Saturday, April 19, 2014

Somalia & Somaliland: Halxidhaale, Sadexgeesa!! Danta Caalamka, Baahida Somaaliya, Doonsita Somaliland


Ma jirto duruuf ii gaar ah, oo kaliftay maqaalkan, waxayse ku salfadhidaa, aragtiyaha aan ka dareemay meelo kala duwan iyo doodaha  markasta la jaar noqon karaa dhacdooyinka maanta taagan, kuwa beri, igama ah lexjeclo inaan sheego waxaan sal iyo raad toona lehaayn. lakin waxaay iga tahay dareemo soo jireen ah oo aan ka dhex arkaayo sidaay wax u socdaan iyo  muqaalada hadaf  ee manta aay reer galbeed horkacayaan. Waxaan xogahan kasoo qaatay hadalada inta badan laaysu mariyo saxaafadda heer caalami ama mid gudeed, gaar ahaan hogaamiyaasha kal duwan ee ku lug leh(kuwa caalamak, Somaaliya, Somaliland) arinkan ha noqoto, qoraal ama hadal, hayeeshee Fasirkaad ka bixisaa waa muhiim dhankaaga, ana waa igasoo gudbin akhristee aan si kooban waxa ugu lafo guray, waana iga cudur daar hadaad aragto wax ku dhibaa.
Caalamku maaha markii ugu horeeysay ee faro gelin ku sameeyso duruufaha somaaliya yaala, iyo sido kale taaageero rasmi ah u fudiyo somailand. tariikhdii ka dambaasyay ilaa 1990 kii waxa mid kasta lala garab taagnaa(Somaliland & Somalia) taageero macaawimo oo xaga deeqaha, siyaasadda,  arimaha horumarka, iyo hadba duruufaha aay la kulmaan. Halka Somaliya ka hirgashay, in mararka qaarkood taageero meleteri lagala qaayb qaato,  Somaliland-na laga tageero xaga arimaha horu socodka siyaasadda, sida dorooshooyinka iyo fidinta maamulka, dhismayaasha hay’adaha daawlig ah, iyo arimo kale oo bulsheed.
Hadase waay ka duwan tahay caalamku waxa u tafo- xaaytey, waa wadamada reer galbeedkee, mudo kooban gududheed in uu wada hadallo dhex galiyo Somaliland iyo somaliya, waana arin run ahaantii biloowday tan iyo mudadii la asaasay isu tagee la oranjiray,
Somali contact Group oo u hogaaminaya maryaakanku, kaas oo shirkisii ugu
dambeeeyay lagu saxeexay sideed qodob oo aay kamid ahaayeen in ingiriisku shirarka dambe Somaliland culaaysk ku saaro inaay kaso qaayb galaan, waxaase si rasmi ah loogu dhawaaqay ka qaayb galki shirkii ingiriiska ka dhacay bishii May ee sandkii inasoo  dhaafay, Somaaliya shirar kaas goob jog bay ahayd, lakiinse Somaliland kamaay qaayb gali jireen, wa shirarka aay qaban jireen Somali contact Group, inakstoo la xusi karoo in kulan aay qaadacday doowdladii waqtigaas hogaaminaysay Somaliland shir uu donel bain ku marti qaaday, waxaa si rasmi ah uga qayb galay xooghayihii arimaha dibadda ee xisbiga Kulmiye, waqtigaas, hadana ah wasiirka arimaha dibadda ee Somaliland, ma garan karno wixii kasoo baxay shirkaas, hadaan ka hordhacno arinkaas wa inagu ceeb, waxaase laga arki karaa musatqbalka dhow,  hadaba maxaay tahay danta caalamka ugu jirta in Somaliland iyo somaliy wada hadlaan? Waa suaal aan isku dayi doono inaan ka jawaabno.
