Ma jirto duruuf ii
gaar ah, oo kaliftay maqaalkan, waxayse ku salfadhidaa, aragtiyaha aan ka
dareemay meelo kala duwan iyo doodaha markasta la jaar noqon karaa dhacdooyinka maanta
taagan, kuwa beri, igama ah lexjeclo inaan sheego waxaan sal iyo raad toona
lehaayn. lakin waxaay iga tahay dareemo soo jireen ah oo aan ka dhex arkaayo
sidaay wax u socdaan iyo muqaalada
hadaf ee manta aay reer galbeed
horkacayaan. Waxaan xogahan kasoo qaatay hadalada inta badan laaysu mariyo
saxaafadda heer caalami ama mid gudeed, gaar ahaan hogaamiyaasha kal duwan ee
ku lug leh(kuwa caalamak, Somaaliya, Somaliland) arinkan ha noqoto, qoraal ama
hadal, hayeeshee Fasirkaad ka bixisaa waa muhiim dhankaaga, ana waa igasoo
gudbin akhristee aan si kooban waxa ugu lafo guray, waana iga cudur daar hadaad
aragto wax ku dhibaa.
Caalamku maaha markii
ugu horeeysay ee faro gelin ku sameeyso duruufaha somaaliya yaala, iyo sido
kale taaageero rasmi ah u fudiyo somailand. tariikhdii ka dambaasyay ilaa 1990
kii waxa mid kasta lala garab taagnaa(Somaliland & Somalia) taageero macaawimo
oo xaga deeqaha, siyaasadda, arimaha
horumarka, iyo hadba duruufaha aay la kulmaan. Halka Somaliya ka hirgashay, in
mararka qaarkood taageero meleteri lagala qaayb qaato, Somaliland-na laga tageero xaga arimaha horu
socodka siyaasadda, sida dorooshooyinka iyo fidinta maamulka, dhismayaasha hay’adaha
daawlig ah, iyo arimo kale oo bulsheed.
Hadase waay ka duwan
tahay caalamku waxa u tafo- xaaytey, waa wadamada reer galbeedkee, mudo kooban
gududheed in uu wada hadallo dhex galiyo Somaliland iyo somaliya, waana arin
run ahaantii biloowday tan iyo mudadii la asaasay isu tagee la oranjiray,
Somali contact Group
oo u hogaaminaya maryaakanku, kaas oo shirkisii ugu
dambeeeyay lagu saxeexay
sideed qodob oo aay kamid ahaayeen in ingiriisku shirarka dambe Somaliland
culaaysk ku saaro inaay kaso qaayb galaan, waxaase si rasmi ah loogu dhawaaqay
ka qaayb galki shirkii ingiriiska ka dhacay bishii May ee sandkii inasoo dhaafay, Somaaliya shirar kaas goob jog bay
ahayd, lakiinse Somaliland kamaay qaayb gali jireen, wa shirarka aay qaban
jireen Somali contact Group, inakstoo la xusi karoo in kulan aay qaadacday
doowdladii waqtigaas hogaaminaysay Somaliland shir uu donel bain ku marti
qaaday, waxaa si rasmi ah uga qayb galay xooghayihii arimaha dibadda ee xisbiga
Kulmiye, waqtigaas, hadana ah wasiirka arimaha dibadda ee Somaliland, ma garan
karno wixii kasoo baxay shirkaas, hadaan ka hordhacno arinkaas wa inagu ceeb, waxaase
laga arki karaa musatqbalka dhow, hadaba
maxaay tahay danta caalamka ugu jirta in Somaliland iyo somaliy wada hadlaan?
Waa suaal aan isku dayi doono inaan ka jawaabno.
