Saturday, April 19, 2014

Maan Dalbane Ma Deeqbaa?


Guyaal hore, ayaa waxa jira Tuulo aay isug yimaadaan dadka degaankaas ku nool, ee xoolo dahqatada ah., qaarkood waxay ahaayeen geel dhaqato taagan halk bulsahd ugu sareeysa, halka geyigaas intooda badani  lahayeen Adihi isug jira riyo, iyo iddo, saboolku waa buux oo lagama waayoo bulsho meel degan. sidoo kale may jirin meshaas dad lagu ammaano  beeraalaayd lakiin beryo ka bacdi dadku wuu baran doona , inta qudhaabsata iyo inta  ugaadhsata waxaa keenay bahida xaafadeed ee aay hadheeyeen duruufaha aduunyo ee maalinba qof la socda.
Marka lag yimaado tuuladan dadku waxaay u muraadsadaan  labo ujeedo oo kala ah:  inaay mood geyaan oo kaso iibiyaan is aay u manaafacaadsadaan xoolahaooda,&  inaay kagasoo bedel-iibsadaan waxyaabo u ah dadka miyiga daruuri, sida shaaha iyo sonkorta, Dhanka kale  waxa iyaduna meeshaas ku ahan jirtay caado baahiyeed, inaay dadku xoolaha kasoo waraabshaan, madaama aay ku yaaleen ceelal biyood lagasoo cabbo ama waraabsho xoolaha,oo ah kuwo aan kala fogaayn inta badan, waana ilo manbacyo soo maaxa.
Hadaba halkaas waxa dhaqan soo jreen ah noqotay  in dadka miyigu ad u jeclaan jireen sheekada, magaalo iyo xalkeeda si aay uguso war celiyaan dadka miyiga,si gaarana waxaay xiiso u smaaayn jirtay, marka habeenkaas lays xaal waraaysto. Ardaaga maalintaas magaalada tegay wuu buux dhaafiyo, waxaase laaysu yimaada, marka uu qofkasta soo maalay xoolihii, iyagoo tiro dhameeys ahna xareeyay, hayeeshee waxaa hadhsan mirood maalkii geella, oo isagu soo godlan doona amins-heegtu markaay ku dhoowdahay abaarala labada, odaygu marka uu waramo ee lays waydaarsado kelmado , nabad sheegis u badan, inankuna iyo gabadhuna kawaramaan kobtii aay manta daaqsin geeyeen, Hooyaduna kawaranto cidii manta soo martay guriga, ee u badnaayd baadi doon, iyo hoga-tusaalayn magaalo(qof doonaya halka magaalada loo marro).  cidii haysa war dheeraad ah iyo dadka manta soo booqday kama madhnaa in dhowr qof aay waaydiiyaan hebel ka waram , ama hebla kawaram. Waa dad in uun aay ka dhexaayso qaraabo sokeeye, oo lakiin degan hadda Tuuladan (wa caado dadka xooluhu ka dhamaadaan inaay u guuraan tuulooyinka yaryar) hadaad eegto ama ad xasusato waqti aad booqasho ku tagtay meel miyi aha ama tuulo aad joogi jirtay, waxaa can ka ah dhegaaysiga idaacadaha, gaar ahaan BBC da(dadka dhaqan ahaan kasoo jeeda Soomaaliada waxaay ka noqotay idaacadda BBC-du mid aay u adeegsadaan waxyaabo badan oo aay ka mid yihiin, goorsheegta inaay ku calaamadsadaan oo yiraahdaan marka aay BBC-du soo gahso haay noo ahaato, sidoo kale halkii idaacadda lagu dhegaaaysan jiray isugu keen-keen, iyo BBC-da ayaa sheegtay, oo micnaheedu tahay wa war run ah), Waa hubaal in tuulooyinka loogu yimaado, sheekooyin kaftan wadag ah o dhexda tuulooyinka lagu caano maalay mudooyin so jireen ah,  haba u badnaadeen taariikho lakalasoo adkaaday iyo dagaalo dhexmaray salaadiin ama qabiilo, qaar kale  kuwo lal xidhiidha kaftan ku salaaysan geel dhaqatada.
