Monday, August 4, 2014

Qaza waxaay Meteshaa Islaamka.

22 July
“Barbarkaay ka baxdaa waa Bakaayla galeen"
In ka badan 60 Sano ayaa waxaa faro ba’ani (dagaal dhuumaalaysi ah) ka dhex taagnaayeen Wadanka Falastiin iyo Yuhuuda oo dhul ka qabsatay, Yuhuuda oo aay keeneen wadamada reer galbeedka waqtigaas ugu tunka roonaa sida England sanadihii dagaalkii labaad ka dib 1945, dagaalo leh wajiyo badan iyo duruuftiisa nololeed, saameeyay inta badan dadka reer Falastiin, waxaa la yaab ah Wiilkii aabihii lagu dilay, isagana dhibeen, ama aay dileen, welina dhagaxa ku dagaalamayaa, waxaay sii fogeeynaysaa colaada u dhexeysa dadka muslimka ah iyo Yuhuuda, inkastoo Yuhuudu aay ahaayeen markasta dad kasoo horjeeda awooda Alle & soodiritaanka Rasuulkeena suuban NNKHA.
Waa sadaal niyadaydu jeclasatay, oo aan is iri hadii aay sidaas noqoto sidaas ayaa arinku u dhici lahaayd, dhankale sidan ayaa wanaagsan si aay guushaasi u timaado, khaayrkuna waxaa uu ku jiraa, sidaas (critical Thinking) waayo dagaalka u dhexeeya Falastiin & Yuhuuda, maaha mid dhamaanaya waana dagaal leh waqti kooban (gorilla war) mar hadii xabad joojintu tahay dan cid gaar ah wadato guulna aanweli lakala gaadhin, kasii daroo dibidhal weeyaanee! marka bil ama sanad lakala maqanyahay laayskusoo ruqaansanaayo, waa hoosiis loo hadhgaaynaaayo dadka Islaamka ah, waxaanse jeclaaystay in dagaalkani sii socdo, tan iyo inta aay ku baraarugayaan dadka Muslimka ah, sidoo kale aay daalayaan Yuhuudu, waayo? niyad sami kuma dagaalamayaan. Dadka muslimka ahi, waxaay dareensanyihiin abaal marinta marka aay dhintaan, Alle u diyaariyay Mujaahidiintiisa & Adoomihiisa saalixa.
Waxaa dagaalamayaa ninkii la dilay Aabihii, isagana la dhiibay, am xaaskiisa iyo hooyadiina la galaaftay hadaanse laba xumeeyn, waxaa uu dareensanyahay inaanu wanaag ku noolaanayn inta Isra’iil awood ahaan garab joogto, iskaba daayee wuxuu u dagaalamayaa inuu inankiisa, diintiis, & dalkiisa manta xoriyad dhameeys ah uga tago, isaguna dhinto, halka Israil ay waddo dagaal fuley, oo loogu gabanaayo kaarayaal, iyo diyaarado hawadaas heehaabaya.

Dagaalkan hadeer biloowday waxaa uu leeyahay ama keeni karaa afar ujeedo.
1. In dagaalkan uu noqdo kii ugu dambeeyay ee dhex mara reer Falastiin iyo Yuhuudda, waase laga yaab inuu socdo muddo dheer, oo aanu joogsan, wuxuu sidoo kale xambaarsanyahay mid ka mid ah mucjisooyinka aduunkan, waayo hore waxaa aad u jeclaaysan jiray xabad joojinta dadka Falstiiniyiinta ee degan daanta Qaza & Masjidka barakaysan ee Aqsa, hadeerse waxaa jeclaaysanayaa oo doorbiday amase dan mooday Kaarayaasha Yuhuudda.
2. In dagaalkani kacdoono isbedel uu ku keeno wadamada Islaamk ah marka laga rebo Turkiga oo ah ama u taagan halkii loo sii socday rajo ahaan, oo isagu tageersan in Islaamku xoogeeysto, sidoo kale aad ugasoo horjeeda dhibaatada lagu hayo reer Qaza, una dheertahay nacaaybka Yuhuuda, in Sha’Allah waa rajo laga qabo dadka carabta ku nool inaay la yimaadaan fursad isbedel, sidoo kale kacdoonadani inaanay noqon amase u sawir ekaan kuwo loogu ololaynayo dimuqraadiyadda (doonsita reer galbeedka) sidii kuwii dhacay (Arab Spring) ee lahaa “waxaanu meesha ka saaraynaa keligii Taliye, waxaanu rabnaa Dimuqraadiayad”. Balse aay noqdaan kuwo danta Islaamka lagu tageero iyo midnimadiiisa, marka dadku is bedelaan dhaqan ahaan ayaa hogaamiyaashuna is bedelaan, noocaay jiilkaasi yihiin ayaa hogaankeedu u sawir ekaadaa.
3. Sidoo kale waxaad moodaa inaay jirto ifafaalo wanaagsan oo ah in dagaalkani uu sameeyn faro badan ku yeesho wadamao dhoowr ah oo hagaagi waayay amni ahaan iyo dawlad ahaanba iyagoo muslim ah sida: Somaaliya, Bakistaan sababo awgood sida: reer galbeedka oo faraha kula jira, iyagoo jecel meelkasta oo Islaam ka jiro aay ku luglahaadaan dhaq-dhaqaaqooda, si loo wiiqo awooda wanaag farista iyo dhaqanka diinta Islaamka loogana bedelo dhaqamo xun, hadiise wadamada Islaamku is bedel midaaysan layimaadaan, sababto inaay timaado midnimo shacab, laayskana dulqaado dhamaan faro galinta ka jirta dibada, laasykuna dayo in aan la dareemin faro galintaas qaawan sida hore aay usoo dhacday sida Liibiya, iyo Masar, oo si khaldan loo abaabulay markii dambena qaarkood waddo khladan loo inqilaabay dhaxalkooda si fiican baan u aragna, Somaaliya waxaay gubanaysaa 24sano, waayo? faro galin dibadeed awgeed.
4. Dhanka kale wadamada reer galbeedka waxaa ku nool malaayiin Islaam ah oo qaarkood hadeer damiirkoodiii soo jeestay, suurto gal inaay kacdoon abaabulaan, ka dhan ah Israil (Yuhuuda+Nasaara) mustaqbal ahaana aay wax ka bedesho Wadamadaas, (dhadhanka dhibta halaaysla eego oo xaalki isu bedelo).
Gebogabadii mdinimadu waxaay markasta horseedaa guulo la sadaalin karo, lakiin tan islaamka waxaay ki iman kartaa dagaalka Qaza, dhibta oo laaysla dareemo, iyo Iimaan oo koow ka ah, Islaamka ku nool wadamada caalamka guud ahaan si adag u cadhooda waa shicibkee, kacdoono xoogan oo ka dhaca iyo fadhiidka hogaanak ah oo laga saaro meesha. “ Qofka telefoonka isticmaala mar-mar waa lasoo biniiniyaa (missed call) marmarna si toos ah ayaa loo soo wacaa, marka loo soo biniiniyo war badan ma haaysid, hadiise lagusoo waco war baad geydaa, hadeer dagaalka Qaza xabad joojintiisu waa biniinis, hadiise la joogteeyo waa warbixin togan oo guud ahaan islaamku aay helaayan, waana jihaad”.
Waad mahadsantihiin inaad niyadda igala rafiiqdaan waayo? Aniguba taag-kale ma hayee!, waadna ku mudantihiin inaad jeceshehiin in Yuhuuda laga guulaaysto, waayo duurfta ayaa ina baday qalbi jacaaylkaas! sidoo kale Islaamku caaalamka qabsado oo gaalada laga awood-roonaado marlabaad taladuna gacmaheena kusoo noqoto, Alle ayaan ka baryaynaa inagana ficil ayaa laaynooga baahanyahay.
Takbiir- Allahu Akbar.
Hassan A Shire 

