Thursday, June 26, 2014

Hadal-Haaynta Khilaafka Sexexda Gobol


Khilaafka ka taagan heshiiska Muqdisho ka dhacay ee ku salaaysan maamul u sameeynta sadexda gobol, waxaa kasoo horjeestay qaar ka mid ah beelaha Somaalida, sidoo kale waxaa saluugay dadka dega Gobolka Baay qaarkood oo hore sumeeystay maamulka lixda gobol, inkastoo aan hore uga qoray  maamul goboleedyada qoraalkan ku jira link-gan  http://degal-nabdoon.blogspot.com/2014/04/maamul-goboleedyada-somaalida-burbur.html  hadana dhibta sii fideeysa waxaay u muuqataa aafo umadeed sidoo kale aanay    xamili Karin dadka Somaalida ah gaar ahaan danyarta,  waxaayna turjumaad u tahay inaan dadka Somaalidu aanay weli u bislaan Dawladnimada,  hadaay tahay xaalad nabadeed iyo dan ahaanba,  sidii oo kale 1960 oo xoolo dhaqato la ahaa reer guraanimo u dheertahay, iyo colaad u joogba, sid degdeg ahna loola kulmay daawladnimadii ayaa keentay maamul xumi rakaaday, dhanka kale waxaa ka daremi kartaa in aanu caalamku fahmin weli xal u helista arimaha Somaalida & Meelaha laga abaarayo amase furaha daawladnimo, arinka aan la dhaafi Karin ee jira isaguna waxa weeyaan weli inaanay soo bixin hogaamiye Somaaliyeed oo aan ahaayn mid aay wataan wadamada danaha gaarka ah ka leh Somaaliya, oo  hanankara fahanka shibicka Somaaliyeed, isagoo dersaayaa arimaha degaanka iyo sidaay u kala yaalaan, wax qaaybsiga saamiyeed oo aad moodo in dulmiga Somaaliya u horseeday buruburka weli raadkiisii suu muuqdo, mana jirto daraasad siyaasdeed oo ku saabsan dhaqanka kala duwan ee bulshadani leedahay, waa isla arinkaase, lama hubin mudnaanshiyaha tixgalinta tabashooyinka jira ee taariikhdu sababtay ama Somaalidu kala gashay, waxaadse moodaa in  loo fahmay Somaaliya oo doowlad heshaa aay tahahay   xal u helista magaalada Muqdisho oo kali ah, dadkan aan Somaalida ahaayn ee sheegta beesha caalamka   arinka Muqdisho ayaa  indhahoodii ku gabaabsatay, aaminsanaanta fikirkaasi, doowladnimo waxba kumasoo kordhinaayo, hadaba hadii muqdisho hagaagi waaydo waxaa haboon in looga guuro magaalooyinka kale ee qaadi karaa muuqaalaada Caasimadeed, waayo maaha muqadas Muqdisho inaay horjooge ahaato, waxaase muqadas ah in amni la helo, loona maro duruufta kasta oo lagu heli karo xasiloonida Somaalida, ixtiraamkuna kuma jiro reero ama ashkhaas, ee waxaa uu baahan in la dareemo dadka tabaalaysan sidaay ku xasili -lahaayeen, iyagoo helaayaa Daaawladnimo, cadaaladdu waa muhiim, horumarkuna waa tiir adag, waxaase yaqaana intaas cida ka madxbanaan reernimo, dan gaar ah, iyo  uur-kutaalo ku kaaydsan colool bugta oo ka muuqato aargoosi, Somaaliya uma baahna dano badan waxaayse u baahantahay  shakhsi wanaagsan, leh u hagarbax hanaan hogaamineed.

Tuesday, June 24, 2014

Fiiro-Gaar ah: Sidaad ku guuleeysan kartaa??