Tuuladan,  waxaa ku taala, meherad shah, caano geel iyo subaga lagu iibiyo,  oo la magacbaxday, Beel-Daajiye wa shah fiican tahay waxaana loo yaqaan  (shah-shiilane)  wa shaaha, aay meheradaasi sameeyso (celeenta wa lagu badiyaa xoog cabaar dabkka ayuu saran yahay kildhigana waa laga shuba intaan falas la gaadhsiin) dadku kuyuu(safaf) ayaay uso galaan, qadiifado kooban (caawo) ayaay  ku fadhiistaan, qaar kale dhagax ayaay dabada saran. Waxase gobotaas laga hela maddaalooyin aad u fiican gaar ahaan marka salada casar lagasoo baxo, oo qofkasta uso gaadhoo inu danihiisa dhameeystayo, xoolihi warabiyay, moodki saaka laga iibsaday rasihinki yaraana u rartay, oo Awrkii ama Dameerki u fadhiyo goobta darka biya lagaa cabaayo,  caraabaduna( galab-socodka qoraxdu si dhacaayso)  Aayay  ku xidhan tahay hadba sida lo kala dhowyahay qaar waba isla jaanqaad o wadada ayaay isku si hagajistaan sheekooyin dhaadheer o dib loogu jaleecaayo magaaladii ayaay kasi sheekasytaan(evaluation)waxaayse u badantahay, dhibta magaalo lasoo socoto iyo sameeynta dhaqan ee so jireenka ah sidaay u bahdilayaan.
Maanta waxa madashan( huteelki yaraa ee Shaaha)  jooga Warsame oo ah nin aad u hasaawiya Goobtan lagu nabad nasto,  inta badan yaqaana kaftanka xeel dheerida ah iyo hadalada afargeesta ah, u salaysan afarlaay gabay iyo mid hawraarsaneeed-ba  waxaana si qota dheer  u yaqaana dadka degaanka, o hadii lo sheego jihada(dhinaca) uu kasoo galay qofkaasi, isaga ku dara qolada dadkaas, hadii loogu darro inayadana wuu abtiryaa,  Warsame, ma dego miyiga o sanado ka hor ayuu caaydhoobay waxaa ku dahcday abaar la oran jirey dabbo-dheer. Waxaay galaaftay in kabadan Sodon qoys, dadkii kale kaalo(xoolo ayaa lo ururiyay) ayaa lo sameeyay, Warsame se wa laga wada talaabsaday hadal-la’aan, cidna may durrin, sababta se Warsame iyo inta taqaanaa waay dareemayeen dibbay se ka muuqan doonta. Waxaase u carsiih yar ka dhistay faras magaalha tuuladan, xaaskiiisuna waxaay iibisa xooga alaabo yar-yar, o aay ka mid yihiin kuwa aay sida gaar ka ah u xiseeyaan dadka miyiga sida, buuriga, Huruuda, milixda, caleenta, iyo kiiloyo sonkor ah o ka dhamaada aroorta horeba.
Warsame isagu hawlo badan ayu magaalda u haya maaha see kuwo midho dhal u leh dadka, o aay kamid yihiin, Sheekadan kaftanak badan oo ku habsaamiyo dadka miyig jooga, ilaayn isagu hoyadkiisu wa halkan xoolana kama lumayaan, Masaajidka wa u ka Edaana waa halka qodob ee muhiim ka ah ee u qabto bulshadan kooban, isaga aya magaalda u yaqaana qur’aanak lakiinse waxba kumaso kordhiyo ilaayn dantiisu wa sheeko.
Masaajidak waxa laga tukada waqti kasta iyadooy dhaaftay saacado salaad kasta, taa micanheedu waxa weeyaan, maalinaksta waxa la tukadaa sacado ka bacdi, mararka qarkodan duhur iyo casar aya lays raaciyaa, jimcaha shuruuc kale aya la degsada,  lama tukado mark laga reebo inu so marro sheikh socota ah, dadka degaankaasi  maalmahaas magaalada abaabula iyo in dadku u carcaraan diyargaroowga salaada iyo culuumta looga faa’iideeynayo aya laga dareeema, ilaayn wa hal gobol o si taqaane,  waxa uu qofkasta dareema inaay ku jirto  ruuxiyidan jecel cibaadada.  Waxan se jirin hogaamiye aan gadhsiisnayan baahida shicibkiisa sheeko mooyaane(cidkasta oo aan aqoon cida aay hogaaminaayso waxaay rabto waa dhalad ka halaabay halkii uu ku ficinaa).