Ka hor intaana su’aashaas
ka jawaabin somaliya xagaay tagaan tahay: maxaayse u baahan tahay wqtigan? Somaliya dhowoaan
ayaay la xil wareegtay dhoowr gobol oo ka mid ah koonfurta Somalia iyadoo aanay
jirin ciidamo xoog somaaliyeed ah, oo si rasmi ah ama awood ahaan ula wareegay
goobahaas, lakiinse waxaa hubaal ah inaay qabsadeen xoogaga AMISOM, oo tageeray
dowoalda somaaliya ee curdinka, waxaayna ka saaren xoogaagii Islaamiyiinta ee
goobahaas ka jiray, waxaase iyaduna aan meesha kamadhnaayn inaay jirto habab,
qabiil kaashadeen, waxaa Hogaanka somaliya ee cusubi xilkii la
wareegay, culaayska saaray siyaasadda arimaha dibadda oo ah xalka keliya ee gobood u noqonkara hanaankan cusub
ee usoo beryay Somaliya, madaama aanay tageero buuxda ka haasyan shicibka, Sababta
oo ah, barlamaan laguso xulay habka liiska cadiga ah oo so maray
hab-qabileeysan iyo awood madax-dhaqameed, oo laga yaabo inaay goobaha qaarkodo
kalsooni ka hasyan, waxa iyaduna meelaha qar ka dhacay in siyasiyiintu aay
afduben xulashadii ergooyinkaas ka qaayb galay barlamaanka, dhanka kale ma
jiraan hay’addo doowli ah o si rasmi ah u sheqeeya kana jira gudaha dalka, waana
ta ugu muhiimsna ee hortaala manta doowlada la doortay, inaay so celiso
xafiisyo shaqaaynaya oo isku xidhan si hanashaddaa dowladdu aay u timaado waqti
dhow loona hirgaliyo, ujeedka doowladi u jirto, waa qodob horyaala ahna baahida
koowaad ee doowlada Hassan .Sh. Mohamoud.
Waxaa iyaduna halkaas
weli ka jira caqabado reernimo o dadka
qaar aay sheagnayaan, sed-bursi aanu marnaba saafi ka ahayn, Arimahaas waa qar
aan ka maqlay dhanka saxaafadda, taas oo ah wixii markii hore Somali isku
dishay, yaanan se kudagdeginee waa
doowlad cusub, iyo waqti cusub lakiin bar-biloowga wanaagsani, waa guusha berri,
madaxweeyna kasta o yimaadda oo ka dambeeya 1990 kii waxa difaacay reerkiisa,
inkastoo Dowaldani, iyo labadii ka horeeyay ka yara duwan-yihiin, hadana hababka
maamul waa dhici kartaa inaay iska qabiileeysan yihiin, waxaase caalamku kal
qaayb qaatay, awooda xaga meleteriga, oo
awood-ahaan taagerayay besha caalamku ,
danaha qabiiklu kama madhna, hogaanak doowlada, madaama markii hore uu jiray
4.5, oo qaab qabiil ah. Hanaanka dhisme iy maamul ee Somaaliya aya au yaala
habka doowlad dhexe in la hirgaliyo meeshan laga saaro habki wax wadaaga
goboalda ee federaalka, taasi waxaay suurto gal u tahay in degaamada qaar aay
raali geliso qaarkalena aay colaad ka abuurto, waa sida saansanka so fool leh
ka muquata iyo gaar ahaan waxa hadda ka socda jubooyinka, inakstoo dastuurak
aan marnaba meel laga dhaafi Karin oo
aay keeni karto burbru labaad waxaadse mooda in hogaanku u hirgalinaayo awoodihiisa, iyadoon cago
fician ku taagnaayn doowladda manta lasooo dhisay.
Somaliland: waxaay hadda u taala hab dhisme doowladeed
o u yaala in aay wada sheqaayn leeyihiin hay’adihi doowliga ah, sido kale waxaay
si rasmi ah u sugen hay’adha amniga iyo kuwa isgadhsiinta ee dowoliga ah,
waxaan caalmaku u noqotay gabood nabaedeed o aay in badan ku nastaan, waxaase
sido kale ka hirgalay doorooshiyin oo ka dhacay, kuwaas oo tiro ahaana gaadhayaa shan doorsooshooyin oo kale duwan.
Sidoo kale somaaliland
waxaay deeqo caalami ah ka heshaa caalamka, gaar ahaan reer galbeedka, Somaliland
hada waxaay si rasmi u qaadacday shirka London sidoo kale waxaay
sheegtay inana wax wada- hadal ah aanu ka dhex jirin Somaliya, shirka londona
uu ku kooban yahay Somaliya,(hadalkii madxweeyne zilaanyo uu ka jeediyay
Gegi-da diyaaradaha Egal).
