Saturday, April 19, 2014

Dilaalkii Nolasha & Mugdigii Xabaasha Aduunka.


Dilaalkii Nolasha & Mugdigii Xabaasha Aduunka.
Dhagarqabe joogto ah:
W/Q: Hassan Abdi Shire
  Todobaad kali ah ayaa  geeridii Cilmi Calas  laga soo wareegay, dadka degaanku waa qof iyo tiraanyadiis, caqli gaabku waxba kamaay bedelin xusuusta geeridu iyo hadba sidaa aay dad faro badani u baxayaan, meeshu waa tog biyo mareen ah oo hore u ahaan jiratay kaam, aay degaan dadka danyarta ah, hadase balaadhay oo dhowor tuulo ayaa ku hoosyaala hayeeshee kal go’an, oo u kala yaalaa qabiilo, qaar waa arad daran yihiin oo waa xoolo dhaqato, qaar kale waa qaxooti kaso hayaamay meel aad u fog, tiro kalena, biyaha toga ayaa dadka dib uga xaraashaan iyagoo  iskoodna isu xilqaamay, hadaan baahi u geeynba.
Geerida Cilmi Calas  waxaa loo aneeyaa dhoowr qof, waxaana ka mid ah Dhooli, oo ah saxiibkiisii nolosha ee muddo dheer aay soo wada rafiiqeen, waxa hadal-haayntaas inta badan dabada haayn jiray inta wax garadka, wax magratadu may soo hadal qaadi jirin oo iyada dan badani kamaay galin, garasho dheeraad ah oo aay ku garwaaqsadaana dani kama hayn oo iyagaaba wadaddaa marayaa waqtigaay doonaan, inkastoo Dhooli dhagar qabe  looga yaqaan tuuladda, isagu wuu is ogaa wax muraad ahana kama u lahaayn, afjibaarka aadmaha, mar hadii asxaaab badani ku khasban tahay. Magaca Cilma waxaa Calas loogu daray mudoo aan ka badnaay 15sano ka hor geeridiisa, waxaana u bixisay Hooyo waayeel (inta badan tuulooyinka dawadda waxaa iibiya cidkasta oo ganacsi u aragtaa), xaajiyadaas oo Cilmi Calas  ka qaadan jiray habeenkii kiniinka madax xanuunka, oo ad uga yaabtay calaacalkiisa badan marka uu kiniinka qaadanayo waxa u ku tiraabi jiray si urugo ka muuqato oo ka baxsan codka raganimada, iyo yaqaanka Rabi, ee og in dhibtu Aadmaha la jaar tahay use baahan tahay dulqaad faro badan,  kelmadaha aay ka midka yihiin ‘ war niyahoow madaxaas ayaa doog iga haysaa, oo ima dego” “ taloow caawa maa hogal ayaa jirta dhulku kululaa” qaar kale oo aan hada halkan ku soo koobi karaayn, arinkan waxaa uu bilaabay tan iyo mudadii la bar -bilaabay barashadii Dhooli & Cilmi Calas.
Cilmi Calas caafimaad dari so jiidantay buu u geeriyooday,  sanado bukaan ayu ahaa, waxaa lagu dul baanan jiray dermada korkeeda, waxaana laga waraabin jiray dacalka afka, sidoo kale  baahidiisa  laga waaydiin jiray faraha oo ku began meel aay indhihiisu wax ka arki karaaan, masaafo ahaan aan-ka fogaayn, dhinacna aan uga leexsanaayn, waayo awoodiisa Aragti iyo tan dhaqdhaqaa bu’da indhaha oo tag dareeysay,  mid ka mid ah caruurtisa ayaa fahmi jiray, jawaabta Cilmi bixiyo waayse iska dhici jirtay in isaga laftigiisuna aaaanu garan jirin isla markaas(waa wilkiisa curadee),waxa mararka qaarkood lo keeni jiray wax aanu dalban ba, dadku maalmihii hore waa lasoo booqanjiray,  bux dhaaf ayaa xaafada afkaas ka hidhiq oran jirtay, bilo ka bacdi se waxaa dadka qaarkood u hasyteen inuu dhintayba, waxa ta markhaati ka ah in geeridiisi dad faro badani aay ka naxanba, qaar kalena aay is waydiinayeen miyuu noolaa, waagan aayn u gabaabsi taaganahay( xanuun dheeraada dadka somaalida ahi waay isku nacaan waa caado aay leeyihiin) imtixaankuna waa arin jira waayo aduunyada ayaa u sameeysan.
Cilmi Calas waxaa u ahaa garaad yaqaan dhalin yaro mudadii u barbaarayay sidoo kale u beryay waagii cusbaa ee nolosha, guyaal badan ayuu soo jiray, markii dambena ku dambeeyay odayga & guurtida, degmo meel wada taala, oo gar iyo talo laga wada qaato, hadba duruufta taala lala wadaaga degaankaas, markii hore waxa uu ahaa beero Falato ka saboool ah Xaga xoolaha marka laga tegi waayo kadin geel tuldo ah. Aabihii wuu ku garaadsaday Cilmi Calas  isaga oo weeyn, wuuna yaqaanay dabeecad kasta oo abihii ku dhaqmo waxase uu ka dhaxlay o kali ah, buuriga abudambaska ah ee daanka ladhigo, waxaana ugu horeeysay, galab Ramdaan ah oo aay taagan yihiin mid kamid ah buuraha aay geela ku raaci jireen sacadaha hore ee subaxii, Cilmi Calas  wuu ku  galab dhacsaday galabtaas buurtii Ceel-dhudhuub, waxaa la jooga adeerki Warsame Kedis, iyo aabihii Cabdi Jeebe, markii afurku aay ku qiyaseen inaay gaadhay, iyagoo ku halbeegsanayaa casuuska cirka ee dhanka qorax kadhaca inaay ku asiibeen waqtigii afurka, madama aay tuulooyinka laga Adimo kuna yaalaan Masaajidada Islaamka  aanay joogin, Taasi waxaay tusaale cad oo soo jireen ah u tahay dadka miyi oolka ah ayaa ku cabiraa hadba sidaay u qiyaatsaan inaay gadhahy waqtigi salaada.”Inta cadceedu soo jeedo waxaay ku eegaan Hadhka qofka oo dhererkiisa ku cabir qaataan, marka cadceedu dhacdano waxaay ku eegaan Casuuska Cirka, iyo mugidaga habeenka”, galabtaas ayaa markii uu waayay wax kale uu afka saaro ayaa labadii oday yiraahdeen waryaa Abbe, waa Cilmi Calas  odaygii dhalayee, hoo ku jabi afurka( in u