Waxa u magaalda uu ku metela waa Warsame ee,  hadda horjoogo (head tuulo) oo aay dadka miyugu u yaqaanaan hide tuulo, waxaase  xilkaasu shaqeeya marka u arko dada socdaal ah o wada in uun xogaa horuamr ah sada cafimaadka, iyo wax barasho ama arimo kale oo muhiim ah, tuulada malaha  waxyaabaha adeega ah o bulsadho, ee aay  ka faa’iidaytaan waxaase dadku maalinkata u sheegan cida so marta,( ha ahaato wufuud ka socota beesah caalamka ama meel kale) in wax barasahda waxa looga qabtoq!.  Waayo? xaaladah cafimaad inta badan waxaay u tagaan magaalooyinka waaweeyn e ku dhow.
Warsame marka la yimaado goobaha kaftanak, waxaa maalinaksta kuso biira tuulada ama soco ku noqda xoolo dhaqato, ka kooban  qof ama labo ku cusub, Warsamena aanu aqoon marka u hadalka bilaabo ayu eega dhincyadiisa si u ego cid cusub , madaama aanu aqoon wax uu kala kulmi karro shekadiisan oo ku saabsan labo u jeedo mid ah tariikh, iyo qabiilo iyo dagaalo lakala adkaaday, dadkan waa uku jabsadaa waxaase u damiciisu yahay in reerkiisa uu meel ku xuurtaaysto oo keligii aay u xidhnaadaan yaab!! maxaa faa’iido ugu jiraa? , hayeeshe marka u xaqiiqsado in cid cusub joogto wxa u u yeedha mudalabka shaaha waxaana u faraa(Amraa)  nink odayga ah ee halkaas fadhiya shah u geey isagoo wada maqashiinayaa dadka hareerihiisa jooga,( wa ka yara istusnimo) waxaana uraaciyaa ee martida ah.  Wa cayn u yaala laaluush sidan u warsame usoo giraangiraanayo hadalka doocsan ee wanaagu ka muuqdo, ee maaha caawimo martiyeed, waxaana u raacin jiray war oday waad diifeeysantahaye dhankee gaso gashay? Iyo su’aal degdeg ah ma xaga banaanka mise waa buurta? Marka loo jawaabana kamaba hadhee waxa uu waaydiiyaa , Maasha-Allaah ma reer fardoole baad tahay msie qoryaale? Jawaabtana marka u hello isgaa ayaa ka ah Horgalle, gobotaas hogaankaas, waxaana uu ka fogaada hadal necaaybka sameeynaya qofkaas, hadanu ugu drinba amaan dheeraad ah(rerka ninkaas odayga ah ee cusub waaba suurto gal inuu gob ku tilmaamo,shalayna aay gun ahaayeen, markii uu ka hadlaayay),  waxaana u  marka u iska wataa hawshiisa sheekada ku darsoo dadka meesha fadhiyaa maalin ba qof ayuu laalushaa(Caabitaanka shaaha, aad ayaa loo ixtiraamaa goobaha miyiga, tuulooyinka & biyo fadhiisinada).
Warsame waxa u caan ku aha astaamo aay ak mid yihin, muumin dhaliileed, ashkhaast kaso horjeeda, caayda xiqdiga iyo xumaanta dadka kale, waa u dabeecad  kala qaaybinta qabiilada kala duwan, waxaa u inta badn dhabarka ku haayn jiray odayaal waayo arag ah o rerkiisa kazoo jeeda,  lakiin ana jeclaayn habdhaqankiisa, waxaayse oran jireen waa bello loo baahan yahay(somaali waxaa hoday shaqsi la yaqaan xumaantiisa, ayaa lagu oranayaa cid kale ayaan u haysanaa, ama lagu taageerayaaa xumaantaas, ku darsoo xisaabtii Alle-na waa inaga dambeeysaa), waxa u sidoo kala can ku aha xil jacaaly aad u xadh dhaafay kalgacalkiisa, ma see dhafsiisnaayn meeris-reernimo.
