Waa Sheeko Muran badan Dhalisay
W/Q: Hassan A Shire
Maalinkasta waa u oohin iyo baroor, jaarkana wa u dhib iyo
qaaylo,waa u calaal iyo ciil fara-qaniin ah hooyadda dhashay wiilka yare e
Moxammed, oo dad’diisu hadda tahay 13 jir, waana agoon cidna aan la dhalan,
isagana waa u yaab, iyo ashaqaraar, ka bacdi geeri aabihii, inakastoo aanu
jirin wax badan oo dhaafsiisan naas –nuujin, waa inan da’ahaan aan weeynaayn
aadna u maskax badan qimeeya dadka, heerkasta uu soo marayna aay nolushu ku adkaayd,
lakiin maa uu ahaayn damiin, waxaase u
aha qof soo jeeda oo ged-gedoonka wax ka baran jiray, duruufaha hadba ku
xeeran, 11 jirkiisu ayuu aad u yaqaanay rajada noloshiisa, tabantaabo ayaa ku
jirtaa iyo waxa u hiigsado oo u heli jiray hadba heerka nolusha uu dadaal iyo
sida uu halgana ugusoo gallo, aqoon ahaan ma u helin cid ka kaabta heerka
aqoon. Halka guyaashii dambe, cilmigu uu
nqoday (waa ka madiga ah) mid ku baxa qiime
sarre(lacag-badan), waxaana wax ka bartaa, lacag cidii haysata, hayeeshee waxa
u fursad u ehalay inuu garto, sidoo kale
barto cilmiga islaamiga ah oo uu aad jaar ula noqday masaajidda, cid
badani kuma xeerna, waayaha dambe oo waxa loo yaacay dugsiyada, isaga wax
qarash ah lagama qaado, qalbigiisuna waa uu kisii raaxaytaaba.
Moxammed, aabihii waxa u geriyooday isagoo labo jir ah ,
keligii ayu dhalay, malaha adeero u dhow, hadii se laga iman waayo qaar aay isu
ahaayeen ilmaabti, dibadda ku maqan oo aan dhafsiisnaayn inaay u shegtaan
ahaanshiyo o kali ah, lakiin aan waxba manaafaacad ah tarin, iyo inuu yahay
qaar aad u necba daka Afrika jooga, eedooyin lamaay dhalin oo abihi sidiisa oo
kale ayuu maddi ahaa.
Hooyaadii wa Moxammade, waxaay maalintii u shaqo tagtaa
suuqa habeenkii waxay u keentaa manafacaad waxay soo heshay. Waxaase quud u noqon jiray oo da’dan, uu kuso
gaadhay inay u keeni jirtay, una kariso lafaha hadhaaga ah ee hilib, oo
feenasho uun ay ku hadhay, Moxammed kama dhergo, ee wuu ku daalaa sida uu marba
meel xoogaa quud ah uga dhex raadinayo, waqtina kaga gabaabsan jiray, waxaase
muraadkeedu ahaa inay maraqsato, xoogaa quud oo roodhi u badan lagu qooyo
heenka kasoo baxaa kariskaas. Dhanka kale, waxaay usoo iibisaa xoogaa farxad gelin ah oo aan ka
madhnayn caruurnimadu aay ka helaan da’yartu, oo aay kasoo iibiso xoog-maalkii, muruq ee ay maanta oo
dhan u taagnayd qoraxdaas (ALLow hooyooyinkeen inoo daa). Waa hubaal in aanay
iyaddu waxba ka quudan.
Aayo xumidda uu nolasha kala kulmay geeridi aabihii ka
bacdi, wxa kaabay, oo marmar sacidi jiray jarkiisa, siin jiray hadba nolasha
kabisteeda iyo hirgalinta saalixa ah,
waxaase dhib badan ku hayaa hadda, wa
malmahan aanu weli qaan gaadhin sidii u
hooaydii u nasin lahaa. Waa hubaal ku digasho badani inay uga timaado yaryarka
la degaanka ah, ee geyigaas kula koray, hadh iyo habeen u sheegaa ama ku caaya,
inu yahay faqiir weligiina uu ahaan doono.