dhiganta labo cantuuga oo buurigii tumahaa ah), “Cajiib!! ma nasteexo ayaay u wadan mise hadimo nololeed ayaay u horseedayaan, war bal yaabkan eega oo miyaanay sacadaas dhib hor leh u horseedaayn ilaayn waa u ku cusub yahaye”, Cilmi Calas  inta oo qac ka siiyay ayuu dalqada ku cararsiiyay , kulaayl badan awgiis  waa u soo tufay, labadii Odey intaay sidaas u wada eegeen ayaay yiraahdeen bal nacaskan eega war ma gabadh baad tahay, iyo ku celcelinta dhoowr jeer tiraabta ah waar laq,  waa iska camal lagusoo caano maale, “inanta iyo inanka ilaahay miyaan wax isku mid ah kawada xaraamtimeeyn caafimaad darida miyaanay u sinaayn”, cabaar yar ka bacdi  Cilmi waaa u wareeray oo dhulka ayu sida xidigaha u tiriyay, odayaashu waxaay moodeen in gaajo kusoo if baxday , waxaay iskudayeen inaay mar labaad cantuugsiiyaan buuriga, waxa see sida shaandhada gacmaha ruxay Cilmi isagoon awood  &tamar tooan u haayn gacmihiisa oo muujinayaa sidii wax diidmo ku jirto, hadalkeed-badaa inuu hadlo, Cilmi wuu dareemay inaay fahmeen, cabaar markii u jiifay lug ayaay cagta saareen labadii Odey waxaayna u  sheegeen marka uu nasto inuu ka daba yimaado madaama u gurigii hada u yara muuqdo oo aay gaadhi doonaan, Cilmi xanuun badan dabadeed iska toos,(isagoo aad moodo inuu soo baraarugayo) matag faro badan ayaa ku waashay oo keentay inuu gabo awoodisii socod iyadooy u dheertahay safrada gaajo ee uu saaka kusoo soomay,  qunyar socod  talaabsay oo uso ruqaansay xagii guriga, markii usoo gaadhay helayna  qaar ka mid ah goobjoogtii degelkaas, u waram una  sheeg sidaay waxu dhaceen, la yaab o la canaanay odaygii,  haba  ugu Canaan darraatee,  ooridii Xaajiga Cilmi Calas  dhalay, canan dheer ka bacdi markii aay dadkii ka tageen, ayuu u  yeedh wiilkii u dhalay ee Cilmi Calas  inta uu halkan ardaaga dabadiisa kala laabtay dhegta dhiiga u daray, isagoo ka hoga tusaalaynayaa, kalana talinayaa  jileeca kusoo jira inankiisa, iyo dookh xumida noloshiisa madaama isagoo  intaas uu jiray, aan waxa  raganimo ahi  ku jirin(raganimadu goormaay buuri loo adkeeysto & caafimaad dari la badi doono noqotay, wa suurto gal dad faro badan oo sigaar cabayaa aad aragto inaay afka taagaan, oo u hasytaan inaay ka fiican yihiin Miskiin Alle ka baqay oo  aan sigaarka cabin, Akhrist miyaad u malayn-kartaa inaan faanka & amaanta  ku salaaysan balwada, lagasoo min guuriyay Tabtaa Cilmi calas loogu khasbay oo ah badawtinimo jeenyo adkeeystay).
Biloowgi hore ee uu yaraa ama la barbaaray, Cilmi Calas  waxa uu noqday mid ka mid ah dhalinta sida daroogada buuriga u isticmaasha hadh iyo habeenna doondoonaa, oo geyigaas la saxiib ah qofka ku cawiya buuriga iyo kan iibiyaa ee Daynta  u ogol, bal u fiirso ma waxa u saxibi la yahay buuriga mise asxabtaas shaqsiga laftigiisa, waa saxiibnimo baahi ku salaaysan, o teedi xumaayd ku jaan go’an, waxaa u guyaal badan ku nabad iyo caano cabay  baahida aan dhamaadka lahaayn,  degaankaas inta uu ahaa kaamka biyaha laga dhaansado.
Mudo yar markii kaamku isu rogay meel tuulooyin faro badani ka dilaceen, Cilmi Calas  waxaa uu la saxiibaay saxiibka nolasha ugu badnaa ee u la rafiiqo, waa Dhooli, waa saxiib leh lix astaamood, haddana waa la saxiib  oo ma ilaabo Cilmi saacad ka mid ah noloshiisa saxiibkiina ma ilaabo oo waay isku lamaan yihiin ilaayn dhowaan ayaay is barteene, Cilmi Calas  saxiibkii wuu ridqaa, tumaa , hadana shiida, maalin kasta  meeyd ayuu uga tagaa markaa u hubsado inuu dhintayna meeydkiisa bananada ayuu ku xoraa oo aaskii ma haleelo, waa Cilmi Calas  ka wax ridqaa ee meeydka uga taga ka dhintaa maalinkastna waa saxiibkii kiisa kale ee Dhooli, saxiibkii wa ka raali in la ridqo o la dilo maalinkasta, mana dhamaado aroortiiba isagoo lugooynayaa ayaa guriga ugu yimadaa, Cilmi Calas  waa ku farxaa oo kama naxo habeenkiina waa uu ka mururgooda marka uu sii seexanaayo geeridii saxiibkiis, Dhooli waxa uu leeyahay, lix astaamood
1.       Waa caan o waxa u can ku yahay dhib iyo xaalad abuur, dadkuna waaay ku jecel yihiin gaar ahaan inta la saxiibka ah.
2.       Maalintii timaadaba waa u dhashaa, wuuna dhintaa, da’diisu ma dhaafto maalin jir haduu ku darsado waa saacado uun.
3.       Waa baahi badan yahay oo waxa uu ad u jeclaasytaa in la tumo oo dadku ridqaan qaar kalena ilkaha qaniiyo kala daalaan
4.       Waa uu isku dir badan yahay oo marka yimaado meel waxa isu keenaa dadka inta xanta iyo sheeekda badan, waayo isaga ayaa jecel  dadkaas
5.       Waa uu soo dhoweeyn badanyahay waana macruuf marka uso gaadho degaankaas
6.       Waa noocyo badan oo maalin isaga oo lugo yaryar gaagaaban ayuu ku iman, maalin kale isaga oo dheer, muruqyo leh, & dhexhdexaad ah
7.       Waa uu magacyo badan yahay, lakiin cidina benaale u ma taqaan, magacasyadaas ayaa loo wada yaqaanaa, hadba sida uu usoo labisto ayaa loogu magac daraa.
