Wax aad ku xoogsato aan ku siiyoo, gaajadu waa dhib iyo eex
socotee, mayee ha i siinee iga iibi oo lacag amaah ah aan kuugu beddelo,u tudh, yagleel hannaan
cusub, iyo hirgalin baahi ka guurguurasho” waa sheeko dhex maraaysay Wiil &
Eedadii Aabbo”. jawaab degdeg ah war: dhiigaygii baad tahee ha i fogayn. hadallo
noocaas ah ayay ku guraabaasayeen iyagoo
is haysta, hayeeshee Eeddadii shendad wayn ayay sidatay iyo muraayad nooca in
dhaha ka wayn ah , cabbaar muran taaganaa oo aan dhegta la raacay ayay u
dhiibtay waraaq ay ku xardhantahay labo qalin oo mid si ma guuraan ah loogu
sawiray, iyo mid ay markii dambe ku dul maluuqday mid ay sidatay, afkeedana
waxa ay kusii dhawaaqaysay, kelmado aan garan waayay micno ahaan, lakiin u ekaa
ilaaq, hadana aad moodo hadaaq ilmo yar Eedo waa jeeg waa kelmad aan maqlay ma aan se hubin in ay u jeeddo kii caanaha ama biyaha lagu
shuban jiray, iyo kii lacagta lagula bixi jiray waxaanse garwaaqsaday markii
inankii uu sidan yeelay.
Farxad uu qosol ku dheehan yahay ka bacdi, waxa uu eedadii u sheegay marka uu gaadho
meeshii ay ku marti qaadday si fiicanna uu u xoogsado in uu samayn doono abaal gud noociisu yahay in
uu badh ka siiyo deeqda faraha laga saaro, waxase aan ka madhnayn in ay ahayd
amaah iyo dayn uun laga sugayo, islaantii oo aad moodo in janadii loogu
bushaareeyay ayaa ku dhufatay qosol noociisu yahay ka gurxanka dheer, ee bog
qalalka leh, dadka aagaas joogana ay kaga baraarugi karaan hurdo, caruurtuna
aay sas ka qaadi karaan. waqti markii ay qaadatay ayay soo baraarugtay, waayo
qosolka dhinaca loola dhaco farxadna aanay ka dambayn, si ay ugu mahad naqdo wiilkii eedada ay u
ahayd waxaase si yar oo fudud dhulka ugaga dhacday muraaydii indhaha ee waynayd,
dhowaa inta isbedelkeedu ku sugan yahay, intay cadho isla bedeshay ayay ku tidhi war
tanna adaa soo ibin doona ' ma waqtigan? ayuu inankii ugu jawaabay? ' mayee
marka aad soo xoogsato, hadaad doonto dawarsoo, taas ayaaba manaafacaad badane
eeddo”dhawaaqa aay ku hirdaanyoonaysay ayaa sidaa u dhignaa”. Daqiiqado
intaanay kasoo wareegin waxaa xaajiyadii is bedelay muuqaalkeedii farxadeed
waxaana xaal noqday Sida:
Islaantii
oo aad mooddo in wejiga dhirbaaxo lagala
dhacay oo indhaha ku eegaysa sidii libaax hilib arkay, oo aad moodid in
dhegaheeda aay ku furan yihiin qaylo dhiillo leh ayaa ay u dhaqaaqday sidii
socod gaadhi taayir ka ban jaray, oo ay sii san qadhay sidii qof aan cidna ixtiraamayn
markii ay muddo sii libidhay ayuu inankii ka daba qayliyay wuxuuna yidhi isaga oo
la yaabban kuna dhawaaqay. “Halka xaajiyadaas uu adduun jacaylku ka gaadhay bal
eega”, eedo ma waxa aad iigu cadhootay arinkaas yar ee aan wax ka yeelay,
inta ay eegtay ayay ku tidhi adigoo sabool ah, oo gaajo la liicliicaya
