Wednesday, April 23, 2014

Maya!! Maya!! Adeer-Taad Waddo Maaha Saxdii!! Iyo Taayda Ayaa Ah!!!.


Maalinkasta waa u oohin iyo baroor, jaarkana wa u dhib iyo qaaylo,waa u calaal &  ciil farq-qaniin ah hooyadda dhashay  wiilka yare e 1`, oo dad’diisu hadda tahay 13 jir, waana agoon cidna aan la dhalan. Isagana waa u yaab, iyo Ashaqaraar, Ka bacdi geeri Aabihii, inakastoo aanu jirin wax badan oo dhaafsiisan naas –nuujin, waa inan da’ahaan aan weeynaayn aadna u maskax badan qimeeya dadka, heerkasta uu soo marayna aay nolushu ku adkaayd, lakiin maa uu ahaayn damiin,  waxaase u aha qof soo jeeda oo ged-gedoonka wax ka baran jiray, duruufaha hadba ku xeeran, 11 jirkiisu ayuu aad u yaqaanay rajada noloshiisa, tabantaabo ayaa ku jirtaa iyo waxa u hiigsado oo u heli jiray hadba heerka nolusha uu dadaal iyo sida uu halgana ugusoo gallo, aqoon ahaan ma u helin cid ka kaabta heerka aqoon. Halka guyaashii dambe,  cilmigu uu nqoday (waa ka madiga ah)   mid ku baxa qiime