8.       Waa curyaan aan meeelna aan gaadhin hadana cidkasta ka dheereeyaa, marka uu helo dilaalkiisa nolosha, iyo saxiibki kali ahaa ee Cilmi Calas.
9.       Dhooli, hadii uu arko cadceeda, dabaaysha, roobka, nolishiisa halis ayuu galaysaa.
Cilmi Calas hada waxa uu hasytaa saxiib aad u jecel yahay, sheeko badan ayaay wadaadgaan waxaayna wad maraan hadba durrufta nolosha kala duwan, dookha ku jiraa waaa xad dhaaf cikasta oo ula dego Dhooli, Cilmi Calas na lagama agwaayo oo iyagaaba jecel markasta in Dhoolio iyo Cilmi Calas lakala saari kari waayo, Dhooli waxa uu rajaynayaa inuu Cilmi Calas muqaalka Dhooli oo kale yeesho, waana mid ka mid ah qorshayaasha Dhooli ee waqtiga fog, Climi lakiin waxba ugama qorsheeysna arinkaas.
Cilmi Calas Dhooli waxa uu ka qabaa duruufo badan, maalintii aay is barteen waxaa uu ahaa xoog aan cidna legdinta tuulada loo garab dhigin, muruq maalka iyo xamaalashada ku saabsan xogaaga caydiga ah ee magaalda kaso gala, xaga tuurta ka sareeysa ee aay degan yihiin dad kaluumaysato ah, mararka qaarkoodna waxaa jirta gawaadhi waweeyn oo keena galaay qaadhaaan ah oo aay kento WFP, barashadodii ka bacdi Cilmi Calas noloshu waxaay u tahay, waqti farxad, mid cadho, iyo mid murugo. Aroortii waa u cadho, habeenkii waa u murugo, galabtiina wa u farxad, Dhooli waa aabaha dhamaan is bedelada Sadexdaas waqti,isaga ayaa horsed ka ah, lakiinse waa ku heshiis labad saxiib, waayo Dhooliba Cilmi Calas  waxa uu ka ogolyahay in habeenkii iyo galbtii aroortii markaay is arkaanba u ridqo, oo u dhaadhiciyo xagaa iyo moowdka, waase la yaab waa ma dhintee aan dhamaanee, Cilmi Calas  durufta nolushu waay isku bedeshay sidii hore uu fikiri jiray oo aay ku dheehnaayd wax qabso wa arad beeshay, waxaayna maskaxdiisu u egtahay nabad guur, ku nool werwer iyo walaac nololeed, waayo saxiibkii Dhooli ayaaba intaas oo dhanba u haya oo waa u barbaariyay, in aan la fikirin, in werwer lagu noolaado, Climi waa ka markhaati arinkaasi kuma adka inuu Dhooli kaga cadhoodo, hadiise laga tagi waayo labada Dhooli ayaa duda, maalinta Cilmi Calas  jeebkiisy daranyahay waxaayna si gaar ah isugu qabsadaan marka Cilmi Calas  u sheego inuu manta madhan-yahay, ayaa Dhooli codsadaa inuu seedigii oo xoogaa yara ladan soo shaxaado, Cilmi Calas  isaga waxaa aay ku xidhantahay in la xusuusiyee. Markaas ayuu cagta jaw ka siiyaa oo isku raraa seedigii isagoo ka ag-yuusaa Walaashii oo  ka yar. Soo helitaankooda lacagtaas laga soo yabadheeystay qof aan baryadda geyin gaar ahaana ka timaadaa shaqsi xididtinimo ka dhexeeyso, oo xaq u leh sooryo nin weeyn oo ku talo gal-leh, aan se ku sal-fadhiyin in hurdo looga kiciyo seedigii oo baahan ayaa halkan taagan, hayeeshee Dhooli ayaa sababta lehee, Cilmi & Dhooli markaas ayaay si werwer la’aan  ah u bilaabaaan sheekadan, duunkana kama uu dambeeyn dagaalkii labaadba, haduu ka dambeeyayna kii Somalia iyo xabashida kama uu dambaayn, hadii uu soo yara habsaamay burbrukii Somalia kama u dambaayn, Dhooli waa sida uu aamin san yahayee “war aduunkan iyo Somalia maxaa isku xidhay?”, waxa uu ku jeediyay fikirkii Cilmi Calas oo intaas uga sheekeeyaa, marka aay idaacda dhegaaystaana oo maqlaan dagaal dhacayna waxaay aaminsan yihiin in Wanka madaxa madoob ee Somaalia laayksu haaysto. Cilmi Calas   waa uu ku farxaa oo kama werwersana ilaayn saxiib aan caajisaayn oo so dhoweeyay ayuu helee, dookh faro badan ayaa noloshisaa ka muuqda, dumarka magaaldana dushaas ayaa kawada qabaan,  Cilmi Calas  lama kulmo ihsuunbuu ku dheereeyaa, lakiin Dhooli isaga waxba kuma aha inuu qar faro badan aay kulamo yeshaan, si aan ku jirin  xishood qaar kalena sidaas Cilmi Calas  ayaay saaxiib yihiin, Dhooli maaha nin haawl yar, oo guryaha marka uu galaayo cidina il gaar ah kuma eegto, hinaasi raggu kuma qabaan, waayo?? isagoo jiifa Fadhigga  gurigaas, ninka guriga  leh ayuu isak baxaa, Marwada la qabaanaa intaay soo gasho, ayaay doc isaga riixdaa oo haawsheeda qabsataa, sida guri fiiqista,  hadhoow marka uu dhex geeriyoodana, debeda ayaa laasyaga soo tuuraa oo waxaa soo gura cidii dishay mooyaane cid kale sida xaaska guriga lagu qabo, ciidamada amniga sugaa, cidna uma racaan oo laaysma waaydiiyo sababta keentay geeridiisa, waana la yaqaan cida ka dambeesya dhimashadaas, maaydkiisa suuqyada ayuu tuuran yahay, Ma’uro waa se fool xumo intaas le’eg,  sixiroole looma yaqaan ilaayn wa tii shalay la dilee maxa noleeeyay maanta, saacadaha waa u firfircoon yahay, marka dambena waa u soo tag dareeya, sharaftiisu waa cirkaas daqiiqadaha hore,marka dambena hoos ayuu dhacaa, hadii asxaabtiisu aanay la dagaalamin, oo an la dilin isagaaba iskii isaga dhintaa, isagoo meeyda qaar kale ayaa niyad u hayaa inaay gacmahooda kusi qalaan waaba maayd ee miyaan damiirku ka hor istaagayn, lagam wisiwiso oo lam yiraahdo soowtii u shalay dhinatay, waaba isagii o dhaadhaalayaa, war niyahoow kuwa u labisaa ee maalinkasta dhar kale usoo xidhaa miyaanay kaba daalin, oo qarash badanaa inta ku baxaysaa, lakiin inta uu soo saarayo ayaaba ka badan, iyo dhego jalqsanaanta sida uu fuliyo haawlihii loo xilsaartay, iyo sabir la’anta kuwa la saxiibka ah, maalinaksta may sugaan saacadaha u dhimanaayo.
