Saturday, April 19, 2014

Inaad ku Geftaa Cidaan ka Geyin, ama aan Galabsan waa Goblan Talo Aduun

.
“Waa soo gudbin kooban oo ku salaaysan Aragti xaddidan oo si kooban u sawiraysaa muuqaal guud.”
Ku hungoowga duruufta nololeed ma ahaa inaad waqtigaagii dhamaaday waase aragti baanasho u baahan, iyo ka fiirsasho badan, waxaa beryahan dambe soo batay guul darooyinka hogaamineed,kartiyeed, waxqabad, iyo kuwa garasho la’aaneed wax qofkasta ku haboonyahay, midaad shalay si fiican u taqaanay oo aad u arkaysay nuur soo iftiimay ayaa waagan dambe arkasya isagoo laftigiisi rajo go’ay, tiraabta niyad jabka ayuu kugu casumayaa, mid shalay aaminsanaa inuu yahay maayd waqtigiisii dhamaaday oo dhuku ku dul lugaaynayay isagoo is-dhiibay, markaad la hadashonaa ku lahaa waxba ma dhexyaalaan ayaa warkale saaka ku sidaa.Maahmaah Somaliyeed ayaa tiraahdaa( hadaad dahab leedahay armaay beri daasaddo ka noqdaan) qiimeeynta qofka halka u taagan yahay iyo waxa uu ku fiican yahay waa arin aad ugu adag dadka waana falsad ku jaan go’an xaqiiqda Aadmaha (Weji siinta inaad asiibto dhabta nolosha iyo halkaad u nooshahay waay ku adagtahay noole kasta oo dhaq-
dhaqaaya, waayo adkaaysi faro badan ayaay u baahan tahay) (Alle waxa uu yiri waxaanu idinka dhignay khaliifo dhulkan,) hayeeshee intii sameeysay ee ku guualsatay waxaay muujiyeen dhabar adaayg faro badan(Raxmaankuna ha wanaajiyee). Waxaa aad u soo batay inta dadka qiimeeysa, rogorota, waa darajo cusub oo kumanaan qof ah mararka qarkood xambersan yihiin,maba se xumee miyaanay ka haboonaayn in horta adigu qiime isa saarto oo ku dalacdo maxsuulka kuusoo baxa halkaasna darajo ka qaadato intaan bani aadamku ku siin, wanaaga dad faro badan ku jiraa ee aanay muujin, waa tusaale fiican oo aay u baahi qabaan inaay ku daydaan qof in fudud ku cuslaatay.
Xulashadda qofka aad la saxiibaayso oo u baahan eegmo gaar ah(diinteeni saxiibka xun raacistiisa waay fogaaysay, kan wanaagsani dabcan waa rafiiqis wanaagsan, Nabigeena waxaa saixiibkiisa kowaad ahaa Abubakar) hadayse aay ku jirto inaad isku dan ahaataan oo kali ah go’aanak qofku isaga ayaa xaq u leh, waana muhiim inaad ogaato jritaankaaga dan u socod, kamana firsanayso inaad dareento inaay masuuliyad ka saaran-tahay mid fiican iyo kan xunba waxu u sheegooda, Allena u waaydiiso tubta toosan.
hanka nolosha ee ku xidhan inaad waxaad cunto raadiso, oo baahidu ka tunwaaynaato, iyo hogaaminta ku dhalanaysaa maalinta xil laguu dhiibo wax ka qabso, abuurista qalalaase ee ku salaysan markaad fursad hesho sidii in jeel lagugu hayay, kobcinta
dookhaaga ee ku jaan go’an duruufta kugu xeran aadoon sadaalin maxaa iman kara, shalay hadaad cuslaayd manta maxaa ku fududeeyay, garaashada ammaneeed ee kuslaaysan reerkaaga sidaad ku tahay iyo darajada aad ka sugaayso inaad ka hesho amaan dad hayb ahaan aaydan kala fogaayn, markaay adkaato inaad talaabo horumerleh u qaado danta camka ah iyadoo aay dar ilaahay kaa tahay, kuna nayaayirto si aad ugu guulaaysato inaad riixdo tan kuu gaarka ah, dhamaan duruufahaas waa astaamaha aay ku caano maalin doonaan kumaan dhalinyaro somaali ah oo kacaami doontaa ilaa iyo intii u dhexeeysay 1990- ilaa manta oo lagu ababiyay waxaase dheer ololka ka baxayaa calooshooda.