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa Warsame waxa u doontay xil jacaayl awgiisi Suldaan si u maamulo dadka degan agagarkas  & kuwa ag  dhow,  waxaan arinkaasi ku talaalnaa tan  iyo mudadi ay xooluhu ka dhamaadeen,dadka qaar ayaaba dhaha maalintii uu sided jirsaday, ee kabaha loo xidhay ayuu lahaa miyaanan hada madax u ekaayn, hadase waxa u ficil ahaan iyo awood ahan tijaabiyay dhamaan awoodaha xil lagu qaban karo ee suldaanimo, meel-kastana waxa u maray, inu heerkaas gadho inkasto dadka leh mansabkan aanay filaaynba waxa uu qaban karro,(shicibka ayaa markasta leh xulashada hogaamintooda, hadaad gashato wax-falasho khladan, ha sugin dalaga kuso go’aayaa inuu noqdo mid xun, hadaad qof reer-hebelnimo kudoorato oo berri aad sugto waxqabad dhaafsiisan kala qaaybinta reerahaas, so filasho khaldan maaha? Waa su’aal Gundahaaga hadhsanaysaa!!!) mana garwaaqsanaayn, inu garanaayo wax u qaban doono hadii uu ku guulaaysto, wa sida ka muuqan doonta xaga danbe, waxaase uu dadka ku ber laxoowsan jiray in tuuladan uu ka dhigay mel loo soo hayaamo,(marka aay abaaruhu dahcaan dadku kuso xeroodaan) Adba mudane is waaydiiyoo wax lagu maan sheegto ma tahay qof abaari xoolihii ka dhamaysay in manno sheegasho looga dhigto caawimo la cawiyay tuulo aay so degeen?.
Suldaankii ayaa lo doortay si dhameeys ah, waxaana lo magaacabay suldanki Madnaqadaas filashada haba iska badnaate hadana intuu soo jiray iyo sheekadiisa u badnaayd taariikhda waxaa uurka iyo qalbig lagu hayay wadar iskaashi, Waxa uu xilkan  u maray godob iyo iyo wado dhibeed, markii u muddo hayay ayaa waxa la coloobay isla markiiba shicibkii(tuuladi ahaayd afarta gurri ee aay ku noolaayeen 30ka qof) oo uu ku maamuli jiray dhaqan aan wanagsanaayn    ( bal ka sheekeey suldaanada la jaarka ah ee maamula shicibka ku nool gobollo aay ku noolyihiin kumaanaan qof),  waxa u markaa bilaabay inu marro wadadai u maray sanado  ka hor suldankii hore ee geeriyodoay 8 sano ka hor isagoon gaadhsiisnaayn o kali ah xumihii u abuuray ki hore, lakiin in uun waxa u yiqan birimagaydada iyo xeerinta sokeeyaha, sinanshiayah dak iyo isu so soo dhowaynta cidi geyda.
Marki xaal gacanta ka haaday, ayu suldanki waxa u bilaabay waxyabihii u kuso caano maalay ee aha, inu daka u yeedho oo usoo fadhisito goobto meheradi shaaha macaaanyd ee u ka bilaabay ololihiis. Ilaayntu dadku waa indho ku garaadleee, marka u sheekadda  bilaabo, dhowaan intaanu xilkan fuulin  loo bogi jiray ayu hadda arkaa isago fadhigisia laga yaacayo, hadalna daa ina la maqlee, waxaasa jirta in aan meeshaas ka madhnaayn afar doc ka yeedh oo qosolka u camira aad na moodo inaanay xishooonba, Warsame, waxa uu  xambaarsanyahay hanka u ugu sareeya ilaayn wa suldane mase usoo kordhisay wax sharaf ah(dadkii hore xilka may qiimeeyn jirin lakiin waxaay qiimeeyn jirey qofaksat haawlkarnimadiisa iyo caqligiisa) yaab!
Hadeer Warsame tallo aya hortaala ilaayn aragyee siday wax u jiraan arina ku cadaa,  (Bal is qiimeeyo  hadaad sidan oo kale kugu dhacdo maxaad yeeli lahaay?). Waxa uu markan bilaabay inuu laalusho inta kacda ama neceb maamulkiisa(ku darsoo dadku waay wada baahan yihiin, ee wa lakala adkaaysi badan yahay, lana kal yaqaanaa samaha, iyo waxa uu kaa geyyo qofku, Allena lakala baryo Og.) hadaba waxa uu maamulkani bilaabay wa ka Warsame, ee in uu dadkan shaaha jecel,in lagu celceliyo sidii inaay quudanayaan oo kale,(bal is waaydii Xaaji, ama Akhriye, shaahi intee sheey ayuu ka kooban-yahay?, markaas ayaad micnaha wax badan fahmi kartaaye) ,  iyadoon aan la garanaany waxa uu uga jeedo,(maamulkasta, taagtiis ayuu talabsada) waxase dareensan inta u shukhuucsan haaynta xilkiisa e u ah saxiibada dhow-dhow, o ah ma tusayaal xumanta iyo iyo khaladka. lakiin marka u tuulada so dhex maro una uso xidho  dharkiis dhulka jiitmaya ee hadba dhinac waranka iyo gashanka u lulo,a daba yacasha(kuwo hal ardaaga ah) iyago foox daba sdia ayuu dib ugu laabta goobti uu ka yimi.