Ka hor intaana su’aashaas ka jawaabin somaliya xagaay tagaan tahay:  maxaayse u baahan tahay wqtigan? Somaliya dhowoaan ayaay la xil wareegtay dhoowr gobol oo ka mid ah koonfurta Somalia iyadoo aanay jirin ciidamo xoog somaaliyeed ah, oo si rasmi ah ama awood ahaan ula wareegay goobahaas, lakiinse waxaa hubaal ah inaay qabsadeen xoogaga AMISOM, oo tageeray dowoalda somaaliya ee curdinka, waxaayna ka saaren xoogaagii Islaamiyiinta ee goobahaas ka jiray, waxaase iyaduna aan meesha kamadhnaayn inaay jirto habab, qabiil  kaashadeen,  waxaa Hogaanka somaliya ee cusubi xilkii la wareegay, culaayska saaray siyaasadda arimaha dibadda oo ah xalka  keliya ee gobood u noqonkara hanaankan cusub ee usoo beryay Somaliya, madaama aanay tageero buuxda ka haasyan shicibka, Sababta oo ah, barlamaan laguso xulay habka liiska cadiga ah oo so maray hab-qabileeysan iyo awood madax-dhaqameed, oo laga yaabo inaay goobaha qaarkodo kalsooni ka hasyan, waxa iyaduna meelaha qar ka dhacay in siyasiyiintu aay afduben xulashadii ergooyinkaas ka qaayb galay barlamaanka, dhanka kale ma jiraan hay’addo doowli ah o si rasmi ah u sheqeeya kana jira gudaha dalka, waana ta ugu muhiimsna ee hortaala manta doowlada la doortay, inaay so celiso xafiisyo shaqaaynaya oo isku xidhan si hanashaddaa dowladdu aay u timaado waqti dhow loona hirgaliyo, ujeedka doowladi u jirto, waa qodob horyaala ahna baahida koowaad ee doowlada Hassan .Sh. Mohamoud.
Waxaa iyaduna halkaas weli ka jira caqabado reernimo o  dadka qaar aay sheagnayaan, sed-bursi aanu marnaba saafi ka ahayn, Arimahaas waa qar aan ka maqlay dhanka saxaafadda, taas oo ah wixii markii hore Somali isku dishay, yaanan se kudagdeginee  waa doowlad cusub, iyo waqti cusub lakiin bar-biloowga wanaagsani, waa guusha berri, madaxweeyna kasta o yimaadda oo ka dambeeya 1990 kii waxa difaacay reerkiisa, inkastoo Dowaldani, iyo labadii ka horeeyay ka yara duwan-yihiin, hadana hababka maamul waa dhici kartaa inaay iska qabiileeysan yihiin, waxaase caalamku kal qaayb qaatay, awooda xaga meleteriga,  oo awood-ahaan taagerayay  besha caalamku , danaha qabiiklu kama madhna, hogaanak doowlada, madaama markii hore uu jiray 4.5, oo qaab qabiil ah. Hanaanka dhisme iy maamul ee Somaaliya aya au yaala habka doowlad dhexe in la hirgaliyo meeshan laga saaro habki wax wadaaga goboalda ee federaalka, taasi waxaay suurto gal u tahay in degaamada qaar aay raali geliso qaarkalena aay colaad ka abuurto, waa sida saansanka so fool leh ka muquata iyo gaar ahaan waxa hadda ka socda jubooyinka, inakstoo dastuurak aan marnaba meel laga dhaafi  Karin oo aay keeni karto burbru labaad waxaadse mooda in hogaanku  u hirgalinaayo awoodihiisa, iyadoon cago fician ku taagnaayn doowladda manta lasooo dhisay.
Somaliland: waxaay hadda u taala hab dhisme doowladeed o u yaala in aay wada sheqaayn leeyihiin hay’adihi doowliga ah, sido kale waxaay si rasmi ah u sugen hay’adha amniga iyo kuwa isgadhsiinta ee dowoliga ah, waxaan caalmaku u noqotay gabood nabaedeed o aay in badan ku nastaan, waxaase sido kale ka hirgalay doorooshiyin oo ka dhacay, kuwaas oo tiro  ahaana gaadhayaa  shan doorsooshooyin oo kale duwan.
Sidoo kale somaaliland waxaay deeqo caalami ah ka heshaa caalamka, gaar ahaan reer galbeedka,  Somaliland  hada waxaay si rasmi u qaadacday shirka London sidoo kale waxaay sheegtay inana wax wada- hadal ah aanu ka dhex jirin Somaliya, shirka londona uu ku kooban yahay Somaliya,(hadalkii madxweeyne zilaanyo uu ka jeediyay Gegi-da diyaaradaha Egal).