Tuesday, July 8, 2014

Maya!! Maya!!. Adeer, taada wado maaha saxdii, & taayda ayaa ah!!!

Waa Sheeko Muran badan Dhalisay
W/Q: Hassan A Shire
Maalinkasta waa u oohin iyo baroor, jaarkana wa u dhib iyo qaaylo,waa u calaal iyo ciil fara-qaniin ah hooyadda dhashay wiilka yare e Moxammed, oo dad’diisu hadda tahay 13 jir, waana agoon cidna aan la dhalan, isagana waa u yaab, iyo ashaqaraar, ka bacdi geeri aabihii, inakastoo aanu jirin wax badan oo dhaafsiisan naas –nuujin, waa inan da’ahaan aan weeynaayn aadna u maskax badan qimeeya dadka, heerkasta uu soo marayna aay nolushu ku adkaayd, lakiin maa uu ahaayn damiin,  waxaase u aha qof soo jeeda oo ged-gedoonka wax ka baran jiray, duruufaha hadba ku xeeran, 11 jirkiisu ayuu aad u yaqaanay rajada noloshiisa, tabantaabo ayaa ku jirtaa iyo waxa u hiigsado oo u heli jiray hadba heerka nolusha uu dadaal iyo sida uu halgana ugusoo gallo, aqoon ahaan ma u helin cid ka kaabta heerka aqoon. Halka guyaashii dambe,  cilmigu uu nqoday (waa ka madiga ah)   mid ku baxa qiime sarre(lacag-badan), waxaana wax ka bartaa, lacag cidii haysata, hayeeshee waxa u  fursad u ehalay inuu garto,  sidoo kale  barto cilmiga islaamiga ah oo uu aad jaar ula noqday masaajidda, cid badani kuma xeerna, waayaha dambe oo waxa loo yaacay dugsiyada, isaga wax qarash ah lagama qaado, qalbigiisuna waa uu kisii raaxaytaaba.

Moxammed, aabihii waxa u geriyooday isagoo labo jir ah , keligii ayu dhalay, malaha adeero u dhow, hadii se laga iman waayo qaar aay isu ahaayeen ilmaabti, dibadda ku maqan oo aan dhafsiisnaayn inaay u shegtaan ahaanshiyo o kali ah, lakiin aan waxba manaafaacad ah tarin, iyo inuu yahay qaar aad u necba daka Afrika jooga, eedooyin lamaay dhalin oo abihi sidiisa oo kale ayuu  maddi ahaa.

Hooyaadii wa Moxammade, waxaay maalintii u shaqo tagtaa suuqa habeenkii waxay u keentaa manafacaad waxay soo heshay.  Waxaase quud u noqon jiray oo da’dan, uu kuso gaadhay inay u keeni jirtay, una kariso lafaha hadhaaga ah ee hilib, oo feenasho uun ay ku hadhay, Moxammed kama dhergo, ee wuu ku daalaa sida uu marba meel xoogaa quud ah uga dhex raadinayo, waqtina kaga gabaabsan jiray, waxaase muraadkeedu ahaa inay maraqsato, xoogaa quud oo roodhi u badan lagu qooyo heenka kasoo baxaa kariskaas. Dhanka kale, waxaay  usoo iibisaa xoogaa farxad gelin ah oo aan ka madhnayn caruurnimadu aay ka helaan da’yartu, oo aay kasoo  iibiso xoog-maalkii, muruq ee ay maanta oo dhan u taagnayd qoraxdaas (ALLow hooyooyinkeen inoo daa). Waa hubaal in aanay iyaddu waxba ka quudan.

Aayo xumidda uu nolasha kala kulmay geeridi aabihii ka bacdi, wxa kaabay, oo marmar sacidi jiray jarkiisa, siin jiray hadba nolasha kabisteeda iyo hirgalinta  saalixa ah, waxaase  dhib badan ku hayaa hadda, wa malmahan aanu weli  qaan gaadhin sidii u hooaydii u nasin lahaa. Waa hubaal ku digasho badani inay uga timaado yaryarka la degaanka ah, ee geyigaas kula koray, hadh iyo habeen u sheegaa ama ku caaya, inu yahay faqiir weligiina uu ahaan doono.

Waxaa maalin maalmaha ka mid ah masaajidka ugusoo galay nin aad da’aahan u wayn oo waqti kasta ku arka inan-kan masaajidka waxaana uu waydiiyay, adeer ii warran? wa nabad. Adeer aad mxaad ugu duceesysataa?, maxaadse Ilaahay waydiisataa?  iyo jawaab ah, adeeer, aabahay ayaa ku  jira god madoow, oo aanan garanayn waxa uu kala kulmi karro, markaa waan u duceeyaa maraksta . Ninkii ayaa inta uu yaabay aadna ugu farxay inakaas caqligiisa iyo maskaxdiisa, wanaagga noloshiisa saxda ah ee ku socda, garasho, caqli ee ku jirta iyo karaamada Ilaahay siiyay,  ayuu inta uu kor u kacay, adeer khayr Ilaahay ha ku siiyo.