ayaan kaa farxiyay, markaas ayaa aad cadho iigu bedeshay,”cadho iyo farxad aan
daqiiqado u dhexayn annagaa goob-joog u ahayn” hadalkeedii ayaay sii wadday: halkaad raali galin i siin lahayd, ayaad badheedh maagid
iyo aflagaaddo iigu daraysaa, muran dheer ka bacdi, waxaa dhegaysiga igu saddexeeyay nin sheekh ah wadaadnimo faro
badanina ka muuqatoo, oo si aay ku jirto diir nax, aan lahayna digasho, balse
dareen uu ku dheehan yahay lexejeclo aan lahayn dhammaad, salkeeduna yahay badbaado
aakhiro oo kali ah, iyo masuuliayd saran culimadda, ayuu dhegta bidix la raacay,
si kasii balaadhan sidaydii aan u taagnaa, isaga waxa u dheeraa inta uu gacanta
i qabsaday sidii qof i garanaya, wuxa uuna iila durkay dhankii sheekadu ka dhacaysay, dhowr
xamaal oo meesha dhuxul ku rogayaana, waa ay yaabban yihiin, qaylada dheer ee
aad mooddo sidii qof damac aan ka lahayn sharaf, dhowrasho, is-dhudhumin
dadnimo, iyo debecsanaan ku abuuran shaqsi saalixa, sawaxanka hadalkaas ee ka imanaya xaajiyadaas.
waa
qurbo jog muddo ku ciraystay waayaha reer galbeedka, oo ku dhawaaqaysa kelmado
u badan af qalaad, qolada daawadayaasha ahi ereyo luuqad kale ayay ka baranayaan
oo hadba marka ay kelmad tiraahdo ficilka ay raaciso ayay ku fahmayaan wase
hadal caay u badan, wadaadku wanaag ayuu la janjeedhsaday oo xuman nacayb ayaa
halis galisay, waana dareen ku tallaalan saaxibul caqliga, inta aanan gaadhin
halkii ay isku haysteen ayaa inankii dhalin yarada ahaa ee haystay waraaqda
qoraalka ah ee loogu yeedho jeeg, walina aan helin lacagtan la yidhi ku dhoof,
ayaa is yidhi ilayn baahidaada oo aad u beer nuglaataa waa ay ku hoddaaye, eeddo
tan ku qoran jeegga ayaan muraayada kaaga iibin doonaa, intay soo eegtay ayay
hadana ku tidhi, war anigu muraayad iga jabtay kama xanaaq-sani ee abaal darridaada
ayaan ka yaabay, iyadoo dhiancyada eegaysaa, yaabka yaabkiisa, waa aan soo
gaadhnay goobtii aay isku hasyteen, intaay na eegtay islaantu ayaay hadana
indhaha nagu gubtay, iyada oo leh war sheeko ayaan ha ysanaaye aniga iyo wiilkayga
ee maxaad u baahan tihiin, shiikhii oo yaabbanaa cabaaradan maqlayayna hadalka
dhawaaqiisa ayaa hadal waano, tusaalayn, iyo toganaan u badan ku afrogay
islaantii kuna bilaabay mahadnaq, iyo werwer galin aakhiro waxayna u dhacday
sidan :
Sida culimadu caanka ku tahay waxa ay ku furfurtaan
hadalkooda mahadnaqa Eebbe, waxa ayna ku xejiyaan wacdigooda aayaduhu ugu
horeeyaan, Wadaadkani waxa uu ku
bilaabay ka bacdi Salaanta, iyo mahadnaqa Eebbe ka bacdi aayadan Qur’aanka
kariimka ah kusoo aroortay: ( Is waaniya, waanadu waxaay anfacdaa dadka mu’miniinta
ah) waayo gaalo waxba uma tartee, shiikii waxaa uu markii xigtayna siiyay kelmadahan