Cilmi Calas  saxiibkii Dhooli waa saxiib u ku kolsoonayahay, o saaca kasta u niyad ku hayo isaguna Dhooli ma iloowsana waxaase la yaab leh, hantaaqooyinka Dhooli ee badan Cilmi Calas  ayaa kuu can baxay ma xoogsade waana u ku waaniyaa, waayo waxa uu balan qaada inuu isagu wax taraayo, cuntada waxa uu ku yiraahdaa waa lagu xanuusadaayee, iska daayoo arigtayda ayaad ku dhergaaysaa, tacab uma dhigmo oo isaga ayaa aminsan inuu lacagta iyo qarashka wax kusoo saari karo markaa Dhooli aya lagu wareejiyaa, Cilmi Calas na waxa uu hasytaa inuu Dhooli akoon ugu shubo lacgtaas, qaraabo iyo tol col ayuu uga dhigay, cibaado iyo caqli saalixa ciil ayuu ka baday, ma tasahde, ma tashiishe, ma tabcade ayuu ka dhigay rag sadexdii u liitay ayaa Cilmi Calas  ku dambeeyay, saxiibkan Cilmi Calas  keli kuma aha waa Dhooliyee, hada kumanaan saxiib ayuu daafahan caalmaka ku leeyahay inkasto mararka qaarkood ama taariikhda hore la eego dhoowr qof oo kali ah  Cilmi ka mid yahay la aha saaxiib.
Cilmi Calas  waxaa uu ka mid noqday odayaasah o da’dii ayaa soo godlisay, so gaabay, tacab malaha oo waa ceeb u jooga iyo ciro nolushu hoday, waa caqli gab o qabiil kugarnaqa, Dhooli, hada isaga ayaa iskii isaga xil qaamo sidii hore saxiib ulama aha.
Aroor kamid ah maalmaha nolosha ayaa Cilmi Calas go’aansaday in uu joojiyo saxiibtinimada Dhooli, sababo badan awgood oo aay ka mid tahay
1.       In aanu tabcan guri carurueed intii Dhooli la saxiibka ahaa
2.       Camalna aanu sameeysaan, uu kaga badbaado wax wada waaydiisiga Aadmaha, oo beryahan dambe eediisu iska badatay.
3.       Caqli wanaagsan aanu kaga tegin
4.       Cil iyo calool yoow u baday
Dhooli wa u daremaa marka da’daas laso gaadho in asxabtiisa hore aay ka niyad jabaan, Sidoo kale  daremaan madhaxa noloshiisa, goor aay ku beegan tahay barqo ayaa Dhooli oo saaaka isasoo xilqaamay so  booqday gurigii Cilmi Calas  ee uu keliga ku ahaa, waaa lays wareesytay, war Cilmi Calas  miyaanad kacaayn, wa kuma waa Dhooli, maya waan kacayaa ee xagee ka timi saaka adaaba lugeeynayee(markii hore Cilmi Calas  ayaa lug ugu tagi jiray saaka se Dhooli ayaa isasoo xilqaamay) , waa lays raacay halkii ayaa laga wada sheeksyaty dagaalkii joogtada ahaa ayaa biloowday, markii aay ku egathay in Dhooli manta la aaso, ayaa waxaa dhacday waxaa soo booqatay, mid ka mid dumarka aay saxiibka yihiin Dhooli “waryaa Cilmi Calas  hawda aasin Dhooli ee aan kula yara juga-jugeeyo, si aanu inoogu so noqon”, Alla maxaa uu ciroole cadho baday, ilaayn waa xabashii nolosha oo madoobee, “badhkaas minjaha lugaha kaga sii jirto naftu iidhiib aan si fiican u yaryareeyee” iaydaa la yaryaraayn doonayee”, “waxaan maqli jirey Madax-tuki malaha waa iaydii oo Dhooli iskasoo dhigtaye”.  waxaa sidaas ku leh Cilmi Calas marwadii Dhooli seejiyay, manfac nololeed, maalgashi aduunyo, iyo fikir aakhiroba, waxase yaab ku noqotay Cilmi Calas, Dhooli oo ila dumarkii la saxiibeen, kaba sii yaab badan aragti xumida uu Dhooli baday, Cilmi Calas, isagu waa u Rag ee, ka waram duulka dumarka ah ee Dhooli is barteen oo Climi yaqaan talo xumidiisa, Dhoolli sidaas ayaay raali kaga yihiin, dadka la saxiibka waay yaqaanan hadana dan lagama galo.
Maalinkasta oo aay is arkaan Cilmi Calas  iyo Dhooli waa u barasho cusub, yaabkan eegaa waxaa isku xidha mid ehel la ah Cilmi Calas  oo u sheegaa ama umaana qiimaha Dhooli kuna  tiraaba halka uu taagan yahay wanaag ahaan, kaba sii daranee Dhooli iyo Cilmi Calas  waa saxiib, hadana dib ayaa laayska baraa “war niyahoow taloow maxaa is iloowsiiya, ma si yar oo hoose ayaay col u yihiin”, waxaana horjeego u ah oo si fududu iskum arkaane, nin la dhaho Dilaalkii nolosha, iyo Damc laawaha aay Qaraabada yihiin Odey Cilmi Calas , Cilmi Calas hadal adag ayuu ku qaabilaa waxase u  farxaa marka uu arko Dhooli oo nool,  xoog badan oo dhalaalayaa, ilaayn Dhooli markasta waxaa lagu ilaaliyaa meel dhaxanta ka fog, dabaaylna hadalkeedba ka tag, indhah ayu  ku cadeeyaa Cilmi Calas , waa u rogrogaa dhoowr nabar oo kasoo gaadha meelo kala duwan ayuu hadba dhinac ka eeega, waxaana uu ku yiraahda war sidaad wax u qabtaa inaad bed qabto lay sheeg yee, iyo kan haay tusinee, waa nabar weeyn, ee nabar kale oo kuso gaadhay I tus, “Cajiib,  nacabee maxaa nabarkiisa waayn ku falayaa, maxaad se ka eegaysaa meelaha uu bed qabo ilaayn socod daayn maayo, oo maxaad kawad-wadaaba kolaay mar dhoow waa uu dhiman ee, cajiib waaba yaab fikir la’aaanta Cilmi Calas  ku jirtaa”.