Waxaa iyaduan dadkii ku yaratay cibadadii waayo? Wadood- koodu -(shiikhii hore ee masaajidka tujin jiray) aay lahaayen sowkan doontay suldan la daba fooxiyo, iyo sheekooyin rer hebel ah iyo reer hebel aya geel kala dhacay, intaas ayu suldaanku haya xilkan cusub iyo arimo kale o culus, waxase meeshas an ka madhnaayn in khurafaad, lagu wado sida faalka, I.W.M. Hadda waxaa madashaas  kuso batay salaadiin kale o iyagu kuso booqda meelu ko dhow, lakiin ka maamul wanaagsan suldaankan isna waa damin!  oo waxba kam barto, ee waxa u yaqaana o kali ah sida loola kulmo iyo u Sooryayntooda, qaarkood iyaguna wxaay la yaabaan suldaanku gurigisia iyo magaaladan carisihka ah oo aad u kala duwan, ilaayn waa yaab!!! Daku wa  sabool iska degan tuuladan. Waxaase aay la socdaan Aayo xumidodoa sido kale aay hadh iyi haben hortagan yihiin guriga suldanaka.
Inta badan suldaanku dadka yimada gurigiisa ee doonaya hawlo in u la qabto waakhtibadan iskama  geliyo, ee waxa u yaqaan hanka & hiraalaka dadka tuulada,  oo waxa u yeedha madi(wiil kali ah oo aabihii dhalay),oo  kamid ah shaqaalaha guriga cad ee ee masaajidka dhisme ahaan u eg laakiin wanaag ahaan ka duwan (Masaajidku waa guriga ugu khaayr badan, lakiin guriga suldaanak waa noocma taloow) magaaladan yar, ka dhex muuqda(guriga suldaanka). Inakan gacan yaraha ah, waxa uu  diraa xaajiga meherada yar ku haysta tuulada ee shaha macaan(meheradii uu Warsame haaysan jiray hadal ahaan lakiin lacag ahaan qof kale lahaa) oo hadda so kordhisay roodhi iyo subag, laaysku darro, waxaan u ka codsadaa in ninki odayga aha ee manta u yimi u siisyo marka u yimaadoba, Koob shaaha & roodhi Sonkor leh,  taasi ayu ninkasta ku qancaa mark u yimadona la siiyaa wanau fahmaa in odyga suldaanku sidan sameeya ilaayn hore ayaay cadadiis u ayqaaneen(dadka miyaan hakoodu dhaafin wax hunguri la mariyoo cajiib ma ilaa waqtigaas!!), qaar kalena iyaga juuqba umu oran jirin o waayo waxa u yaqaanay qolada aay yihiin!!!!(waa qolo laga tiro bgadan yahay ayuu u jeeda), waana Odayaashii  aay so cano maaleen. Sheekadan hada somaalidu isku haysato oo ah laan-gaab &laan-dheer, bal eega dhibtan labo qof o ilaahay wada abuuray aya la raba inu laysku dhafiyo qabiilnimo, xumaanteedu agta ilaahay xaaraam ka tahay, lakiin boqorkani waxa uu ka mid ahaa kuwi hirgaliyayba biloowgii maamulkiisa,  waaba u cado, o laandheeridaas aya uu ku gaadhay saldanadan.
