Wednesday, August 12, 2015

MAAMUL GOBOLEEDYADA SOOMAALIDA ASTAAN BURBUR QARANIMO


§  Dhulgariirka waa laga baqaa waayo soo dhaxaye
§  La dhex joogi maayoo arlada dheelmashow qorane
§  Qofba wuxuu dhigtaa  u yaal dhiilka aakhiro’e
§  Ninkii dhiiri sheegtow is furo waa dhanaan tahay

M.  Ibraahin Warsame “Hadraawi”

          
Soomaalida tan iyo mudadii ay dawladii dhexe ee Soomaaliya burburtay waxaa ka dhex taagnaa dagaalo sokeeye, kuwaasoo maray heerar kala duwan  oo dhiig daadin, boob, iyo is necayb uu dhexmaray walaalaha wada dega ee wadaaga dhul iyo dhiigba. Aakhirkiina waxa ay ku kala  firdheen iyagoo qaxooti ah daafaha dunida, sidoo kale taasi waxa ay horseeday in dadkii u kala jajabaan qabiilo ku suntan adhax ka jab tariikheed, burbur colaadeed, taasoo hirgalisay in cid kasta oo dalkan muraad kaleh si fudud kusoo gasho.


      Hadda ka hor dawladaha dunidu si fudud uma ogaan kareen xogta Somaalida sida dhulka ay degaan iyo qabiiladoodu sida ay u yaallaan, waxaase taas waaberyay ka dhigtay markii  qarannimadu burburtay oo cidwaliba talisay ama waxba la toosin kari waayay, shacabkuna jahawareer iyo dagalo sokeeye lagu asqeeyey. Hadaba xaaladan hadda taagan marka loo eego maalmhii qadhaadhaa ee hore iyo duruufihii adkaa ee soo maray Soomaalida, dad faro badan ayaa dareemayay inay jirto kasoo rayn ama quudaraynayay isbedel ku yimaada Soomaalida. Balse waqtigan waxa ay qaaday Soomaalidu dariiqii ugu  xumaa adhaxdana lagaga jabayo hadii aan degdeg wax looga qaban. Sidoo kale waxa aad moodaa Alle ma keenee, in colaado ka culus kuwii hore soo fool leeyihiin,  aakhirkana keeni karta in ay dhacdo aano ma guuraan ah.


    Arinkase muhiimada gaarka ah leh waxa weeyaan in dunida qaarkood doonayso in dirka Soomaalida la dabarjaro, markaad eegto dhinacyada maamul u sameynta, tababarada militariga iyo hawl galinta ciidamada shisheeye. Taas oo laga fikiraayo waqti dheer ka bacdi in dadka Soomaalidu noqdaan kuwa ugu tirada yar degaanka Soomaalida. Waxaa la saadaalin karaa in ay u kala jajabaan maamul ku dhisan hanaan qabiil, qabiilada toos looma heshiisiin oo aanadii iyo dilalkii la isku lahaa waa halkiisi, taasoo saansaankeeda ay muujinayaan labadan qodob.






1.   MAAMUL GOBOLEEDYO

      Maamul goboleedyada sameysmaya ee faraha badan ee ka jira gudaha Soomaaliya dhamaantood awood ahaan wa ka madaxbanaan yihiin dowaladda federaalka, inkastoo waqtigan la joogo ay yihiin socod barad, hadana waa hubaal marka ay orod bartaan waxa ay isku dayi doonaan ina ay ka madax banaanaadaan si buuxda dawlada dhexe ee loo baahnaa in Soomaalidu yeelato, halka dawlada federaalku aanay  lahayn awood xooggan siiba dhinacyada dhaqaalaha, siyaasada gudaha, ciidan dhisan oo isugu jira xoogga dalka iyo mid wardoonba. Dhammaan maamuladaas marka laga yimaado wadamada reer galbeedka waxa si dani ku jirto u taageerayaa dawladaha jaarka la ah Soomaaliya sida Itoobiya, Kiiniya, Yugaandha,I.W.M taasi oo laga dareemi karo dano gaar ah oo hadda aan cadayn berise cadaan kara cidii Alle ku simo, waxa ayse ahayd oo loo baahnaa hadii Soomaalida loo qaybinaayo beelo is maamula, inaay maraan ama buuxiyaan shuruudahan:-

·         In maamulku uu ku sameysmo nidaamka shuruucda federaalka (Federal Constitution) awoodda dawladda dhexena buuxdo.
·         In ugu yaraan uu ka koobnaado labo  gobol oo ah kuwii ay kaga tagtay daawladdii dhacday 1991 kii.
·         In maamulku uu ku sameysmo guddi ay magacawday dawladda dhexe ee Soomaaliya.
·         In maamulladu ay hoos tagaan nidaamka federaalka iyo hoggaanka dawladda federaalka ah.
·         Waa in aan hannaan qabiil lagu dhisin dawlad-goboleedyada ka dhismaya gudaha Soomaaliya.
 
    Dhammaan shuruucdaasi waa in ay buuxiyaan maamul-hoosaadyada lagu unkayo nidaamka federaalka ee caalamku hor kacayo in Soomaaliya loo kala jajabiyo. Haddaba heerkaas shuruuc ee loogu talo galay in ay ku sameysmaan nidaamka fidinta federaalku waxa ay keeni lahayd in laga badbaado dhammaan arrimahan soo socda.

·         Eex qabyaaladeed: Marka hannaanka federaalka la fidinayo waxa la mooday dan in ay ugu jirto dadka Soomaalida ah ee soo rafaaday muddadii ugu dambeeysay (30 sanno) iyo  sidii looga  bixi lahaa hannaanka saamiga waxqaybsiga ee 4.5,  labadan kursi ee ugu sarreeya ee lagu saleeyo hannaanka qabiil kaa soo ay ku dulmanyihiin dadkii waxgaradka ahaa, khayraadkii gobollada Soomaaliya loogu talo galay gaar ahaan dadka tabaalaysan wuxuu  dhaafi waayay Xamar iyo dhowr magaalo oo kale, oo hooy u noqotay guud ahaan burburka Soomaalida intii ka dambaaysay 1990kii. Maamul-daadajintu waxaay ahayd in lagaga badbaado eexdii qabiil iyo nidaamka dhaca iyo fadhataysiga ku salaysnaa, kaas oo hadheeyay guud ahaan Soomaaliya. Hannaanka federaalka kuma koobna in caasimadaha gobollada is-maamulka qabiillada oo  kaliya la sameeyo, waxaase loo baahnaa in la gaadho guud ahaan tuulooyinka Soomaalida iyo dadkii xoolo dhaqatada ahaa ee miyiga. Daawadaas la mooday in ay ku jirto federaalka waxaa hormuud ka ahaa dad Soomaali ah iyo qaar kale oo u dhashay dunidaas dano badanta ah.

·         Burbur qaranimo: Dhanka kale hannaanka federaalku waxaa uu nayaayir wanaagsan ula muuqday dunida iyo dadka Soomaalida ah, in laga badbaado burburkii qaranka Soomaaliya soo waajahay tan iyo muddadii Soomaaliya ay hadheeyeen nidaam la’aan iyo kala dambayn la’aan taas oo meesha ka saartay dawladnimadii jiri jirtay. Waxaa arrimahaasi keeneen sharaf-darro soo waajahday magaca Soomaalida, dunida oo danteeda ka wadata gudaha Soomaaliya, sidoo kale dano kala duwan oo lagu qabo awgeed waxaa   la isla  gartay in koox koox Soomaalida loo abaabulo,  waxaase meesha marnaba aan ka bixin cudurkii burburiyay dawladdii Soomaaliya ee ahaa hannaankii qabiilka oo ka xoog batay hannaankii dawladnimo kaas oo loo samaystay jabhado, waxaana sii xoogaystay saamigii lagu qaybsanayay reernimada taas oo la doonayay in cid kasta iska dhex aragto. Hannaanka hadeer samaysmaya waxaa uu xoojinayaa hannaankii qabiilnimada oo dunidu ku doodayso in qabiilkasta maamul sameeysto.


·         Badheedh hub-urursi: Dhinaca kale marka aad ka eegto hannaanka federaalku waxay ahayd in uu badbaadiyo kumanaan bir-magaydo ah oo ku qudhbaxay hub faraha u galay dad aan xeerin diin, dhaqan, iyo arrimo kale toona. Hubkaas oo lagu boobay reer ahaan loona qaatay reero kale oo aan waxba galabsan. Waxaase meeshaas ka muuqata cilmi yaraan iyo hub badnaan. Maanta waxaa dib u muuqata maamulo ku dhisan reero in dib loo hubeeynayo iyadoo aan la garanayn mustaqbalka meel loo socdo, weliba loo gacan geliyey hub ka culus kii hore, si ay dib isu xasuuqaan. Halkaas waxaa muuqata in dabar jar lagu wado isirka Soomaalida.

      Dhammaan nidaamyadaas loogu talo galay in habka federaalku maro kuma jiraan hannaan manaafacaad leh oo dhiirigalin kara wax ka duwan habkii Soomaalidu ku soo le’atay ee tiiha nololeed baday tan iyo muddadii meesha ay ka baxday dawladnimadii Soomaalida. In dawladnimo la helo rajadii laga qabay  meesha waa ka baxday waxaana soo galay wax ka duwan oo ah kuwan hoos ku xusan.