Waxaa maalin maalmaha ka mid ah masaajidka ugusoo galay nin
aad da’aahan u wayn oo waqti kasta ku arka inan-kan masaajidka waxaana uu
waydiiyay, adeer ii warran? wa nabad. Adeer aad mxaad ugu duceesysataa?,
maxaadse Ilaahay waydiisataa? iyo jawaab
ah, adeeer, aabahay ayaa ku jira god
madoow, oo aanan garanayn waxa uu kala kulmi karro, markaa waan u duceeyaa
maraksta . Ninkii ayaa inta uu yaabay aadna ugu farxay inakaas caqligiisa iyo
maskaxdiisa, wanaagga noloshiisa saxda ah ee ku socda, garasho, caqli ee ku
jirta iyo karaamada Ilaahay siiyay, ayuu
inta uu kor u kacay, adeer khayr Ilaahay ha ku siiyo.
Maxammed waxa u helay cilmi kii ugu sarreeyay, waxa u bartay
diinta Islaamka, waxaana uu kamid noqday ardayda sida fiican wax uga barata,
ama sii bartaba, waa mcalinee, tafsiirka qur’aanka kariimka ah iyo hirgalinta
dhaqan ahaan. Waxaan u ka mid noqday dadka inta badan lagaga daydo is bedelka
nololeeed. Hadda maxammed waxa u da’ahaan jiraa 25, cilmi waa ka qani, waxa u
yaqaan diinta Islaamka si qotto dheer ,waxaana aad looga dambeeya cilmiga
fiqiga!! oo ah ka ugu maldahan, uguna
adag iyo maxadirooyinka u galo oo aad
looga dambeeyo.
Waxa uu muddo kooban u sheqeeyay shirkadaha dalka mid kamid
ah, waxaana u noqday, maamulaha
shirkadaas, waxaan uu gaadhay marki dambe, inuu ka barbar biloobo gancsi,
galana heer dhaqan dhaqaale oo dhisme,
Ilaahyna uu u barakeeyay. Sido
kale, waxa uu ka mid yahay dadk hadda dhaqaalaha balaadhan leh, waxaana uu
yiidadiilo geliay kuwo wax soo bartay dhawaan. Dhallinta wax soo bartay, ee
inta badan la yaaban halkaay la aadi lahaayeen aqoontoodda, aadna ugu
dhibtaaysan, sidii ay u badbaadin
laahyeen, heerka shahaado ee aay sitaan, waxaase ka dhimane, diinti Islaamka
iyo xusuuti Rabbi, hadda ka hor waa dhalintii,
ku digan jiray markii ay ahaayeen kuwo nolushu wax badan u saaciday,
maal-mahan way latashanayaan, qaar kale, isaga ayay shaqaalonimo ka
doonayaan.“caqliga wanaagsani wa ka garta cidda aduunyadan abuurtay iyo
ujeedadda qofka lo abuuray, hadii kale
waaba dhalanteed waxad waddo”.
Waxaa xusuus mudan maalin ayay aad u doodeen Moxammed iyo
nin ay aad saxiib u ahaayeen waxayna is-waydiiyeen kee ayaa aduunka u
manaafacaad badan, cilmiga maadig ah iyo ka diiniga ah, saxiibkii waxa uu ku
yiri: Maya, Maya, ka aanu annagu wadno ayaa ah saxdii, iyo kaayga ayaa saxdii
ah, oo Moxammed kula murmay ilayn ninbaa tiisa ayuu difaacayaaye!!!!!.. Waayaha
aduunku waxa u is-daba socdaba waxaa ay gaadhay waqti is bedel iyo dulqaad
dheeraad ah loo soo galay, illaa heer laga gaadhay in qof kasta uu tijaabiyo
awoodiisa, iyo wixii uu soo dhaqday waayihii dambe.
Maxammed hadda hooyadii labo jeer ayuu xajka geeyay, waxayna
ku nooshahay nolol ka duwan tii hore, dhaqan ahaan, baad iyo biyo badanaa ka ma
fikirayso, waayo guri ay u soo samirtay, iyo nolol ay ku keentay gacmaheeda,
rabigeedana la tashatay, ayay heshay!!! waay taqaanaa Rabbigeed inuu wax
bixiyo, waxayna taqaanna maalmaha aduunyada is bedelkooda iyo waagii beryaba inuu
dhaayihiisa leeyahay. Sidoo kale Moxammed, noloshiisii waxa uu soo maray sabir
badan, raasa-maalaka duniduna inuu yahay maalmo waa uu gar waaqsanyahay.