Hadaba malin maalmah ka mid ah ayaa waxa u tagay nin oday ah o magaalda can ka noqday guuyaashan oo suldaanku xilka hayay, kala wareegay guyaashii dambe,  xilkiisa ee tuulada u hayay oo  ahayd ,Masaajidka inu ka Adino, sidoo kale is-bedel fiican lagu dareemay wacdi fiicanna ugu daray tuulada, makhaaxidana marka la tago waxa uka warama Asxabtii, iyo docuooyin faro badan wa la jamtay, oo loo bogay ddkuan waay xiiseeyaan. Suldaanka saxiib bay ahaan jireen, iyo gacan yarre ka hor intaanu xilkan culus qaban waxaana uu   kala shaqeeyn-jiray danaha horumarineed e magaalada. lakiin ma u aqoon laalushka iyo khayaano, waana u necbaa kal qaaybinta dagaankas ceel ku noolka ah, markii u gaadhay gurigiisa suldaanak aya lo sheegay suldanki in hebel donaayo inta u yaabay!, ayuu yiri war hebel manta maxa u igu falay maan arag sanadihii aan jogoay saldanda. war odygi meherad iigu yeedha degdeg isagana so daaya marki uu so galay ayu waydiday war hebel xagad ka dahcday? ninki odayg aha aya u xal wramay una sheegay in-dadki tuualadddu aan jeclaayn xalkiisa hadda ee u baahan yahay in u saldanada si fiican u maamulo, afar garab joogay aya cadhooday oo il xun ku oogay fooxana ku badiyay dabka,  suldanki inta uu hareeraha eegay oo  cadhooday ayuu ku yiri war hebel xaasid maad ahaynee maxa dhacay? Msie reer hebel ayaad la saxiibtay? maba u suginee mise adiga aya tolkaa sidaas aaminsanyahah?!! Odaygii oo yaaban ayaa ugu jawaabay maya. talo wa iga intas, odaygi Meherada (waa shaahii & roodhdii ee) hasyaty aya lagu yiri xaaji ninkas  sedexdiisa waqti adaa ka masuul ah. o ku kab xogagi yara ee aad I haaysay, sidii ayuu ku tagay markaas goob jog maaha odaygi oo saacado ka hor ayuu sii baxayba ilaayn maaha xerro nabadeedee.
Aroorti marka u salaada subax tukaday  ninki odayga haa,waxa uu boqoolay xaggii makhaaxidii yaraayd,  waxa lo keenay lana soo hordhigay quraac roodhi ah iyo koob shah, o ah nooca dhadheer . inta u dhinacaas eegay ayuu yaabay o u yeedhahy ninkii odayga ahaa e hasyaty meherad.Ayuu ku yiri si hoos o qaboow oo aay ka muuqato edaab, akhlaq xaaji anigu maan dalbanee Ma deeqbaa(dhegta ayuu u saaray cajiib)!!!! .
Inta u qoslay ayu yiri war xaaji soowdiga guriga suldaanak socodka  ka deeyn waayay, oo si dhaylsi ku jiro, u raciyay qosol dhadher, soo jeedin ah dadka kale(waxa uu sacab ku tumay labadiisa gacmood,dad allow, ma ka ceebaayn baa? waaba suurto gal inaay ku balameen sidaas oo aay tahay sahraf dil), yaab iyo asatcajab ayuu inta u dhinacyada eegay ayu yiri ader malaha adiga iyo suldanku meherada waad wada leedihiin? keligaa ayana u haysteen, waxaanse xasusutay sheekada suq gaaynta ahayd e meel kasta uu la taagnaa, ee  mahadda ayu dib u istcimaal qaybtiisi? ilaayn wadaadku hadda waa u cadhoodee, (waxa uu muujinayaa inaay meesha wadageen), Odaygi meherada laha inta uu cadhooday ayuu yiri war waxaas eega bal wax uu ka  hadlaayo, maan-dhow ocadho fududa? isagaaba hadalka kaftanaka bilaabe sowtii u hada daqiiqado ka hor qoslaayay, maxaa so kordhay?,.Odaygii weeyan ita u iska tagay ayuu waxa uu u wareegay magaalo cusub(malaha wuu khaldamee hadii uu wax u sheegilaha suldanka odaygan mehredan ayu si mari lahaa), sheakdiian waxay gaadhay suldaankii. Waxaana lo sheegay siday wax u dhaceen. Waxaana iyaduna meesha kusoo korodhay aaminaadii ahaayd in cidkasta aay hunguri caado qaatinmo  tahay aayse jiraan, qaar-kalena aay  naftooda u dhoowrsan-yihiin,( maantaba dadku wa labo waa qof Han iyo hadaf u nool & mid hunguri u nool adigaayna kugu xidhan tahay is-bedelku),  marki sheekadi loga waramay ayu cadhooday o yiri war bal eega waxa qudhunka ah ee aanu wax siinay horena aan usoo koriyay,  lakiin naftisi suldaanku isma waaydiin inti nabsi galay iyo inta u dad nacsiisay dad kale o dagankaas, laalushkuna ma yaqano inaay dadkau wada geyin e weliba cado qataniamd ah.