B.  Qabyaalad: Reer kasta oo Soomaliyeed waxa uu danaynayaa isagoo dastuurka ka fa’iideysanaya in uu dhisto maamul u gaar ah, samaysto hub u gaar ah, si uu aakhirka isaga celiyo qabiillada dhibtu dhextaalay muddadaas. Soomaalidu waxa ay tiraahdaa  “ waa tii oo lax qalatay!” Waa qabyaaladdii oo sharci loo  helay, waddamona tageerayaan. Sidoo kale qodobka sheegaya labo gobol iyo wixii ka badan, waxay keeni kartaa labo reer oo labo gobol wada dega, in mid(qabiil) damco inuu kuwa kale khasab ku qabsado.

T.  Dhul-ballaadhsi: Arrinka kale ee isaguna reer kastaa ku dadaalayaa waxa weeyaan in dhul uu ku samaysto maamulka kana fa’iideysto qabiillada kale ee hurda, kuwii hurdayna ay soo baraarugaan, waxaa taas markhaati ka ah, arrinaka u dhexeeya Jubbalaan, iyo maamulka koonfur galbeed ee lixda gobol, Gal-mudug iyo Buntilaan.

2.   DAWLADAHA DERISKA AH

        Qodobada keeni kara burburka waxaa ka mid ah dawladaha jaarka ah oo intooda badan taageeraya maamullada ka samaysmaya gobolladaas, iyagoo aan kala tashanayn dawladda Soomaaliya. Waxa ay aakhirka keeni kartaa marka khilaaf ka dhex dhaco dawladda Soomaaliya ee federaalka iyo waddamada jaarkooda, in ay  hordseedo in la abaabulo goosadka  maamulladaas, lana hubeeyo.   Waa bar laga  wiiqi karo Dawaladda Federaalka ah ee Soomaaliya, waana dulin dhiigga lagaga jiqi karo, waa ardaa ay dugsadaan  cidkasta oo dan gaar ah ka leh. Dawladda  Soomaaliya waxa ay markaa  ku khasban tahay in ay u hoggaansanaato awaamiirtooda iyo doonistooda. Labadaas dal  kuu doono ha ahaado, iyagoo kaga fa’iidaysanaya cabirkooda hiigsi, una soo maraya sidii caadada ahayd siyaasadda arrimaha dibadda ee labada dal ama saddexdaas dalba. Haddaba waxaa is waydiin leh wadammada jaarka ah iyo Soomaaliya maxay tahay siyaadda arrimaha dibadda ee  dhex mari kartaa. Maxaase isdhaafiyay maamul-goboleedyada iyo dawlada dhexe. Haddii la dareemi lahaa in dawladda dhexe tahay mid ka madax bannaan qabiilnimo, danaysi, iyo arrimo ku gedaamnaa Soomaalida kontonkan sanno, waxaa la aamini lahaa dawladda dhexe ee Soomaalida, hannaanka federaalka waxaa keenay oo dunidu sal uga dhigtay kalsooni la’aanta Soomaalida ka dhex-taagan. Haddaba ma dad aan ahayn Soomaali baa loo baahan yahay, mise arrinku waxa weeyaan, ha ii fadhiyo geelu maantana far baan dhaqayaaye.

3.   SIYAASADDA ARRIMAHA DEBEDA

     Wadamada jaarka ahi waxa uu mid kastaa xeerinayaa dantiisa gaarka ah in uu ku saleeyo siyaasadda arrimaha dibadda, kana soo hooyo fa’iido shacabkiisu u khushuuco, sidoo kalena reer galbeedku fahmi karaan, oo dantooda ay ku guuleeystaan waddamadaas jaarka ahi, waxay si xoojinaysaa wadamada reer galbeedku ta ay guusha kaga gaadhaan gudaha geeska Afrika. Soomaaliya maaha waddan ay ka jirto dhisnaan dhaqaale, mid ciidan iyo mid amni, waxa uu ku soo kordhin karaa geeska way yar tahay, waxaase jira doonis waddamada kale oo ah dhul balaadhsi, khayraadka ballaadhan ee badeed ee aanay lahayn waddamadaasi, waa dhab in hunguri kaga jiro waddamadaas, waxyaabahaas dabiiciga ah, sidoo kale waddamadaas waxaa koraya dadka ku nool, marka ay kordhaana u baahan shaqo, dhaqaale, dhul ku filan. Ku darsoo waddamadaas dadka ku nooli waa ay ka karti badan yihiin marka loo eego dadka Soomaalida ah, dhinacyada  beerashada iyo wax-soo-saarka kale ee dhulka.

      Gebogebadii, waxaan ku talin lahaa haddii dunidu hirgalisay in ay qabiillo dhisto, waxaa fiicnaan lahayd sida Yugaandha in qabiil hebel loo magacaabo wasiir, sida: “Wasiirka Reer hebel”, loona ogalaado in qabiil kasta oo gaadhaya 200 qof la siiyo hoggaan u gaar ah. Uma arko xal Somaaliyeed sidaas inuu ku jiro, haddii qabiil kasta helaayo ciidan, maamul, awood, hub waa in dadka tiro ahaan yari badbaadaan, haddii kale waa dulmi ka badan kii la galay hadda ka hor. Maamul-goboleedyada kordhaya ee Soomaaliya waxa ay dhaxalsiinaysaa xaalad dhib badan oo suurtogal  ay tahay arrin saamayn xooggan ku yeesha qoomiyadda Soomaalida ah, haddii aan wax laga qaban maamul-goboleedyada ku samaysmaya hab qabiil, taasoo sababi karta aano ma guraan ah. Haddii aan dawladda Soomaaliya gacan u qaadin, waxa ay samayn doontaa mustaqbalka dambe in dhulkan Soomalida la qabsado, sidoo kale ay samaysmaan in ka badan labaatan maamul-goboleed, oo ka amar qaata meelo kala duwan, sida Soomaalida taalla waddamada jaarka ah, ee hoos jooga wadamadaas la raaciyay lixdankii ka hor. Waxaa suurto gal ah in wadamada qaarkood ay aaminsanyihiin in dhulka Soomaalidu degto  waqti hore ay lahaayeen,  oo la yiraahdo gumaystihii ayaa u  kala jarjaray qaybo gumaysi cusub, kuwaas oo hore loo sii yareeyay isirkii Soomaalida. Sida Kiiniya oo aaminsan in Jubbooyinka gudaha Soomaaliya  Ingiriiskii dagaalkii koowaad abaalmarin u siiyay Talyaaniga, taas micnaheedu yahay in Kismaayo ilaa inta u dhexeysa Wajeer ama Gaarisa ay ka mid tahay dhulka Kiiniya u leedahay sharciga mar uunna ay muhiim tahay in ay dib u hanato.

        Hiraalka waddanka  dhisan ogow ma baaba’o (Kiiniya) ee waxaa dhammaadda damaca waddanka burbura (Soomaaliya). Kiiniya iyo Itoobiya dan baa ugu jirtaa burburka Soomaaliya, in ay burburtona guul la taaban karo baa laga gaadhay, isku-jeedka Soomaalida gudaheedu wali waa guul u taagan waddamada jaarka la ah, waana arrin tiigsi iyo talo ku yimi, maamul-goboleedyada soo socda iyo hannaanka ay ku dhismayaana  waa kuwo talo kale ku yimi, haddii aan laga joogsan qaabkan wax loo wado   ee qabiilnimadu indho tirtay taariikh danbe ayaa laga sheekayn doonaa waxaana laga dhaxli doonaa madhax aan wanaagsanayn. Arrinka dadaal faro badan u baahan waa in laga baxo dib isu urursiga qabiilnimo, ee ay ku jirto ciil iyo murugo reernimo. Sidoo kale cadoowgaa  inta  uu u muuqdo walaalkaa aad  wadaagtaan, isir, dhaqan, luuqad,  iyo diin, wanaag, waxaa kaasii fogaanaya  guushii isirkii Soomaalinimo, cadowguna wuu kugu soo dhowaanayaa  oo waxa uu ku niyadsan yahay burburkaaga iyo liidashadaada.

    Ugu dambayntii waddamada jaarka la ah  Soomaaliya dantooda wada jir baa ay u ilaashadaan, tan Soomaaliyana dabci kale ayaa ay kaga dhaqmaan, maxaa loo diidayaa in la helo dawlad Soomaaliyeed oo aan lahayn maamul-goboleedyo hoose, iyadoo aan la xoojin dawladdii dhexe? Maxaa loo xoojinayaa in qabiillo dhistaan maamullo iyadoo lagu saleeyay dawladdii dhexe hannaan qabiil, in Soomaaliya hesho dawlad buuxda oo dunidu la macaamisho, maxaa looga doorbidaya in Somaalidu burbursanaato?

Waxa san Alle ha ina garansiiyo.