Dhanka kale caalmka ayaa ku qarashgareeya somaaliya lacag aad u badan oo aay ku bixiyaan xaga taageerada meleteri iyo  mid si gaar ah aay u siiyaan dadka tabeelaaysan, sidoo kale waxaay aad uga qaayb-qaataan xaga arimaha baahiyeeed ee manta ka taagan gudaha somaliya. Mar hadii aay dani ugu jirto waqtigan amniga somaaliya, sidoo kale xeerinayaan wadamada geeska iyo baragia ku yaalaa in aay ku nooladaan xaalad nabadeed, taasina ma imankarto hadaan amni aan laga helin soomaaliya, waxaa sido kale kumanaan qaxooti ah aay kudaadsan yihiin daafah caalamka, kuwaas oo u  dhashay wadanka somaaliya, sido kale dadka somaalida ah  markaay gaadheen wadamada kale caalmka waxaay la tageen habdhaqano ad ugu adkaaday maamulada ka jiraa  wadamdaas oo aay hormuud ka yihiin inaay dhiiri galiyaan,korobshanka, khiyaaanada, iyo habdhaqano kale oo aay baahidu keentay, waxaa sido kal ka dhacay baahi aad u badan oo ay sal u tahay in wadamda caalmka qarkood iyagoo shaqooyin helaaya aay awoodi kari waayan inaa shaqasytaan.
hadaba wada hadalaan u dhexeeya Somalia iyo Somaliland  ee u caalamku dabada ka riixayaa, ayaa salka ku haysaa  ujeedo  midnimo Somaaliya, oo aay dhowr jeer ka dhawaajiyeen madaxda somaliay ee cusub. Qaarkoodna aay ka dhawaajiyeen, inaay u sal fududeeynayaan sidi Somaliland aay saamigeeda uga qaadan lahaayd somaliya cadalaadna dib looo so celin laha, sidoo kale Somaliya aay aad u jeclaysanaysa  midnimado aay  Somaliland ka qaayb tahay, waxaan kasoo xiganayaa hadalkaas hogaanka hada ee jooga Somaaliya.
Maxaay qabaan shacabka Somaliland ee leh awooda kama dambayasta ah ee manta? Shacabka Somaaliya halkee ayuu isaguna ka taaganyahay arimahaas?
Hadaba danta caalmaku ugu jirtaa midinimadaas waxa weeyaan madama Somaliland iyo puntland ay leeyahihiin ciidamo dhisan, oo meleteri, ah sido kale loo furay Somaliya hubkii, in marka la gaadho dhamaadka sandkan, ciidmadaas Somaliland iyo puntlan la hubeeyo, la-tababoro,  lana geeyoo gobolada koonfureed si aay ula wareeegan hanaanka amni ee manta aan weli ka hirgalin, qaaybta koonfureed, sidoo kele la tababaro ciidamdaas si aay xilka ugala waregaan ciidamada AMISOM, oo hada culaays faro badan fuuli dooan gudaha sicibka somaliyeed, sido kale qarashkii badnaa e kabaxayay caalamkna loo yareeyoo, iyadoo culaayska la saari doono xaga dhismaha hay’adaha doowliga ah, waxa sidoo kale aad looga shaki qabaa wadamda aay ciidamadu AMISOM ka yimaadeen inaay keento cadho gudahooda ka dhalata dhimashada si badanaysaa awgeed,  madaama aay jiraan awoodo siyasadeed o ka aloosan(tartan dhexmari karaa xisbiyadda mucaaradka iyo hogaamiyaasha hada ka ah madaxda) wadanakasta, si hogaamiye kastana kacdoonkaas u badbadiyo wa  inuu u dhowra doonista shicibka, sidoo kale badbaadiyo dhimashada ku dhacaysaa, kama madhnaa in dan gaar ah cidkasta u joogto, waayo siyaasadda arimaha dibadda ee caalamka ka jirtaa ayaa danno ku dhisan, waana wax si waaydaarsi laga wada faaiidaayoo,  inakstoo aay xaraam tahay inaay ashkhaas u adeegto), sidoo kale dib loo dhiso niyadda  ciidamamada ka dagaalamayo furimo aanay lahayn, oo suurto gal tahay inaay ku kacaan aakhirka doonsitooda. Waa arin Amni caalami ah,  lakiin tageero uun ah ayaay hadda u joogaan wadanka Somaaliya .
