W/Q: Hassan A Shire:
Dadka
waxaa ugu ayaan daran, qofka nolosha u yaqaan dantiisa, &
Baahidiisa, waxaa yaab badan qofka marka uu faqrigu nafeed hadheeyo oo
aanu aqoon in Alle wax bixiyo waxaa indhaha loo saaro baahi maguuraan
ah, dhaqankiisu waxaa uu noqdaa in meeshii talaabo loo qaadoo,
hadafkiisu yahay wax ka fa’iid ee aanu aqoonba wax u fa’iideey, ka uu
baraanayo waxa u geenaysaa baahi inuu u barto, kan uu la saxiibayona
baahi ula saxiibo, isagoo aaminsan in uu baahi ka daboolaayo, Alle ayaa
wax bixshee, kan uu amaanayo Dan nololeed ayaa kaga xidhantahay,
waxaase seegtay dadnimadii dad la socodka lahaayd, hadiise handtidaadii
ma guuraanka ahaayd ee lahaayd ee ka-koobnaay sharaf, wax sheeg,
hogaamin, hibeeyn, hal’abuur, karti, intuba lagaa indho-saabay, oo
halyeey sharaftaadu nqotay lacag raadis ama (Mood & Maalba ), ma
xuma hadiise aay meelkasta kaa gasho waa goblanimo aduunyo & haloow
hiimsa-hiimse, waxaadna ka haajirtay xishoodkii, xurmaayntii Aadmaha,
iska daayoo waxaad xaqiiraysaa karaamadii Alle umada Nabi Aadan ku
karaameeyay, waxaana hogaan ku ah Shaydaan, bal eega hankaas khasaaray.,
dadkan & Khalqigan ka saboolka ah, iyo ka wax haaysta qaayb muhiim
ah ayaay bulshada ugu jiraan, waana Khaliifadii caalmakan., waayo
caalamkan shaydaan ma hogaamiyo oo awoodeedii malaha, jina maaha
horkace, ee waxaa masuuliyadiisa leh Insaanka.
Dadnimada
iyo darenka dad la socod intaas aan kor kusoo xusnay waay ka balaadhan
yahay, waxtarka Aadamahana waxaa ugu manaafacad badan qofka yaqaana,
hadyada ugu wanaagsani inaay tahay in waano laguu sheego, dhaxal ka
sareeyaana ma jiro, qofka qaaliga ahna maaha kan maal aduunyo raadiska
ah, ee waa ka wanag raadiska ah, dhaqan raadiska ah, afkaartiisuna aay
tahay mid aay ku jirto arin sare (Himmu Caaliya), ku darso waxaa amaan
noqotay qof xoolo umadeed dhacayaa in la yiraahdo intuu halkaas joogay
waxbuu ka qabsaday, goormaay xaraani, xalaal amaan leh noqotay, ama
sharaf isu bedeshay tuuganimo, soow maaha maalkan dhamaanayaa ayaa
keensaday, qaar xoolo raadis indho tiray, inaay amaanaan, qofkaas amaan
geed lasoo fadhiistay, waa inta taqaana aduunyo in loo keenay inaay
lacag ka ururusadaan, ee aan aqoon in aduunyo saacadaay doonto dhamaan
karto, adna aad dhiman karto, waxaau ilaabeen in Aakhiro tahay tan aan
lagasoo noqonaayn, ee aan lahaayn tacab danbe, waxkasta waa qoraal,
waana la falayaa Alle waa yaqaan dadkiisa aan wanaagsanaayn, uga
muxsiniinta ahna waxaa uu balan qaaday inaanu dayici doonin camalkooda
suuban.
waa hubaal qofkasta waxaa uu
sitaa muraayad uu dadka ku qiimeeyo, hadiise u qiimeeyntaadu ku jaan
go’antahay aduunyo, ama maal, waxaay dadka badankoodu kula noqanayaan
dad aan wanagsanaayn, sababtoo ah dadkeenu sabool ayay u badan yihiin,
hadiise aad ku eegto isha wanaga , waxsheega, waxaa kusoo baxayaa
qiimayaal kale oo badan, waxaa fikir dheeraad ah, qofka hadii hankiisa
iyo himiladiisu noqoto maanta xageebaad ku noolaan, maxaad ku noolaan?