Maxammed waxa u helay cilmi kii ugu sarreeyay, waxa u bartay diinta Islaamka, waxaana uu kamid noqday ardayda sida fiican wax uga barata, ama sii bartaba, waa mcalinee, tafsiirka qur’aanka kariimka ah iyo hirgalinta dhaqan ahaan. Waxaan u ka mid noqday dadka inta badan lagaga daydo is bedelka nololeeed. Hadda maxammed waxa u da’ahaan jiraa 25, cilmi waa ka qani, waxa u yaqaan diinta Islaamka si qotto dheer ,waxaana aad looga dambeeya cilmiga fiqiga!!  oo ah ka ugu maldahan, uguna adag  iyo maxadirooyinka u galo oo aad looga dambeeyo.

Waxa uu muddo kooban u sheqeeyay shirkadaha dalka mid kamid ah, waxaana u noqday,  maamulaha shirkadaas, waxaan uu gaadhay marki dambe, inuu ka barbar biloobo gancsi, galana heer dhaqan dhaqaale oo dhisme,  Ilaahyna uu u  barakeeyay. Sido kale, waxa uu ka mid yahay dadk hadda dhaqaalaha balaadhan leh, waxaana uu yiidadiilo geliay kuwo wax soo bartay dhawaan. Dhallinta wax soo bartay, ee inta badan la yaaban halkaay la aadi lahaayeen aqoontoodda, aadna ugu dhibtaaysan,  sidii ay u badbaadin laahyeen, heerka shahaado ee aay sitaan, waxaase ka dhimane, diinti Islaamka iyo xusuuti Rabbi, hadda ka hor waa dhalintii,  ku digan jiray markii ay ahaayeen kuwo nolushu wax badan u saaciday, maal-mahan way latashanayaan, qaar kale, isaga ayay shaqaalonimo ka doonayaan.“caqliga wanaagsani wa ka garta cidda aduunyadan abuurtay iyo ujeedadda qofka lo abuuray,  hadii kale waaba dhalanteed waxad waddo”.

Waxaa xusuus mudan maalin ayay aad u doodeen Moxammed iyo nin ay aad saxiib u ahaayeen waxayna is-waydiiyeen kee ayaa aduunka u manaafacaad badan, cilmiga maadig ah iyo ka diiniga ah, saxiibkii waxa uu ku yiri: Maya, Maya, ka aanu annagu wadno ayaa ah saxdii, iyo kaayga ayaa saxdii ah, oo Moxammed kula murmay ilayn ninbaa tiisa ayuu difaacayaaye!!!!!.. Waayaha aduunku waxa u is-daba socdaba waxaa ay gaadhay waqti is bedel iyo dulqaad dheeraad ah loo soo galay, illaa heer laga gaadhay in qof kasta uu tijaabiyo awoodiisa, iyo wixii uu soo dhaqday waayihii dambe.

Maxammed hadda hooyadii labo jeer ayuu xajka geeyay, waxayna ku nooshahay nolol ka duwan tii hore, dhaqan ahaan, baad iyo biyo badanaa ka ma fikirayso, waayo guri ay u soo samirtay, iyo nolol ay ku keentay gacmaheeda, rabigeedana la tashatay, ayay heshay!!! waay taqaanaa Rabbigeed inuu wax bixiyo, waxayna taqaanna maalmaha aduunyada is bedelkooda iyo waagii beryaba inuu dhaayihiisa leeyahay. Sidoo kale Moxammed, noloshiisii waxa uu soo maray sabir badan, raasa-maalaka duniduna inuu yahay maalmo waa uu gar waaqsanyahay.

Maalin ayaa waxaa dood kooban dhex martay mid ka mid asxaabtiisi xaga aqoonta madiga ku dhaadan jirtay gaar ahaan, saxiib qaaliga ahaa ee maadiga aadka u difaacayay, waxa uu waydiiyay su’aal ah, adiga qarash badan ayaa kaa soo galay cilmigan ad baratay!!. anna bilaash ayaan ku bartay, maanta maxaa farqi inoo dhexeeya??? isku taallo ayaynu nahay(waxkasta oo fikir lasoo jeediyo aqoonta waa kaa horeeya, dhaqaalana sidoo kale, dadkana yay sharfaan inta badan??. Dabcan, dadka diinta leh.  Isku miis baa nahay,  hadafka noloshana waan u simannahay,  caruur ayaan wada haysannaa , hogaanaka iyo hadaf kale waan u wada simannahay, waxaaad ku hadashaa English, anna Carabi,  dhaqaale ahaan inaan sinnaano, sharafta Alle, Rabigeen taas isaga ayaa inaga og iyo cidda u dhow, ee  mudane maxaan is dheer nahay??, Aqoontan maadiga,  haddaan maanta bilaabo waxay igusoo kordhianaysaa ma jirtee bal ii sheeg faankii iyo ammaantii aad iila hor taagnayd, maxaay kusoo gaadhsiisay? oo ay i kaa dhaafisay??.

Inta qoslay ayuu ku yiri isbedelku ma aha aniga iyo adiga ee waa kii labadaba ka hadhay!!! Qofkii aan baran cilmiga maadiga, diintana aan ka faa’iidin.  Odaygu, Moxammed ayuu ku celiyay, waa run kii garan waayay inuu cilmiga ma guuraanka ah, ee masajidka yaal ka faa’idaysto”. Erayadaas ayuu Maxammed yiri,  si dhoollo cadayni ku dheehantahay, lakiin waxaa taallo ah,  in marka qofka uu eego cilmiga aan dhamaanayn if iyo aakhiraba u yahay kan diinta, risiqna uu Alle bixiyee,  ee fahan waxa laguu aburay, kan maadiga ahna in la bartaa waa muhiim.  Intaas ayuu hadalkii kuu meeray.

