Thursday, June 18, 2015


Markuu Doobigaagu Buuxo Daboolka Hadaanad Saarin Kibirku wuu Daadiyaa.
W/Q: Hassan Abdi Shire
Wax aad ku xoogsato aan ku siiyoo, gaajadu waa dhib iyo eex socotee,  mayee ha i siinee iga iibi  oo lacag amaah ah  aan kuugu beddelo,u tudh, yagleel hannaan cusub, iyo hirgalin baahi ka guurguurasho” waa sheeko dhex maraaysay Wiil & Eedadii Aabbo”. jawaab degdeg ah war: dhiigaygii baad tahee ha i fogayn. hadallo noocaas ah ayay ku guraabaasayeen  iyagoo is haysta, hayeeshee Eeddadii shendad wayn ayay sidatay iyo muraayad nooca in dhaha ka wayn ah , cabbaar muran taaganaa oo aan dhegta la raacay ayay u dhiibtay waraaq ay ku xardhantahay labo qalin oo mid si ma guuraan ah loogu sawiray, iyo mid ay markii dambe ku dul maluuqday mid ay sidatay, afkeedana waxa ay kusii dhawaaqaysay, kelmado aan garan waayay micno ahaan, lakiin u ekaa ilaaq, hadana aad moodo hadaaq ilmo yar   Eedo waa jeeg waa kelmad aan maqlay  ma aan se hubin  in ay u jeeddo kii caanaha ama biyaha lagu shuban jiray, iyo kii lacagta lagula bixi jiray waxaanse garwaaqsaday markii inankii uu sidan yeelay.
 Farxad uu qosol ku dheehan yahay ka bacdi,  waxa uu eedadii u sheegay marka uu gaadho meeshii ay ku marti qaadday si fiicanna uu u xoogsado  in uu samayn doono abaal gud noociisu yahay in uu badh ka siiyo deeqda faraha laga saaro, waxase aan ka madhnayn in ay ahayd amaah iyo dayn uun laga sugayo, islaantii oo aad moodo in janadii loogu bushaareeyay ayaa ku dhufatay qosol noociisu yahay ka gurxanka dheer, ee bog qalalka leh, dadka aagaas joogana ay kaga baraarugi karaan hurdo, caruurtuna aay sas ka qaadi karaan. waqti markii ay qaadatay ayay soo baraarugtay, waayo qosolka dhinaca loola dhaco farxadna aanay ka dambayn,  si ay ugu mahad naqdo wiilkii eedada ay u ahayd waxaase si yar oo fudud dhulka ugaga dhacday muraaydii indhaha ee waynayd, dhowaa inta isbedelkeedu ku sugan yahay,  intay cadho isla bedeshay ayay ku tidhi war tanna adaa soo ibin doona ' ma waqtigan? ayuu inankii ugu jawaabay? ' mayee marka aad soo xoogsato, hadaad doonto dawarsoo, taas ayaaba manaafacaad badane eeddo”dhawaaqa aay ku hirdaanyoonaysay ayaa sidaa u dhignaa”. Daqiiqado intaanay kasoo wareegin waxaa xaajiyadii is bedelay muuqaalkeedii farxadeed waxaana xaal noqday Sida:
 Islaantii oo  aad mooddo in wejiga dhirbaaxo lagala dhacay oo indhaha ku eegaysa sidii libaax hilib arkay, oo aad moodid in dhegaheeda aay ku furan yihiin qaylo dhiillo leh ayaa ay u dhaqaaqday sidii socod gaadhi taayir ka ban jaray, oo ay sii san qadhay sidii qof aan cidna ixtiraamayn markii ay muddo sii libidhay ayuu inankii ka daba qayliyay wuxuuna yidhi isaga oo la yaabban kuna dhawaaqay. “Halka xaajiyadaas uu adduun jacaylku ka gaadhay bal eega”, eedo ma waxa aad iigu cadhootay arinkaas yar ee aan wax  ka yeelay,  inta ay eegtay ayay ku tidhi adigoo sabool ah, oo gaajo la liicliicaya ayaan kaa farxiyay, markaas ayaa aad cadho iigu bedeshay,”cadho iyo farxad aan daqiiqado u dhexayn annagaa goob-joog u ahayn”  hadalkeedii ayaay sii wadday: halkaad  raali galin i siin lahayd, ayaad badheedh maagid iyo aflagaaddo iigu daraysaa, muran dheer ka bacdi,  waxaa dhegaysiga  igu saddexeeyay nin sheekh ah wadaadnimo faro badanina ka muuqatoo, oo si aay ku jirto diir nax, aan lahayna digasho, balse dareen uu ku dheehan yahay lexejeclo aan  lahayn dhammaad, salkeeduna yahay badbaado aakhiro oo kali ah, iyo masuuliayd saran culimadda, ayuu dhegta bidix la raacay, si kasii balaadhan sidaydii aan u taagnaa, isaga waxa u dheeraa inta uu gacanta i qabsaday sidii qof i garanaya, wuxa uuna iila  durkay dhankii sheekadu ka dhacaysay, dhowr xamaal oo meesha dhuxul ku rogayaana, waa ay yaabban yihiin, qaylada dheer ee aad mooddo sidii qof damac aan ka lahayn sharaf, dhowrasho, is-dhudhumin dadnimo, iyo debecsanaan ku abuuran shaqsi saalixa,  sawaxanka hadalkaas ee  ka imanaya xaajiyadaas.

