Saturday, April 19, 2014

Sirta ku jirtaa: Demb Dhaaf-Waaydiisiga Alle.

Sharaf, sareeyn, wanaag, cid la caabudo Alle Raxmaanka ah ayaay u sugnaatay, inoo abuuray sidii ugu wanaagsanaayd ee loo abuuray noolaha,,Alle subxaanah wa tacaalah waxaa uu yiri:
( waxaanu insaanka u abuurnay tii ugu wanaagsanaayd) Allihii Admaha siiyay sharaftii iyo karaamdii ugu dheerayd, mid ka duwan noolaha intiisa kale,Eebbe waxaa uu leeyahay:
( waxaanu karameeynay bani-Aadamka, waxaanu ku irsaaqnay wax wanaagsan oo xalaal ah), Allahaas oo aay sugnaatay awoodda halka ugu dambeeysay iyo go’aanak ugu sareeya ee aduunkan.
Waxaa cadho Alle iyo lacnad u sugnaatay, cidii ku lamaanaysa cid kaleoo oo Rabbi abuuray, sidoo kale cid ku gaftay xuduuddi Alle, hadana aan dambi dhaaf la iman, Alle ayaa bixiya Raxmadda Hadaayadda Casiiska ina keenay Aduunkan, inagoo sabool sidoo kale ina celin doonaa inagoo ka qaawan,  Alle ha inagu rido Hanuunka & Tubta toosan.
Waxaay sidoo kale guul u sugnaatay cidii aaminta Allahaas, lana timaada toowbad dhaaf joogta ah isagoo ka cabsanyaa Raxmaankaas ina abuuray, waayo? ka cabsiga Alle waa is dhul-dhig muhiim u ah badbaadada qofkasta oo muslim ah, si uu gaadho derejadda imaanka ee mu’minimadda, waxaa sidoo kale daliil cad ah in qofkasta u baahan yahay dambi dhaaf, xadiiski Rasuulka NNKHA( bani-Aadamku waa u geffaa waxaana ugu khaayr badan ka Alle dambi dhaafka waydiista). Haddaba sirta ku jirta waaydiisiga Dembi dhaafka Alle, ayaan halkan ku duugi doonaa si ana fursad kooban uga fa’iidno intayar hadana  kooban ee aan ka fahmay.
Waxaan qoraalkan kooban ku bilaabi doonaa aayado Qur’aan ah oo Alle leeyahay marka la rutjumo:
(Rabigiin  towbad waaydiista, waa uu idiin dembi dhaafi, waxaana uu samadda idiinka kasoo dejin doona Roobab, wuxuu idin siinaynaa Caruur iyo Maal, sidoo kale idiinka yeelayaa Beero, iyo Webbiyaal).”Suuratu, Nuux,10-12” Aayadahaas Qur’aanka  ee micnahoodu yahay sida kor ku xsan waxaa muuqata in qofka bani Aadamka ah if iyo aakhiraba aay anfacaayso, marka Boqorka aad waydiisato dembi dhaaf, waxaay ku keenaysaa Qodobadan soo socda:
1.      Dembi dhaaf Alle oo kaga badbaadayso naar iyo dulinimadii aduunka, casiiska ayaa wax karaameeyee.
2.      In dadku helaan roobab oo taasi aay keenayso saameeyn guud oo dadku iyo degaanka kula ah ku  doogsadaan.
3.      Caruur & Xoolo oo ah aduunkii inaad hesho labadii aad ugu jeclaayd ee kumanaan qof u daaleen, si baahidaada loo daboolo oo la damaanad qaaday quruxdaas aduunyo ee aan lagu waaraayn, waadse inaad tacabka aad la timaadaa Allena wuu ku fududeeyn halkaad ka tabcan lahaayd, sidoo kalena wuu kuu barakeeyn doonaa .
4.      Waxaa sidoo kale le halayaa beero wax soo saar, oo aay ku garab yaaalaan webeliyaal & durdurro waraabiya lagana cabbo wabiyadaas sidoo kale lagu waraabiyo beerahaas, si dadku cuntaddoda uga helaan waa qofkii Alle dembi dhaafka waaydiistee risaaqadda Allena waay balaadhan tahay oo siyaabo faro badan ayuu Boqorku u quudiyaa Abuurtiisa kala duwam,
Haddaba isagoo qofku dammaanad  haysto if &aakhiroba, maxaa adkeeyay in qofku Alle u waaydiisto dembi dhaaf joogta ah, taasi waxaay markhaati ka tahay in shaydaanku markasta uu jecel yahay inuu ku iloowsiiyo arimaha adiga kuu muhiim ka ah if iyo aakhiraba, waayo hadii ad ogatahy wanaagii aduunku inuu ku jiro dembi dhaaf aad alle waaydisato maxaad in badan aduunka ugu wareerasyaa iska xoogso laaiikn Alle dembi dhaaf waydiiso, hadii aad helaayso risaaqad badan oo aay ka maqantahay digriga Alle  waxaad ku dareemaysa xasilooni la’aan waayo? barakadii ayaa ka maqan oo ah in Alle aanad ku xidhnaayn, taasi waxaay keenasyaa burbur dhaqaale aakhirka.
Walaal anigoo ka fa’iideeysanayaa fursadan aad ku akhrisay qoraalkan waxaan idiin soo jeedin lahaa in arinkasta oo Alle waajib inagaga dhigay waxaa ku dheehan sir qarsoon oo Alle if iyo aakhiraba inagu badbadinaayo, waase muhiim inan u fahano si aqoomesyan oo ah maxaa ka dambeeya arinkan if iyo aakhiroba?, waayo Alle isaga ayaa ku abuurtay oo  yaqaaanaa waxaad u sameeysantahay isagaa ayaa jecel adoomihiisa saalixa ah, sidoo kale  aan jeclaayn in aay aduunka kudareeman dulmi iyo dmbi, lakiin inaad aamintaa oo isu dhiibtaa waa muhiim, ku kalsoonoow, tallo saaro allahaa, wixii uu kusoo gaadhsiiyo ugu mahadanaq, Rasulkeenii suubanaa NNKHA waxaa u leeeyahay ( haddi aad u tallo saaran lahyden Rabigiin sida aay u talo saartaan Shimbiruhu wuu idin irsaaqi lahaa risaaqad idinku filan) shimbiruhu waxaay baxaan iyagoo calooshoodu madhantahay waxaayan soo noqdaan iyagoo dheregsan, walaal waa muhiim inaad fahanto in  Alle tallo saarataa, aadna martaa waddada laguu xalaleeyay waad guulaysan doontaa.
Xaqiiqada in la wajahaa waay adagtahay, hayeeshee halkaas ayaay guushu ku jirtaa!,
Alle ayaa ugu sharaf & garab wanaagsan cid laaysu dhiibo.
Hassan Abdi Shire.

No comments:

Post a Comment