Hir galintu nolasha iyo kaabista dhaqanka suuban, waxaa saldhig u ah, diinta islaamka, aqooni ma jirto dhaaf siiisan diinta islaamka, cilmiga aduunka yaalana, waxa laga keenay kitaabka. Ilaahay ayaa damaanad qaaday hadaad sameeyso hawl suuban, in uu ku siin doono nolol suuba, ee ha garab marin diinta islaamka!!. Muranka ka dhex taagan dadka baranaya cilmiga maadiga ah iyo kan diiniga ayaa doodaas kor ku xusani ka dhex taagan tahay, ciwaankeennu ku bilaabmay, waxaanse is leeyahay wixii xumaan ah, waa dambi ee cilmiga ku jiraa, wixii wanaagsani waxaa laga helayaa kitaabkeenna “Aqooyahan is barbardhig oo yaan lagu adoonsan, ee ka fikir sidaad diinta Islaamka u xoojin lahayd”.

Garoowshiga wacani waxaa uu ka hortagaa xanuunka murugada leh

Feejignaanta aduunyadu waa hirgalinta, damacyada gaadhsiisan guusha berito,

Masuuliyad ayaa saaran qalbiyo badan  oo muslimiin ah.

Ugu-dambaayntii guusha Muslimiintu waxay ku jirtaa, gacmaha dhallinta ee maanta madhan, waxaana hir galin-karta waqtigan sida fudud u lumayaa, oo laga faa’iideeyo. Hiraalkeenu waa hubsiimaha hab-dhaqankeena, hala yaabin qofba maalin ayuu la yimaado garoowshiyo, aadanaha,  ha ku dhaleecayn caadadii shalay ee hanuunka Alle ayaa keena, naxariistuna waa baryo oo kali ah iyo adoo raaca waddadeeda.

Hassan Abdi Shire

Kampala, Uganda


Shire202@gmail.com

Thursday, June 26, 2014

Hadal-Haaynta Khilaafka Sexexda Gobol


Khilaafka ka taagan heshiiska Muqdisho ka dhacay ee ku salaaysan maamul u sameeynta sadexda gobol, waxaa kasoo horjeestay qaar ka mid ah beelaha Somaalida, sidoo kale waxaa saluugay dadka dega Gobolka Baay qaarkood oo hore sumeeystay maamulka lixda gobol, inkastoo aan hore uga qoray  maamul goboleedyada qoraalkan ku jira link-gan  http://degal-nabdoon.blogspot.com/2014/04/maamul-goboleedyada-somaalida-burbur.html  hadana dhibta sii fideeysa waxaay u muuqataa aafo umadeed sidoo kale aanay    xamili Karin dadka Somaalida ah gaar ahaan danyarta,  waxaayna turjumaad u tahay inaan dadka Somaalidu aanay weli u bislaan Dawladnimada,  hadaay tahay xaalad nabadeed iyo dan ahaanba,  sidii oo kale 1960 oo xoolo dhaqato la ahaa reer guraanimo u dheertahay, iyo colaad u joogba, sid degdeg ahna loola kulmay daawladnimadii ayaa keentay maamul xumi rakaaday, dhanka kale waxaa ka daremi kartaa in aanu caalamku fahmin weli xal u helista arimaha Somaalida & Meelaha laga abaarayo amase furaha daawladnimo, arinka aan la dhaafi Karin ee jira isaguna waxa weeyaan weli inaanay soo bixin hogaamiye Somaaliyeed oo aan ahaayn mid aay wataan wadamada danaha gaarka ah ka leh Somaaliya, oo  hanankara fahanka shibicka Somaaliyeed, isagoo dersaayaa arimaha degaanka iyo sidaay u kala yaalaan, wax qaaybsiga saamiyeed oo aad moodo in dulmiga Somaaliya u horseeday buruburka weli raadkiisii suu muuqdo, mana jirto daraasad siyaasdeed oo ku saabsan dhaqanka kala duwan ee bulshadani leedahay, waa isla arinkaase, lama hubin mudnaanshiyaha tixgalinta tabashooyinka jira ee taariikhdu sababtay ama Somaalidu kala gashay, waxaadse moodaa in  loo fahmay Somaaliya oo doowlad heshaa aay tahahay   xal u helista magaalada Muqdisho oo kali ah, dadkan aan Somaalida ahaayn ee sheegta beesha caalamka   arinka Muqdisho ayaa  indhahoodii ku gabaabsatay, aaminsanaanta fikirkaasi, doowladnimo waxba kumasoo kordhinaayo, hadaba hadii muqdisho hagaagi waaydo waxaa haboon in looga guuro magaalooyinka kale ee qaadi karaa muuqaalaada Caasimadeed, waayo maaha muqadas Muqdisho inaay horjooge ahaato, waxaase muqadas ah in amni la helo, loona maro duruufta kasta oo lagu heli karo xasiloonida Somaalida, ixtiraamkuna kuma jiro reero ama ashkhaas, ee waxaa uu baahan in la dareemo dadka tabaalaysan sidaay ku xasili -lahaayeen, iyagoo helaayaa Daaawladnimo, cadaaladdu waa muhiim, horumarkuna waa tiir adag, waxaase yaqaana intaas cida ka madxbanaan reernimo, dan gaar ah, iyo  uur-kutaalo ku kaaydsan colool bugta oo ka muuqato aargoosi, Somaaliya uma baahna dano badan waxaayse u baahantahay  shakhsi wanaagsan, leh u hagarbax hanaan hogaamineed.

Tuesday, June 24, 2014

Fiiro-Gaar ah: Sidaad ku guuleeysan kartaa??