Waxaa jri jirtay tuulo kale oo an ka fogaayn dadkau marka aay degaan ahan kaso horjeestaan ay u wareegi jirin aadna ugu dhoow, waxa malinti dambe dhacay odaygi ay saxibka ahayeen aya wax u maqlay in suldanki u ku jiro waqti aa du xun oo kusi qulqulaayo geeri taagan dhamaad nololeed o gaadhsisian waqti ad u xun, madama u ku dhacay xanuun. Odaygi aya soo noqday isagoo aad uga naxay saxiibkiis, aayo xumida iyo dhibta uu ku jiray ee leh dulmiga, waxaana uu go’aansaday inuu soo noqdo oo booqdo. Naftisana waxaa uu ku  yiri saxiibka  yaaydaan kala dhiman itan u noolyahayna gaadh, marki uso usso luga dhigay, magaaladi ayu si dhuumad ah ku yimi gurigi suldaanak marki u gudaha so galay ayu arkay saaxiibki oo lagu hayo melaan an ka fogaayn aaga albaabka iyado lala daydayaayo laydha!, inta u naxay ayu quraan ku boobay kuna akhriay cabaar. Marki u ku waday muddo cabaar ah(waxa u ku akhriyay suuradaha Dawa’iga ah) ayaa lag kala degay,wx a u eegay garabkiasa bidix msie xaskisa ay haysa hadan dhinca kale, mise wa odaygi u colka la’aha inta u booday ayu yiri war hebel xgad ka timi?, degdeg xaaskiisia ayuu ugu jawaabtay, oo tiri wa dawadi laguso diree ee iska aamus Sudlaan, wu cadho dhowyahay suldaanku, o xamilaad malaha(qod-dhan oo umad xil u haya ha waaynaado, ama hayaraadee, aan dulqaad lahaayn, xagee ayuu xalkiisu ku dmbaayn doona) Markaas ayuu kor u ruqaansaday, oo bodoay war I dhaaf,ayaa uu hadal ku bilaabay,  soow maad ahayn bahalki xuma ee sidii an ogaa yeelay?. War Xaaji, am Suldaan is deji arinkaas ayana u imi(adi-caafimaadkaaga, ) .Waa iska aduunyo ka ugu dhow ayaay xoorta ileeyn iyada daba orode, dadkuna aduunkna ayuunbaay ku koreen, oo la jaanqadeen, in ilaahay unxariistay mooyaane!!.
Saacado ka bacdi ayu ku noqday xanuunkiisi,  naf lamaqnaanshiyaha ahaa(kooamada) , odaygi dhaqan yaqaanka ahaa,  ayaa  qur’aan ku akhiryay in ka bdan 25 cisho isaguna u ku jiray xanuunki xuma e suuxista , shiikhi wu iskaga tegay,Ducana rabbi ayuu uga baryay, ilaayn cuquubo umadeed ayaa ku dhacdee. dadki deganak deganaa waay is abaabulen, waxayan doorteen suldaan cusub. Oo ah hada ki ugu wanagsan ae dhaqan ahaan, diin ahaan, iyo milgo uamdeedba, waayo culuum hore ayay so barteen.
In ka badan 2 sano ayu suldaanki hore ku jiray, xauunki xuma. Xaskisiisna waxaya geriyootay intii u xanuusanayay, caruur waxa u laha wiil & gabadh, iyaguna waxa ku dhacday inaay noqdaan waalid caasi an u jeedina aabahood o danahodoa qabsada, oo tobankii sanadood oo ugu dambeeyayba war uma haayn gurigooda,  madaama laguso barbariyay xumaan iyo xiqdi.Odaygi waxa u geriyooday isagoo aan haysan cid daryeesha waxaase wax siin jiray o mararka qarkood u wareegi jiray dadak jaarka ah .Geeridii ka bacdi waxa magaalda laga dareemay is bedel dhibeed oo so afgo’ay(ha ku dhiman iyago dadku dhimashadaada jeclaaysanayaa), waxaan iyaduna ka madhnaayn in qofkasat u duceeyn jiray.