aadka u intifaaca badan ee u dhigan sidan:
Dadka kumanaan ayaa saboolnimo la nool, qaar
kalena waa maal qabeeno, ummadda duruufaheeda wax laga waydiiyo, labo guri oo
jaara ayaa midna ku waaberiistay murugo iyo ciil ka kalena nayaayiro iyo farxad
lakiin aan la isku warhayn! dhanka kale dadka qaarkood lixda laxaaad ayay ku
ordayaan qaarkalena caafimaad darri ayay la jiifaan goobaha caafimaadka, labo
saxiib oo mudo dheer soo wada joogay ayaa nolosha iyo isbedelka koriimaad kala
duwayaa 20 sano ka dib ismaba yaqaanaan,
waa arimaha aay aduunyadu ku caan baxday ama astaamaha u ah, iyo degelada jaarka lala yahay intasba la
noolyihiin oo inaga kali aanay inagu ahayn. Ilaahay arinkaas imtixaan ayuu uga
dan leeyahay qofkii fahmana wuu gulaystaa ka kalena waa hubaal inuu mashaakil
la god-galayo hayeeshee intaasba iyadoo jirta Raxmaanku waxa uu inaga simay
cibaadada iyo akhlaaqiyaadka wanaagsan, sidoo kale qofkasta isagoo sabool ka ah
dhaldhalaakii aduunyada ayaa maro cad lawada xidhanayaa hal naxashna lawada
fuulayaa! Sidoo kale goobaha ilaahay lagu caabudo waa loo siman yahay taasi
waxa ay ku tusaysaa in quluubta la dhisaa ay aad u muhiim tahay, sida ay aayadda
qur'aanku leedahay “daahiriya nafihiina oo ah ruuxiyadda”, “ilaahay ma eego sawirkiina
iyo jidhadhkiina lakiin waxa uu eegaa quluubtiina:. Ilaahayoow saboolnimda ma
guuraanka ah naga badbaadi oo u dhigan guuldarada Aakhiro.
Xaajiydii oo boorsada ku ogayd dhowr aw-bidaar
ahaa ayaa shiikhii ku tidhi war hoo midhkaas oo
naga tag gadh-dheere maryo dayacan
sita ayaad tahee, oo ka dhaqaaqday iyadoo dhinac ka eegaysa wadaadkii u holoday wanaag farista, una arkay
qof muslim ah sidoo kale guttay masuuliayd saaran, ma hubbo in wadaaadku cadho
awgeed habaar raaciyay, waxaase uu igu yiri: khayr ma qabto. Markii ay toban tallaabo qaadday, muuqaalkeeduna noo wada muuqdo, oo aanay
ka laaban gaadhi xamuul ah oo ka xiga dhanka galbeed, gacmahana aay u soo lalinayso
dhankayaga, oo ay ku dhan yihiin aniga, shiikhii, wiillkii aay eedada u ahaayd,
iyo dad soo gurdan raacay codka wanaaga leh ee shiikha, si lama filaan ah ayaa
waxaa dhanka konfureed kaga yimi nin
waalan, shiikhiina waxa u dhaqaqaay isla dhanka ninka waalan, odaygan waalan oo muddo ku xagaayaystay magaalo
weyn, habeenkiina seexda derbiyada qashinka, maalintiina galinka hore dadka
shaxaaada, galabtiina docda dhigta xoogaa jaad ah, ayaa ku yiri: Hooyo wax I sii
iyadoon eegin laakiin dareemasya in dhankaas shiikhii ka aaday ayay tiri si
qaaylo ku jirto war bal eega waxan mar wax no sheegayaa mar na wax na
waaydiisanayaa, nimankan gadhdheertu waa lacag jecelyihiin, “ hubsiimo hal ayaa
la siistaaye” waxaa u dheer kelmadaha
dhaadheer sidii ogaysiis oo kale ay kor u qaadayso hadalkeedii si wadatay