Akhriste salaam gobeed ka bacdi, waxaan rabaa inaan halkan idiinku soo gudbiyo qoraal kooban waana taagtaayda wixii aan ka tegay, waxaan khaldana waa iga cilmi yaraan, walaal waxaan rabaa inaan ku xususiyo nolosha guusheedu waxaay ku jirto, aakhirana waxaad ku badbaadi doontid, waxaa suurto gal inaad in badan akhiriday buuga la yiraahdo side lagu guuleeystaa? Ana manta jawaab kooban ayaan arinkaas kaaga hayaa.
1.      Alle subxaanaha waa tacaalaa wuxuu yiri: (waxaa libaanay kuwa iimaanka leh), hadba liibaan waxaa ugu horeeysa inaad imaan yeelat o ka kooban qodobadan:
·        Inaad Alle rumeeyso.
·        Malaa’iktiisa rumeeyso
·        Kutubtiisa rumeeyso
·        Rusushiisa rumeeyso
·        Maalinta qiyaamahana rumeeyso
·        Shar & Khaayr rumeeyso
2.      Waxaa intaas xigaa si aad u guuleeysato inaad la timaado Salaad Khusuuc leh, oo aad hubiso shuruudaha weesada, shuruudaha salaadda iyo tiirarkeeda, ka bacdi intaas markaad la timaado, guda galka salaada waa inaad  kasoo jeesato aduunyadii una go’do Alle iyo sidaad ula xaali lahaayd, waayo wad baryaaysa, waxaa l rabaa inaad isasoo dhiibto walaal, si niyad leh aad u wajahdo Salaadda.
3.      Qodobka xigaa waxa weeyaan inaad kasii jeesato laqwiga, oo aay ka mid yihiin xanta, xaqiiradda, beenta, IWM
4.      Inaad Zekadda bixiso markaay kugu waajibto, si aad uu quudiso dadlka u baahan.
5.      In qofku farjigiisu uu xifidyo gaar ahaan qofku marka uu dhalinta yahay masuuliyad gaar ah ayaa saran
6.      In qofku  salaadaha uu xifdiyo oo qalbigiisa aay ku jirto
Intaas oo dhan ayaa qofka guul gaadhsiin karaa, waana camalo kooban oo qofkasta oo sameeyn karo, waxaase aduunka inagu lamaan Shaydaan iyo Naf oo labaduba u baahan dadaal dheeraad ah in la galiyo sidii laaysaga difaaci lahaa.


Waa Billaahi Tawfiiq  

Friday, June 13, 2014

Fiiro Gaar ah: Shirkaga waxaa loo qaaybiyaa 2qaybood.


1.      Shirki  weeyn
2.      Shirki yar
Hadaba shirkiga Alle cidda la timaadaa waxaa Alle balan qaaday in uu burburinaayo camalkiisa, waxaana uu ka mid yahay camaladda Alle sheegay inuu aanu dhaafayn, waxaan rabaa inaan halkan kusoo qaato shirki Asqar, oo |Rasuulku suubaana NNKHA yiri waxaa uu ka qorsoonyahay sidii Qudhaanjo yar oo dhexmarasyaa meel mugdi ah oo saran Dhagax madoow, shirkigaas waxaa ka mid ah arinkan oo dadkeena aad ugu badan soo kodhaya.
Iscajabinta:
Qofka bani aadamka oo isu arkaa inuu dadka wax dheeryahay ama ku faanaa, ayaa la dhahaa iscajabin, ama dadkuba aay  cajabiyaan waxaana keena arimahan
1.      In uu jaahil ka yahay Alle raxmaanka  oo waxkasta siiya qifka kan kalena aan siin.
2.      Inuu naftiisa waxa kasta oo u sameeynayaayo mahadiyo, oo uu jaahil ka yahay khaladaada naftiisa.
3.      qofka oo aan naftiisa Daahirin, Ruuxiyadda
Qodobkani aad ayuu inoogu badanyahay, walaalayaal halaga taxadiro

Alle ha inoo toobad dhaafo

Thursday, June 12, 2014

Dhismaha Waddada Ceerigaabo: Filasho Mustaqbal iyo Soo-noqod Wanaagsan – W/Q. Xasan Cabdi Shire

Araar:
Nin aanu saaxiibbo nahay, ayaa maalin annagoo wada joogna waxaannu maqalnay in waddo isku xidha Jabuuti iyo Yemen in la bilaabayo (bridge). Odeygii
aanu saxiibka ahaayn, inta uu aad u dhoolo cadeeyay ayuu igu yiri “war Xasan waxaan u malaynayaa wadadaasi inaay tahay tii dadka Amxaarta ahi, ka gali lahaayeen Masjidka Xaramka ah ee barakaaysan aakhiru sabanka, sidii Rasuulkeenii suubanaa NNKHA uu sheegay. Haddaba waddada Ceergaabo dhismaheeda waxaan u malayanyaa inaay noqon doonto, mid dib usoo celisaa dadkii ka farcamay gobolkan “cidkasta ayaankeed, iyo waqtigeed”.