Qabilkii Suldaanka waxba umaay tarin waayo markii horea waay ku adeegan jireen, hadh iyo habeen waxaa ku wareeray o haayn jiray  xaaskiisa iyo jarkiisa(qabiilnimo maalinta aad xanuusato, ama dhimato ayaad warkeeda helaysaa). Oo  qaarkood ahaayeen laangabkii aanu eegi jirin, ee uu cayi jiray wa iska aduunyo oo qofba maalin ayuu leeyahay, cidii dulmi ku gashaa, maalmahan yare e la noolyahay, ee weliba u adeegsata maamul dhamaan karaWaqtigii Alle damco,aduunkana mar ayaa si fiican loo qabtaa(Alle aya leh waxaanu qabay qabasho ti ugu adkaayd, waa fircoon). Waxaa hubaal ah markasta oo aad ka hortimaado shuruucda inaad dareemi doonto mar uun aduunayda si adagna laguu qaban-doonno!!.
Suldaanki cusba cilmi yo waxka barasho ayaay u noqotay dhacdooyinkii dhacay!!!!!!!!!!!!!!!!
Sheekadani wa dhaqan so jireen ah oo mudo so yaal-ah, dadka intooda badani kuso  barbareen oo aad ka dareemi karto xitaayn dadki qurbaha Wax kuso bartay, hadaanay ku dhaqmin aay ka skeekeeyan iyagoo ka eegay dhinaca xumaanta, waayo wa waxay so wada arkeen(tusaale ahaan qabyaaladda iyo xumaanta qabiilnom dadka waxaad modoa inaay dadka kaga wada talaalan tahay qalbiga iyo diiga, in uun ilaahay ka badbaadiyay mooyane) hadaba aqooyahanka, Somaaliyeed qaarkood aay suurto gal tahay inaay meel mariyaan, o buunbuinyaan, iyagoon aan kee eegin dhinaca xumaanta. Waxaana tusaale u ah bal u firiso buugta laga qoray burburki somaaliyeed, ama wax kale oo muran qabilnimo ku jiraan ama dodo qabiilnimo, qofkasat waxaad ka dareemaysaa, dhowor midh o kiniin, qabyaaladeeed ah. Adaa garan kara  qofaksat buugiisa, akhri o dhuux si fiican, ka bacdina bar bar dhig isaga shakhsiyadiisia iyo degaankiisa,waxaa sido kale ka dhex fahmi kartaa aqoontiisa, adoo ka eegaya oo kali ah  wax u qoray ma laga yaab inaad garato cida uu yahay?!!. Taasi adaay ku taala qofba si ayaay ula muuqanasya dhanka kale markad akhrinaayso buugtaa ma laga yaabaa inaad sheekooyin ka qaarkood ka hesho oo aay ku anfacaan? qaar kalena adoon garanayn taarikhdaas, ma laga yaba inaad nacdo ama ka cadhootaba?  taasi waxaay ka badhi karta inta  tognaanshiyo (plus) ee cudurka qabyaaldeed uu ku hayo.  waxaas o dhan waa haawl ku taala inaad badho..
Shekadan waxan ka baranaynaa, waxaan lo yaqaan musuqmasuqa halka uu ka biloowdo, iyo xumaanta qabiilnomo, kala qaaybinta umada, sida aay  xumida kuug hogaamiso mar adagna aad u gasho nolol adag, aakhirana xisaabtaadu ku taalo, maamulka oo aad u hogaamisa si xiqdi ku jira isaguan inu sababo in lagugu naco, waxaan iyaduna meeshaas ka madhnaayn inaad dadka o dhan u qaadato inaay wax don yihiin,aadse ogaato maka xil laguu idmaday, inaad masuul katahay, mid tiro yar, mid sabool ah. Mid xoolo leh, iyo mid ehelkaaga ah. Maangaabkuna waa ka fahmi waaya waxa loo idmaday iyo wixii shalay lagu khasaaray,  gebogebadana waxaan tallo iga, yaan la noqon maan gab arka o kali ah aduunayda. Aakhiran inaad ad uga fikirta wa muhiim gaar ahaan dhalinta kacaamaysa iyaga musatqbalka leh umadanee.
ALLe-Yaqiinta ha inagu simmo
Balankeenu waa Cibaado suuban iyo caqli saalixa
Alla Mahad leh
Hassan Abdi shire
Kampala, Uganda.

Shire202@gmail.com 

No comments:

Post a Comment