Dhooli iyo Cilmi Calas , waxaay lahaayeen dhoowr kelmadood, sidoo kale dhoowr balan, iyo dhoowr meelood oo aay ku balami jireen, waxana ka mid ahaa maanta xalkaagu ma caaneeysan yahay, ma curub cuntay, dalqadu ma kuu qoyantahay, xalay ma xidigadahaad tirisay, sidoo kale dhoowr balan oo ka midyihiin, waa inoo iyo bacda duhurka, waa inoo Xabaashii mugdiga, iyo aan is aragno goor hore oo cadeceedu ugu kulushahay, inta badan xabaasha mugdiga ee ka qarsoon ifka, ee laga faiido eelka nolosha, waxase kasii daran qayirnaanta, iyo dhuudhuubnida, foolxumida uu leeyahay Dhooli cidkastaba waay ka qaadaa, waxaan maqli jirey waxaan col & nabad ahaayn waa la kala qaadaa, iyagoo doqoniimada sheegayaan dadka Somaalida waxaanse markhaati ka ahay, In Dhooli dad fara badan qaadsiiyay ama asxaabtiisa ahaadeenba, dhaliilo faro badan oo aay ka mid yihiin: dayacnaan aan ceeb loo arkaayn, Qaaylo caado nqotay, Baahi aan dhamaan, &duruuf iska nooloow ah.
Maalmaha Farxadaha muslimiintu ee aay u dabaal degayaan bandhigooda islaamku, sida: ciidaha, iy IWM, waxaa u dhooli udalbadaa asxaab badan oo aay wada jaaraan, maalintaas waxaay dad faro badan Dhooli uga sheekeeyaa, arimo murugo leh, kuwo werwer geliya mustaqbalkooda iyo qaar kale oo ku keenaa madhax xumi  nololeed, hayeshee qosolka Dhooli ee aan kala go’a lahaayni waxa u hal beeg u yahay oohinta ka dambeeyn doonta kumanaan galabtaas  rafiiq la’ah iyo holoca mari doonaa dhoowr jaad oo dhalinyaro waalid fiicani kusoo tabcay, muddana ka dhoowraayay la raad dhaqaajiska eegmada gadani ku jirto oo aay hore la wadaageen Dhooli, dhoowr kacaan ah, oo aan la garaayn maanta halka aay ku dambeeyeen, waayo qaar badaha ayuu mariyay, Waa halyeeygaka & naakhuudaha Doonida, Waa dilaal marka aay saxaraha marayaan, waa Aabaha fikirkan taban ee ku dhasho dhowr murayadood oo umadani lahaayd, waana xeer-Ilaaliyaha guud ee cidkasta oo ka hor timaado fikir khaldan, waayo mararka qaarkood hadaad la dooddo asxaabta Dhooli waa  qaaylo badanyihiin, hadalka loogu talo galay xushmadana, iygu waay kugu  argagax gelinayaaan, waaba qof aad shalay taqaanid xishoodkiisa, edebtiisa, asbuuc kali ah oo la saxiibay dhooli ayaa sidan u bedelay, hadaad mararka qaar kood aragto qofkan kula doodayaa Dhooli ayaad ka dhex dareemaysaa codkiisa, markaa u hadlo ayaad moodaysaa inaad maqlayso codka Dhooli, hareerahaad eegaysaa, ilaayn qofkan ku garab taagan waad garan inuu Hebel yahayee, markaas ayuu ku leeyahay, waad iska nooshahy, waxaad tahay nin jileec, laguma afgarto, wa kelmadaha caadada u ah Dhooli, “ waxaa yaab ah qofka ka tegay abuurtiii dabeecadeed oo u guuray mid  cidaan lagu dayan Karin”.
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Dhooli waxa u bartay jiil cusub oo si fiican isaga u maroorin-karaa ilaayn ninkan Dhooli waa u dhimasho jecel yahay, cida sida fiican u disha dookhiisa ayaa ah, halka qaarkale isago badh noolyahay aay ka tagaan oo naftu ku rafaadayso, markasta  waxa uu isagu jecel yahay, qofka laso kaca xooga iyo awooda, sidoo kale isaga aya ma dhalays ah oo ciksata oo wadadiisaas mari axsaan u aragtaa waa uu mariyaa, waana u kasa saaraa ayaaha nolosha ilaayn isaguba waa goblan, waa matabcade danitiisunawaa duul-duul degelo abaareed, waxaad moodaaba inuu hayo shaqooyinki shaydaanak oo kale, waa hubaal in dad badani qofkan is waaydiinayaan, hadaanad garanba oo fikirkani ka dhex guuxaaynba markaagii hore, ma danasytee hawshiisa wataa Dhooli, oo isaguba maxaa u noqon waayay dadka umada maamula, waxase kasii daran, qofkan dadka faraha badan ee uu saxiibka la yahay, waxase aad layaabaysaa eexda nolosha uu dad faro badan geliyay oo ilaahay kareemayay,  “Mudane/Marwo horta saxiibkaay akhristaha ahoow adiga saxiib ma kula yaahay waa suurto gal inuu agtaada hada jiifo, adigoo ka muragaaysan” .
 Sanado soo jiitamay ka bacdi oo diif adag iyo dhib soo kala martay labadan saaxiib, hadda gugan iyo daayrtii tagtayba Cilmi Calas  waay kala baadeen isaga iyo Dhoolo, waayna kala tageen hada waayo inta aay iska arkaan waa in  yar waxaa kusoo baxay da,da, lacag la’aan, iyo tamr dari, waxaayse kulmaan galbihii isku arkaan qaar Dhooli gacnyare u ah, goobaha garooamada ciyaaruhu ka dhacaan, ee inta badan u sameeyay  ama ah fikiradah xorta ah ee ka yimi Dhooli, waana hal abuur xaga ciyaaraha kaftan wadaaga qof isu keeni karaa,
Alla maxaa u dalkan kasoo saaray  kumanaan afmishaar ah, oo aad yaabasyo sidaaay hadalka u yaqaanan si fiicana u tababaray, Dhooli, marka dambena siidhiwale ayuu ka noqdaa, nimankaas sidaas hadalka u yaqaana hadaay socod kudarsdaan cidna iskma celin karteen yaase u socsocnayaa   ilaayn Dhooli ayaa garb taagane ah, isaguna waa curyaan.