Hada waxaan uga socdaa dadka wax kastoo oo usoo kordha waxaay ula yimaadaan wanaag iyo dhib labadaba, waxaase markasta loo badiyaa dhanka rajada wanaagsan, inaad wax sadaalisaana maaha inaad ka hadlaayso wax ka maaqan,waase fikir aad arki karto, sadaalin karto, hadaad dareento, waxaayna noqonkartaa Riyo aad ku hambabarto waqti dambe.
Dhismaha wadada Ceergaabo cidkasta waay dareemaysaa inaay tahay horumar, rajadaasoo u iftiintay dad faro badan, oo muddo si eeri go’an ah ugu noolaa Gobolka Sanaag, qaarkalena lugahaay miciin badeen waa intii awoodaysee, ku darsoo qalbiga dadka reer Ceergaabo burcad ayaay isu marisay, waxaayna dhistay hadaaqa ka waayn da’ahaan, ama ka yar, kii wax soo bartay, kan caalimka u ahaa,ama hogaan ganacsi intuba wanaag iftiimay iyo niyadsan aaay isla janqadeen, waana sheeko inta badan laga sheekeeyo, tacab hadal  dadka kuma yaraa, waxtarkale ha iska yaraadee.
Haddaba aan  u laabtee nuxurka qoraalkan, gobolkan sanaag waxaa uu kamidyahay gobolada ugu facca dheer, sidoo kale waxaa kasoo tafiirmay guud ahaan dadka kasoo jeedaa Somaalida, waxaana ku aasan in ka badan lix Awoowe, oo dadkoodii hadeer ku noolyihiin dhulka Somaalidu degto guud ahaan, halka aay ku jiraan dad tariikh kale lahaa sida Wiil-wal, Araweelo, waxaan meesha ka madhnaayn, asaar duugoowday  oo aan  qiyaasi karaayn,da’da tariikh ahaan  ku dheehan, intaasiibaa wa dhaxal ka dhexeeya  dadka Somaalid ah, waxaase hadheeyay   gobolka burbur iyo dhaqaali xumi keentay inta dadka ugu dambeeysana qarkood inaay ka guuraan, horena tariikhda hadaad uu raad-raacdo dhowaan ayaay beelah somaalidu qarkood  ama inta badan deganaayeen, waqtigaas oo aan ka fogaayn qarnigii 18aad,  waase laga hayaamay, dhulka ayaa lagu firdhay, markii tiro ahaan la kordhay, waxaana hadeer degan bulsho koban.
Somaalidu waxaay tiraaahdaa berigii hore nabsiga waxaa sidi jiray Diin, hadeerse waxaa sida Shimbir, arinkaas oo micnaheedu yahay nabsigu waa dheereeya,  waxaan uga socdaa gobolkan hadii wadooyinkaas loo dhiso waxa suurto gal ah in dadyoow faro badan kusoo laabtaan, nabsigiisana helo, aakhirkana uu noqdo meel dad leh abtirsiyo faro badan aay isugu yimaadaan “ Maahmaah carabi ah ayaa tiraahdaa shaaykasta waaa uu ku laabtaa Asalkiisa”, tusaaele ahaan qofku marka u gaboobo waxaa u dib ugu laabtaa yaraan iyo jidhyaraan, caqli caruur sida ciyaalka(wuu camoomay, ama wuu hadaaqayaa), waxkasta oo waqtigiisu dhamaadana ciidda ama carrada  ayuu dib ugu laabtaa, Qoomiyadaha Somaaliduna badankoodu waxaay dib ugsoo laaban doonaan gobolkan, waxaana hormuud ka noqon doonta dhismaha waddada Ceergaabo, oo dad faro badani  soo if-raacayaan, ama keento in dib ugusoo hirtaan.
Mustaqbalka Gaark ah ee gobolkani leeyahay:
Waa gobol ku yaalaa meel qani ku ah inta wax laga manaafacaadsado sida: ciidda wax soo saarka, biyo joogta ah, dhanka macdanta oo ah gobolka ugu qiimaha badan uguna badantahay, Xoolo xoogan oo isug jiraa guud ahaan meesiga la dhaqdo,  sidoo kale badda ugu dheer eee gobol yeesho waa ka ugu qanisan, ama ugu baaxad dheer, waxaana meesha ka madhnaayn dhirta udugga ee laga sameeyo waxyaabo faro-badan, guud ahaan geyigan baaxadda dhuleed waa mid ku fillaan-kartaa cidksta oo martinimo ku timaada, sidoo kale waxaa uu leeyahay dhul aad u quruxbadan dalxiiskana ku wanaagsan oo ku  xeegaaran baddaas dheer,  waxaa kaliya ee  gobolkani u buseeylay waa isku xidhka in la gaadhsiiyo dadyoowga kale si’aay uga fa’ideystaan kaaydkan dhaqan-dhaqaale, oo wadadu hormuud katahay baahidaas isku xidh, iyo horumarada kale, dhismaha waddada Ceergaabo waa arin kuu dhiirashadiisu uu baahnaa, karti,calool-adaayg, iyo fikir, waana ku mahadsanyihiin hormuudka waddadan.
Talo ku aaddan Mustqbalka ummaddan (Dhallinyarada):