W/Q: Xassan Cabdi Shire

Thursday, June 18, 2015


Markuu Doobigaagu Buuxo Daboolka Hadaanad Saarin Kibirku wuu Daadiyaa.
W/Q: Hassan Abdi Shire
Wax aad ku xoogsato aan ku siiyoo, gaajadu waa dhib iyo eex socotee,  mayee ha i siinee iga iibi  oo lacag amaah ah  aan kuugu beddelo,u tudh, yagleel hannaan cusub, iyo hirgalin baahi ka guurguurasho” waa sheeko dhex maraaysay Wiil & Eedadii Aabbo”. jawaab degdeg ah war: dhiigaygii baad tahee ha i fogayn. hadallo noocaas ah ayay ku guraabaasayeen  iyagoo is haysta, hayeeshee Eeddadii shendad wayn ayay sidatay iyo muraayad nooca in dhaha ka wayn ah , cabbaar muran taaganaa oo aan dhegta la raacay ayay u dhiibtay waraaq ay ku xardhantahay labo qalin oo mid si ma guuraan ah loogu sawiray, iyo mid ay markii dambe ku dul maluuqday mid ay sidatay, afkeedana waxa ay kusii dhawaaqaysay, kelmado aan garan waayay micno ahaan, lakiin u ekaa ilaaq, hadana aad moodo hadaaq ilmo yar   Eedo waa jeeg waa kelmad aan maqlay  ma aan se hubin  in ay u jeeddo kii caanaha ama biyaha lagu shuban jiray, iyo kii lacagta lagula bixi jiray waxaanse garwaaqsaday markii inankii uu sidan yeelay.
 Farxad uu qosol ku dheehan yahay ka bacdi,  waxa uu eedadii u sheegay marka uu gaadho meeshii ay ku marti qaadday si fiicanna uu u xoogsado  in uu samayn doono abaal gud noociisu yahay in uu badh ka siiyo deeqda faraha laga saaro, waxase aan ka madhnayn in ay ahayd amaah iyo dayn uun laga sugayo, islaantii oo aad moodo in janadii loogu bushaareeyay ayaa ku dhufatay qosol noociisu yahay ka gurxanka dheer, ee bog qalalka leh, dadka aagaas joogana ay kaga baraarugi karaan hurdo, caruurtuna aay sas ka qaadi karaan. waqti markii ay qaadatay ayay soo baraarugtay, waayo qosolka dhinaca loola dhaco farxadna aanay ka dambayn,  si ay ugu mahad naqdo wiilkii eedada ay u ahayd waxaase si yar oo fudud dhulka ugaga dhacday muraaydii indhaha ee waynayd, dhowaa inta isbedelkeedu ku sugan yahay,  intay cadho isla bedeshay ayay ku tidhi war tanna adaa soo ibin doona ' ma waqtigan? ayuu inankii ugu jawaabay? ' mayee marka aad soo xoogsato, hadaad doonto dawarsoo, taas ayaaba manaafacaad badane eeddo”dhawaaqa aay ku hirdaanyoonaysay ayaa sidaa u dhignaa”. Daqiiqado intaanay kasoo wareegin waxaa xaajiyadii is bedelay muuqaalkeedii farxadeed waxaana xaal noqday Sida:
 Islaantii oo  aad mooddo in wejiga dhirbaaxo lagala dhacay oo indhaha ku eegaysa sidii libaax hilib arkay, oo aad moodid in dhegaheeda aay ku furan yihiin qaylo dhiillo leh ayaa ay u dhaqaaqday sidii socod gaadhi taayir ka ban jaray, oo ay sii san qadhay sidii qof aan cidna ixtiraamayn markii ay muddo sii libidhay ayuu inankii ka daba qayliyay wuxuuna yidhi isaga oo la yaabban kuna dhawaaqay. “Halka xaajiyadaas uu adduun jacaylku ka gaadhay bal eega”, eedo ma waxa aad iigu cadhootay arinkaas yar ee aan wax  ka yeelay,  inta ay eegtay ayay ku tidhi adigoo sabool ah, oo gaajo la liicliicaya ayaan kaa farxiyay, markaas ayaa aad cadho iigu bedeshay,”cadho iyo farxad aan daqiiqado u dhexayn annagaa goob-joog u ahayn”  hadalkeedii ayaay sii wadday: halkaad  raali galin i siin lahayd, ayaad badheedh maagid iyo aflagaaddo iigu daraysaa, muran dheer ka bacdi,  waxaa dhegaysiga  igu saddexeeyay nin sheekh ah wadaadnimo faro badanina ka muuqatoo, oo si aay ku jirto diir nax, aan lahayna digasho, balse dareen uu ku dheehan yahay lexejeclo aan  lahayn dhammaad, salkeeduna yahay badbaado aakhiro oo kali ah, iyo masuuliayd saran culimadda, ayuu dhegta bidix la raacay, si kasii balaadhan sidaydii aan u taagnaa, isaga waxa u dheeraa inta uu gacanta i qabsaday sidii qof i garanaya, wuxa uuna iila  durkay dhankii sheekadu ka dhacaysay, dhowr xamaal oo meesha dhuxul ku rogayaana, waa ay yaabban yihiin, qaylada dheer ee aad mooddo sidii qof damac aan ka lahayn sharaf, dhowrasho, is-dhudhumin dadnimo, iyo debecsanaan ku abuuran shaqsi saalixa,  sawaxanka hadalkaas ee  ka imanaya xaajiyadaas.

 waa qurbo jog muddo ku ciraystay waayaha reer galbeedka, oo ku dhawaaqaysa kelmado u badan af qalaad, qolada daawadayaasha ahi ereyo luuqad kale ayay ka baranayaan oo hadba marka ay kelmad tiraahdo ficilka ay raaciso ayay ku fahmayaan wase hadal caay u badan, wadaadku wanaag ayuu la janjeedhsaday oo xuman nacayb ayaa halis galisay, waana dareen ku tallaalan saaxibul caqliga, inta aanan gaadhin halkii ay isku haysteen ayaa inankii dhalin yarada ahaa ee haystay waraaqda qoraalka ah ee loogu yeedho jeeg, walina aan helin lacagtan la yidhi ku dhoof, ayaa is yidhi ilayn baahidaada oo aad u beer nuglaataa waa ay ku hoddaaye, eeddo tan ku qoran jeegga ayaan muraayada kaaga iibin doonaa, intay soo eegtay ayay hadana ku tidhi, war anigu muraayad iga jabtay kama xanaaq-sani ee abaal darridaada ayaan ka yaabay, iyadoo dhiancyada eegaysaa, yaabka yaabkiisa, waa aan soo gaadhnay goobtii aay isku hasyteen, intaay na eegtay islaantu ayaay hadana indhaha nagu gubtay, iyada oo leh war sheeko ayaan ha ysanaaye aniga iyo wiilkayga ee maxaad u baahan tihiin, shiikhii oo yaabbanaa cabaaradan maqlayayna hadalka dhawaaqiisa ayaa hadal waano, tusaalayn, iyo toganaan u badan ku afrogay islaantii kuna bilaabay mahadnaq, iyo werwer galin aakhiro waxayna u dhacday sidan :
Sida culimadu caanka ku tahay waxa ay ku furfurtaan hadalkooda mahadnaqa Eebbe, waxa ayna ku xejiyaan wacdigooda aayaduhu ugu horeeyaan, Wadaadkani waxa uu   ku bilaabay ka bacdi Salaanta, iyo mahadnaqa Eebbe ka bacdi aayadan Qur’aanka kariimka ah kusoo aroortay: ( Is waaniya, waanadu waxaay anfacdaa dadka mu’miniinta ah) waayo gaalo waxba uma tartee, shiikii waxaa uu markii xigtayna siiyay kelmadahan aadka u intifaaca badan ee u dhigan sidan:

Dadka kumanaan ayaa saboolnimo la nool, qaar kalena waa maal qabeeno, ummadda duruufaheeda wax laga waydiiyo, labo guri oo jaara ayaa midna ku waaberiistay murugo iyo ciil ka kalena nayaayiro iyo farxad lakiin aan la isku warhayn! dhanka kale dadka qaarkood lixda laxaaad ayay ku ordayaan qaarkalena caafimaad darri ayay la jiifaan goobaha caafimaadka, labo saxiib oo mudo dheer soo wada joogay ayaa nolosha iyo isbedelka koriimaad kala duwayaa 20 sano ka dib  ismaba yaqaanaan, waa arimaha aay aduunyadu ku caan baxday ama astaamaha u ah,  iyo degelada jaarka lala yahay intasba la noolyihiin oo inaga kali aanay inagu ahayn. Ilaahay arinkaas imtixaan ayuu uga dan leeyahay qofkii fahmana wuu gulaystaa ka kalena waa hubaal inuu mashaakil la god-galayo hayeeshee intaasba iyadoo jirta Raxmaanku waxa uu inaga simay cibaadada iyo akhlaaqiyaadka wanaagsan, sidoo kale qofkasta isagoo sabool ka ah dhaldhalaakii aduunyada ayaa maro cad lawada xidhanayaa hal naxashna lawada fuulayaa! Sidoo kale goobaha ilaahay lagu caabudo waa loo siman yahay taasi waxa ay ku tusaysaa in quluubta la dhisaa ay aad u muhiim tahay, sida ay aayadda qur'aanku leedahay “daahiriya nafihiina oo ah ruuxiyadda”, “ilaahay ma eego sawirkiina iyo jidhadhkiina lakiin waxa uu eegaa quluubtiina:. Ilaahayoow saboolnimda ma guuraanka ah naga badbaadi oo u dhigan guuldarada Aakhiro.