Cilmi Calas waxa uu dhowaan guursaday inan carmal ah, ilaayn wuu awood gabay oo Dhooli aya bakhitiga kasoo dhigay, waxa uu weliba si adag u dayici jiray marka uu galbtii legdanka geli jiray, ilaayn waa nin dhaawac u ooli jiray ayuu ahaa uu markasta is lahaa si adag u dil yaanan lagugu arag dhaawacan ceebtiisa daalna kuma yaraayn, waxa u si oranjiray xabaal iyo ninkeedi loo kala tag, waa marka Dhooli garab yaalo.
Cilmi Calas  iyo Dhooli maalin ayaay wiigi kala badbadaan, marka aay dadku ku arki waayaan waay uga duceeyaan ugana mahad naqaan, in aan ilaahy dib isu tusin, isaguna si farxad leh ayuu u yiraahdaa, war dib usu arki maayno manta yaa isugu kayo dambeeysa,  waxaa u moodanaa inuu qol madoow ku haaystay, waxase kasii daran qaar kale wxaay yiraahdan war miyaad u sixrantahay, ilaayn waa adigan arkaa inuu dhib ku gaaystay Odaygani Dhooli, mase dhacdo beriba isago qoslaaya ayuu wajahaa, “cajiib mudane sidan oo kale weli qol maluguugu  xidhay oo fikirkaagii ma la gumaaystay, o hadaayse dhacday ma ka yara fikirtay is yara xoreey, ilaayn aabayasheen waa taay is xoreyeenee oo iska kiciyeen Ingiriis, o ka awood badan Dhooli oo kaso jeedaa Wadan laangaab ah”.
Guurkii wuu ku adkaaday oo wax badan ayuu soo talax gabay, hayeshee marwada cusub waa carmal.  labo caruur ah markii aay u dhashay ayaay dhalmo daaysya waa wiil iyo gabadh aan lagu barbaarin farxad iyo wanaag waayo markii Dhooli lo sheegay  guurkii Cilmi Calas ,  ayu dagaal ku qaaday culus oo ah in uu dib ugu soo laabto garoomadi ciyaaraha, ee Dhooli siidhiga haayn jiray, waxaana uu dagaal culus ka dhex qarxiyay gurigii cusbaa, oo hadh iyo habeen joogta ahaa, Cilmi Calas  maalintii wa ka raali Dhooli , haabenki waa u ciil iyo cadho marka u ku qaayliso xaaskiisa , waayo Ooridu waxay necbaayd Dhooli o ay arki jirtay isagoo taagan hadba gidaarda iyo meelaha aadka u dayacan, oo aanlahaayn sharaf & karaamo toona, Dhooli waa u yaqaan marwadan oo hore ayuu isugu dayay inuu sheeko wadaag la noqdo hadii u guursan karona isku dayoba, war yaa walaal guurka Dhooli maxaa uu soo kordhin karaa adba aragoo. Marwada qudhaas, Quruxdaas, iyo Quwadaas  leh ayu Dhooli raba inu guursado, maxanuse ugu diidaaynaa imisuu xoog dumar wiiqay,  Adaan aqoon ee qaar kale oo daymada u roonaa oo kacaan barbaaray, ayuu guursaday hadase inaga hoseeyaa Alle ha u naxariistee, Dumarka jooga leh ayuu eegtaa waayo marka uu la saxiibo wuu rifaa si uu u wiiqo awoodooda, dadkuna ugu qudro qaataan waxse iskam bedelaan inta kusii jirtay heshiiskaas saxiibtinimo, cibrona uma noqoto qaarka kusoo biirayaa naadigaas, war ma aboor baa, waa aboor aduunyo maaha mid aakhiro, soo mid aakhiron miyaano noqon Karin, ilaayn soowkan aakhiro ku seejiyay Dhooli.
Cilmi Calas  markii u mudo joogay,ayaa wax dhacday, inuu gurigiisii u baaba’o o si qoto dheerna aay xaaskiisu u kal tagaan, wa laga yaabaa inaad ka fikiraayso si qoto dheer u kala tegistu maxaay kaga duwan-tahay, kala tegista caadiga ah, waxaayse tahay marka la ogaado karti daradaada, iyo camal xumidadaa, liidashada shaqsiyadaada, necaaybka aay ku qabaan reerka aad la xididay guyaashaas, furiinka aad furtaa inantaas farxad uun ayaa laga qaadayaa, Xaawaleeyda aad kala tagteena kuumasooo boholyoobi doonto ilaayn waxba kumaad kordhin jirinee, Odey Cilmi Calas , Duqa habaar faro badan ayaa ku dhacay, iyo yaab waxase ka habaar badnaa Dhooli, Dhooli isagu waxaasi ma dhibaan oo hore ayuu u dabar go’I lahaabaa, waxaana noloshiida ku dhici lahaa nabaad guur, Si kooban aan ku su’aalo horta Qalbigaagu ma ila jooga si’aad u fahanto Dhooli   “ma suurto gal ba in qaar kale u duceeyaan Dhooli, Arkayoo isagu duco Alle ma waaydiistee, Raxmaanku habarka iyo ducada Dhooli malaha Habaarka ayaa maqbuula ah, Ilaayn  dulamahana ducadisia ayaa la aqbalaa, waase Sir & xog inaga qarsoon oo Eebbe Garab taala”. Waana  imtixaan ilaahay, oo Aduunayda ayaa la keenay shaydaanka si aadmuhu uga taxadiraan, waana isu cadoow hadh iyo habeen is ugaadhsanayaa, inkastoo ugaadhsiga uu ka yimaado hal jiho oo kali ah, waa xaga shaydaankee, sidii xoolo iyo waraabe colaad ka dhexeeysa, waayo waad maqli lahaayd kumanaan dad ah oo iski kaashanayaa cadaawada shaydaanka, halka laaysaga kaashato qabyaalada, waase aragnaa nin naftiisa ka badbaadinayaa Sahydaanka iyo mid dadka u sheegayaa cadawtinimada Shaydaanka Ilaahay ha duleeyee, Dhooli waa  gacan yar shaydaan oo  aduunka ayuu la dhameeysnayaa waa sida ii muuqatay. Habeenkii waxa u xisaabiya isagoo la kaashanayaa gacan yarihiisa inta saxiiba ee sookorodhay, waxaa sidoo kale oo qorsheeya waa Dhooli ee sida u sameyn lahaa asxaab cusub, hadase waxa u culaasyka saara xaga duamrka taloow faiido maxaa u kuqabaaa? Kasii daranee sanado ka hor dumarka waa uu ka biqi jiray oo ma u doonan jirin hadase ka haawl gal arinkaas, “Su’aal ninkii Dhooli ee aad taqaanay, ee raga warjeefay, ama adiga saxiib kula ahaa hadii uu gurigii kuu dabo maray soow anfariir iyo layaab kuguma noqoteen?”, hada dhinac kale ka eegoo Dhooli miyaanu kala saari Karin saxiibtinimada duamrka?, waxaan filayaa dabeecad isku midna ayuu ula dhaqmaa oo dumarka iyo raga xidhiidh isku mid ah ayaa ka dhexeeya”weligaas taas oo kale ma aragtay?”, waayo waxa uu eegtaa inta  badan dumarka la qabo ee lacagta yara haaysta, sidoo kale waxaa u sheegaa sheekooyin maro awaal ah oo dumarka ciddii dheg u dhigtaa ku niyad samaato, waxkastaba haka danbeeyeen.