 waa qurbo jog muddo ku ciraystay waayaha reer galbeedka, oo ku dhawaaqaysa kelmado u badan af qalaad, qolada daawadayaasha ahi ereyo luuqad kale ayay ka baranayaan oo hadba marka ay kelmad tiraahdo ficilka ay raaciso ayay ku fahmayaan wase hadal caay u badan, wadaadku wanaag ayuu la janjeedhsaday oo xuman nacayb ayaa halis galisay, waana dareen ku tallaalan saaxibul caqliga, inta aanan gaadhin halkii ay isku haysteen ayaa inankii dhalin yarada ahaa ee haystay waraaqda qoraalka ah ee loogu yeedho jeeg, walina aan helin lacagtan la yidhi ku dhoof, ayaa is yidhi ilayn baahidaada oo aad u beer nuglaataa waa ay ku hoddaaye, eeddo tan ku qoran jeegga ayaan muraayada kaaga iibin doonaa, intay soo eegtay ayay hadana ku tidhi, war anigu muraayad iga jabtay kama xanaaq-sani ee abaal darridaada ayaan ka yaabay, iyadoo dhiancyada eegaysaa, yaabka yaabkiisa, waa aan soo gaadhnay goobtii aay isku hasyteen, intaay na eegtay islaantu ayaay hadana indhaha nagu gubtay, iyada oo leh war sheeko ayaan ha ysanaaye aniga iyo wiilkayga ee maxaad u baahan tihiin, shiikhii oo yaabbanaa cabaaradan maqlayayna hadalka dhawaaqiisa ayaa hadal waano, tusaalayn, iyo toganaan u badan ku afrogay islaantii kuna bilaabay mahadnaq, iyo werwer galin aakhiro waxayna u dhacday sidan :
Sida culimadu caanka ku tahay waxa ay ku furfurtaan hadalkooda mahadnaqa Eebbe, waxa ayna ku xejiyaan wacdigooda aayaduhu ugu horeeyaan, Wadaadkani waxa uu   ku bilaabay ka bacdi Salaanta, iyo mahadnaqa Eebbe ka bacdi aayadan Qur’aanka kariimka ah kusoo aroortay: ( Is waaniya, waanadu waxaay anfacdaa dadka mu’miniinta ah) waayo gaalo waxba uma tartee, shiikii waxaa uu markii xigtayna siiyay kelmadahan aadka u intifaaca badan ee u dhigan sidan:

Dadka kumanaan ayaa saboolnimo la nool, qaar kalena waa maal qabeeno, ummadda duruufaheeda wax laga waydiiyo, labo guri oo jaara ayaa midna ku waaberiistay murugo iyo ciil ka kalena nayaayiro iyo farxad lakiin aan la isku warhayn! dhanka kale dadka qaarkood lixda laxaaad ayay ku ordayaan qaarkalena caafimaad darri ayay la jiifaan goobaha caafimaadka, labo saxiib oo mudo dheer soo wada joogay ayaa nolosha iyo isbedelka koriimaad kala duwayaa 20 sano ka dib  ismaba yaqaanaan, waa arimaha aay aduunyadu ku caan baxday ama astaamaha u ah,  iyo degelada jaarka lala yahay intasba la noolyihiin oo inaga kali aanay inagu ahayn. Ilaahay arinkaas imtixaan ayuu uga dan leeyahay qofkii fahmana wuu gulaystaa ka kalena waa hubaal inuu mashaakil la god-galayo hayeeshee intaasba iyadoo jirta Raxmaanku waxa uu inaga simay cibaadada iyo akhlaaqiyaadka wanaagsan, sidoo kale qofkasta isagoo sabool ka ah dhaldhalaakii aduunyada ayaa maro cad lawada xidhanayaa hal naxashna lawada fuulayaa! Sidoo kale goobaha ilaahay lagu caabudo waa loo siman yahay taasi waxa ay ku tusaysaa in quluubta la dhisaa ay aad u muhiim tahay, sida ay aayadda qur'aanku leedahay “daahiriya nafihiina oo ah ruuxiyadda”, “ilaahay ma eego sawirkiina iyo jidhadhkiina lakiin waxa uu eegaa quluubtiina:. Ilaahayoow saboolnimda ma guuraanka ah naga badbaadi oo u dhigan guuldarada Aakhiro.

Xaajiydii oo boorsada ku ogayd dhowr aw-bidaar ahaa ayaa shiikhii ku tidhi war hoo midhkaas oo   naga tag gadh-dheere maryo dayacan sita ayaad tahee, oo ka dhaqaaqday iyadoo dhinac ka eegaysa  wadaadkii u holoday wanaag farista, una arkay qof muslim ah sidoo kale guttay masuuliayd saaran, ma hubbo in wadaaadku cadho awgeed habaar raaciyay, waxaase uu igu yiri: khayr ma qabto. Markii ay  toban tallaabo  qaadday, muuqaalkeeduna noo wada muuqdo, oo aanay ka laaban gaadhi xamuul ah oo ka xiga dhanka galbeed, gacmahana aay u soo lalinayso dhankayaga, oo ay ku dhan yihiin aniga, shiikhii, wiillkii aay eedada u ahaayd, iyo dad soo gurdan raacay codka wanaaga leh ee shiikha, si lama filaan ah ayaa waxaa dhanka konfureed kaga yimi  nin waalan, shiikhiina waxa u dhaqaqaay isla dhanka ninka waalan,  odaygan waalan oo muddo ku xagaayaystay magaalo weyn, habeenkiina seexda derbiyada qashinka, maalintiina galinka hore dadka shaxaaada, galabtiina docda dhigta xoogaa jaad ah, ayaa ku yiri: Hooyo wax I sii iyadoon eegin laakiin dareemasya in dhankaas shiikhii ka aaday ayay tiri si qaaylo ku jirto war bal eega waxan mar wax no sheegayaa mar na wax na waaydiisanayaa, nimankan gadhdheertu waa lacag jecelyihiin, “ hubsiimo hal ayaa la siistaaye”  waxaa u dheer kelmadaha dhaadheer sidii ogaysiis oo kale ay kor u qaadayso hadalkeedii si wadatay iyadoo  maqalsiinaysa dadkii, waxaayna tiri: “marna Alle ka baq, marna Wax isii” ninkii waalaa ayaa lasoo booday tooray uu dhinaca ku sitay, oo dhabarka kaga  abudhay,  intay dhacday ayaa ay qaylisay”ninka waalan haduu doono afar cisho wax ma cunin, waayo dadka ayuu ku indho batay”,  waxa goobtii ka qaaday wiilkii aay eedada u ahaayd, iyo shiikhii, waxaa la geeyay dhakhtarkii ugu dhowaa, baadhitaan dheer ka bacdi waxaa la ogaaday inuu xanguluhu go’ay,  sanado dheer & bilo dheeraad ah ayaay rafaad ku noolayd xoolihii yaraa ee ay haysatayna uga dhamaadeen dawo, dadka inta la joogtan waqtiyada dambe  wanaag kuma qabaan waase ka waalidtinimo, waxaana ka mid ah wiilkii, eedada u ahaayd,  markii aay muddo silic ku noolayd, ayaa maalin maalmaha ka mid ah  loo soo saaray xaga dhanka dibada si aay u laydhsato, waxayna aragtay ninkii shiikha ahaa oo uu gaar ula taagan yahay ninkii waalnaa ee dilay, inta ay yaabtay ayaa ay wax u qaadatay in aay isla ogaayeen arinkaas, qayli ayaa ay is tiri waa ay u suurto gali wayday, labadii oday kii walaa iyo shiikhii ayaa hal marwada arkay, Shiikhu waxa uu ninka waalan ku arkay maalintaas meesha, iyadoo lagu mudaayo, irbad loo yaqaan “Moodhikaayd” Wadaadka oo naxsan ayaa  kusoo dhaqaaqay dhankii marwadaasi fadhiday, mar kale waxaa uu ka  codsay inaay Alle ka cabsato, iyadoo dareentay fogaanta iyo cadhada Alle ayay ka aqbashay, shiikhii ayaa gacamaha cirka u taagay, isagoo duco dheer u baryay Alle caafimaad inuu siiyo haweenaydaas, geftay oo raxmaanu toobadeeda ka aqbalo, Muddo aanay ka badanaayn Shan daqiiqo,  kii waalaa ayaa hadan soo cararay isagoo gartay inaay tahay qoftii dumarka ahaayd ee uu malintii ka cadhooday, waxaa usoo sitaa tooray tumaa ah oo uu ku qarsaday surwaalka hoostiisa, dadki ayaa kusoo cararay si aay u qabqabtaan, waalaaysu tagay waa laqaban kari waayay” arin Alle ayaa ku  jiraa” tooraydii dacalkeedii hore ayaa kasoo gaadhay halkaas kelida korkeeda, oo mar kale ayuu dhaawac marwadii u geystay, ileen qof socon karta maahee,!! waa lala-cararay  iyadoo geeri loo sadaalinaayo, ninkii waalnaa ayaa la xidhay, saacado ka bacdi ayaa waxaa la sheegay, in xaajiyadii ay dareemihii xanguluhu soo celiyeen oo dhigii toorayda dambe aay ka saaratay dhig xun oo dhex raacay xubnaha mareenada quluqlka oo laayay dareemayaasheeda xangulaha, waxaana xaqiijiyay todobo dhakhtar oo isugu yimi.
Xusuus gaar ah:

Sheygii ku dilay mar labaad caafimaad ma ku heshay, Alle waxkasta waa u fududahay. Tusaale ahaan biyaha Alle Fircoon waa uu kuhalaagay, ama dad ayaa daad ahaan ku qaadaan, qaar kalena waa ay intifaacsadaan sida cabista, ama dulamarista gaadiidka badda,nebi  Muusena wuu ku badbaadiyay. 

Hambalyo Ku Socota Dadka Muslimka ah, Bisha Barakaaysan ee Ramadaan Awgeed.


.................................................................................................................
Dhamaan Muslimiiinta dunida ku nool gaar ahaan inta ku hadasha afka somaaliga waxaan ugu hambalyay nayaa bisha barakaaysan ee Ramadaan inta fursad u heshay in Alle Gaadhsiiyay iyaga oo nool sidoo kale Caafimaad qab u helaay inaay ku cibaadaystaan, Allena waxaan uga baryayaa inuu Caafimaad & Cibaado Saalixa inoo gu dhameeyo, waxaan idin kula dardaarmayaa in laga fa’iideeysto fursadaas dahabiga ah, madaama qofna aanu hubin inuu noolaanayo Ramadaanta dambe ama uu dhamaaysanaayo bishan barakaaysan ee caawa koowga inoo ah.
Alle ducadeena & Cibaadadeena ha inaga aqbalo, hana ka yeelo bilaan isku saamaxno, iskuna uur samaano, Eebbe ha ina waafajiyo jidka toosan & danta Suuban, Aamiin………. Aamiin.
Hassan A Shire

Monday, June 1, 2015

Balwadaha & Somaalida.