Xaajiydii oo boorsada ku ogayd dhowr aw-bidaar ahaa ayaa shiikhii ku tidhi war hoo midhkaas oo   naga tag gadh-dheere maryo dayacan sita ayaad tahee, oo ka dhaqaaqday iyadoo dhinac ka eegaysa  wadaadkii u holoday wanaag farista, una arkay qof muslim ah sidoo kale guttay masuuliayd saaran, ma hubbo in wadaaadku cadho awgeed habaar raaciyay, waxaase uu igu yiri: khayr ma qabto. Markii ay  toban tallaabo  qaadday, muuqaalkeeduna noo wada muuqdo, oo aanay ka laaban gaadhi xamuul ah oo ka xiga dhanka galbeed, gacmahana aay u soo lalinayso dhankayaga, oo ay ku dhan yihiin aniga, shiikhii, wiillkii aay eedada u ahaayd, iyo dad soo gurdan raacay codka wanaaga leh ee shiikha, si lama filaan ah ayaa waxaa dhanka konfureed kaga yimi  nin waalan, shiikhiina waxa u dhaqaqaay isla dhanka ninka waalan,  odaygan waalan oo muddo ku xagaayaystay magaalo weyn, habeenkiina seexda derbiyada qashinka, maalintiina galinka hore dadka shaxaaada, galabtiina docda dhigta xoogaa jaad ah, ayaa ku yiri: Hooyo wax I sii iyadoon eegin laakiin dareemasya in dhankaas shiikhii ka aaday ayay tiri si qaaylo ku jirto war bal eega waxan mar wax no sheegayaa mar na wax na waaydiisanayaa, nimankan gadhdheertu waa lacag jecelyihiin, “ hubsiimo hal ayaa la siistaaye”  waxaa u dheer kelmadaha dhaadheer sidii ogaysiis oo kale ay kor u qaadayso hadalkeedii si wadatay iyadoo  maqalsiinaysa dadkii, waxaayna tiri: “marna Alle ka baq, marna Wax isii” ninkii waalaa ayaa lasoo booday tooray uu dhinaca ku sitay, oo dhabarka kaga  abudhay,  intay dhacday ayaa ay qaylisay”ninka waalan haduu doono afar cisho wax ma cunin, waayo dadka ayuu ku indho batay”,  waxa goobtii ka qaaday wiilkii aay eedada u ahaayd, iyo shiikhii, waxaa la geeyay dhakhtarkii ugu dhowaa, baadhitaan dheer ka bacdi waxaa la ogaaday inuu xanguluhu go’ay,  sanado dheer & bilo dheeraad ah ayaay rafaad ku noolayd xoolihii yaraa ee ay haysatayna uga dhamaadeen dawo, dadka inta la joogtan waqtiyada dambe  wanaag kuma qabaan waase ka waalidtinimo, waxaana ka mid ah wiilkii, eedada u ahaayd,  markii aay muddo silic ku noolayd, ayaa maalin maalmaha ka mid ah  loo soo saaray xaga dhanka dibada si aay u laydhsato, waxayna aragtay ninkii shiikha ahaa oo uu gaar ula taagan yahay ninkii waalnaa ee dilay, inta ay yaabtay ayaa ay wax u qaadatay in aay isla ogaayeen arinkaas, qayli ayaa ay is tiri waa ay u suurto gali wayday, labadii oday kii walaa iyo shiikhii ayaa hal marwada arkay, Shiikhu waxa uu ninka waalan ku arkay maalintaas meesha, iyadoo lagu mudaayo, irbad loo yaqaan “Moodhikaayd” Wadaadka oo naxsan ayaa  kusoo dhaqaaqay dhankii marwadaasi fadhiday, mar kale waxaa uu ka  codsay inaay Alle ka cabsato, iyadoo dareentay fogaanta iyo cadhada Alle ayay ka aqbashay, shiikhii ayaa gacamaha cirka u taagay, isagoo duco dheer u baryay Alle caafimaad inuu siiyo haweenaydaas, geftay oo raxmaanu toobadeeda ka aqbalo, Muddo aanay ka badanaayn Shan daqiiqo,  kii waalaa ayaa hadan soo cararay isagoo gartay inaay tahay qoftii dumarka ahaayd ee uu malintii ka cadhooday, waxaa usoo sitaa tooray tumaa ah oo uu ku qarsaday surwaalka hoostiisa, dadki ayaa kusoo cararay si aay u qabqabtaan, waalaaysu tagay waa laqaban kari waayay” arin Alle ayaa ku  jiraa” tooraydii dacalkeedii hore ayaa kasoo gaadhay halkaas kelida korkeeda, oo mar kale ayuu dhaawac marwadii u geystay, ileen qof socon karta maahee,!! waa lala-cararay  iyadoo geeri loo sadaalinaayo, ninkii waalnaa ayaa la xidhay, saacado ka bacdi ayaa waxaa la sheegay, in xaajiyadii ay dareemihii xanguluhu soo celiyeen oo dhigii toorayda dambe aay ka saaratay dhig xun oo dhex raacay xubnaha mareenada quluqlka oo laayay dareemayaasheeda xangulaha, waxaana xaqiijiyay todobo dhakhtar oo isugu yimi.
Xusuus gaar ah:

Sheygii ku dilay mar labaad caafimaad ma ku heshay, Alle waxkasta waa u fududahay. Tusaale ahaan biyaha Alle Fircoon waa uu kuhalaagay, ama dad ayaa daad ahaan ku qaadaan, qaar kalena waa ay intifaacsadaan sida cabista, ama dulamarista gaadiidka badda,nebi  Muusena wuu ku badbaadiyay. 

Hambalyo Ku Socota Dadka Muslimka ah, Bisha Barakaaysan ee Ramadaan Awgeed.


.................................................................................................................
Dhamaan Muslimiiinta dunida ku nool gaar ahaan inta ku hadasha afka somaaliga waxaan ugu hambalyay nayaa bisha barakaaysan ee Ramadaan inta fursad u heshay in Alle Gaadhsiiyay iyaga oo nool sidoo kale Caafimaad qab u helaay inaay ku cibaadaystaan, Allena waxaan uga baryayaa inuu Caafimaad & Cibaado Saalixa inoo gu dhameeyo, waxaan idin kula dardaarmayaa in laga fa’iideeysto fursadaas dahabiga ah, madaama qofna aanu hubin inuu noolaanayo Ramadaanta dambe ama uu dhamaaysanaayo bishan barakaaysan ee caawa koowga inoo ah.
Alle ducadeena & Cibaadadeena ha inaga aqbalo, hana ka yeelo bilaan isku saamaxno, iskuna uur samaano, Eebbe ha ina waafajiyo jidka toosan & danta Suuban, Aamiin………. Aamiin.
Hassan A Shire

Monday, June 1, 2015

Balwadaha & Somaalida.

Balwaduhu waxaay  ka mid yihiin waxyaabaha dadka duruuftu bartay, tusaale ahaan siyaasada & kulamada xasaasiga ah waa dhaqanka Somaalida in qayilaadu  noqoto arinka lagu kala gooyo ama shirka lagu qaato, hadii kale dad faro badan oo la tebaayo baan soo xaadiraayn, halka  dadka inta badan aay soo foodsaarto duruuf nololeed, waxaay waqti faro badan ku lumiyaan cunista qaadka, cabista khamriga, jiidista Sigaarka,  iyagoo xamili kari la’a,  arinta ku habsatay "Pain killer", qaar kale marka uu la  talax tago waxaay ku gabadaan waa quud aawliyo si aan muran faro badan looba galin, halka dadka qaar  dood ka dhigtaan waanu ku shaqaaynaa waxaayna barbar dhigaan suuqa oo laayska fadhiyo miyaan masaajidba la fadhiyi Karin?, qaar kale si dheel-dheel ah baay u galaan,   waxaanse u arkaa balwadahu inuu yahay sida dubaabka oo kale, marka qofku qaadka joojiyo xanuunka ku helaa hurdada sidaad ku aragtaan sawirkan oo kale, bahalkaa hurdada kugu helayaa waa khiyaali.
 Fikiradaha ku yimaada cunista jaadka, go’aamada, & wanaaga ka dhex-dhashaa waa sida dubaabkaas,  iskusoo daroo doodahaas oo dhan waxaa ka furan in qaadku yahay maado qaby ka noqotay  nolosheena, sidoo kale wiiqday qaabkii fikirkeena, mana aha arin si yar oo degan looga doogsan karo.
gebo-gabadii Balwaduhu waa arin nolosha dabiiciga ah ee Somaalida  la jaan qaaday, una baahan olole balaadhan, lagana eegaayo dhinacyada sharciga islaamiga ah, dhaqaalaha, bulsho ahaan, lana adeegsanaayo dadka sida xoogan bulshadu wax uga dhegaaysato.

Hassan A Shire 

               “Ayax Tag Eel-na Reeb Miyaa?”.