Akhriste salaam gobeed ka bacdi, waxaan rabaa inaan halkan idiinku soo gudbiyo qoraal kooban waana taagtaayda wixii aan ka tegay, waxaan khaldana waa iga cilmi yaraan, walaal waxaan rabaa inaan ku xususiyo nolosha guusheedu waxaay ku jirto, aakhirana waxaad ku badbaadi doontid, waxaa suurto gal inaad in badan akhiriday buuga la yiraahdo side lagu guuleeystaa? Ana manta jawaab kooban ayaan arinkaas kaaga hayaa.
1.      Alle subxaanaha waa tacaalaa wuxuu yiri: (waxaa libaanay kuwa iimaanka leh), hadba liibaan waxaa ugu horeeysa inaad imaan yeelat o ka kooban qodobadan:
·        Inaad Alle rumeeyso.
·        Malaa’iktiisa rumeeyso
·        Kutubtiisa rumeeyso
·        Rusushiisa rumeeyso
·        Maalinta qiyaamahana rumeeyso
·        Shar & Khaayr rumeeyso
2.      Waxaa intaas xigaa si aad u guuleeysato inaad la timaado Salaad Khusuuc leh, oo aad hubiso shuruudaha weesada, shuruudaha salaadda iyo tiirarkeeda, ka bacdi intaas markaad la timaado, guda galka salaada waa inaad  kasoo jeesato aduunyadii una go’do Alle iyo sidaad ula xaali lahaayd, waayo wad baryaaysa, waxaa l rabaa inaad isasoo dhiibto walaal, si niyad leh aad u wajahdo Salaadda.
3.      Qodobka xigaa waxa weeyaan inaad kasii jeesato laqwiga, oo aay ka mid yihiin xanta, xaqiiradda, beenta, IWM
4.      Inaad Zekadda bixiso markaay kugu waajibto, si aad uu quudiso dadlka u baahan.
5.      In qofku farjigiisu uu xifidyo gaar ahaan qofku marka uu dhalinta yahay masuuliyad gaar ah ayaa saran
6.      In qofku  salaadaha uu xifdiyo oo qalbigiisa aay ku jirto
Intaas oo dhan ayaa qofka guul gaadhsiin karaa, waana camalo kooban oo qofkasta oo sameeyn karo, waxaase aduunka inagu lamaan Shaydaan iyo Naf oo labaduba u baahan dadaal dheeraad ah in la galiyo sidii laaysaga difaaci lahaa.


Waa Billaahi Tawfiiq  

Friday, June 13, 2014

Fiiro Gaar ah: Shirkaga waxaa loo qaaybiyaa 2qaybood.


1.      Shirki  weeyn
2.      Shirki yar
Hadaba shirkiga Alle cidda la timaadaa waxaa Alle balan qaaday in uu burburinaayo camalkiisa, waxaana uu ka mid yahay camaladda Alle sheegay inuu aanu dhaafayn, waxaan rabaa inaan halkan kusoo qaato shirki Asqar, oo |Rasuulku suubaana NNKHA yiri waxaa uu ka qorsoonyahay sidii Qudhaanjo yar oo dhexmarasyaa meel mugdi ah oo saran Dhagax madoow, shirkigaas waxaa ka mid ah arinkan oo dadkeena aad ugu badan soo kodhaya.
Iscajabinta:
Qofka bani aadamka oo isu arkaa inuu dadka wax dheeryahay ama ku faanaa, ayaa la dhahaa iscajabin, ama dadkuba aay  cajabiyaan waxaana keena arimahan
1.      In uu jaahil ka yahay Alle raxmaanka  oo waxkasta siiya qifka kan kalena aan siin.
2.      Inuu naftiisa waxa kasta oo u sameeynayaayo mahadiyo, oo uu jaahil ka yahay khaladaada naftiisa.
3.      qofka oo aan naftiisa Daahirin, Ruuxiyadda
Qodobkani aad ayuu inoogu badanyahay, walaalayaal halaga taxadiro

Alle ha inoo toobad dhaafo

Thursday, June 12, 2014

Dhismaha Waddada Ceerigaabo: Filasho Mustaqbal iyo Soo-noqod Wanaagsan – W/Q. Xasan Cabdi Shire

