Maamul Goboleedyada Somaalida: Boob
Qabiil, Burbur Qaran, & Badheed Hub ururusi marlabaad.
W/Q: Hassan A Shire
·
Dhulgariirka waa laga baqaa, waayo soo dhaxaye
·
La dhex joogi mayoo arlada, dheelmashow qorane
·
Qofba wuxuu dhigtaa baa u yaal, dhiilka aakhiro
·
Ninkii dhiiri sheegtow is furo waa dhanaan tahay “Hadraawi”
Somaalida tan iyo
mudadii aay dawladdii dhexe waayeen waxaa ka dhex taagnaa dagaalo sokeeye,
kuwaas oo maray xaddi kasta oo dhiig daadin, aakhirkiina ku kala firdhiyay
daafaha caalamak, sidoo kale horseeday in dadkii uu kala jajabaan qaabiilo, ku
qiimeeysan adhax ka jab tariikheed, burbur colaadeed, hirgaliyay in cidkasta oo
dalkan muaraad kaleh si fudud kusoo gasho.
Waqtigan, Somaalidu
waxaay qaaday dariiqii ugu aayahay xumaa, hadaan degdeg wax looga qaban, colaad aakhirka keeni karta inaay ka dhacdo
aano ma guuraan ah, waxaa la sadaalin karaa inaay u kala jajabaan in ka baan
sagaal maamul, taasoo saansaankeedu muujinayaan labadan qodob.
1. Maamul goboleedyada sameeysmaya ee faraha badan ,
iskoodna isu xilqaamayaa waxaay keenayaan in aakhirka cidaksata raadiso ka
madaxbanaani Dawaalda federaalka ah, ee aan lahaayn awooda xoogan, sidoo kale
tageeraan wadamadda jaarka ah, oo markii
ay doonaan go’I karaan, sidoo kale marka maamul la sameeyo aan cidna ka amar
qaadan o isagu is abaabula, waxaay keeni karaan inaay hub urursadaan iyagoo xaq
u leh, sida dastuurku sheegaayo, maamualadaasi kama amar qaataan dawlada dhexe
sidaa, kuwa dhowaan samaaysmay, Jubbaland, Maamulka koonfur galbeeda ee lixda
gobol, Banaadir laan, iyo qaar kale oo sameeysmay intii doowladda federaalka ee Somaaliya aay jirtay, qarkood
colaad ayaa k dhexmuuqataa, waxaa ku jiraa badhkood caadifad ayaa lagu abuuray,
iyo aargoosi, waxaayna garabka saarayaan wadamadda qaarkood, maamuladaasi
waxaay ku dhisan yihiin axdigan.
A. Qabiilnimo: rerkasta oo Somalaiyaad waxa uu
danaaynayaa isagoo dastuurka ka faiideeysanayaa inuu dhisto maamul u gaar ah,
sameeystona hub u gaar ah, si uu aakhirka isaga celiyo qabiilada dhibtu
dhextaalay mudadaas, Somaalidu waxaay tiraahdaa
“ waa tii oo laxa qalatay” waa qabyaaladii oo sharci loo helay, wadamona tageerayaan, sidoo kale
qodobka sheegayaa labo gobol iyiii wixii ka badan, waxay keeni kartaa labo reer
oo labo gobol wada dega, in mid(qabiil) damco inuu kuwa kale khasab ku qabsado.
