Saturday, April 19, 2014

Sharaftu waa Tusbax


Hibo Eebe ku siiyay, habeen laayskama qaado!!!!
W/Q: Hassan A Shire
Waxaad inta badan dhaca in dadku raacaan dhaldhalaaka aduunka, sidoo kale xeeriyaan wax dadkale soo kordhiyeen oo xumaaan ah iyadoon wanaa kaga raacaayn, iyagoo aay badankoodu u horseedayso baahi nololeed, waxaad mesha ka baxday  oo qodobkaasi  caaydhstay in la waayo xeerintii dhaqan, wanaag, sidoo kale la garab maro wanaaga Islaamnimadu u leedahay dadkan, waxaa la sakraday in la xambaari kari waayo  hadafkii  guud.
Hadaba diintena xaniifka ah sharafta iyo wanaagu ku dheehan tahay ayaa ina siisay tusaale lagu dayan karo sidoo kale wanaag iyo xuquuqu inaga siisay, waxaan uga socdaa sadex qodob oo kala ah:
1.      Salaamta raga iyo dumarka
2.      Raadinta xuquuq iyadoo  waddo khaldan loo marayoo ama cid kale ku adeeganayso
3.      Iska yeelyeelka dhaqamo kale oo aanad  u lahaayn aqoona meesha laga keenya iyo sababta.
·         Salaamta raga iyodumarku waa xaraam, waxaadse la yaabsyaa dad markaay arkaan qof damar oo shisheeya ah am a qof dumar ah oo nin shisheeya markaay ragato salaam ku raali galinsya, isagoo rabigeed ka cadhaysiinayaa, hadaad Alle ixitiraamo waaydo oo qof daciif ah o haduu doono aan muslim ahaayn aad raali galiso, ogoow cidhib xumi ayaa if iyo aakiroba kugu dhacasyaa, sidoo kale markaad gacanta la hor cararto qof aanad isku madi ahaayn , waxaay uu muuqanaysaa in diinta Islaamku ogoashahy waayo waxa suurto gal ah in qofkan aanu aqoon u laahyn diinteena suuban, ogoow waxaa xambaarsantahay magac Umadeed, mid Diineed, iyo mid karaamo qofnimo, oo aay ku jirto daadsanaan hadii kale is ururi.
·         Raadinta xuquuq aanad lahaay u ku salaaysan xuduud aan Alle ku banaayn waxaay kusoo kordhisaa waa dullinimo, hadaadse baahdiu ka xoog abadato oo aad u cararto waxaad doonto ama lagaa dhadhiciyo wanaag aand lahaayn, waxaad is nacsiinasya Allihii ku abruutay, markuu doono aduunkan ka duulqaadi karaa, sidoo kale waxaa uu nolashan kugu karaameey wanaag, sharaf iyo uur- bani adamnimo, waxaayse ka lumaysaa markaad xuduud aan alle ku siin aad gasho, hadaad dood ka furto qawaaniin Samada kaso degay, ama aad si tiraahdo rogrog, falanqaayn,  waxaan Alle ku banaayn waxaad la doodasyaa Raxmaankii ku abuurtay maaha qof wadaad ah, hadaaad cambaarayso qof diin ku sehegya oo aayado qur’aan kugula hadlaayaa waxaad cambareeysnasyaa Allihii ku qurxiyay, Adunkan ku keenay adoo dhameeys ah.
·         Iska yelyeelka dhaqamo kale, ado ka  daawansyaa TV ama wax lamid ah oo aand aqoon cida ka dambeeysa yaa sameeya, ujeedsa laga leeyhay, sidoo kale hadaa noqoto macaamiil fiican, ama macaariif daawasho wacan, xota kazoo baxda cidkasta oo xumaan wadda,  iyaduna waxay galaaftaa noloshaada dambe, sidoo kale waxaad qomaamaynaysaa caafimaadkaaga, wanaagii aad umad ku lahaayd, iyo inaad noqoto qof kufaraxsan shisheyaha,sidoo kale  fogeeya sokeeyaha, tusaale ahaan hadaad daawato dumar is qurxinayaa ama rag u labisanayaa si’aayaga dan ka leeyihiin kuna dayatid waxaay kugu keeni kartaa Caafimaad darro sida waxyaabha Chemicalka la xahdiidha ee aay dumarku marsadaan, waxaa iyaduna aay keeni kartaa inaad naftaada u galaafato qof aad TV ka daawatay oo aand aqoonin in uu cafimad qabo xanuusanayo, wa suurto gla inuu noloshiisa hore u qaaday xanuuno fogofog, s hadase loo soo kiciy in fitanadda kasoo horjeeda diinta islaamkau lagu faafiyo, lana rabo in looga faiideeysto waqtigaas kooban, hadaadse aanad aqoon cidaad ku dayan lahaayd, waxaad ka  halaabaysaa abtirsigaaga diimeed, is qeex ma muslib baadtahay mise wixii kaso hadha.
Ugu dambeeyntii waxaan idinkula talin lahaa inaad xeersiaan dhaqankena suuban, sidoo kale la wada ilaasho tusbaxa aan xidhanahay ee ka turjumayaa karamadeena, gaar ahaan dumarkena oo u baahan markasta talo faro badan, ragna in aay gartaaan waajibaadka saran, oo aanay nqon xile-gubyaal, dantu wa adiga iyo garaadkaa.
Hadii iimaankaaga aad wax ka fahmi waaydo oo ad ka dareento daciifnimo, Fadlan cusboonaayso, oo dheh “Ash-Haddu an-Laa’Ilaaha Illalaah, Wa’anna Muxamaddu Rasuulu-Allah”


No comments:

Post a Comment