Cilmi Calas  habeen ka mid ah habeenadii Murugada, tiiraanyada, Werwerka, walaaca, Walbahaarka, Wiiradda, iyo weglada,  uu baday Dhooli ku dhex jiro  a mudo dheer, ka bacdi cawaay  sheeko dheer  baay-yeesheen, Cilmi Calas  waxa  u sheegay in saxiibtinimadoodi aay dhaxal siisay dhibaatooyin badan oo hoday noloshiisa seejiyayna mustqabalkisa, sidoo kale aay keentay aayo xumi faro badan oo aay ka mid yihiin
1.       Ceeb oo uu baahi tegi jiray xidid iyo xigaal
2.       Ciil iyo murugo joogto ah
3.       Awood dari iyo duruufo nololeed.
Cilmi Calas  oo hadalkisii si wata ayaa yiri ”Intaas ayaan saxiib kula ahaa  raali ka ahaa, waxaanse kuwaaydiiyay adigu soowdigan maalin kasta sii qurux badanayaa ee aan lahaayn fikirka, werweraayn, ma dhamatid oo ma gaabatid o ma tag daraaysid, dadka adaa ka socodo badan o ma daashid, oo waxaad u hasaawisaa kumaaanan, kam caajistid, ma baaqatid, oo hurdumo kulama tagto, ma guursatid, oo dadka ma shaxaadid, ma taqaanid baahida, kuumana kala soocna madax, oday, ciyaal, iskaba daayo isku meel ayaad isugu keeni kartaa,  ee maxaad cuntaa Dhooli?? Iskuday oo maxaad u malayanayaa inuu kartidaas ku helay? Ma bani aadam baa Dhooli? Waa suurto gal haduu doono.
Maalintii dambe ayaa wax dhacday in xanuun ku dhacay Cilmi Calas  da’duan ha iska wehelisee, waxaa haleelay xanuun jeex qalal ah oo la kulmay aroor aay wada jogeen Dhooli ayaa si adag u canaantay oo ku canaatay inaanu beryahan is arag una seehagy inuu 50 sano saxiibtinimo ah ku ciyaarayo, cadhadii iyo canaantii aay ka muuqatay inuu wax fiican u wado iyo maag aad moodo in naxariis ku sal fadhiyo sidii Odey wiilkiisii maagayaa oo kale maxaad ku dareemi lahaayd, markii uu dhameeystay Dhooli, hadalkiisii yaabka badnaa ee aftahanimo ka muuqatay, iyo kalgacal badan, “hadaad aragto mararka qaarkood qof ayaa ku maagayaa isagoo nasteexo isaga kaa dhigayaa, waana suurto gal inuu god kasii tuuraayo” Cilmi Calas  oo aan dan garasho seeganaayn, hayeeshee aan awood u lahaayn dhanaba,” Tallo wa mar aad garan waaydo iyo mar aad gaadhi waaydo”  ayaa Dhooli u arkaa maanta  inuu yahay xaasid baab’iyay mustaqbal uu rabay,waxaanau is waaydiiyaa hadaad gaboowday ma masaajidak gal ayaad kari waayday? Iyo su’aalo kale oo maanta nasteeexu u muuqda Cilmi Calas Dhooli sidaas darteedan aanua arki karinba fikirkaas caynkaas ah waayo wa u sun u ku dhinto cida sida fiican u fikirt, iyo saaxiibtinimo la”aam aduunyo, maalintaas waxaay ku kulmeen midka mid goobaha aay ugu yimaado Dhooli dadkiisi aasxaabta intaanu geeyn meelah ciyaaaarha lagu safto, ama loogu mushxarado dilka Dhooli, waxaayna goobahaasi can ku yihiin Mugdi, Xan, Lahwi, sida Muusiga & waxkasta oo ilaahay necebyahay oo aay ka mid yihiin inuu isugu keeno dumar &rag.
Waxaa dhacday xaunuunkii Cilmi Calas  waxa u keenay inuu mudo ahaado Dermo jiif dulyaala gurigiisa oo an Karin inu xitaayn cibaado gaadho, maskaxdiisu inta badan waay is bedeshay oo hadalo kala duwan ama is dhaafa ayuu ku hadlaa, waxaan u iman jiray dadka tuulada guud ahaan, waxaase markii dambe ku dambeeyay, labadiisa caruurta ahaa, waxaase la yaab leh Dhooli maalin kali ah muu soo booqan, dhanka kale waxa  ugu dhib badnaa, in habeen kasta maalmihii hore riyo ugu iman jiray weliba isagoo bahalo yaryar ah, sida jiir oo kale waxaana u arki jiray Dhooli oo jiir ama mulac, ama Mas ah oo cunayaa amaa meel khaldan ka galayaa, war Dhooli yaabkiisa  ma marku doono ayuu waxan yaryar noqdaa, waana arin cajiib ah, “akhriste Dhooli saxiibtinimadiisa ka waram?”, “anigu dhankaayga waa cajiib badan yahay inaan arko ayaan doonaa mararka qaarkood, hadana fulay ayaan ahoo waan ka yara baqaa”. Cilmi Calas  geeridiisa yaa timi wxaana cidkasta aay oran jireen Dhooli ayaa ciil baday, caloolyoow u keenay, qaar kalena waxaay oran jireen Dhooli ayaa u dhigay shirqool geeri uu ku dhintay, waayo maalintii uu xanuusaday Climi waxaa la joogay Dhooli, waxaayna dadka qaar u qateen in uu Sun siiyay ama u galaaftay isagoo sixiroole isaga dhigaaayaa.
