Isma
Ogidee Qalbigaad ka tahriiibtay
Hadaad aaddo suuqa adoo raadinayaa inaad wax soo
iibsato, dadku waxaay kugu baayacaan lacag $Doolar ah, Qofka meherada hasytaa
waxaa uu aad u xeeriyaa lacagta Maraaykanka, hadii in yar uu yara jactado
lacagta doolarka ah waa lagugu soo celinayaa,sidoo kale hadii qofku kuugu
sheego lacagta wadanka, ka iibsanayaa ayaan sugayaa ama si cadho leh u oranayaa
Odey “intaay dolar ka noqoansyaa”, si
aan ka dhicin bulshooyiin ka kale ayaan u ixtiraamnaa lacagtaas, oo ka qiimo badan
ta aaynu leenahay, Wadanki samaaystay inaga ayaa uga ilaalin badan marka la
eego xaga dhoowrsita, ilaa heer kaawiaydiisu inaanay is bedelin ama liid jilaac
hadii u sameeyo aan ku celino, qofka shaqeeya hadaanu Doolar qaadan ama aanu
mushaharkiisa kuugu sheegin laccagtaas qalaad, tan wadanka qofka qaataa waxa uu
ku oranayaa xooga yar oo lacagtaas ah ayaan qaataa “niyad jab iyo ceeb isaga oo
u arkayaa”, hadiise in u dhiganta oo doolar ah lasiinlahaa wuu ku faani lahaa
Dhanka kale markaad eegto waxaad arkaysaa Shaqooyinka
marka lasoo xayaaysiiyo waxaa ugu horeeyaa inuu qofku yaqaano luuqada
Afka-Ingriisidda, halka luuqadii hooyo aan lagusoo darin muhiimadda
koowaad, dadku ama dhalintu waay ku
faantaa hebel si wanaagsan ayuu u yaqaana luuqadaas, halka Somaaliga & Carabigii
oo dhaqan ahaan kasoo jeedno laga dul guuray, amase aay caay noqatay.” Fiiro
gaaf ah, Hadaad Wasaarad aragto shaqo wadda waxaad ku arakysaa inaay luuqaddu
tahay ingiriisiga ama fadhiga imtixaanka iyada ayaa lagaga qaadaya, war ma
ajaanib ayaa loo sheqeeynayaa, hay’adaha gaarka loo leeyahay & gancsatada
kaleba waa astaan laga wada simanyahay”.
Ugu dambayntii waxaa dadku aad ugu faanaan xoriyadii
laga qaatay Gumaaystihii, waxaase kasii daran
dhibta dhaqan ee uu inagag tagay hadeer, sidoo kale waxa uu hoday
hankeenii, isku kalsoonaantii, wuxuuna horseeday, inaan ka murugoonno ciidda aan ku dhalanay, hala yaabin ka tahriibaay,
99% dadkeenu qalbiga ayaay ka tahriibsanyihiin, dhaqaale ahaan, iyo aqoon
ahaanba.
Dhaqanka labiska isqurxinta, iska yeelyeelka ama u
hadalka shaqsi aan dhaqan kula wadaagin, walaal kula ahaayn, diin ahaan kuu
cadoow ah, hadaad ku dayato waxaad ka tageysaa noloshii caadiga ahaayd, waa
sababta keentay Qofka wanaagsan inaan u aragno doqon, qoraageenu inoogu dhex
dhinto, sidoo kale taariikhda dadki wanaagsanaa u iloowno, waxaayse cidhib xumi
ku keeni doontaa wadaniyadda dadka dhulkan leh oo cid kale la wareegto,
caadifada iyo lab lakaca ku salaaysan reernimadu waa iska dhamaanayaa.
Nolosha kalsoonidu waa muhiim inaad dareent xornimo waa asaaska koowaad, u dhaqan
si degan ka fiirsasho leh, isku haleey qiimahaaga, kana fa’iideeyso karaamada
aad ku dhalatay, Nolshu waa maalmo isku day inaad samaan nolaato, ugu dambeeyntii
Somaalidu waxaay ku maahmaahdaa “ Ninka fuulaa Faras aanu aqoon, wuu gomodaa”-
waxaan uga jeedaa hadaad raacdo dhaqan aanad lahaayn Dabada uunbaa ku
daalaysaa!.
Taladda & Tawfiiqda Alle ha ina garansiiyo.
No comments:
Post a Comment