in qaar kale u duceeyaan Dhooli,
Arkayoo isagu duco Alle ma waaydiistee, Raxmaanku habarka iyo ducada Dhooli malaha
Habaarka ayaa maqbuula ah, Ilaayn dulamahana ducadisia ayaa la aqbalaa, waase
Sir & xog inaga qarsoon oo Eebbe Garab taala”. Waana imtixaan ilaahay, oo Aduunayda ayaa la keenay
shaydaanka si aadmuhu uga taxadiraan, waana isu cadoow hadh iyo habeen is
ugaadhsanayaa, inkastoo ugaadhsiga uu ka yimaado hal jiho oo kali ah, waa xaga
shaydaankee, sidii xoolo iyo waraabe colaad ka dhexeeysa, waayo waad maqli
lahaayd kumanaan dad ah oo iski kaashanayaa cadaawada shaydaanka, halka
laaysaga kaashato qabyaalada, waase aragnaa nin naftiisa ka badbaadinayaa
Sahydaanka iyo mid dadka u sheegayaa cadawtinimada Shaydaanka Ilaahay ha
duleeyee, Dhooli waa gacan yar shaydaan
oo aduunka ayuu la dhameeysnayaa waa
sida ii muuqatay. Habeenkii waxa u xisaabiya isagoo la kaashanayaa gacan
yarihiisa inta saxiiba ee sookorodhay, waxaa sidoo kale oo qorsheeya waa Dhooli
ee sida u sameyn lahaa asxaab cusub, hadase waxa u culaasyka saara xaga duamrka
taloow faiido maxaa u kuqabaaa? Kasii daranee sanado ka hor dumarka waa uu ka
biqi jiray oo ma u doonan jirin hadase ka haawl gal arinkaas, “Su’aal ninkii Dhooli
ee aad taqaanay, ee raga warjeefay, ama adiga saxiib kula ahaa hadii uu gurigii
kuu dabo maray soow anfariir iyo layaab kuguma noqoteen?”, hada dhinac kale ka
eegoo Dhooli miyaanu kala saari Karin saxiibtinimada duamrka?, waxaan filayaa
dabeecad isku midna ayuu ula dhaqmaa oo dumarka iyo raga xidhiidh isku mid ah
ayaa ka dhexeeya”weligaas taas oo kale ma aragtay?”, waayo waxa uu eegtaa inta badan dumarka la qabo ee lacagta yara haaysta,
sidoo kale waxaa u sheegaa sheekooyin maro awaal ah oo dumarka ciddii dheg u
dhigtaa ku niyad samaato, waxkastaba haka danbeeyeen.
Cilmi Calas habeen ka mid ah
habeenadii Murugada, tiiraanyada, Werwerka, walaaca, Walbahaarka, Wiiradda, iyo
weglada, uu baday Dhooli ku dhex jiro a mudo dheer, ka bacdi cawaay sheeko dheer baay-yeesheen, Cilmi Calas waxa u
sheegay in saxiibtinimadoodi aay dhaxal siisay dhibaatooyin badan oo hoday
noloshiisa seejiyayna mustqabalkisa, sidoo kale aay keentay aayo xumi faro
badan oo aay ka mid yihiin
1. Ceeb oo uu baahi tegi jiray xidid iyo xigaal
2. Ciil iyo murugo joogto ah
3. Awood dari iyo duruufo nololeed.
Cilmi Calas oo hadalkisii si wata
ayaa yiri ”Intaas ayaan saxiib kula ahaa raali ka ahaa, waxaanse kuwaaydiiyay adigu
soowdigan maalin kasta sii qurux badanayaa ee aan lahaayn fikirka, werweraayn,
ma dhamatid oo ma gaabatid o ma tag daraaysid, dadka adaa ka socodo badan o ma
daashid, oo waxaad u hasaawisaa kumaaanan, kam caajistid, ma baaqatid, oo
hurdumo kulama tagto, ma guursatid, oo dadka ma shaxaadid, ma taqaanid baahida,
kuumana kala soocna madax, oday, ciyaal, iskaba daayo isku meel ayaad isugu
keeni kartaa, ee maxaad cuntaa Dhooli??
Iskuday oo maxaad u malayanayaa inuu kartidaas ku helay? Ma bani aadam baa Dhooli?
Waa suurto gal haduu doono.