B. Dhulbalaadhsi: Arinka kale ee isaguna reerkasta ku
dadaalaya waxa weeyaan in dhul uu ku sameeysto maamulka kana faiideeysto qabiilada
kale oo hurda, kuwii hurdayna aay soo baraarugaan, waxaa taas markhaati ka ah,
arinak u dhexeeya Jubbalaan, iyo maamulka koonfur galbeed ee lixda gobol
2. Qodobka labaad ee keeni karaa buruburka waxaa ka
mid ah Daawladaha jaarka ah oo intooda badan tageerayaa maamulada ka
sameeysmayaa gobaladaas, iyagoon aan kala tashanaayn daawlada somaaliya, waxaay
aakhirka keeni kartaa marka khilaf ka dhex dhaco Dawalda Somaaliya ee
federaalka iyo wadamada jaarkooda, inaay hordseeddo in la abaabulo goosadka maamuladaas, lana hubeeyo, waa gobaad laga wiiqi karo Dawalda Federaalka ah ee Somaaliya,
wana dulin dhiiga lagaga jiqi karo, waa ardaa aay dugsadaan cidkasta oo dan gaar ah ka lehi, dawladda Somalaiya waxaay u ku khasbantahay inaay hogaaansanaato
awaamiirtooda iyo doonistooda xidhiidhka labadaas dal, kuu doono ha ahaado,
iyagoo kaga fa’iideeysanayaa cabirkooda hiigsi, una soo marayaa sdia caadada
ahaayd siyaasadda Arimaha dibadda ee labada dal ama sadexdaas dalba, hadaba
waxaa is waaydiin leh wadamada jaarka ah & Somaaliya maxay tahay siyaadda
arimah dibadda ee dhex mari kartaa.
Siyaasadda Arimaha Dibadda:
Wadama jaarka ahi wxaay midkasta uu xeerinaya dantiisa gaarka
ah inuu ku saleeyo siyaasadda arimaha dibadda, kana soo hooyo fa’iido
shacabkiisu uu khushuuco, sidoo kale rergalbeedku fahmi karaan, oo danta aay ku
guuleeysataan wadamadaas jaarka ahi, waxay si xoojinaysaa wadamada rergalbeedku
taay guusha kaga gaadhaan. Gudaha geeska Afrika, Somaaliya maaha wadan aay ka
jirto dhisnaan dhaqaale, mid ciidan iyo mid amni, waxa uu kusoo korhdin karaa
geeska way yartahay, waxaase jiraa, doonis wadamada kale oo ah dhul baladhsi,
khayraadka balaadhan ee badeed ee anay lahaayn wadamadaasi, waa dhab in hunguri
kaga jiro wadamadaas, waxyaabahaas dabiiciga, ah, sidoo kale wadamadaas waxaa
korayaa dadka ku nool jaarka, markaay kordhaana u baahan shaqo, dhaqaale, dhul
ku filan, ku darsoo wadamadaas dadka ku noli waay-kakarti badanyihiin marka loo
eego dadka Somaalida ah, dhinacyada beerashada, & wax soo saarka kale ee
dhulka.
Gebogebadii maamul goboleedyada kordhayaa ee Somaaliya waxaay
dhaxalsiinaysaa xaalad dhib badan oo suurto gal tahay arin sameeyn xoogan ku
yeesha qoomiyada Somaalida ah, hadii aan wax laga qaban maamul goboleedyada ku
sameeysmayaa hab qabiil, sababi karta aano ma guraan, ah, hadaan Dawladda
somaaliya gacan u qaadan, waxaay sameeyn doontaa mustaqbalka dambe in dhulkan
somalida la qabsado, sidoo kale aay sameeysmaan in ka badan labaatan
maamulgoboleed, oo ka’amar qaata meelo kala duwan, sida Somaaldia taala
wadamada jaarka ah, ee hoos joogaa wadamadaas lagu darayo lixdankii ka bacdi,
waxaa suurto gal in wadamada qaarkood aay aaminsanyihiin in dhulka somaalidu
degto lahaayeen, oo la yiraahdo gumeeystihii ayaa uu kala jarjaray qaaybo, raaciyayna Somaaliya . Sida
Kenya oo aaminsan in jubooyinka ingiriiskii dagaalkii koowaad abaalmarin u
siiyay Talyaaniga, hanka waddan dhisan ogoow ma baaba’o ee waxaa dhamaada damaca
wadanka burbura, Baahane markasta waxkasta wuu sameeyaa, waxaase dadaal faro
badan u baahan in laga baxo dib isu urursiga qabiilnimo, ee aay ku jirto ciil
iyo murugo reernimo, sidoo kale cadoowga inta uu
umuuqdo, walaakaa aad wadaagtaan, isir,
dhaqan, luuqad, iyo diin, wanaag &
guuli kaa fog, cadoowna kugu dhoow.
Tallada & Tawfiiqda Alle aha ina garansiiyo.
No comments:
Post a Comment