iyadoo maqalsiinaysa dadkii, waxaayna
tiri: “marna Alle ka baq, marna Wax isii” ninkii waalaa ayaa lasoo booday
tooray uu dhinaca ku sitay, oo dhabarka kaga abudhay,
intay dhacday ayaa ay qaylisay”ninka waalan haduu doono afar cisho wax
ma cunin, waayo dadka ayuu ku indho batay”, waxa goobtii ka qaaday wiilkii aay eedada u
ahaayd, iyo shiikhii, waxaa la geeyay dhakhtarkii ugu dhowaa, baadhitaan dheer
ka bacdi waxaa la ogaaday inuu xanguluhu go’ay, sanado dheer & bilo dheeraad ah ayaay
rafaad ku noolayd xoolihii yaraa ee ay haysatayna uga dhamaadeen dawo, dadka
inta la joogtan waqtiyada dambe wanaag
kuma qabaan waase ka waalidtinimo, waxaana ka mid ah wiilkii, eedada u ahaayd, markii aay muddo silic ku noolayd, ayaa maalin
maalmaha ka mid ah loo soo saaray xaga
dhanka dibada si aay u laydhsato, waxayna aragtay ninkii shiikha ahaa oo uu gaar
ula taagan yahay ninkii waalnaa ee dilay, inta ay yaabtay ayaa ay wax u
qaadatay in aay isla ogaayeen arinkaas, qayli ayaa ay is tiri waa ay u suurto gali
wayday, labadii oday kii walaa iyo shiikhii ayaa hal marwada arkay, Shiikhu
waxa uu ninka waalan ku arkay maalintaas meesha, iyadoo lagu mudaayo, irbad loo
yaqaan “Moodhikaayd” Wadaadka oo naxsan ayaa
kusoo dhaqaaqay dhankii marwadaasi fadhiday, mar kale waxaa uu ka codsay inaay Alle ka cabsato, iyadoo dareentay
fogaanta iyo cadhada Alle ayay ka aqbashay, shiikhii ayaa gacamaha cirka u
taagay, isagoo duco dheer u baryay Alle caafimaad inuu siiyo haweenaydaas,
geftay oo raxmaanu toobadeeda ka aqbalo, Muddo aanay ka badanaayn Shan daqiiqo,
kii waalaa ayaa hadan soo cararay isagoo
gartay inaay tahay qoftii dumarka ahaayd ee uu malintii ka cadhooday, waxaa
usoo sitaa tooray tumaa ah oo uu ku qarsaday surwaalka hoostiisa, dadki ayaa
kusoo cararay si aay u qabqabtaan, waalaaysu tagay waa laqaban kari waayay”
arin Alle ayaa ku jiraa” tooraydii dacalkeedii
hore ayaa kasoo gaadhay halkaas kelida korkeeda, oo mar kale ayuu dhaawac
marwadii u geystay, ileen qof socon karta maahee,!! waa lala-cararay iyadoo geeri loo sadaalinaayo, ninkii waalnaa
ayaa la xidhay, saacado ka bacdi ayaa waxaa la sheegay, in xaajiyadii ay dareemihii
xanguluhu soo celiyeen oo dhigii toorayda dambe aay ka saaratay dhig xun oo
dhex raacay xubnaha mareenada quluqlka oo laayay dareemayaasheeda xangulaha,
waxaana xaqiijiyay todobo dhakhtar oo isugu yimi.
Xusuus gaar ah:
Sheygii ku dilay mar labaad caafimaad ma ku
heshay, Alle waxkasta waa u fududahay. Tusaale ahaan biyaha Alle Fircoon waa uu
kuhalaagay, ama dad ayaa daad ahaan ku qaadaan, qaar kalena waa ay
intifaacsadaan sida cabista, ama dulamarista gaadiidka badda,nebi Muusena wuu ku badbaadiyay.
No comments:
Post a Comment