Dhanka kale caalmka ayaa
ku qarashgareeya somaaliya lacag aad u badan oo aay ku bixiyaan xaga taageerada
meleteri iyo mid si gaar ah aay u
siiyaan dadka tabeelaaysan, sidoo kale waxaay aad uga qaayb-qaataan xaga
arimaha baahiyeeed ee manta ka taagan gudaha somaliya. Mar hadii aay dani ugu
jirto waqtigan amniga somaaliya, sidoo kale xeerinayaan wadamada geeska iyo baragia
ku yaalaa in aay ku nooladaan xaalad nabadeed, taasina ma imankarto hadaan amni
aan laga helin soomaaliya, waxaa sido kale kumanaan qaxooti ah aay kudaadsan yihiin
daafah caalamka, kuwaas oo u dhashay wadanka
somaaliya, sido kale dadka somaalida ah
markaay gaadheen wadamada kale caalmka waxaay la tageen habdhaqano ad
ugu adkaaday maamulada ka jiraa wadamdaas oo aay hormuud ka yihiin inaay
dhiiri galiyaan,korobshanka, khiyaaanada, iyo habdhaqano kale oo aay baahidu
keentay, waxaa sido kal ka dhacay baahi aad u badan oo ay sal u tahay in
wadamda caalmka qarkood iyagoo shaqooyin helaaya aay awoodi kari waayan inaa
shaqasytaan.
hadaba wada hadalaan u
dhexeeya Somalia iyo Somaliland ee u
caalamku dabada ka riixayaa, ayaa salka ku haysaa ujeedo midnimo Somaaliya, oo aay dhowr jeer ka dhawaajiyeen
madaxda somaliay ee cusub. Qaarkoodna aay ka dhawaajiyeen, inaay u sal
fududeeynayaan sidi Somaliland aay saamigeeda uga qaadan lahaayd somaliya cadalaadna
dib looo so celin laha, sidoo kale Somaliya aay aad u jeclaysanaysa midnimado aay Somaliland ka qaayb tahay, waxaan kasoo
xiganayaa hadalkaas hogaanka hada ee jooga Somaaliya.
Maxaay qabaan shacabka
Somaliland ee leh awooda kama dambayasta ah ee manta? Shacabka Somaaliya halkee
ayuu isaguna ka taaganyahay arimahaas?
Hadaba danta caalmaku
ugu jirtaa midinimadaas waxa weeyaan madama Somaliland iyo puntland ay
leeyahihiin ciidamo dhisan, oo meleteri, ah sido kale loo furay Somaliya hubkii,
in marka la gaadho dhamaadka sandkan, ciidmadaas Somaliland iyo puntlan la hubeeyo,
la-tababoro, lana geeyoo gobolada
koonfureed si aay ula wareeegan hanaanka amni ee manta aan weli ka hirgalin,
qaaybta koonfureed, sidoo kele la tababaro ciidamdaas si aay xilka ugala waregaan
ciidamada AMISOM, oo hada culaays faro badan fuuli dooan gudaha sicibka
somaliyeed, sido kale qarashkii badnaa e kabaxayay caalamkna loo yareeyoo,
iyadoo culaayska la saari doono xaga dhismaha hay’adaha doowliga ah, waxa sidoo
kale aad looga shaki qabaa wadamda aay ciidamadu AMISOM ka yimaadeen inaay
keento cadho gudahooda ka dhalata dhimashada si badanaysaa awgeed, madaama aay jiraan awoodo siyasadeed o ka
aloosan(tartan dhexmari karaa xisbiyadda mucaaradka iyo hogaamiyaasha hada ka
ah madaxda) wadanakasta, si hogaamiye kastana kacdoonkaas u badbadiyo wa inuu u dhowra doonista shicibka, sidoo kale
badbaadiyo dhimashada ku dhacaysaa, kama madhnaa in dan gaar ah cidkasta u
joogto, waayo siyaasadda arimaha dibadda ee caalamka ka jirtaa ayaa danno ku
dhisan, waana wax si waaydaarsi laga wada faaiidaayoo, inakstoo aay xaraam tahay inaay ashkhaas u
adeegto), sidoo kale dib loo dhiso niyadda ciidamamada ka dagaalamayo furimo aanay
lahayn, oo suurto gal tahay inaay ku kacaan aakhirka doonsitooda. Waa arin Amni
caalami ah, lakiin tageero uun ah ayaay
hadda u joogaan wadanka Somaaliya .