Waxaan usoo jeedin lahaa dhalinta guud ahaan inaay ka fa’iideytaan mustaqbalka gobolkan oo aay kasii hor degaan intaan laga hor qabsan, sida dhismah bulshadda, dhulka, wada-tashiga, wax soo saarka khayraadka, sababaha keenaya in dib loo gusoo noqdo waxaa ka mid ah, boobka khayraadka oo caalamka noqday dagaalka koowaad, hadda fikir haayso wax-soosaar hadda waa furad, si’aad u gadhoo yoolkaaga, Dhismaha waddada Ceergaabona waa arin taariikhiya.

Monday, June 9, 2014

Sheeko kooban: Waa laguu Yaqaan!

W/Q: Hassan A Shire

Email: Shire202@gmail.com

·         Waa halkay ka dhimatee.
·         Sidee lagu dhammeeyaa.
·         Dhan u qaada xaajada. (Xigasho: Murtimaal.com).
   Waa dood furan oo qofkasta soo geli karo, waxaayse caqabadi timi  goob-joog la’aantada  waqtigaas tegay ee arinku dhacaayay, “wixii tegay  tiigsimaad maleh”.  Goobtu waa derbi hore u ahaan jiray makhaaxi shaaha laga cabbo muddo laga joogo toban sanno ka hor,  waxaa isugu yimo meeshaas in ka badan  afar dhalinyaro ah,  & Xaajo Odey da’duna waasoo goddey, Dadku waxaay wada sugayaan gaadiid la raaco,  (Gaaddhi yar).
Waxaa lagu yaqaana dadka somaalida ahi waxaa inta badan muran ka dhaliya waxa soo  dhacay, Taariikh hore & arinka  markaas cusub. Waase laaynagu ibtileeyay inaan ka  fikirno maxaa soo socda mustaqbalka si loo sadaaliyo,  waayo? waay ku adagtahay dadka afka Somaaliga ku hadlaa badbaadada duruufaha imanayaa sidoo looga gaashaaman lahaa, waxa arinkani u egyahay inaan ku dhaxalnay dhiig ahaan & barbarin ahaanba, sidoo kale waxaay u egtahay waxaan muddo faro badan kala dhaxalaaynay, waxaad dareemi kartaa sidaay habsanka u gelisay dad faro badan. Hadal waa ka dambeeyee qofka dhibi la kulantaa  waa uu werwer & walaac badanyahay, Dhiilo fara badan ayaad ka dareentaa, waxaadna moodaa qofka in maamul goboleedyo calooshiisa lagaga dhawaaqaayoo, sheekadani waxay ku bilaabantay qormadan soo socota, waxaana hormuud ka ah Aabihii markaas Odeyga ka ahaa meeshaas, ama da’ahaan ugu weeynaa, wuxuuna ku bilaabay sidan:
“kuye, dadku dhib badanaa shalay casarkii anoo taagan meelaan ka fogaayn iskuulkii hore e farsamadda gacanta ee  qabyadda ahaa tan & dawladdii somaaliay  markaay dhacday, burburkii ka bacdina  waa la bili-liqaaystay,gobtaas anoo taagan waxaa igasoo hor baxay dumar baacsanaaya nin waayeel aha ama Da’I hayso, qaaylo dheer ka bacdi waxaan waaydiiyay,  war maxaa dhacay? “shalay ayuu guriga noogusoo dhacay”, oo xagee degantihiin?  “Waxaanu deganahay  guryihii dawladda  ee ku yaalay xeradii ciidanka Cirka, halkaas oo aay yaalaan dadkii agoomaha ahaa ee ku jiray ciidamadda Somaaliya” haa gartay oo ma-waxaad jaar tihiin ninkii caanka ahaa ee Walambe kana mid ahaan jiray cidamadda nabad sugidda ee hadeer iska tabaalaysan, “haayo kani waa Tuugoo, horena waxa uu ahaan jiray Askari ciidamada Badda ah waana ninkii doontii Masaarida soo qabtay ee lagaadhi waayay” jawaabo caynkaas ah ayaay igu jawaaben Xaawalaaydu. Adeer idinku maxaad ahaaydeen? Ayaan dib ugu celiyay haweenkii  “Waxaanu nahay fanaanintii Durudur ee sanadkii heesihii dambee hirgaly ku jiray” mid ayaa sidaas u jawaabtay, “Anigana waxaa I dhashay Fanaanada caanka ahaady ee Hebla”   iyagoo sheekadii taagan tahay ayaa waxaa meesha soo maaray laba xidhigle Sare Jajuub, war iska warama? Waa nabdoonaan  iyo wacad Alle, “waxaa dhacay ma ogtihiin?”, Maya! “Idaacadda ma dhegaystaan  miyaa??: VOA mise  BBC da?? “VOA !”. Adeer ma dhagaaysano waxaa hasytaa dad kale oo hore u ahaan jiray wanaag neceb, :gartay, hadda BBC-da ka warama iyadda??  “Ka darro dibi dhal, iyaddu warkeedu waa kuture kuteenee,   kolaay war ma jiree hadaanad dhegaaysan idaacadda ku baxdaa FM NO. intaas” ninkii oo niyad jab war sheegisi gashay ayaa u bilaabay sidan “ waxaa saaka la wareeystay  Gaas-Gaab oo ka hadlay arimaha Somaalida  sheegayna in dhowaan somaaliya hagaagi doonto, waayo?  hadddi  Hebel, iyo Hebel  caalamku la tashaddo iyagana lala xajooddo, keligood ayaa  Somaalida yaqaanaana”  oo adeer weli dadku ma waxaay u xidhan yihiin hebl iyo hebel, iyo hebelo dhintay???   “war naga tag dadku waa xayawaane ma cidkale ayaay haystaan”!! waa jawaabta uu ku fal-celiyay Odeyga Idaacadda wareegta.
Odyegii o oo sheekadii wada ayaa dood kale dhalintii dhex dhigay oo adeer “ Qolama ayaad tihiin? Waan iska duryamayoo ileeyn war ayaa u gaajo badanee,  aan is baranee yaad kasoo jeedaa?! “Aniga waxan ahay reer hebel, hebelna wa reer hebel, waa isku dadkii oo ma kala fogin yarkaas uun ayaa inagu dhex koray, oo isaguna waa inaga, qolo ahana inagma fogga mar hadii…………”!. Sheeko cusub,  oo adiga yaa ku dhalay  “waxaa I dhalay hebel”, waa nin qaali ah waxaa uu ahaa ciidamadd  Dhulka jibaaxa wuxuuna ka mid ahaa saraakiisha Ruushka, “Adeer “Anigana waxaa I dhashay Heblo, oo ahaayd saraakiisha ciidamada guul wadayaashaa”, adigana   yaa ku dhalay? “hebel oo ahaa sarkaal ciidamadda Tangiyada ahaa markii dambena Jabhaddaas ka mid ahaa”,  anigu iyo dhoowr kale waxba maanan oran waayo xiddigo waqtigodii dhacay ayaan u aragnaa arimahan lagu abtirsanaayo, waxaanu isku daynay inaan baadhbaadhno wax magac gaar aanu u leenahay, mid ayaa iga horeeyay oo yiri aniga waxaan ahay hebel waxaana ahay sarkaal u sheqeeya Wasaaradda Caafimaadka, “ adeer goor xun ayaad ksuoo beegantay” odaygii ayaa ku jawaabay. Ku darsoo Odeygan, laftigiisu Sarkaal ayuu ahaan jiray hadda se diif  ayaa ka muuqata, dadkana isaga ayaa ugu caay &  bakhsid  badan, magac ayuu ku sheqeeystaa, dantiisiina waa uu ka tegay,  waxaanse ka yaabay markii jiibta la isla jaan qaadaay, oo marka wax la is waaydiiyaba laaysugu jawaabay “ isaga ayaa kuu yaqaan, & hebel waa laguu yaqaan”, dhankaayga ama dhanka asxaabta qaar waxay nagu noqotay Afkiibaa juuqda gabay, waxaase I farxad badnaan lahaayd in dadku iyagu gaadhaan guulo mustaqbal, waaana jawaab ama sawir ina tusaaya hanyarida dhalinta, maaha dhamaaantood, waase intooda badan.

Sheeko yaanan kugu daalinee, Aabahana barbartiisuna maaha inaad cidla fadhiisato, ee waxaa uu ku barbaariyaa inaad dadaasho, waxqabsato si aad usoo gaadho heerkiisa ama ka sareeysa, Aabo kasta ama hooyo kasta Alle abalkiisa ha guddo, Janadda fardoowsana ha geeyo, Inagana tallo ayaa inala gudboon. is fahan la’aan yaa ka dhacday, waxaa yaab leh inaad dugsato magaca Aabahaa, ha gaboobo ama ha dhintee, waxaase loo baahanyahay in tariikhda la kaaydsho oo aay magac uun noqoto, hadiise aad is tiraahdo waxkasta ha kuu qabato waxaad gabaysaa kartidaadii, waxaadna wiiqaaysaa inaad adigu magac sameeyso, sheekadani waa sawir tusayaa dhacdooyin joogta ah, umase u dhicin si aan goob-joog nimo ah.