Maalintii dambe ayaa wax dhacday in xanuun ku dhacay Cilmi Calas da’duan ha iska wehelisee, waxaa haleelay
xanuun jeex qalal ah oo la kulmay aroor aay wada jogeen Dhooli ayaa si adag u
canaantay oo ku canaatay inaanu beryahan is arag una seehagy inuu 50 sano saxiibtinimo
ah ku ciyaarayo, cadhadii iyo canaantii aay ka muuqatay inuu wax fiican u wado
iyo maag aad moodo in naxariis ku sal fadhiyo sidii Odey wiilkiisii maagayaa oo
kale maxaad ku dareemi lahaayd, markii uu dhameeystay Dhooli, hadalkiisii
yaabka badnaa ee aftahanimo ka muuqatay, iyo kalgacal badan, “hadaad aragto
mararka qaarkood qof ayaa ku maagayaa isagoo nasteexo isaga kaa dhigayaa, waana
suurto gal inuu god kasii tuuraayo” Cilmi Calas oo aan dan garasho seeganaayn, hayeeshee aan awood
u lahaayn dhanaba,” Tallo wa mar aad garan waaydo iyo mar aad gaadhi waaydo” ayaa Dhooli u arkaa maanta inuu yahay xaasid baab’iyay mustaqbal uu rabay,waxaanau
is waaydiiyaa hadaad gaboowday ma masaajidak gal ayaad kari waayday? Iyo
su’aalo kale oo maanta nasteeexu u muuqda Cilmi Calas Dhooli sidaas darteedan
aanua arki karinba fikirkaas caynkaas ah waayo wa u sun u ku dhinto cida sida
fiican u fikirt, iyo saaxiibtinimo la”aam aduunyo, maalintaas waxaay ku kulmeen
midka mid goobaha aay ugu yimaado Dhooli dadkiisi aasxaabta intaanu geeyn
meelah ciyaaaarha lagu safto, ama loogu mushxarado dilka Dhooli, waxaayna
goobahaasi can ku yihiin Mugdi, Xan, Lahwi, sida Muusiga & waxkasta oo
ilaahay necebyahay oo aay ka mid yihiin inuu isugu keeno dumar &rag.
Waxaa dhacday xaunuunkii Cilmi Calas waxa u keenay inuu mudo ahaado Dermo jiif
dulyaala gurigiisa oo an Karin inu xitaayn cibaado gaadho, maskaxdiisu inta
badan waay is bedeshay oo hadalo kala duwan ama is dhaafa ayuu ku hadlaa,
waxaan u iman jiray dadka tuulada guud ahaan, waxaase markii dambe ku
dambeeyay, labadiisa caruurta ahaa, waxaase la yaab leh Dhooli maalin kali ah
muu soo booqan, dhanka kale waxa ugu
dhib badnaa, in habeen kasta maalmihii hore riyo ugu iman jiray weliba isagoo
bahalo yaryar ah, sida jiir oo kale waxaana u arki jiray Dhooli oo jiir ama
mulac, ama Mas ah oo cunayaa amaa meel khaldan ka galayaa, war Dhooli
yaabkiisa ma marku doono ayuu waxan
yaryar noqdaa, waana arin cajiib ah, “akhriste Dhooli saxiibtinimadiisa ka
waram?”, “anigu dhankaayga waa cajiib badan yahay inaan arko ayaan doonaa
mararka qaarkood, hadana fulay ayaan ahoo waan ka yara baqaa”. Cilmi Calas geeridiisa yaa timi wxaana cidkasta aay oran
jireen Dhooli ayaa ciil baday, caloolyoow u keenay, qaar kalena waxaay oran
jireen Dhooli ayaa u dhigay shirqool geeri uu ku dhintay, waayo maalintii uu
xanuusaday Climi waxaa la joogay Dhooli, waxaayna dadka qaar u qateen in uu Sun
siiyay ama u galaaftay isagoo sixiroole isaga dhigaaayaa.
Dhanka kale mudo uu gidaar yaal ahaa Cilmi Calas waxaa aay caruurtiisa ilaahay ka baryi jireen
inuu geeriyoodo, waayo somalida ayaa waxaay tiraahda, marbaay geeridu nolosha dhaantaa, waxaa keenay in caruurta Cilmi
Calas karaahiyaaysato, habka nololeed ee
u noola Clmi ayaa ahaa mid dayackasta uu ka muuqday, xanuunka oo keenay inuu
gaadhi waayo meehsa uu tagaayo saxarada, soo celinta cuntada, sidoo kale
garasho la’aan hadal, oo waxaa kasoo baxa afkiisina aaay ahaayd, caay iyo
aflagaado kasoo horjeeda diinta islaamka, Allow khaatumada Khaayr noogu bedel,
waxaase la yaab leh in Cilmi Calas aanu
lahaayn Sharaf karaamo, iyo maal aduunyo oo meel uun lagu geeyo, dadkana waxa u
kaga xidhna Dhooli iyo inyar hadba Dhooli baro oo aanu dibba u arkin jirin
ilaayn iyagu Dhooli ayaay saxiib layihiinee, dhanka kale dadka intii aay is
yaqaaneen waay baxeen ama geeriyoodeen, Cilmi Calas na war uma haayn oo Dhooli
oran jiray marka la dhaho yaa dhinatay, ma xabaal ayaa xabaal dhaaanta inaguba
tii mugdiga aduunka ayaay ku soconaayee war inagama mari, oo horeey talaabada
usii qaadi jireeen.