Tahriibku maaha kan daashaday ama aay ku le’deen Somaali faro badani, waxaase jira sababo faro badan oo dadka & dalkaba ka jira, kuwaasoo laga dhaxlay dhaqanka Tahriibka. Hadaad suuqa muraad u doonato adoo rabaa inaad wax soo iisbsato, dadku waxaay kugu baayacaan lacag $Doolar ka ah, Qofka meherada hasytaa waxaa uu aad u xeeriyaa lacagta Maraaykanka, hadii in yar uu yara jactado lacagtaasi waa lagugu soo celinayaa,sidoo kale hadii qofku kuugu sheego lacagta wadanka oo Shilin ahna, kan wax iibsanayaa si cadho leh ayuu kuugu jawaabaya “intee dolar ka noqoanasyaa”, si'aan ka dhicin bulshooyiinka kale ayaan u ixtiraamnaa lacagtaas, oo ka qiimo badan ama kaba iIaaIin badan ta'aaynu leenahay, Wadanki samaaystay inaga ayaa uga ilaalin badan marka la eego xaga dhoowrsita, ilaa heer kaawiyadiisu, Qaabkisii, inaanay is bedelin ama liid jilaac ah lagu samaysnin baaynu kuu foolanahay “imisaa Odey xoolo dhaqato ah, mid kamid ah caruurtiisa usoo diray 100 Doolar isagoo la sugayaa xiliga abaarta markii la gaadhayna suuqa la yimid laguna celiyay, sababna looga dhigay waa jilicday lacagtaadu, hadaba waxaa is waaydiin leh lacagta Shilinka ahna wuxuu haayn jiray in kabadan sanado, marka suuqa la yimaadana si wanaagsan waxa uga iibsan jiray, waxaa is waaydiin leh muwaadinka nool, & lacagta wadankale leeyahay keebaa xaq mudan? waxaa kasii daran lacagaha aaynu leenahay maalinkasta waxaa laga sameey been abuur (voucher), dhanka kasoo jorjeedana ee lacagta Doolarka ahna waxaa ugu horeeya ee laga hubiyaa waa arinka been abuurka ah gaar ahaan goobaha ganacsiga, qofka shaqeeya hadaanu Doolar qaadan ama aanu mushaharkiisa kuugu sheegin laccagtaas qalaad waa uu dhiilo, tan wadanka qofka qaataa waxa uu ku oranayaa xooga yar oo lacagtaas ah ayaan qaataa “niyad jab iyo ceeb isaga oo u arkayaa”, hadiise in u dhiganta oo doolar ah lasiinlahaa wuu ku faani lahaa. Muwaadin doorka dadkaaga, dalkaaga, deeqda Alle ku siiyay, Khaayraadka, magaca, & dunida halkaad kaga beerantahay aad aamimi waayday, soow yaabka-yaabkiis maaha, soow ciil aduunka ugu tegi maaysid, soow ku dhamaan maayaan ubadkaagii badaha dunida, soow lumin maaysid in Alle ku keenay aduunkan adoo karaamaysan. Dhanka kale markaad eegto waxaad arkaysaa Shaqooyinka marka lasoo xayaaysiiyo waxaa ugu horeeyaa inuu qofku yaqaano luuqada Afka-Ingriisidda, halka luuqadii hooyo aan lagusoo darin muhiimadda koowaad, dadku ama dhalintu waay ku faantaa hebel si wanaagsan ayuu u yaqaana luuqadaas, halka Somaaliga & Carabigii oo dhaqan ahaan kasoo jeedno manta faraheena ka baxeen, amase aay caay noqatay.” Fiiro gaaf ah, Hadaad Wasaarad aragto shaqo bixinaysaa waxaad ku arakysaa inaay luuqaddu tahay ingiriisiga ama fadhiga imtixaanka lagaga qaadaya waajib noqoto in laguu keeno waraaqo luuqad ajaanib ah ku qoran. war ma ajaanib ayaa loo sheqeeynaya?, , hay’adaha gaarka loo leeyahay & gancsatada kaleba waa astaan laga wada simanyahay”.
Ugu dambayntii waxaa dadku aad ugu faanaan xoriyadii laga qaatay Gumaaystihii, waxaase kasii daran dhibta dhaqan ee uu inagaga tagay hadeer, sidoo kale waxa uu hoday hankeenii, isku kalsoonaantii, wuxuuna horseeday inaan ka murugoonno ciidda aan ka dhalanay, dunido inoogu abtiriso, hala yaabin ka tahriibaay, 99% dadkeenu qalbiga ayaay ka tahriibsanyihiin, dhaqaale ahaan, iyo aqoon ahaanba.Dhaqanka labiska isqurxinta, iska yeelyeelka ama u hadalka shaqsi aan dhaqan kula wadaagin, walaal kula ahaayn, diin ahaan kuu cadoow ah, hadaad ku dayato waxaad ka tageysaa noloshii caadiga ahaayd, waa sababta keentay Qofka wanaagsan inaan u aragno doqon, qoraageenu afka Somaaligu inagu dhex dhinto, kan luuqadaha qalaadna inagu dhex iftiimo sidoo kale taariikhda dadkii wanaagsanailoowno, waxaayse cidhib xumi ku keeni doontaa wadaniyadda dadka dhulkan leh oo cid kale la wareegto, caadifada iyo lab lakaca ku salaaysan reernimadu waa iska dhamaanayaa.Qofka dalka ka tegay isagoo naftiisa biimeeyay, miyaanay ahaan arin aan kali ku ahaayn kaligii, oo guud ahaan ka jirta dalka oo dhan. Nolosha kalsoonidu waa muhiim inaad dareent xornimo waana asaaska koowaad, u dhaqan si degan ka fiirsasho leh, isku haleeyn leh, kana-fa’iideeyso karaamada aad ku dhalatay, Nolshu waa maalmo isku day inaad samaan nolaato, ugu dambeeyntii Somaalidu waxaay ku maahmaahdaa “ Ninka fuulaa Faras aanu aqoon, wuu gomodaa”- waxaan uga jeedaa hadaad raacdo dhaqan aanad lahaayn Dabo xanuun uunbaa ku daalaysaa!.ugu dambaayntii Gabaygan Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame "Hadraawi" ee Sawirkan ku jira ayaan kaaga tegayaa. 


Taladda & Tawfiiqda Alle ha ina garansiiyo.


.Hassan A shire Shire202@gmail.com

Sunday, April 19, 2015

Sirta Ku Jirta Salaamta Islaamka (Salaama Calaykum).


  • ( "خذ  العفو    وأمرو بالعرف أعرض عنا الجاھلين" ( لأعراف     
•Nin wax yaqaan daaqsin geel baa wax loo mariyaa, nimaan wax aqoonna qaanso qurqur
•Lugtii jeeni dhaaftaa way jabtaakeed.
•Nin ku necebi xantaa og, nin ku jeclina xogtaa og.
Salaanta dadka Islaamka ah is waaydaarsadaan (Salaama Calaykum Waa Raxmatulaah), sirta ku jirtaa waxaay tahay, waxaay ka qaayb qaadataa Wanaaga, isjeclaanta, iyo is dhexgalka bulshonimo, waana xaqqa qofka Muslimka ah qofka kale ku leeyahay, hadii aay timaado in lagu salaamo, waxaa la rabaa in aad weji wanaagsan oo qurux badan ku qaado, waxaanse ad uga xumahay in dadka qaar aay muujiyaan weji qabaxsan iyagoo dadka qaarkodo uga baqayaa inaay shaxaadaan, ama qof baahani uu wax waaydiisto, sidoo kale qof tabaaleysani u dan kaala hadlo, taasi waxaay keentaa cadho ku dhalato qofkii salaamta ka timi, oo dib aanu u salaamin kuna tilmaamo qofkaasi inuu yahay kibraani, waxaayna abuuraysaa cadho, halkii la rabay inaay wanaag abuurto, qofkasta waxaa laga rabaa inuu dadka weji wanaagsna kula dhaqmo, salaamta si wanaagsan uga qaado, Qofka inaad waxba siin waaydo, ama aanad waxba u qaban kari waaydo, waxaa qanac fiican u ah Wejiga wanaagsan, Daymada u roon qalbiga, ee dhoolo cadaaynta ku jirto, & kelmadda Wanaagsani waa sadaqo, sadaqaduna waa gaashaanka naarta ee qiyaamaha, Fursaddu yaanay ku dhaafin, ogoow garaabkaaga waxa saran labo Malak, oo account kaaga waxa dhigashada aanay mid aanay dhaafaayn, ha ahaato xumaan, ama wanaag, isku day inaad kan Xumaanta lagu ururiyo madhisid, kan wanaagana saacad kasta wax dhigato.
Aklaaqhda wanaagsani waa muhiim Rasuulkeena waxaa uu leeyahay.



"إن من أقربكم مني مجلسا يو مالقيامة أحاسنكم أخلاقا"

Waxaa Xadiiskani ka lagasoo Wariyay Rasuulkeena Suubaan NNKHA

Alle wanaaga Tawfiiqa ha ina garansiiyo.

Doorka Zekada Ee Dhaqan-Dhaqaale. (Dadka Islaamka ah).

Akhyaarta & Asxaabta Marka hore Salaam gobeed Iga Gudoomo, Marka Xigtana aan Qoraalkan Kooban idin la wadaago hadaad ii Samaxdaan dhegihiina:
"Dadka Islaamka ah guud ahaan waxaay leeyihiin rukumo ama tiirar leh adkaaysi Nololeed, mid Cibaado, dhaqan Aklaaq, sidoo kale kudaysho wanaagsan ahna cida ugu wanaagsan in lagu daydo, waxaana ugu horeeya tiirarka Islaamka (5tiir ee Islaamka: Shahaadada Alle & Qiraalka Rasuulnimo Nabi Mohamed NNKHA, Salaada, Soonka, Zekeda, Xajka cidii awooda).Sidoo kale Waxaa kudayasho mudan Nabi Muxamed NNKHA waa macalinkeenii Nolosha.Zakada waxaay Dadka Islaamka ugu jirta Koobka Dhaqaalaha ee lagu kabo dadka kooban 7 Qolo sida aay aayada qur’aanka ee Suuratu Al-Tawba Sheegtay, waxaana laga taakulaynayaa baahida nololeed.Dhanka kale Zakadu waxaay noqon kartaa awood lagu maamuli karo hadii loo hagar baxo hay’adaha daawliga iyadoo meesha kasaari kartaa canshuuraha laga qaado danyarta, halka Zakadu culaayska saarayso dadka waxhaysta, hadii qof haaysta 500 M laga qaado Zako dhamaaystiran waxaay u dhigantaa Afar meelood/ meel miisanayadda wadan afrikaan ah, waxaa jira dad badan oo heerkaas gaadhayaa celcelis ahaana dad kale ayaa laheli lahaa, ururintaas Zekadu waa u barako &korodh maal, guud ahaan cidkasta oo gudata shaqadaas kana mid ah ganacsatada .Hadaba waxaan uga socdaa dadkeena Tahriibka, qaarkale gaajo u dhimanayaan, waana suurto gal qaarkeen in dhereg xad-dhaaf ahi hadheeyay. Sii loo wada badbaado waxaa larabaa Cadaalad Dhaqaale mid Qaadhaan & mid Qanuun waxaana ugu muhiimsan in Zekeda sidii loogu talogalay loo ururiyo, arinkaasi dawo fiican waxa uu noqonlahaa ladagaalnaka Faqriga hadheeyay dadkeena, Zekada bixinteeda waa waajib gudasho.Waxaay barako u sugnaatay cida sitoos ah u raacda Diinteena Suuban, Daawlad ahaan, Dad ahan, & Dhaqan ahaan.Ugu dambaayntii Zekada aan iska-kaashano siloo helo wado xalaal ah, oo aan ku duuleeyn danyarta dhanka kale u xaglinaayn dadka wax haasyta".
Hassan A Shire.