Maalin ayaa waxaa dood kooban dhex martay mid ka mid
asxaabtiisi xaga aqoonta madiga ku dhaadan jirtay gaar ahaan, saxiib qaaliga
ahaa ee maadiga aadka u difaacayay, waxa uu waydiiyay su’aal ah, adiga qarash
badan ayaa kaa soo galay cilmigan ad baratay!!. anna bilaash ayaan ku bartay,
maanta maxaa farqi inoo dhexeeya??? isku taallo ayaynu nahay(waxkasta oo fikir
lasoo jeediyo aqoonta waa kaa horeeya, dhaqaalana sidoo kale, dadkana yay
sharfaan inta badan??. Dabcan, dadka diinta leh. Isku miis baa nahay, hadafka noloshana waan u simannahay, caruur ayaan wada haysannaa , hogaanaka iyo
hadaf kale waan u wada simannahay, waxaaad ku hadashaa English, anna
Carabi, dhaqaale ahaan inaan sinnaano,
sharafta Alle, Rabigeen taas isaga ayaa inaga og iyo cidda u dhow, ee mudane maxaan is dheer nahay??, Aqoontan
maadiga, haddaan maanta bilaabo waxay
igusoo kordhianaysaa ma jirtee bal ii sheeg faankii iyo ammaantii aad iila hor
taagnayd, maxaay kusoo gaadhsiisay? oo ay i kaa dhaafisay??.
Inta qoslay ayuu ku yiri isbedelku ma aha aniga iyo adiga ee
waa kii labadaba ka hadhay!!! Qofkii aan baran cilmiga maadiga, diintana aan ka
faa’iidin. Odaygu, Moxammed ayuu ku
celiyay, waa run kii garan waayay inuu cilmiga ma guuraanka ah, ee masajidka
yaal ka faa’idaysto”. Erayadaas ayuu Maxammed yiri, si dhoollo cadayni ku dheehantahay, lakiin
waxaa taallo ah, in marka qofka uu eego
cilmiga aan dhamaanayn if iyo aakhiraba u yahay kan diinta, risiqna uu Alle
bixiyee, ee fahan waxa laguu aburay, kan
maadiga ahna in la bartaa waa muhiim.
Intaas ayuu hadalkii kuu meeray.
Hir galintu nolasha iyo kaabista dhaqanka suuban, waxaa saldhig
u ah, diinta islaamka, aqooni ma jirto dhaaf siiisan diinta islaamka, cilmiga
aduunka yaalana, waxa laga keenay kitaabka. Ilaahay ayaa damaanad qaaday hadaad
sameeyso hawl suuban, in uu ku siin doono nolol suuba, ee ha garab marin diinta
islaamka!!. Muranka ka dhex taagan dadka baranaya cilmiga maadiga ah iyo kan
diiniga ayaa doodaas kor ku xusani ka dhex taagan tahay, ciwaankeennu ku
bilaabmay, waxaanse is leeyahay wixii xumaan ah, waa dambi ee cilmiga ku jiraa,
wixii wanaagsani waxaa laga helayaa kitaabkeenna “Aqooyahan is barbardhig oo
yaan lagu adoonsan, ee ka fikir sidaad diinta Islaamka u xoojin lahayd”.
Garoowshiga wacani waxaa uu ka hortagaa xanuunka murugada
leh
Feejignaanta aduunyadu waa hirgalinta, damacyada gaadhsiisan
guusha berito,
Masuuliyad ayaa saaran qalbiyo badan oo muslimiin ah.
Ugu-dambaayntii guusha Muslimiintu waxay ku jirtaa, gacmaha
dhallinta ee maanta madhan, waxaana hir galin-karta waqtigan sida fudud u
lumayaa, oo laga faa’iideeyo. Hiraalkeenu waa hubsiimaha hab-dhaqankeena, hala
yaabin qofba maalin ayuu la yimaado garoowshiyo, aadanaha, ha ku dhaleecayn caadadii shalay ee hanuunka
Alle ayaa keena, naxariistuna waa baryo oo kali ah iyo adoo raaca waddadeeda.
Hassan Abdi Shire
Kampala, Uganda
Shire202@gmail.com