Dhanka kale mudo uu gidaar yaal ahaa Cilmi Calas  waxaa aay caruurtiisa ilaahay ka baryi jireen inuu geeriyoodo, waayo somalida ayaa waxaay tiraahda, marbaay geeridu  nolosha dhaantaa, waxaa keenay in caruurta Cilmi Calas  karaahiyaaysato, habka nololeed ee u noola Clmi ayaa ahaa mid dayackasta uu ka muuqday, xanuunka oo keenay inuu gaadhi waayo meehsa uu tagaayo saxarada, soo celinta cuntada, sidoo kale garasho la’aan hadal, oo waxaa kasoo baxa afkiisina aaay ahaayd, caay iyo aflagaado kasoo horjeeda diinta islaamka, Allow khaatumada Khaayr noogu bedel, waxaase la yaab leh in Cilmi Calas  aanu lahaayn Sharaf karaamo, iyo maal aduunyo oo meel uun lagu geeyo, dadkana waxa u kaga xidhna Dhooli iyo inyar hadba Dhooli baro oo aanu dibba u arkin jirin ilaayn iyagu Dhooli ayaay saxiib layihiinee, dhanka kale dadka intii aay is yaqaaneen waay baxeen ama geeriyoodeen, Cilmi Calas na war uma haayn oo Dhooli oran jiray marka la dhaho yaa dhinatay, ma xabaal ayaa xabaal dhaaanta inaguba tii mugdiga aduunka ayaay ku soconaayee war inagama mari, oo horeey talaabada usii qaadi jireeen.
Wilkii curad ee Cilmi Calas ayaa waxaa uu isku dayay, inuu wax ka ogaado geridii aabihii sababta keenaty, waxaa u tix-raacay inaay saxiib dhow ahaayeen Dhooli, waana uu la saxiibay Dhooli si uu ugu waramo, Dhooli cidna kama xishoodo inuu la rafiiqo, waxana uu isku dayay inuu uga faa’iideeyo khibradii uu leeyahay ee uu ku yaqaanay Cilmi Calas, waana arinak uu xiiso qabay wiilkan da’yar. Wuu  u bar bilaabay sheekooyin & dabacadihii aabihii, waxaase Dhooli shuruud u  xidhay inuu ka qaayb qaato aaska Dhooli ee dhaca galbkasta si uu war u siiyo, wa shuruud adage,  sidoo kale yimaado goobaha xabaashiisa ee aay  joogaan kumanana asxaabtiisa, ma u waaydiin oo isma oran hadaad dad badan haayso maxaad aniga igu falasyaa, waxase kasii daran kama u fiirsan waxa uu kala kulmaayo, oo waxaa dadkaba u sheega gacan yaraha Dhooli, iyo asxaabta soo jireenka ah  “Mudane/Marwo  ma u  tegi lahayad adoo raba inaad la rafiiqdo  akhriste, dilaagii caanak ahaa ee aabahaa kusoo shaac baxay, dhanka kale dadkan ku hadla afka somaliga ee hadh iyo habeen kala guranayaa magaha, iyo godob reebka maxaa Dhooli kumanaanka u dilay loogu qabsan waayay?, oo aanu u arki waaynay isagoo gabadh walaashiis ah oo loo-si wato godob reeb??!!, inankii ayaa ku biiray xabaashii mugdiga aduunaka, halkii ayaa inankii yara ku biiray, waxana uu ka mid noqday dadka uu Dhooli aadka u xiseeyo, wax is bedel ah kuma  u samaayn waxaase la yaab leh inankan yari isagaaba u tababo baran habka la qabsashada heshiiska Dhooli, sidoo kale u xeelad yaqaana xabaalo qodistaoo waxa uu sitaa dhoowr mandaraq oo afeeysan, waayse iska talax gabi doonaan gu, & daayr ka bacdi oo xejiyaasha ayaa soo godan doona, Dhoolina waabau ka yaabayba firfircoonida inankan, hoostana waxa uu ka dhaha iska or-orod adaa soo godan doonee, ilaayn Dhooli aya gacanta kugu hayee ,  waxaase yaab leh Dhooli waa uu ku faana hadba inta uu galafto, waana ka mid Cilmi Calas  oo dhalay gabankan fir-fircoon,Gabanku ma dhibto ku manosheegashada geeridii aabihii ilaayn damiirkiisu maba jooge. Wiilki waxa uu maray uun halkii aabihi waxaana u dhaxlay inuu tolkii u buuxiyo booskii aabihii, sidii oo kale ayuu ku galaftay inankiina, waxaana uu aduunka ku dul noola 27 sano kali ah in kayar da’dii aabihii sidoo kale wax cauruur ah kama u tagin waayo maba u haleelin guur halkaas ayaa qooyskaasi u raad go’een waayo cid kale o ku abtirsitaa may hadhin, lakiin dhagar qabe aabahaa dilay ma la saxiibi lahaayd hadaad saamaxdo waxa laga yaba inaad ka agfogaan lahaayd, mase waaydiin lahaayd sidaad aabahay u dishay, hadiise uu ku sheego oo ku yiraahdo halkaas ayuu maray oo ku dhinaytay miyaad wadada laftigeeda so tijaabin lahaay, kaba siidarane yaa ku damanad qaaday waddada hadaad marto inad nabad kaga soo noqon karto, waxa inankaas iyo odayga is dhalay mudadaas ku dul noolaayeen Mugidigii xabaasha aduunka.
Dilaallak noloshu isaga waxa uu ka shaeqeeyaa sidaad u legedaa qof caafimaad qabaa, waana cida Cilmi Calas & Dhooli is baray iskuna xidhay. Dhooli Aboorkii Aduunka, Dhooli laftigiisa ayuu geeridisia maalinkasta soo bandhigi jiray iyo meelaha uu xoog badan yahay ee u baahan yahay in laga tumo.
Qiyaas o sheeg waxa uu noqon karo Dhooli, xabaasha mugdiga aduunak iyada maxaad u malaynaysaa yaase dilaal kii nolsha ah.
Sheekadan waxaay si gaar ah u taabanaysaa Qaadka oo Dhooli, ah iyo meelaha lagu qayilo oo ah mugdigii xabaasha aduunka, dadka xayasysiiya ee qaadka iibiyaa, oo ah Dilaalkii nolosha, dilka Dhooli waa cunistiisa.
Dhagar qabo dilaa ah oo aan dadku tebin, sadheeyee nololeed, seejiyayna kumanaan ubax ah.
Hassan Abdi Shire.  

1 comment:

  1. Jazaakalaahu khayran yaa Akhii!!!!!!!!!!!!!! waa wax xaqiiqa ah

    ReplyDelete