Shire202@gmail.com

BEENTU WAA CADOOW

Waxsheegu maaha  maag, cambaaraayn  iyo mugdi galin,  waase hanuunin & hibeeyn inaad waarto looga gol leeyahay, dadka wanaagoodu waxa uu ku jiraa in la tosonaado, lana wada fiicanaado, si loo gaadho badhaadhe iyo wada jir, lana hirgaliyo hanaqaad waara, sidoo kale loo helo wada jir iyo midnimo shacab, waxaase liibaantaasi ku jirtaa dariiqa toosan oo sidiisa lagu qaato, kana mid tahay in beenta la joojiyo.

Beeentu waa cudurada u afku keeno si’aan muuqan, horseedana xanuuno aan dawoobin bulsho ahan dad ahaan & qosy ahaanba, waana mid ka mid ah waxyaabaha Rasuulkeenii Suubana NNKHA inagala dardaarmay, weliba u sheegay inan dadka Islaamka ahi aanay sheegi karin.
Hadaba beentu waxaay abuurttaa nacaayb Alle, oo keenta in lacnadi kugu socoto, dadku qofkaas waxaay wejigiisa ka dareeman mugdi iyo madoow Rabaani ah, oo si kasta uu siu nadiifiyo aan ka baxaaayn, Alle cidda ka cadhaaysiisaa waxaay nacsiisaa dhamaan makhluqaadkiisa.
Sidoo kale beentu waxaay horseeda is nacaaybka bulshada oo keenta in qofku u sheego warar been ah oo laba qof, labo qabiil ama laba dadwladood iska horkeento, haligtana dad isku wanaagsan,  taasina waxaa qofkaas u dheer inuu fitno soo kordhiyay, sidoo kale keenta inaanay weligeeed aanay tegin aano, necaayb, isku dir, iyo qudhgooyo.

Dhanka kale waxaay dhalisa is nacaaybka qooyska, ama walaalaha guriga ku wada nool, iyadoo horseeda duruufaha kala duwan, ee dhaliya wacyi la’aaanta aanay iska warhaayn labadaas qof laga dhex abuuro xumaan ama is necaayb, aan dhamaan, sidoo kale hadii beentu caadaada noqoto, waxaa meesha ka baxaayaa wanaaga asturi lahaa cidkasta oo isku wanaagsan.

Marka aan leeyahay cudur aan muuqan  waxaan uga socdaa,  beentu waxaay dishaa wanaaga qalbiga waxaayna galisaa xanuuno, sida shaki, murugo been laguu sheegay, nacaayb, xiqdi qofkale, fikir xumaan ah oo ku jirto aargoosi, been khaldan hadi laguu sheego inaad habeenkaas seexan waaydo, sidoo kale qofka beenta sheegaa isaga ayaa werwe dilaa, caloolyoow uu qaado, dareemo in mar uun la’ogaan doono, taasian aay galiso  werwer bukaanimo ku jirto, beenaaluhu isagaa ayaa iskii u bukoa mase dareensana ka sheegaa waayo cadadiisa ayaay noqotay.

Ogoow inaan benaale noqoto waxaa kugu kalifaa, inaad tahay qof aan isku kalsoonaayn, ama qof xaasida, ama qof xiqdiya wanaaga dadka kale, oo sheeganayaa waxaanu gaadhin ama heer aanu hiigsan, neceb midnimada dadka kale & guulaha dadka kale.

Ugu danbaayntu beentu waxaay horseedaa in adigana lagu naco, oo dadku ku aamini waaydo, lagu karaahiyaaysto, lagugu kalsoonaan waayo waxkasta oo aad sheegaayso loona arko inaay ka tahay waxaagii uun(beentaadii), taasin aay keento in lagu naco, iska daa nacaaybee afka lagu soo marin kari waayo, makhluuquna isu sheego, magacaaguna  noqdo waa beenaalihii.


                                                                   Talada & Towfiiqda Alle ha'ina garansiiyo 

Hassan A Shire

XUMAHA XAASIDKU WAA XUDUNTA BURBURKA XIDID KASTA OO WANAAGSAN.

Xumaha Xaasidku  Waa Xudunta Burburka Xidid kasta oo Wanaagsan.
Qoraalkan kooban oo waxay  sal-utahay dardaaran faro badan oo Rasuulkeenaa suubanaa NNKHA, inooga tagay dhaxal ahaan, taasoo sidii la rabay aan loogu camalfalin, hadaba xaasinimadu waxaay horseed katahay buruburinta xididkasta oo soo bixi lahaa, sidoo kale waxay door  ka tahay inaay ka hortagto cidkasta oo dhexdooda samo & Wanaag ku dhex kori lahaa, qofka xaasidnimadu biyo dhigto  xididkiisa, wuxuu isku dayaa inuuu nacaayb ku kala abuuro dhexda dadka is-jecel, isagoo isuu arkaya inuu yahay cida ku khasaaraysaa hadii la heshiiyo, sidoo kale uu guul daro la kulmaayo, mar hadii Shaqadiisu xaasidnimo noqotay,  waayo xaasidku wuxuu ka dhex fa’iidaa inta laays-hayo, weliba laaysu hayo, qabyaalad, & qudhunkale, hadiise la heshiiyo waxaa la garanayaa Xaqqa, & halka xumaantu kasoo burqatay,  ku darsoo Yuhuuddu waxaay diinta Islaamka kaga horyimaadeen waa inaay xaasidaan, waase yaqaan inaay tahay diinta Xaqqa ah ama ugu dambaaysay diimaha Alle, sababtuna waxaay tahay  Nabi Mohamed NNKHA oo kasoo jeeday Carab, Cabdilaahi Binu Salool oo ahaa Munaafaq waayn, sababta ku keliftay waxaay ahaayd xaasidnimo xiljacaayl,  qudhunka  sixirka maxaa dadka ku kelifaa? waa xaasidnimo, hadaba heerkaas sare ee laga gaadho Xumaha Xaasidnimada, waxaay ka bilaabantaa meela hoose.

Ma leedahay  astaamahan?
  • Ma tahay qofka xumaaada guulaha dadka kale?
  • Ma tahay qof uurku qaad badan, oo aan waxba ilaabin?
  • Ma tahay qof dadka aad u xanta marka laga maqanyahay?
  • Ma tahay qof jecel in aad isaga loo amaano?
  • Ma tahay qof dadka isku diraa, adoo ka baqayaa in dadku heshiiyaan?
  • Ma u malaynaysaa in qabyaaladi kugu jirto, amd qofjecaayl?
  • Ma tahay qof warbadan oo aan waxba qarin?
  • Ma raadisaa inaay kooxo sameeysato, si kuwo kale loo bahdilo?
  • Ma filasyaa inaad tahay qof dantiisa oo kali ah jecel?
  • Ma tahay qof dhaliisha dadka soo bandhiga?
  • Dadka wax kula qabtaa libintooda ma qarisaa, adiguna ma ku faantaa??
Hadaad astaamahaas iku aragto ku dadaal, inaad is daweeyse adoo raacayaa qodobadan

      Inaad habeenkii markaad seexaanayso dadka cafido
      Inaad ogaatid guusha & guul darada labada Alle keeno
      Inaad ogaatid risaaqad, magaca, Alle keeno qofkuu doonana siiyo
      Inaad ogaatid Bani’aadmak qaar ka karti yo qaar ka liitaba aay jiraan, sidoo kale kuwa ka sareeyaa ku dayato, kuwa ka liitana aad ku cibro qaadatid.
      Ogoow waxaad shaqaaysato o kali ah ayaad leedahay
      Fahan in dadka gacal iyo wanaag wax laaysugu yahay
      Iskud ay inaad garato in dadku manta kuu baahanyihiin, berina adigu u baahantahay.
      Isku day inaad naftaad oo kali ah daahiriso marka hore marka dambena dadka wanaag u farto
      Ogoow hadaad cid ceebteeda ku fooganatahay adigana cid kale cebtaada faafinaayso, markaa dhoowr galdaloolyada qofka kale.
      Fahan Aakhiro waxad dadka ka gasho in aan lagaa dhaafaaayn
Hadaba buruburka aay xaasidnimadu keento waxaa ka mid ah in dadka Islaamka ah aay si necbaaysto, kalana fogaayso, sidoo kale aay dabar gooyso xididada wanaaga iyo kuwa soo jireenak ah sidaad u fahanto qof xaasid ah waay adagtahaya, waayo isaga ayaa dadka hadalka uwanaajiya,  marka uu ka tagano xumaantaada runta ah & midaan jirinba kaaa faafiya,  waxaase wejigiisa dulsaaran mugdi iyo lacnad.

Hassan A Shire

Dan Usocod & Dad lasocod?