Balwaduhu waxaay  ka mid yihiin waxyaabaha dadka duruuftu bartay, tusaale ahaan siyaasada & kulamada xasaasiga ah waa dhaqanka Somaalida in qayilaadu  noqoto arinka lagu kala gooyo ama shirka lagu qaato, hadii kale dad faro badan oo la tebaayo baan soo xaadiraayn, halka  dadka inta badan aay soo foodsaarto duruuf nololeed, waxaay waqti faro badan ku lumiyaan cunista qaadka, cabista khamriga, jiidista Sigaarka,  iyagoo xamili kari la’a,  arinta ku habsatay "Pain killer", qaar kale marka uu la  talax tago waxaay ku gabadaan waa quud aawliyo si aan muran faro badan looba galin, halka dadka qaar  dood ka dhigtaan waanu ku shaqaaynaa waxaayna barbar dhigaan suuqa oo laayska fadhiyo miyaan masaajidba la fadhiyi Karin?, qaar kale si dheel-dheel ah baay u galaan,   waxaanse u arkaa balwadahu inuu yahay sida dubaabka oo kale, marka qofku qaadka joojiyo xanuunka ku helaa hurdada sidaad ku aragtaan sawirkan oo kale, bahalkaa hurdada kugu helayaa waa khiyaali.
 Fikiradaha ku yimaada cunista jaadka, go’aamada, & wanaaga ka dhex-dhashaa waa sida dubaabkaas,  iskusoo daroo doodahaas oo dhan waxaa ka furan in qaadku yahay maado qaby ka noqotay  nolosheena, sidoo kale wiiqday qaabkii fikirkeena, mana aha arin si yar oo degan looga doogsan karo.
gebo-gabadii Balwaduhu waa arin nolosha dabiiciga ah ee Somaalida  la jaan qaaday, una baahan olole balaadhan, lagana eegaayo dhinacyada sharciga islaamiga ah, dhaqaalaha, bulsho ahaan, lana adeegsanaayo dadka sida xoogan bulshadu wax uga dhegaaysato.

Hassan A Shire 

               “Ayax Tag Eel-na Reeb Miyaa?”.