Arinkaas waxaa markhaati cad ka ah heshiisak meleteri, wada jirka  u saxexeen raasyal-w aaraha Somalaiya iyo madaxweynaha puntlan, oo culaasyka,ama biyo dhiciisu ahaa,  sidii  aay ciidamada Puntland uga  faa’iidi lahaayeen.  Dhanka dhismaha iyo qalabaaynta cidamdaas,  iyaguna uga qaayb qaadan lahaayeen amniga somaaliya, inkastoo aanay qeexnaayn, ilaa heerkee. wa fursad kale o dad badani aay su’aal iska waydiinayaan, haeyeshee lama garan karo waxaay keeni karto, waxaase garab cararayaa heshisyadas Su’aalo dhoowr ah oo aay dad-badani iswaaydiinayaan, oo si gaar ah u taabanayaa dhanka doowlada Somaaliay mustaqbalkeeda, ma danbaa uga jirtaa inaay hada culaayska saaraan dhismaha maamuladda ee awood meleteri, iyadoon aanay dhsinaayn awoodi doowladii dhexe  mise wa u dhib? Waa isla dhinacaas somaaliye,waa arin horyaal hogaankaas Somaaliya, inkastoo dheef iyo dhibba in la wadaaga ay tahay mid fiican, lakiin waqtigan ma loo bislaaday, waxaase iyaduna aan meshaas ka madhnaayn in caalamku ad u jeclaysanaayo inuu arko somaliya oo nabad ah kana jirto doowlda u janjeedha xaga reer galbedka, hayeeshee waxa hiraaklkaas hor kici karaa Somalidaas ku nool degamdaas,  waxaayna la mid tahay sida aay dadka Somaliland degani ka yeelaan doonsitooda, siyaasiga manta jooganaa, waxa hagaa shicibka.
Hadaba dhanka kale ee caalamka, marka laga tago isbahaaysiga reer galbeed, waxaa iyaguna hada soo baxay Awood kale oo ka kooban wadamadda, China, Turkey, Iran, & Egypt, oo iyaguna hadaf kale ka wataa Somaaliya inkastoo halkaas labo fikradood aay is dhex ordayaan oo China hadafkiisu yahay, xaga arimaha Dhaqaalaha, halka Egypt iyo Turkey aay aad u danaynayaan inaay soo celiyaan Awoodii Islaamka oo markale caalamku ku faaftaa, iyagu maxaay kaa aminsanyihiin hadda mustaqbalka Somaaliya.
Markaan egnoo sidaay wax u socdaan wadamadaasi waxay aaminsanyihiin in awooda doowalda dhexe ee somaaliya la dhiso ciidamda AMISOM laga saaro, sidoo kale aay lawareegaan maamulka nabadeed eee Somaliya, waana u dan, iyo horumar,  guul daradda ku timaada wadamada reer galbeedka, hadaay taasina dhacdana waxaay si rasmi ah ula xilwareegi doonaa ciidamo aay taageerayaan wadamadaas, iyo kuwo aay si gaar ah iyagu u dhisaan,  Somaliya si aay u dhisaan dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaan lakiin u janjeedha, dhanka islaamiga, waxaay sidoo kale ad usoo dhowaayn doonaan waxaksta oo guul darro ah oo ku timaada xaga xidhiidhka shirka London, qaadacadda Somaliland waa mid ka mid ah guulaha aay gaadhi doonaan haday dhacdo, oo aay xaqiiq noqoto Arinka Madaxweeyne Silaanyo.
 Gebogebodii hadii caalamku uu ku guuldaraaysto donistiisa midnimo Somaaliyeed, maxaa marlabaad horyaalaa?( wa qaaybta koowaad ee  halxidhaalahan, waxa uu  horyaala Caalamak), waxaa iyaduna aan meshaas ka  madhnaayn maxaa horyaala Somaliland hadii aay go’aansato  inaay wadamad Reer-Galbeed  indhaha ka jeediso?( waa qaaybta labaad e halxdihaalhan horyaala Somaliland), maxaase ka suurto gali kara dowlada Somaliya inaay sameeyso hadii aay u suurto gali waaydo doonistii aay ka lahaayeen Somaliland? (Waa qaaybtii sadexaad ee halxidhaalahaas oo u horyaalo Somaaliya), waxaase iga googa ah tallow dhisida ciidamo dhaf ah miyaanay suurto gal ahaayn, waxaanse ku gunaanaday Madaxweeyne Zilaanyo xidhiidh cusub ma la yeelan karaa Wadamada isbaahaaysiga ah oo ka kooban, China, Egypt, Turkey, Iran, oo siyaasadoodu hada dib usoo kacday,  maxaayse samaayn ku yeelan kartaa Dhexgalka awoodahaas(reer galbeed & iyo wadamada Bariga).
Balankeenu waa tawfiiq iyo wax isu sheeg
Guul & Gobonimo.
Hassan Abdi Shire


No comments:

Post a Comment