W/Q: Hassan A Shire: 
Dadka waxaa ugu  ayaan daran, qofka nolosha u yaqaan dantiisa, & Baahidiisa, waxaa yaab badan qofka marka uu faqrigu nafeed hadheeyo oo aanu aqoon in Alle wax bixiyo waxaa indhaha loo saaro baahi maguuraan ah, dhaqankiisu waxaa uu noqdaa in meeshii talaabo loo qaadoo, hadafkiisu yahay wax ka fa’iid ee aanu aqoonba wax u fa’iideey, ka uu  baraanayo waxa u geenaysaa baahi inuu u  barto, kan uu la saxiibayona baahi ula saxiibo,  isagoo aaminsan in uu baahi ka daboolaayo, Alle ayaa wax bixshee, kan uu amaanayo Dan nololeed ayaa kaga  xidhantahay, waxaase seegtay dadnimadii dad la socodka lahaayd, hadiise handtidaadii ma guuraanka ahaayd ee lahaayd ee ka-koobnaay sharaf, wax sheeg, hogaamin, hibeeyn, hal’abuur, karti, intuba lagaa indho-saabay, oo halyeey sharaftaadu nqotay lacag raadis ama (Mood & Maalba ), ma xuma hadiise aay meelkasta kaa gasho waa goblanimo aduunyo & haloow hiimsa-hiimse, waxaadna ka haajirtay xishoodkii, xurmaayntii Aadmaha, iska daayoo waxaad xaqiiraysaa karaamadii Alle umada Nabi Aadan ku karaameeyay, waxaana hogaan ku ah Shaydaan, bal eega hankaas khasaaray., dadkan & Khalqigan ka saboolka ah, iyo ka wax haaysta qaayb muhiim ah ayaay bulshada ugu jiraan, waana Khaliifadii caalmakan., waayo caalamkan shaydaan ma hogaamiyo oo awoodeedii malaha, jina maaha horkace, ee waxaa masuuliyadiisa leh Insaanka.
Dadnimada iyo darenka dad la socod intaas aan kor kusoo xusnay waay ka balaadhan yahay, waxtarka Aadamahana waxaa ugu manaafacad badan qofka yaqaana, hadyada ugu wanaagsani inaay tahay in waano laguu sheego, dhaxal ka sareeyaana ma jiro, qofka qaaliga ahna maaha kan maal aduunyo raadiska ah, ee waa ka wanag raadiska ah, dhaqan raadiska ah, afkaartiisuna aay tahay mid aay ku jirto arin sare (Himmu Caaliya), ku darso waxaa amaan noqotay qof xoolo umadeed dhacayaa in la yiraahdo intuu halkaas joogay waxbuu ka qabsaday, goormaay xaraani, xalaal amaan leh noqotay, ama sharaf isu bedeshay tuuganimo, soow maaha maalkan dhamaanayaa ayaa keensaday, qaar xoolo raadis indho tiray, inaay amaanaan, qofkaas amaan geed lasoo fadhiistay,  waa inta taqaana aduunyo in loo keenay inaay lacag ka ururusadaan, ee aan aqoon in aduunyo saacadaay doonto dhamaan karto, adna aad dhiman karto, waxaau ilaabeen in Aakhiro tahay tan aan lagasoo noqonaayn, ee aan lahaayn tacab danbe, waxkasta waa qoraal, waana la falayaa Alle waa yaqaan dadkiisa aan wanaagsanaayn, uga muxsiniinta ahna waxaa uu balan qaaday inaanu dayici doonin camalkooda suuban.
waa hubaal qofkasta waxaa uu sitaa muraayad uu dadka ku qiimeeyo, hadiise u qiimeeyntaadu ku jaan go’antahay aduunyo, ama maal, waxaay dadka badankoodu kula noqanayaan dad aan wanagsanaayn, sababtoo ah dadkeenu sabool ayay u badan yihiin, hadiise aad ku eegto isha wanaga , waxsheega, waxaa kusoo baxayaa qiimayaal kale oo badan, waxaa fikir dheeraad ah, qofka hadii hankiisa iyo himiladiisu noqoto maanta xageebaad ku noolaan, maxaad ku noolaan? waxaad la mid noqonaysaa sidii qof isagu risaaqada sameeysta, tacabka waa loo baahanyahay, waxaase jira arimo badan oo u baahan in tacabka intaas le’eg ee fikir la galiyo, hadiise baahi ku dhalan rogto marka danbe xoolaha dadkaad dhacaysaaa, ama waaad xadaysaa, sidoo kale hadaad maslaxaad ka gasho & amaan ku socota qof aad maalintaad u baahantahay, waxaay keenaysaa in dib lagaaga gaashaanto, oo lagugu barto dan usocod, ogsoonoow adiga ayaa xumaanta ku beeranayaa qofka kale, ileeyn hadii aad dan uun tusto isna waay ku abuurmi laxejecladu, waayo wuu noolyahay.
waxaa wanaag u sugnaayd qofka hankiisu yahay walaaltinimo iyo midaayn dadka islaamka ah, waxaa uu helaayo badbaado aakhiro, iyo mid aduunyo, risaaqad waxaay ku xidhan tahay hadba sidaad ugu tacabto wanaaga diinta iyo midaaynta islaamka, Kitaabkeena xaniifka ahi inuu dhoowr jeer ka hadlay Risaaqadda, & wadada loo maraayo,  kuma lihi ha shaqaayn ee waxaan ku leeyahy ha u nqon gumeeyste baahi ka xoroobayaa ee waxaad isku daydaa inaad noqoto xoreeye kumanan baahi adoonsatay hoos jooga ama hadhsanaaya, iskaashiga afkaarta wanaagsan, ayaa keena wax soosaarka tacab, halaga xoreebo gumeeystaha baahiyeed ee aan dadkeena siisanay, tusaale, qof ayaa maalinta uu dan ka  leeyahay wanaag ku tusayaa, maalinta aay u dhamaatana xumaan kugu martigalinayaa, qofka wanaagsan ee samaha ka fikira marka wax looga baahdo uma fikiraayo qofkani waa dan u socod waxaase uu arkaa inuu yahay qaayb ka mid ah waxyaabaha la isku taakuleeyo, dadka qaar waa kula saxiib mararka qaarkood, markalena waa   ka fogyahay hadba danjirta awgeed ayuu go’aan ku qaadanayaa,  aduunyo waa hadhka labadiisa galin mid waa khasaaara, midkalena waa fa’iidaa, dhanka kale dadka qaar kuu biiraay siroodanda caalamka oo la adeegsanaayo wadankooda, waxa u geenaya waa baahi,  waxaa hubaal ah dadka muslimka ahoow waxaa diinta lagugu soo gaadhsiiyay timir jeexeed, adna maanta sadexda waqti waad daboolaaysaa, kuma lihi ha ka kordhin dhaqaalahaaga intaas, ee waxaan ku leeyahay hadaad waaydo dhaqaale kugu filan, ha noqon gumeeyste dan baahiyeedu cararaaya, ee waxaad noqotaa difaacee sharaftiisa, dadka wanaag ayaa ku badan, fikirka & talada ayaa ku badan, waase sabool badan yihiin hadii dhankaas laga eego, ee hana noqon qof dhaqdhaqaaqa dhaqaale eegta, Sida aad mararka qaarkood ka daawato mooshin siyaasadeed oo ka dhex socda qaar ka mid siyaasiyiinta qoomiyada somaalida, markaas oo waxa ugu xoogan ee la adeegsadaa  aay noqdaan dhaqaale raadis, si gaar ah cid uma sheegaayoo, lakiin guud ahaan Dadka Somaalida la dhaho oo dhan.

Saddex-Jeer Xaqmudan.