Arinkaas waxaa
markhaati cad ka ah heshiisak meleteri, wada jirka u saxexeen raasyal-w aaraha Somalaiya iyo madaxweynaha
puntlan, oo culaasyka,ama biyo dhiciisu ahaa, sidii aay ciidamada Puntland uga faa’iidi lahaayeen. Dhanka dhismaha iyo qalabaaynta cidamdaas, iyaguna uga qaayb qaadan lahaayeen amniga
somaaliya, inkastoo aanay qeexnaayn, ilaa heerkee. wa fursad kale o dad badani
aay su’aal iska waydiinayaan, haeyeshee lama garan karo waxaay keeni karto,
waxaase garab cararayaa heshisyadas Su’aalo dhoowr ah oo aay dad-badani
iswaaydiinayaan, oo si gaar ah u taabanayaa dhanka doowlada Somaaliay mustaqbalkeeda,
ma danbaa uga jirtaa inaay hada culaayska saaraan dhismaha maamuladda ee awood
meleteri, iyadoon aanay dhsinaayn awoodi doowladii dhexe mise wa u dhib? Waa isla dhinacaas
somaaliye,waa arin horyaal hogaankaas Somaaliya, inkastoo dheef iyo dhibba in
la wadaaga ay tahay mid fiican, lakiin waqtigan ma loo bislaaday, waxaase iyaduna
aan meshaas ka madhnaayn in caalamku ad u jeclaysanaayo inuu arko somaliya oo
nabad ah kana jirto doowlda u janjeedha xaga reer galbedka, hayeeshee waxa
hiraaklkaas hor kici karaa Somalidaas ku nool degamdaas, waxaayna la mid tahay sida aay dadka
Somaliland degani ka yeelaan doonsitooda, siyaasiga manta jooganaa, waxa hagaa
shicibka.
Hadaba dhanka kale ee
caalamka, marka laga tago isbahaaysiga reer galbeed, waxaa iyaguna hada soo
baxay Awood kale oo ka kooban wadamadda, China, Turkey, Iran, & Egypt, oo
iyaguna hadaf kale ka wataa Somaaliya inkastoo halkaas labo fikradood aay is
dhex ordayaan oo China hadafkiisu yahay, xaga arimaha Dhaqaalaha, halka Egypt
iyo Turkey aay aad u danaynayaan inaay soo celiyaan Awoodii Islaamka oo markale
caalamku ku faaftaa, iyagu maxaay kaa aminsanyihiin hadda mustaqbalka
Somaaliya.
Markaan egnoo sidaay
wax u socdaan wadamadaasi waxay aaminsanyihiin in awooda doowalda dhexe ee
somaaliya la dhiso ciidamda AMISOM laga saaro, sidoo kale aay lawareegaan
maamulka nabadeed eee Somaliya, waana u dan, iyo horumar, guul daradda ku timaada wadamada reer
galbeedka, hadaay taasina dhacdana waxaay si rasmi ah ula xilwareegi doonaa
ciidamo aay taageerayaan wadamadaas, iyo kuwo aay si gaar ah iyagu u dhisaan, Somaliya si aay u dhisaan dhaqaale ahaan iyo
siyaasad ahaan lakiin u janjeedha, dhanka islaamiga, waxaay sidoo kale ad usoo
dhowaayn doonaan waxaksta oo guul darro ah oo ku timaada xaga xidhiidhka shirka
London, qaadacadda Somaliland waa mid ka mid ah guulaha aay gaadhi doonaan
haday dhacdo, oo aay xaqiiq noqoto Arinka Madaxweeyne Silaanyo.
Gebogebodii hadii caalamku uu ku guuldaraaysto
donistiisa midnimo Somaaliyeed, maxaa marlabaad horyaalaa?( wa qaaybta koowaad
ee halxidhaalahan, waxa uu horyaala Caalamak), waxaa iyaduna aan meshaas
ka madhnaayn maxaa horyaala Somaliland
hadii aay go’aansato inaay wadamad
Reer-Galbeed indhaha ka jeediso?( waa
qaaybta labaad e halxdihaalhan horyaala Somaliland), maxaase ka suurto gali kara
dowlada Somaliya inaay sameeyso hadii aay u suurto gali waaydo doonistii aay ka
lahaayeen Somaliland? (Waa qaaybtii sadexaad ee halxidhaalahaas oo u horyaalo
Somaaliya), waxaase iga googa ah tallow dhisida ciidamo dhaf ah miyaanay suurto
gal ahaayn, waxaanse ku gunaanaday Madaxweeyne Zilaanyo xidhiidh cusub ma la
yeelan karaa Wadamada isbaahaaysiga ah oo ka kooban, China, Egypt, Turkey,
Iran, oo siyaasadoodu hada dib usoo kacday,
maxaayse samaayn ku yeelan kartaa Dhexgalka awoodahaas(reer galbeed
& iyo wadamada Bariga).
Balankeenu waa tawfiiq
iyo wax isu sheeg
Guul & Gobonimo.
Hassan Abdi Shire
No comments:
Post a Comment