Hadaba xulashada halkaad ku rafiiqasyaa maaha daawooynta waxaa dantaada ah o kali ah, hadiise aay dhacdo inaad ku koobnaato doonsitaada kali ah, oo aay ku cusleeyso dantaadu, kuuna xidho reeryo cufan, wa inaad faraha ka qaada danta caamka ah, oo aanad ka hadlin durufaha kugu xeeran ilaayn kuma jaan go’nid xamilka baahida dadka, adoo ku eegayaa fikir xalaal ah, waxaase hubaal ah in hoojin if iyo aakhiraba aay sal u tahay markaad si khaldan uga garnaqdo wax dan u ah, Agoon, birimagaadyo, mid kaa baahi liita, horena u dulmanaa oo hadii cirka gacmaha u taago laga aqbalaayo, waxaa la yaab leh inaad aamaan ku noqoto waxaanad muddo kusii noolaanayn, siyaasi, ganacsade, aqooyahan, dhalinayro & haween, waxaa laga sinaaday intooda badan in nafaha Aadmaha la cambaareeyo isagoo qof kasta in uun masuuliyad ka saran tahay tisii inuu kobciyo, hadii muruqaagu uu qaadhay mid kiisu in si kooban u yara sheqeeyay maxaad kaga diganasyaa, hadadse e garan waayday inaad dhinacuun nolosha isu qoondeeyso iskaba daayo inaad wax qabatee, aan waxba kuu qorsehesnaayn, oo ad nooshahay nolol ku jirta asaasiga ah, welina aad jar la tahay in afka wax laguug guro ha ahaato shaxaad ama dadka haba ku buliyeenee xooggaa dhameel ah, mase ku waaraysa? maxaad ka xagxaganaysaa mid qoraal bandhig nololeedkiisii ku xardhanyahay(CV) la kalahsan oo in uun damac ku jiro, hadaad garan waaydoo halka aad u sameeysan tahay maxaad u baacsansyaa mid han ka leh nolshiisa, garasho la’aantaadu miyaanay kuu muuqan?, ma kartidaa shaqsi kale ayaa kuu muuqatay??,
Inkastoo wax ka sheegista qof wanaagsan ee uu ku musanaabo ka xumi aay caado tahay soo jireen ah, (Rasuulkeenii Suubaanaa N&NKH waxaa lagu tilmaamay benaale, sixoroole, inuu waalanyahay, IWM, isagoon geyin.) taasi waxaay turjumaad fiican u tahay wax sheegga xumaha iyo fidinta astaamaha dacaayadda ah dadka aay ka yimaadaan in wax ka khaldan-yihiin, halka u ceeb qarinta qofka dhaliishiisa dadk aay ka timaadaa aay yihiin samo talis(Tallo laaysu sheegaa, si anshax leh waa muhiim, waana masuuliyad diineed) .
Tusaale ahaan culimada aduunak ka jirtaa waxaa aay iskaga horyimadeen 2% diinta ayay isku khilaafeen, 98% waa ku heshiis (waxaayna u badan tahay arimaha fidyadda ah) marka mid aaan baran diinta, kuna dhaqmin ama ku liita, haddii uu dhaliil culimada uga dhigo 2% aay isku hayaan meeday isaga masuuliyadisii?, kaba kaalay qof dar ilaahay diinta kuugu waaaniyaa markaad aad ku caaydo kelamdaha aay ka mid yihiin Gadh-dheeree, boowdyo-gaab,
iyo wax la mid ah adigaa maxaad qabatay oo diinta islaamaka ku kordhisay waa su’aaal ifyo aakhiraba ku garabtaalla, marka naftaadii ku lumisay xan iyo ceebaayn oo labadaba Alle ka digay,(Rasuulkeena NNKA waxaa uu yiri walaalkaa waxkasta uu karaahiyaaysto waaa xan)(Mar kale Alle waxaa uu yiri haka hadlinina waxa kuu jiraa qalbiayadda, waxaad xukuntaan waxa ka muuqda dushoodda), mid dadka wax u sheegayaa tisiina ka adkaaday ma geyaa inaad dhaliisho, garashadda masuuliyaddaada ku saarani waa wanaag hadii Alle yaqiinta ku garansiiyo.