waxaad la mid noqonaysaa sidii qof isagu risaaqada sameeysta, tacabka
waa loo baahanyahay, waxaase jira arimo badan oo u baahan in tacabka
intaas le’eg ee fikir la galiyo, hadiise baahi ku dhalan rogto marka
danbe xoolaha dadkaad dhacaysaaa, ama waaad xadaysaa, sidoo kale hadaad
maslaxaad ka gasho & amaan ku socota qof aad maalintaad u
baahantahay, waxaay keenaysaa in dib lagaaga gaashaanto, oo lagugu barto
dan usocod, ogsoonoow adiga ayaa xumaanta ku beeranayaa qofka kale,
ileeyn hadii aad dan uun tusto isna waay ku abuurmi laxejecladu, waayo
wuu noolyahay.
waxaa wanaag u sugnaayd
qofka hankiisu yahay walaaltinimo iyo midaayn dadka islaamka ah, waxaa
uu helaayo badbaado aakhiro, iyo mid aduunyo, risaaqad waxaay ku xidhan
tahay hadba sidaad ugu tacabto wanaaga diinta iyo midaaynta islaamka,
Kitaabkeena xaniifka ahi inuu dhoowr jeer ka hadlay Risaaqadda, &
wadada loo maraayo, kuma lihi ha shaqaayn ee waxaan ku leeyahy ha u
nqon gumeeyste baahi ka xoroobayaa ee waxaad isku daydaa inaad noqoto
xoreeye kumanan baahi adoonsatay hoos jooga ama hadhsanaaya, iskaashiga
afkaarta wanaagsan, ayaa keena wax soosaarka tacab, halaga xoreebo
gumeeystaha baahiyeed ee aan dadkeena siisanay, tusaale, qof ayaa
maalinta uu dan ka leeyahay wanaag ku tusayaa, maalinta aay u
dhamaatana xumaan kugu martigalinayaa, qofka wanaagsan ee samaha ka
fikira marka wax looga baahdo uma fikiraayo qofkani waa dan u socod
waxaase uu arkaa inuu yahay qaayb ka mid ah waxyaabaha la isku
taakuleeyo, dadka qaar waa kula saxiib mararka qaarkood, markalena waa
ka fogyahay hadba danjirta awgeed ayuu go’aan ku qaadanayaa, aduunyo
waa hadhka labadiisa galin mid waa khasaaara, midkalena waa fa’iidaa,
dhanka kale dadka qaar kuu biiraay siroodanda caalamka oo la
adeegsanaayo wadankooda, waxa u geenaya waa baahi, waxaa hubaal ah
dadka muslimka ahoow waxaa diinta lagugu soo gaadhsiiyay timir jeexeed,
adna maanta sadexda waqti waad daboolaaysaa, kuma lihi ha ka kordhin
dhaqaalahaaga intaas, ee waxaan ku leeyahay hadaad waaydo dhaqaale kugu
filan, ha noqon gumeeyste dan baahiyeedu cararaaya, ee waxaad noqotaa
difaacee sharaftiisa, dadka wanaag ayaa ku badan, fikirka & talada
ayaa ku badan, waase sabool badan yihiin hadii dhankaas laga eego, ee
hana noqon qof dhaqdhaqaaqa dhaqaale eegta, Sida aad mararka qaarkood ka
daawato mooshin siyaasadeed oo ka dhex socda qaar ka mid siyaasiyiinta
qoomiyada somaalida, markaas oo waxa ugu xoogan ee la adeegsadaa aay
noqdaan dhaqaale raadis, si gaar ah cid uma sheegaayoo, lakiin guud
ahaan Dadka Somaalida la dhaho oo dhan.