Wilkii curad ee Cilmi Calas ayaa waxaa uu isku dayay, inuu wax ka ogaado
geridii aabihii sababta keenaty, waxaa u tix-raacay inaay saxiib dhow ahaayeen Dhooli,
waana uu la saxiibay Dhooli si uu ugu waramo, Dhooli cidna kama xishoodo inuu
la rafiiqo, waxana uu isku dayay inuu uga faa’iideeyo khibradii uu leeyahay ee
uu ku yaqaanay Cilmi Calas, waana arinak uu xiiso qabay wiilkan da’yar. Wuu u bar bilaabay sheekooyin & dabacadihii
aabihii, waxaase Dhooli shuruud u xidhay
inuu ka qaayb qaato aaska Dhooli ee dhaca galbkasta si uu war u siiyo, wa shuruud
adage, sidoo kale yimaado goobaha xabaashiisa
ee aay joogaan kumanana asxaabtiisa, ma
u waaydiin oo isma oran hadaad dad badan haayso maxaad aniga igu falasyaa,
waxase kasii daran kama u fiirsan waxa uu kala kulmaayo, oo waxaa dadkaba u
sheega gacan yaraha Dhooli, iyo asxaabta soo jireenka ah “Mudane/Marwo
ma u tegi lahayad adoo raba inaad
la rafiiqdo akhriste, dilaagii caanak
ahaa ee aabahaa kusoo shaac baxay, dhanka kale dadkan ku hadla afka somaliga ee
hadh iyo habeen kala guranayaa magaha, iyo godob reebka maxaa Dhooli kumanaanka
u dilay loogu qabsan waayay?, oo aanu u arki waaynay isagoo gabadh walaashiis
ah oo loo-si wato godob reeb??!!, inankii ayaa ku biiray xabaashii mugdiga
aduunaka, halkii ayaa inankii yara ku biiray, waxana uu ka mid noqday dadka uu Dhooli
aadka u xiseeyo, wax is bedel ah kuma u
samaayn waxaase la yaab leh inankan yari isagaaba u tababo baran habka la
qabsashada heshiiska Dhooli, sidoo kale u xeelad yaqaana xabaalo qodistaoo waxa
uu sitaa dhoowr mandaraq oo afeeysan, waayse iska talax gabi doonaan gu, &
daayr ka bacdi oo xejiyaasha ayaa soo godan doona, Dhoolina waabau ka yaabayba
firfircoonida inankan, hoostana waxa uu ka dhaha iska or-orod adaa soo godan
doonee, ilaayn Dhooli aya gacanta kugu hayee , waxaase yaab leh Dhooli waa uu ku faana hadba
inta uu galafto, waana ka mid Cilmi Calas oo dhalay gabankan fir-fircoon,Gabanku ma
dhibto ku manosheegashada geeridii aabihii ilaayn damiirkiisu maba jooge. Wiilki
waxa uu maray uun halkii aabihi waxaana u dhaxlay inuu tolkii u buuxiyo booskii
aabihii, sidii oo kale ayuu ku galaftay inankiina, waxaana uu aduunka ku dul
noola 27 sano kali ah in kayar da’dii aabihii sidoo kale wax cauruur ah kama u
tagin waayo maba u haleelin guur halkaas ayaa qooyskaasi u raad go’een waayo
cid kale o ku abtirsitaa may hadhin, lakiin dhagar qabe aabahaa dilay ma la
saxiibi lahaayd hadaad saamaxdo waxa laga yaba inaad ka agfogaan lahaayd, mase
waaydiin lahaayd sidaad aabahay u dishay, hadiise uu ku sheego oo ku yiraahdo
halkaas ayuu maray oo ku dhinaytay miyaad wadada laftigeeda so tijaabin lahaay,
kaba siidarane yaa ku damanad qaaday waddada hadaad marto inad nabad kaga soo noqon
karto, waxa inankaas iyo odayga is dhalay mudadaas ku dul noolaayeen Mugidigii
xabaasha aduunka.
Dilaallak noloshu isaga waxa uu ka shaeqeeyaa sidaad u legedaa qof
caafimaad qabaa, waana cida Cilmi Calas & Dhooli is baray iskuna xidhay. Dhooli
Aboorkii Aduunka, Dhooli laftigiisa ayuu geeridisia maalinkasta soo bandhigi
jiray iyo meelaha uu xoog badan yahay ee u baahan yahay in laga tumo.
Qiyaas o sheeg waxa uu noqon karo Dhooli, xabaasha mugdiga aduunak iyada maxaad
u malaynaysaa yaase dilaal kii nolsha ah.
Sheekadan waxaay si gaar ah u taabanaysaa Qaadka oo Dhooli, ah iyo
meelaha lagu qayilo oo ah mugdigii xabaasha aduunka, dadka xayasysiiya ee
qaadka iibiyaa, oo ah Dilaalkii nolosha, dilka Dhooli waa cunistiisa.
Dhagar qabo dilaa ah oo aan dadku tebin, sadheeyee nololeed, seejiyayna
kumanaan ubax ah.
Hassan Abdi Shire.
Jazaakalaahu khayran yaa Akhii!!!!!!!!!!!!!! waa wax xaqiiqa ah
ReplyDelete