sarre(lacag-badan), waxaana wax ka bartaa, lacag cidii haystaa.Hayeeshee waxa u  fursd u ehalay inu garto,  sidoo kale  barto cilmiga islaamiga ah o u aad jaar ula nqoday masaajidadda, cid badani kuma xeerna, waayaha dambe oo waxa loo yaacay iskuuladda, isaga wax qarash ah lagama qaado, qalbigiisuna waa uu kisii raaxaytaaba.
Maxamed, aabihii waxa u geriyooday isagoo labo jir ah , keligii ayu dhalay, malaha adeero u dhow, hadii se laga iman waayo qaar aay isu ahaayeen ilmaabti, dibadda ku maqan oo aan dhafsiisnaayn inaay u shegtaan ahaanshiyo o kali ah, lakiin aan waxba manaafaacad ah tarin, iyo inuu yahay qaar aad u necba daka Afrika jooga, eedooyin lamaay dhalin oo abihi sidiisa oo kale ayuu  maddi ahaa
Hooyaadii wa Mohamadee, waxaay maalintii u shaqo tagtaa suuqa habeenkii waxaay u keenta manafacad waxay so heshay.  Waxaase quud u noqon jiray oo da’dan, uu kuso gaadhay inaay u keeni jirtay, una karisoo lafaha hadhaaga ah ee hilib, oo feennasho uun aay ku hadhay, Maxamed kama dhergo, ee wuu ku daala sida uu marb meel xoogaa qud ah uga dhexradiyoo, waqtina kaga gabaabsan jiray, waxaase muradkeedu ahaa inaay maraqsato, xoogaa qud o roodhi u badan lagu qooyo heenka kasoo baxaa kariskaas, dhanka kale waxaay  uso iibisaa xooga farxad gelin ah oo aan ka madhnaayn caruurnimadu aay ka helaan da’yartu, oo aay kaso  iibiso xoog-maalki, muruq ee aay manta oo dhan u taagnaayd  qoraxdaas(ALLow hooyooynkeen inoo daa). Waa hubaal in aanay iyaddu waxba ka quudan.
Aayo xumidda uu nolasha kala kulmay geeridi aabihii ka bacdi, wxa kaabay, oo marmar sacidi jiray jarkiisa, siin jiray hadba nolasha kabisteeda iyo hirgalinta  saalixa ah, waxaase  dhib badan ku hayaa hadda, wa malmahan aanu weli  qaan gaadhin sidii u hooaydii u nasin lahaa. Waa hubaal ku digasho badani inay uga timaado yaryarka la degaanka ah, ee geyigaas kula koray, hadh iyo habeen u sheegaa ama ku caaya, inu yahay faqiir weligiina uu ahaan doono.
Waxaa maalin maalmaha ka m id ah masaajida uguso galay nin aad da’aahan u waayn o waqti kasta kua arkaa inan-kan masaajidka waxaana u waaydiiyay, adeer iwaram? wa nabad. Adeer ad, mxaad u duceesysataa?, maxaadse ilaahay wasydisitaa?  iyo jawaab ah adeeer aabahaay ayaa ku  jira god madoow oo anana garanaayn waxa uu kala kulmi karro markaa waan u duceeyaa maraksta .
Ninkii aya int uu yaabay aadna ugu frxay inakas caqligisia iyo maskaxdiisa, wanaaga noloshiisa saxda ah ee ku socda, garasho caqli eek u jirtaa iyo karaamada ilaahay siiyay,  ayuu inta uu kor u kacay, adeer khaayr ilaahay ha ku siiyo.
Maxamed waxa u helay cilmi ki ugu sareeyay waxa u bartay diint silaamka waxaana uuu ka mid nqoday ardayda sida fiican wax uga barataa, ama si bartaba waa mcalinee, tafsiirka qur’aanak kariimka ah iyo hirgalinta dhaqan ahaan. Waxaan u ka mid nqoday dadka inta badan lagaga daydo is bedelka nololeeed.
Hadda maxamed waxa u da’ahaan jira 25 jir cilmi waa ka qanni, waxa u yaqaan diinta Islaamka si qotto dheer ,waxaan ad looga dambeeya cilmiga fiqiga!!  o ah ak ugu baladahn  iyo maxadirooyinka u gallo o ad loga dambeya.
Waxa uu muddo kooban u sheqeeyay shirkadaha dalka mid ka mid ah, waxaana u noqday, midka mid masuulitiinta, shirkadaas waxaan u gaadhay  marki dambe inuu bar biloobo gancsi, gallona heer dhaqan-dhaqaale oo dhisme,  ilaahyna u barakeeyay, sido kalewaxa uu ka mid yahay dadk hadda dhaqaalaha balaadhan leh, waxaana u amal geliay kuwo wax so bartay dhawaan. Dhalinta wax soo bartay, inta badan la yaaban halkaay la aadi lahaayeen aqoontoodda, aadna ugu dhibtaaysan  sidii aay badbadin laahyeen, heeerka shahaado ee aay sitaan, waxaase ka dhimanee diinti islaamka iyo xusuuti rabbi, hadda ka hor waa dhalintii,  kudigan jiray markii aay ahaayeen kuwo nolushu wax badan u saaciday, Maal-mahan waay latashanayaan, qaar kale isaga ayaay shaqaalonimo ka doonayaan, (caqliga wanaagsani wa ka garta cidda aduunyadan abuuratay iyo ujeedadda qofka lo abuuray) hadii kale waaba dhalanteed waxad waddo.