                       Waxaa qofkasta oo calamka kunooli saaran waajibaad diimeed & dhaqan oo uu bulshada ku dhex joogo,  markasta  diinteena Islaamku oo ah Diinta kaliya ee maanta waajib ah in la raacoo, ayaa cidkasta aay siiyay xaq & xuquuq u gaara si loo helo kal danbayn & is ixitiraam.
Sadex jeer xaq mudan oo ah qofka kaliya ee ugu xaqa badan dadka waxaa mutaaysatay Hooyada, waa qofka kali ah, ee ku mara nolasha jiritaankeeda dhibaatooyin faro badan, sidoo kale gaadhista inaay keento aduunka Awlaad saalixa, & ubad hogaan ah, oo meteli kara Khaliifada aduunkan, dhib aan laxadaayn karin ayaa la kulma, waxaase markasta la gudboon samir Rabbani ah.
Marka aay Hooyaduu aduunka timaadoo waxaay ku ababtaa, culaays saran. Inta aanay gadhin toban jir ayaa loo barbaariyaa inaay la-xil wareegto maamulka qaayb ka mid ah guriga si loo guto shaqada  muruq maalka ee guriga ka jirtaa, Halka dhigeeda aay ku dhasheen isku sed(wiilka) u taagan yahay in isaguun la-ilaashoo,  xoryahay samaynta waxyaabo ceeb, hadii uu sameeyn lahaayd ruuxii dumarka ah mashkilad ku keeni kara, halka wiilka aanay ku cuslaayn, Gabadhii hadii ay ku dhaqaaqdo hawl gab ama tamaryaraan ceeb ku tahay, canaan & Caloolyoow la badaayo,  sida wax qabad la'aanta oo lagu canaato dhanka hablaha, wiilasha hankaasiba muu galin, garaadkooda yar waqtigaa barbaarta awgiis.
 Waxaa hubaal ah inaay dhacdo in badan inaay goobihii wax barasho la tagaysoo inankii si siman,  oo aay isu raacayaan iyadoo haawl karnimadii guriga aay u dheeraayd, waxaa sidoo kale  u hogaansantahay inaay talaabo kasta oo aay qaadaysoo aay u dhoowrsanaanto, ilaashatoo sharafteeda & barbaartii quruxda badnayd ee aay Hooyadeed kusoo barbaarisay fulisana talooyinkii wax ku oolka ahaa ee kaga yimi walidkeed,  waana marag ma doonto inaay si fiican u xuasuusantahay afkaarta aay guriga kala yimaadaan hadii lasoo siiisayay.
 Halka inanku uu ku kacayoo waxyaabo ka baxsan awoodihiisa cidna aanay khalad u arkaayn fuliyana awoodo xadgudub oo ceeb ku ah inanta si khasab ah, lagana yaaboo inuu inanata u gaaysto sharaf dari aanay gacmaheeda ku keensan sida kufsi, caay, xan beena oo ilaahayba ka mid dhigay todoba aan la dhaafin,  kadaray qofka gabadh wanagsan sharafteeda, sida been abuurasho, waxyaabahaas oo dhaca iyadoon loo war haayn dhanka inanta, waxaay kaliftaa in Alle lacnad dabada u qabto, dadkuna waxaay caaydaas oo dhan dusha ka saaraan inanta iyadoonse loo eegin dhibta cidda geeeysatay, waxaa intaas u dheer hadii gabadh la kufsado in ninkii kufsaday dusha laga saaro, oo loo guuriyo,
Marka aay inantii aay gadhoo heerkii qaangaadhnimo  ayaa loo diyaariyaa inaay hanankarto guri aay iyadu leedahay taasoo waxa ugu badan ee loo sheegaa aay tahay awood masuuliyadeed & culaays faro badan oo ka danbeeya, sidoo kale ilaalinta sharafta reerka aay kasoo jeedo, halka dhigeeda inanka loo barbaar& inuu Xeelad-tagyahay. loo sheego inuu sanadkan guursadoo madaama uu doob noqday( marka aan turjuno doob ahaan micnaheedo waxa weyee inuu inanku u baahan yahay Gabadh, lagu xushay farsamooyin badan, “isaga yaa xushay oo dhinacyo badan u eegay?” “inanta waxaa loo  sheegaa inaay hesho guri wanaagsan) Waxaana lagu dhiiri galiyaa inuu heloo inan gaari ah qurux badan, reer fiican kasoo jeeda, lagama yaabo in isaga intaas laga eego, taaso oo keenta in gabadhu aanay ahayn qof iyada lagu dhiiri gal& nolol farxad badan  oo kor loogu qaado helitaanka marba marka ka danbeeysa nolol sii adkaanaysaa.
Marka inantu aay guursato waxaa bilaawda nolo wada nolaanshiyo ah, oo u baahan cadaalad faro badan is daryeeel ku jiro gudasho waajibaad kal duwan  oo kala saaran  ninka & inanta sida aay diinteenu sheegtay,  taasi lakiin waxaay isu rogtaa in Hooyadii aay marto markaas rafaad dhib badan oo laga yaaboo inaay maaamushoo gurigii iyadoon haaysan caruur, ama kaaliyaal kale oo markaas iyagu ka fudud culaays ahaan & caafimaad ahaanba, sidoo kale kaga nasato shaqadii guriga maalmo guduhood,  marka aay hooyadii uur qaado waxa si cadiyana isu bedelayaa habkeedii caafimaad oo aay sabab u tahay hab nololeedkan kusoo kordhay xaaladeedii & halka aay ku sugan, guurkan soo kordhay & keenis Awlaad saalaxa si umada nabi maxamed u korodho & fulintii dardaaranka rasuulka ee ahaa guur sada oo guurka badiyaa si umada nabi maxamed oo badato. halka dhigeedu ninku uu ku sugan yahay markaas nolol caafimaad badan, markuu doono canaan dabada u qabanayo, waliba laga yaaboo inuu raad& degaananshiyihii hore & farxad wadaagii lamaanaha ee uu lasoo qabsaday, waxaa dhanka kale ka dhacdaa xaaladaha kala duwan ee durufeed e markaas guriga dhex yaalaa in aanay Hooyadu dareemin hadii aay hesho xasilooni faro badan hab dhaqanka suuban, halka shaqadii cuslaayd weli sii jirto.
Marka la gaadhoo herka Hooyaduu aay ka baxdoo xaaladii caafimaad ee dhibta faraha badan ku hayay ee aay ka ladnaatoo nolishii dhibta & rafaadka badanayd hooyadoo waxaay korisii Ilmihii aay kusoo martay haawsha badnaayd iyadoo Aabuhu aanuu ogaayn waxa uu ku sugan yahay, waxaa markaas  Hooyadu ku farax sanyahay hawshaas aay ku qabto ilmaheeda, umase aha karaahiyo.
Marka uu ilmuhu koroo ma  garan karo haduu caqligiisu xunyahay waxaa uu kusoo koray, hadii kale waa uu dareemi karaa sida loo so barbaariyay & marxalada uu soo maray haduu saalix yahay, wxaan uga socdaa waxa laga yaabaa hooyadii aduunka keentay inuu dib u caas& oo maqli waayo, waa hubaal dhib kale qaarkood inaay dheeraaysiiyaan ama dhadhansiiyaan mararka qaarkood iyadoon geyin.
Dhamaan marxaladahaas adag ee Hooyadu marto nolosheeda, waxaa lagu gunaanadaa ama godka la geeyaa iyadoo guul ka gaadhay, Allena ha u naxariisto Hoyooyinka Muslimka ah, ee dhabar adaaygaas dunida nagusoo gaadhsiiyay.
Arinka ugu danbeeyaa waxa weeyaan hooyada dhibtaa in taas le'eg soo martay  waxaa laga yaabaa raga qaarkood inaay la ficiltamaan, markaay xaaska u tahay, ula dhaqmaan sidii qof ku sugan heerkooda oo kale , Hooyadu ma gaydoo in la xumeeyoo ninka aay xaaska u tahayna maaha qofka dhibtaas ku qaba inuu ugu abaalgudoo xaalad ka baxsan xaqqa Diinta suuban siisay, aduunyada duruufaha lagama tagoo Hooyaduna ma hiloowsana xaalka lagu jiroo ee wada-tashi & is xaal ogaaysiin, isdaryeel kala danbayn ayaa lagu midho dhaliyaa, xintanku ragga waa ka xaaraan, dulqaadkuna waa astaamo lagu garto kartida raganimda, dulucda maqaalkaaygan waxa weeyaan yaan hooyada  yaan abaal looga dhigin waxaaynay geeysan'.
Hassan A Shire

Wednesday, April 15, 2015

Fiiro Gaar ah.


Cilmiga diiniga ah ee dadka Islaamku haasytaan & Kitaabka Qur’aanka ah, Qofkii si wanaagsan u barataa waxaa uu ka aqoon badanayahay cidkasta oo si gaar ah waxa usoo barataa. Daaweeynta Qur’aanka & Suneheenii Suubanaa NNKHA waxaay ka qiimo badan tahay sida midhadh kiinan ah wax loogu daaweeyoo dhakhaatiirtu, waana dareensanahay badankeenu inaan aminsanahay in xanuunka jidhka laga daweeyoo, waxaase kasii qiimo badan in salka & ruuxiyada laga daweeyoo, Qur’aanka Alle waxaa u a ku yiri “waxaanu Qur’aanka usoo dejinay inaad isku daweeysan “ Suuratu-Isra. Ku darsoo nafkasta waxaa la kulmaa waxaay kasbatay hadaay xanuun tahay ama si kaleba haw-haleeshee Alle ayaa yiri “ waxkasta oo idiin asiiba idinka ayaa kasbaday” Suurato Shura.
Dhanka kale in Culumada Islaamka & dadka Rasuulkeenii suubaanaa u dhaxal ahaan uga tegay diinteena hagiisteeda & hogaaimnteeda kuwaasoo inaga mudan qiimeeyn & Qadarin gaar ah, waa layaab in bedelkiisii uga dhigno dhaleeceeyn & in maalinkatsa lagu gefaa, miyaanay ceeb inagu ahayn inaan gabnay doorkeenii aan ku lahaayn diinteena suuban inaan kaga qaayb qaadano, waxaase layaab leh hadaaynu hadal u rogno arinaksta iyadoo ficil loo baahan yahay.
Rasuulkeenaa NNKHA waqtigiisii isagaa ayaa dadka xanuunka ka daweeyn jiray, qaarkood qur’aanka ayuu u sheegi jiray inaay isku akhriyaan, qaarkale dhir & geedad ayuu u sheegi jiray , Dhirtaas Rasuulkeeni suubanaa NNKHA inoo sheegay waxaa ka mid ah Xabaaasuuda, Malabka, Hundu Siinaa, Toonta, Timirta. Walaalahaay Islaamkoow Adaa marag madoonto markhaati ka noqon doonee soo baadh oo eeg manta inta dawo laga sameeyo dhirtaas Qarnigaa Rasuulkeena Mohamed NNKHA dadka ku daweeyn jiray amase dawoba ku sheegay . hadaba waxaa ayaan daro ah, inaayni isu haaysano Cabqariyeen inagoo gabnay doorkeenii, culimadii wadayna la dhaleeceeyo ama loogu yeedho aflagaado, kelmadaha lagu caayayona aay ka mid yihiin: Gadh-dheere, Boodyo gab, & qaar kaloo badan, Shacaairta Islaamka hadaad aflagaadaayso miyaanad galin awaamiir Alle?. Dadka Islaamka ahoow ma ladareensanyahay in Alle xanuunka keeno oo dhakhtarka laftigiisa uu ku dhici karo, Islamarkaana aay dhici karto inaanu iska daaweeyn Karin, mararka qaarkoodna uu tago Culimada kana daaweeyaan, maxaa diiday in Alle kitaabkiisa lagu daweeyo, Waayo? Alle isaga ayaa xanuunka keenee?. Waa jawaab furan.
Ugu dambaayntii Dhoowrsanaanta qofku waxaay ku xidhantahay inaad ka faalooto oo kali ah intii cilmigaagu joogo, hadiise aay kaa noqoto waxkasta dhaleeceey waa gef aad ku sameeynayso naftaada, waayo waxaanay cilmi u lahaayn ayaad ku eriday.


Hassan A Shire