Tusaale kale waxaa u ah siyaasiyinta dadka ugua hadalka badan ayaa ugu wax qabad liita waana la yaab in hadalku u turjumaad fiican u yahay masuuliyadda umad xil loogu qaadayo, waayo waxaad arkasya siyaasi la dhaliilayo oo la leeyahay waxba ma qabto maxa u saxafada ula hadli waayay,(Rasuulkeena SCW waxa uu yiri hadalka kiisa yaree, waxtarka leh ayaa ugu khaayr badan) (Somaaliduna waxaay tiraahda hadal yar iyo haawl badan) kan hadalka aad ka u yaqaana maweeladda ah, waxaay turjumaad fician dadku u tahay inuu yahay siyaasi wax ku ool ah,(Afku Xoog-leh) kan hawshiisa watana waxaa lagu tilmamaa inuu yahay qof hawl gab ah, waase iska Gebo-gebo aduunyo oo astaamo badan ayaa iska soo baxay, waxa kale oo iyaguna dadka amaan u noqotay inaay dhahaan hebel waa (munaafaq khatar) ah oo la yab ku ah carabka iyo labada malag e garabkaaga saaran, miyaanay fiicnaayn hadalka in loo meel dayo?, miyaanay xishood dari ahayan in dadka wax xaraan ka ah inaay adiga amaan ku nqoto??, iskusoo duuboo hadii dadkan aadmuhu meel ku filaayn oo aan qofku kasoo bixin halka uu ku fiican yahay am u doonto meel aan ahayn meeshiisii, waa jirtaaye, la raadiyo xumaanta dadka kale, haba lahaadee waayo diinteena suuban waxaay tiri, (isu ceeb qariyaa ilaahay ayaa ku asturi doonaa taada), hadaad ceeb mashqul ku tahay taada mid kaasii liita ayaa mashquul ku ah,
Waxaan idiinkaga tegayaa sheekadan kooban.
Nin oday ah o magaalo degan ayaa damcay inu dadka wax wada qabsadaan markii aay muddo hawshii wadeen ayaa maalintii dambe waxa uu arkay dadki o shir yeeshay, labo-labo qof kasta aay wada hadlayaan markaas ayuu dareemay in dadkii u baray waxaanu hore u aqoon aayse tahay talabo horumar leh, cidkastana aay danteeda ka hadli karto hadeer, mar hadii bulshadii degaankaas shirayaan waxase kaga daran wuu kaliyeeystay, hadalba gam ha ahaadee warse wuu iman, maalintii dambe ayaa waxa uu is waaydiiyay talowo dadku maxaay ka qarsadaan??!, nin oday ah oo aay masaajidka ku wada tukan jireen ayuu waaydiiyay, wuxuuna hadal ugu bilaabay: dadku hadda horumar ayaay la yimaadeen mar hadii isku qarsiga iyo is aaminaaddi badatay, oo dan laga wadahadlaayo ( waa filasho ka timi qalbi xariir ah oo uma uu fikirin xaggii xumaa) Odaygii ayaa jawaab siiyay: dadka way iska wada joogeen hadase waxad bartay inaay shiraan, taasi waxay keentay labo qof o kasta o meel jooga inaay ku xantaan o dhahana lacagta yare e masaajidka lo ururinaayo ayuu cuni doona waayo ? isaga aya qorshaha lahaa masaajidka magaaladu may lahayan(wa dad tuulo ku noolaa oo banaan cariish ku tukan
jiray hadase u wareegay masaajid dhisme e qabyo ah). Marka uu wax wacdiyo ayaa intsa hoosta laasyka eego laga kacaa, inta uu yaabay ayuu magaaladda lacagtii yaraad ku wareejiyay, sidoo kale ka cararay waxaana hadal kusoo gabo-gebeeya Goblan talo aduun.
Markaa inaad dhaliisho waxaanad aqoon u lahaayn, iyo sheegista ceebaayn qof aan u baahnaayn in la caayo, use baahan inaad si qarsoon waxa ugu sheegto adoo u nastaxeeynaya, ama naftaadu ba aay u baahan tahay inaad badbaadiso, hadaad seegto intaasba iloowdana xuquuqdaada inla dhoowr, taasoo ku xidhan inaad tan dadka dhoowrto, waa iska Gobaln Tallo Aduun.
Hassan Abdi Shire
Shire202@gmail.com

No comments:

Post a Comment