Waxaa xusuus mudan maalin ayaay aad u doodeen Maxamed iyo nin aay aad saxiib u ahaayeen waxaayna is-waaydiiyeen kee ayaa aduunka u manaafacad baan cilmiga maadig ah iyo ka diiniga ah, saxiibkii waxa uu ku yiri Maya, Maya, ka aanu angu wadno ayaa ah saxdii, iyo kaayga ayaa saxdii ah, oo Maxamed kula murmay ilaayn ninbaa diisa ayaa difaacayaayee!!!!!.
Waayaha aduunmu waxa u is-daba socdaba waxaa aay gaadhay waqti is bedel iyo sabir dheeraad ah loo soo galay, illa heer laga gaadhay in qofkasat inuu tijaabiyo awoodiisa, iyo wixii uu soo dhaqday waayihii dambe.
Maxamed hadda hooyadi labo jeer ayuu so xaji-siiyay, waxaayna ku nooshahy nolol ka duwan tii horre, dhaqan ahaan, risiq badna ka ma fikirayso, waayo gurri aay u soo samirtay, iyo nolol aay ku keentay gacmaheeda, rabigeedana la tashatay, ayaay heshay!!! waay taqaanaa rabigeed inuu wax bixiyo, waxaayna taqaana maalmaha aduunyadda is bedelkeeda iyo waagii-beryaba inuu dhaayihiisa leeyahay, , sido kale Maxamed, dhaqankiisi waxa uso maray sabir badan, raaasamaalak duniduna inuu yahay maalmo waa uu garwaaqsanyahay.
Maalin aya waxaa dood kooban dhexmartay mid ka mid asxaabtiisi xaga aqoonta madiga culasyak saari jirtay gaar ahaan, saxiib qaaliga ahaa ee Maadiga aadka u difaacayay, waxa u waydiay su’aal ah adiga qarash badan  ayaa kaso galay cilmigan ad baratay!!. ana bilaash ayaan ku bartay, manta maxaa farqi ino dhexeeya??? isku tallo ayaaynu nahay(waxkasta oo fikir lasoo jeediyo aqoonta waa ka horeeya dhaqaalaha, sidoo kale dadkani yaay sharfaan inta badan?? waa dadka diinta leh), isku miis bananahay( hadafka nolosha waan u simanahay) caruur ayaanwada hasynaa , hogaanak iyo hadaf kale waan u-wada simanahay. Waxaaad ku hadashaa English, ana carabi,  dhaqaale ahaan inan sinaano, sharaft Alle, Rabigeen   tas isaga ayaa inaga Og,& cidda u dhow. Ee  mudane maxaan is dheernahay??, Aqoontan maadiga hadaan manta bilaabo waxaay iguso kordhiansya ma jirtee bal I sheeg faanki iyo amanati aad ila hortaagnyaad maxaay kuso gadhsiisay? oo I kaa dhaafisay?? , inta qoslay aauu ku yri is bedelku maaha aniga iyoa adiga ee waa kii labadaba ka hadhay!!! Qofkii aan baran cilmiga maadiga, diintana aan ka faa’iidin.  Odaygu Maxamed ayuu ki celiyay, waa run ki garan waayay inuu cilmiga ma guuraanak ah, e masajidka yaal ka faideeysto” kelamdahaas ayaa Maxamed yiri si dhoolo-cadeeyn ku jirto, lakiin waxaa tallo ah in marka qofka uu eego cilmiga aan dhamaanayn if iyo aakhiraba u yahay kan amsaajidak yaala ee diinta islaamka(Risiqa Alle ayaa bixiyaa ee fahan waxa laguu aburay, kan maadiga ahna in labrtaa waa muhiim) intaas ayuu hadalkii kuu meeray.
Hirgalintu noalsha iyo kaabista dhaqanka saalixa waxa sal u ah diinta islaamka, aqooni ma jirto dhaafsiiisan diinta islaamka, cilmiga aduunka yaalan waxa lga keenay kitaabka.
Ilaahay ayaa damaanad qaaday hadaad sameeyso camal-saalixa in uu ku siin doono nolol salixa. ee ha garab marin diinta islaamka!!
Muranka ka dhex-taagan dadka baranayaa cilmiga madiga ah iyo kan islaamka ayaa doodaas kor ku xusani kadhex taagan tahay ciwaankeenu ku bilaabmay
Waxaanse is leeyahay wixii fasahaad, ah waa dambi ee cilmiga ku jiraa, wixii wanaagsani waxaa laga helayaa kitaabkeena. Aqooyahan is barbardhig oo yaan lagu adoonsan, ee ka fikir sidaad diinta silaamka u xoojin lahaayd
Garoowshiga-Wacani waxaa uu ka hortagaa Xanuunka Murugada leh
Fejignaanta Aduunyaddu waa hirgalinta, damcyada gaadhsiisan guusha beritoo,
Masuuliyad ayaa saaran Qalbiyo badan  oo islaam-Ah
Ugu-dambaayntii guusha Islaamku waxaay ku jirtaa, Gacmaha dhalinta ee manta madhan, waxaana hirgalin-karta waqtigan sida fududu u lumayaa,oo laga Faa’iideeyo. Hiraalkeenu waa hubsiimaha hab-dhaqankeena, hala yaabin qofba maalin ayuu la yimaado garoowshiyo, Aadmaha,  ha u nisbaayn caadadii shalay ee hadaayadda Alle yaa keena, raxmaduna waa baryo oo kali ah & ado raaca wadeeda.
Hassan Abdi Shire
Kampala, Uganda

No comments:

Post a Comment