Thursday, May 29, 2014

Dhismaha Waddada Ceergaabo: Filasho Mustaqbal, & Soo Noqod Wanaagsan


Fallo Kooban.
W/q: Hassan A Shire
Arraar:
Nin aanu saxiibo nahay, ayaa maalin anagoo wada joogna waxaanu maqalnay in waddo  isku xidha Jebutti iyo Yemen in la bilaabayo (bridge), Odeygii aanu saxiibka ahaayn, inta uu aad u  dhoolo cadeeyay ayuu igu yiri “war Xasan waxaan u malaynayaa wadadaasi inaay tahay tii dadka Amxaarta ahi, ka gali lahaayeen Masjidka Xaramka ah ee barakaaysan aakhiru sabanka, sidii Rasuulkeenii suubanaa NNKHA uu sheegay. Haddaba  waddada Ceergaabo dhismaheeda waxaan u malayanyaa inaay noqon doonto, mid dib usoo celisaa dadkii ka farcamay gobolkan “cidkasta ayaankeed, iyo waqtigeed”.
Hada waxaan uga socdaa dadka wax kastoo oo usoo kordha waxaay ula yimaadaan wanaag iyo dhib labadaba, waxaase markasta loo badiyaa dhanka rajada wanaagsan, inaad wax sadaalisaana maaha inaad ka hadlaayso wax ka maaqan,waase fikir aad arki karto, sadaalin karto, hadaad dareento, waxaayna noqonkartaa Riyo aad ku hambabarto waqti dambe.
Dhismaha wadada Ceergaabo cidkasta waay dareemaysaa inaay tahay horumar, rajadaasoo u iftiintay dad faro badan, oo muddo si eeri go’an ah ugu noolaa Gobolka Sanaag, qaarkalena lugahaay miciin badeen waa intii awoodaysee, ku darsoo qalbiga dadka reer Ceergaabo burcad ayaay isu marisay, waxaayna dhistay hadaaqa ka waayn da’ahaan, ama ka yar, kii wax soo bartay, kan caalimka u ahaa,ama hogaan ganacsi intuba wanaag iftiimay iyo niyadsan aaay isla janqadeen, waana sheeko inta badan laga sheekeeyo, tacab hadal  dadka kuma yaraa, waxtarkale ha iska yaraadee.
Hadaba aan  u laabtee nuxurka qoraalkan, gobolkan sanaag waxaa uu kamidyahay gobolada ugu facca dheer, sidoo kale waxaa kasoo tafiirmay guud ahaan dadka kasoo jeedaa Somaalida, waxaana ku aasan in ka badan lix Awoowe, oo dadkoodii hadeer ku noolyihiin dhulka Somaalidu degto guud ahaan, halka aay ku jiraan dad tariikh kale lahaa sida Wiil-wal, Araweelo, waxaan meesha ka madhnaayn, asaar duugoowday  oo aan  qiyaasi karaayn,da’da tariikh ahaan  ku dheehan, intaasiibaa wa dhaxal ka dhexeeya  dadka Somaalid ah, waxaase hadheeyay   gobolka burbur iyo dhaqaali xumi keentay inta dadka ugu dambeeysana qarkood inaay ka guuraan, horena tariikhda hadaad uu raad-raacdo dhowaan ayaay beelah somaalidu qarkood  ama inta badan deganaayeen, waqtigaas oo aan ka fogaayn qarnigii 18aad,  waase laga hayaamay, dhulka ayaa lagu firdhay, markii tiro ahaan la kordhay, waxaana hadeer degan bulsho koban.
Somaalidu waxaay tiraaahdaa berigii hore nabsiga waxaa sidi jiray Diin, hadeerse waxaa sida Shimbir, arinkaas oo micnaheedu yahay nabsigu waa dheereeya,  waxaan uga socdaa gobolkan hadii wadooyinkaas loo dhiso waxa suurto gal ah in dadyoow faro badan kusoo laabtaan, nabsigiisana helo, aakhirkana uu noqdo meel dad leh abtirsiyo faro badan aay isugu yimaadaan “ Maahmaah carabi ah ayaa tiraahdaa shaaykasta waaa uu ku laabtaa Asalkiisa”, tusaaele ahaan qofku marka u gaboobo waxaa u dib ugu laabtaa yaraan iyo jidhyaraan, caqli caruur sida ciyaalka(wuu camoomay, ama wuu hadaaqayaa), waxkasta oo waqtigiisu dhamaadana ciidda ama carrada  ayuu dib ugu laabtaa, Qoomiyadaha Somaaliduna badankoodu waxaay dib ugsoo laaban doonaan gobolkan, waxaana hormuud ka noqon doonta dhismaha waddada Ceergaabo, oo dad faro badani  soo if-raacayaan, ama keento in dib ugusoo hirtaan.
Mustaqbalka Gaark ah  ee gobolkani leeyahay:
Waa gobol ku yaalaa meel qani ku ah inta wax laga manaafacaadsado sida: ciidda wax soo saarka, biyo joogta ah, dhanka macdanta oo ah gobolka ugu qiimaha badan uguna badantahay, Xoolo xoogan oo isug jiraa guud ahaan meesiga la dhaqdo,  sidoo kale badda ugu dheer eee gobol yeesho waa ka ugu qanisan, ama ugu baaxad dheer, waxaana meesha ka madhnaayn dhirta udugga ee laga sameeyo waxyaabo faro-badan, guud ahaan geyigan baaxadda dhuleed waa mid ku fillaan-kartaa cidksta oo martinimo ku timaada, sidoo kale waxaa uu leeyahay dhul aad u quruxbadan dalxiiskana ku wanaagsan oo ku  xeegaaran baddaas dheer,  waxaa kaliya ee  gobolkani u buseeylay waa isku xidhka in la gaadhsiiyo dadyoowga kale si’aay uga fa’ideystaan kaaydkan dhaqan-dhaqaale, oo wadadu hormuud katahay baahidaas isku xidh, iyo horumarada kale, dhismaha waddada Ceergaabo waa arin kuu dhiirashadiisu uu baahnaa, karti,calool-adaayg, iyo fikir, waana ku mahadsanyihiin hormuudka waddadan.
Tallo ku aadan Mustqbalka umaddan (Dhalinyaradda):
Waxaan usoo jeedin lahaa dhalinta guud ahaan inaay ka fa’iideytaan mustaqbalka gobolkan oo aay kasii hor degaan intaan laga hor qabsan, sida dhismah bulshadda, dhulka, wada-tashiga, wax soo saarka khayraadka, sababaha keenaya in dib loo gusoo noqdo waxaa ka mid ah, boobka khayraadka oo caalamka noqday dagaalka koowaad, hadda fikir haayso wax-soosaar hadda waa furad, si’aad u gadhoo yoolkaaga, Dhismaha waddada Ceergaabona waa arin taariikhiya.

Alla Mahad-leh