Tahriibku maaha kan daashaday ama aay ku le’deen Somaali faro badani, waxaase jira sababo faro badan oo dadka & dalkaba ka jira, kuwaasoo laga dhaxlay dhaqanka Tahriibka. Hadaad suuqa muraad u doonato adoo rabaa inaad wax soo iisbsato, dadku waxaay kugu baayacaan lacag $Doolar ka ah, Qofka meherada hasytaa waxaa uu aad u xeeriyaa lacagta Maraaykanka, hadii in yar uu yara jactado lacagtaasi waa lagugu soo celinayaa,sidoo kale hadii qofku kuugu sheego lacagta wadanka oo Shilin ahna, kan wax iibsanayaa si cadho leh ayuu kuugu jawaabaya “intee dolar ka noqoanasyaa”, si'aan ka dhicin bulshooyiinka kale ayaan u ixtiraamnaa lacagtaas, oo ka qiimo badan ama kaba iIaaIin badan ta'aaynu leenahay, Wadanki samaaystay inaga ayaa uga ilaalin badan marka la eego xaga dhoowrsita, ilaa heer kaawiyadiisu, Qaabkisii, inaanay is bedelin ama liid jilaac ah lagu samaysnin baaynu kuu foolanahay “imisaa Odey xoolo dhaqato ah, mid kamid ah caruurtiisa usoo diray 100 Doolar isagoo la sugayaa xiliga abaarta markii la gaadhayna suuqa la yimid laguna celiyay, sababna looga dhigay waa jilicday lacagtaadu, hadaba waxaa is waaydiin leh lacagta Shilinka ahna wuxuu haayn jiray in kabadan sanado, marka suuqa la yimaadana si wanaagsan waxa uga iibsan jiray, waxaa is waaydiin leh muwaadinka nool, & lacagta wadankale leeyahay keebaa xaq mudan? waxaa kasii daran lacagaha aaynu leenahay maalinkasta waxaa laga sameey been abuur (voucher), dhanka kasoo jorjeedana ee lacagta Doolarka ahna waxaa ugu horeeya ee laga hubiyaa waa arinka been abuurka ah gaar ahaan goobaha ganacsiga, qofka shaqeeya hadaanu Doolar qaadan ama aanu mushaharkiisa kuugu sheegin laccagtaas qalaad waa uu dhiilo, tan wadanka qofka qaataa waxa uu ku oranayaa xooga yar oo lacagtaas ah ayaan qaataa “niyad jab iyo ceeb isaga oo u arkayaa”, hadiise in u dhiganta oo doolar ah lasiinlahaa wuu ku faani lahaa. Muwaadin doorka dadkaaga, dalkaaga, deeqda Alle ku siiyay, Khaayraadka, magaca, & dunida halkaad kaga beerantahay aad aamimi waayday, soow yaabka-yaabkiis maaha, soow ciil aduunka ugu tegi maaysid, soow ku dhamaan maayaan ubadkaagii badaha dunida, soow lumin maaysid in Alle ku keenay aduunkan adoo karaamaysan. Dhanka kale markaad eegto waxaad arkaysaa Shaqooyinka marka lasoo xayaaysiiyo waxaa ugu horeeyaa inuu qofku yaqaano luuqada Afka-Ingriisidda, halka luuqadii hooyo aan lagusoo darin muhiimadda koowaad, dadku ama dhalintu waay ku faantaa hebel si wanaagsan ayuu u yaqaana luuqadaas, halka Somaaliga & Carabigii oo dhaqan ahaan kasoo jeedno manta faraheena ka baxeen, amase aay caay noqatay.” Fiiro gaaf ah, Hadaad Wasaarad aragto shaqo bixinaysaa waxaad ku arakysaa inaay luuqaddu tahay ingiriisiga ama fadhiga imtixaanka lagaga qaadaya waajib noqoto in laguu keeno waraaqo luuqad ajaanib ah ku qoran. war ma ajaanib ayaa loo sheqeeynaya?, , hay’adaha gaarka loo leeyahay & gancsatada kaleba waa astaan laga wada simanyahay”.
Ugu dambayntii waxaa dadku aad ugu faanaan xoriyadii laga qaatay Gumaaystihii, waxaase kasii daran dhibta dhaqan ee uu inagaga tagay hadeer, sidoo kale waxa uu hoday hankeenii, isku kalsoonaantii, wuxuuna horseeday inaan ka murugoonno ciidda aan ka dhalanay, dunido inoogu abtiriso, hala yaabin ka tahriibaay, 99% dadkeenu qalbiga ayaay ka tahriibsanyihiin, dhaqaale ahaan, iyo aqoon ahaanba.Dhaqanka labiska isqurxinta, iska yeelyeelka ama u hadalka shaqsi aan dhaqan kula wadaagin, walaal kula ahaayn, diin ahaan kuu cadoow ah, hadaad ku dayato waxaad ka tageysaa noloshii caadiga ahaayd, waa sababta keentay Qofka wanaagsan inaan u aragno doqon, qoraageenu afka Somaaligu inagu dhex dhinto, kan luuqadaha qalaadna inagu dhex iftiimo sidoo kale taariikhda dadkii wanaagsanailoowno, waxaayse cidhib xumi ku keeni doontaa wadaniyadda dadka dhulkan leh oo cid kale la wareegto, caadifada iyo lab lakaca ku salaaysan reernimadu waa iska dhamaanayaa.Qofka dalka ka tegay isagoo naftiisa biimeeyay, miyaanay ahaan arin aan kali ku ahaayn kaligii, oo guud ahaan ka jirta dalka oo dhan. Nolosha kalsoonidu waa muhiim inaad dareent xornimo waana asaaska koowaad, u dhaqan si degan ka fiirsasho leh, isku haleeyn leh, kana-fa’iideeyso karaamada aad ku dhalatay, Nolshu waa maalmo isku day inaad samaan nolaato, ugu dambeeyntii Somaalidu waxaay ku maahmaahdaa “ Ninka fuulaa Faras aanu aqoon, wuu gomodaa”- waxaan uga jeedaa hadaad raacdo dhaqan aanad lahaayn Dabo xanuun uunbaa ku daalaysaa!.ugu dambaayntii Gabaygan Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame "Hadraawi" ee Sawirkan ku jira ayaan kaaga tegayaa. 


Taladda & Tawfiiqda Alle ha ina garansiiyo.


.Hassan A shire Shire202@gmail.com