Araar:
Nin aanu saaxiibbo nahay, ayaa maalin annagoo wada joogna waxaannu maqalnay in waddo isku xidha Jabuuti iyo Yemen in la bilaabayo (bridge). Odeygii
aanu saxiibka ahaayn, inta uu aad u dhoolo cadeeyay ayuu igu yiri “war Xasan waxaan u malaynayaa wadadaasi inaay tahay tii dadka Amxaarta ahi, ka gali lahaayeen Masjidka Xaramka ah ee barakaaysan aakhiru sabanka, sidii Rasuulkeenii suubanaa NNKHA uu sheegay. Haddaba waddada Ceergaabo dhismaheeda waxaan u malayanyaa inaay noqon doonto, mid dib usoo celisaa dadkii ka farcamay gobolkan “cidkasta ayaankeed, iyo waqtigeed”.
Hada waxaan uga socdaa dadka wax kastoo oo usoo kordha waxaay ula yimaadaan wanaag iyo dhib labadaba, waxaase markasta loo badiyaa dhanka rajada wanaagsan, inaad wax sadaalisaana maaha inaad ka hadlaayso wax ka maaqan,waase fikir aad arki karto, sadaalin karto, hadaad dareento, waxaayna noqonkartaa Riyo aad ku hambabarto waqti dambe.
Dhismaha wadada Ceergaabo cidkasta waay dareemaysaa inaay tahay horumar, rajadaasoo u iftiintay dad faro badan, oo muddo si eeri go’an ah ugu noolaa Gobolka Sanaag, qaarkalena lugahaay miciin badeen waa intii awoodaysee, ku darsoo qalbiga dadka reer Ceergaabo burcad ayaay isu marisay, waxaayna dhistay hadaaqa ka waayn da’ahaan, ama ka yar, kii wax soo bartay, kan caalimka u ahaa,ama hogaan ganacsi intuba wanaag iftiimay iyo niyadsan aaay isla janqadeen, waana sheeko inta badan laga sheekeeyo, tacab hadal  dadka kuma yaraa, waxtarkale ha iska yaraadee.
Haddaba aan  u laabtee nuxurka qoraalkan, gobolkan sanaag waxaa uu kamidyahay gobolada ugu facca dheer, sidoo kale waxaa kasoo tafiirmay guud ahaan dadka kasoo jeedaa Somaalida, waxaana ku aasan in ka badan lix Awoowe, oo dadkoodii hadeer ku noolyihiin dhulka Somaalidu degto guud ahaan, halka aay ku jiraan dad tariikh kale lahaa sida Wiil-wal, Araweelo, waxaan meesha ka madhnaayn, asaar duugoowday  oo aan  qiyaasi karaayn,da’da tariikh ahaan  ku dheehan, intaasiibaa wa dhaxal ka dhexeeya  dadka Somaalid ah, waxaase hadheeyay   gobolka burbur iyo dhaqaali xumi keentay inta dadka ugu dambeeysana qarkood inaay ka guuraan, horena tariikhda hadaad uu raad-raacdo dhowaan ayaay beelah somaalidu qarkood  ama inta badan deganaayeen, waqtigaas oo aan ka fogaayn qarnigii 18aad,  waase laga hayaamay, dhulka ayaa lagu firdhay, markii tiro ahaan la kordhay, waxaana hadeer degan bulsho koban.
Somaalidu waxaay tiraaahdaa berigii hore nabsiga waxaa sidi jiray Diin, hadeerse waxaa sida Shimbir, arinkaas oo micnaheedu yahay nabsigu waa dheereeya,  waxaan uga socdaa gobolkan hadii wadooyinkaas loo dhiso waxa suurto gal ah in dadyoow faro badan kusoo laabtaan, nabsigiisana helo, aakhirkana uu noqdo meel dad leh abtirsiyo faro badan aay isugu yimaadaan “ Maahmaah carabi ah ayaa tiraahdaa shaaykasta waaa uu ku laabtaa Asalkiisa”, tusaaele ahaan qofku marka u gaboobo waxaa u dib ugu laabtaa yaraan iyo jidhyaraan, caqli caruur sida ciyaalka(wuu camoomay, ama wuu hadaaqayaa), waxkasta oo waqtigiisu dhamaadana ciidda ama carrada  ayuu dib ugu laabtaa, Qoomiyadaha Somaaliduna badankoodu waxaay dib ugsoo laaban doonaan gobolkan, waxaana hormuud ka noqon doonta dhismaha waddada Ceergaabo, oo dad faro badani  soo if-raacayaan, ama keento in dib ugusoo hirtaan.
Mustaqbalka Gaark ah ee gobolkani leeyahay:
Waa gobol ku yaalaa meel qani ku ah inta wax laga manaafacaadsado sida: ciidda wax soo saarka, biyo joogta ah, dhanka macdanta oo ah gobolka ugu qiimaha badan uguna badantahay, Xoolo xoogan oo isug jiraa guud ahaan meesiga la dhaqdo,  sidoo kale badda ugu dheer eee gobol yeesho waa ka ugu qanisan, ama ugu baaxad dheer, waxaana meesha ka madhnaayn dhirta udugga ee laga sameeyo waxyaabo faro-badan, guud ahaan geyigan baaxadda dhuleed waa mid ku fillaan-kartaa cidksta oo martinimo ku timaada, sidoo kale waxaa uu leeyahay dhul aad u quruxbadan dalxiiskana ku wanaagsan oo ku  xeegaaran baddaas dheer,  waxaa kaliya ee  gobolkani u buseeylay waa isku xidhka in la gaadhsiiyo dadyoowga kale si’aay uga fa’ideystaan kaaydkan dhaqan-dhaqaale, oo wadadu hormuud katahay baahidaas isku xidh, iyo horumarada kale, dhismaha waddada Ceergaabo waa arin kuu dhiirashadiisu uu baahnaa, karti,calool-adaayg, iyo fikir, waana ku mahadsanyihiin hormuudka waddadan.
Talo ku aaddan Mustqbalka ummaddan (Dhallinyarada):

Waxaan usoo jeedin lahaa dhalinta guud ahaan inaay ka fa’iideytaan mustaqbalka gobolkan oo aay kasii hor degaan intaan laga hor qabsan, sida dhismah bulshadda, dhulka, wada-tashiga, wax soo saarka khayraadka, sababaha keenaya in dib loo gusoo noqdo waxaa ka mid ah, boobka khayraadka oo caalamka noqday dagaalka koowaad, hadda fikir haayso wax-soosaar hadda waa furad, si’aad u gadhoo yoolkaaga, Dhismaha waddada Ceergaabona waa arin taariikhiya.

Monday, June 9, 2014

Sheeko kooban: Waa laguu Yaqaan!

W/Q: Hassan A Shire

Email: Shire202@gmail.com

·         Waa halkay ka dhimatee.
·         Sidee lagu dhammeeyaa.
·         Dhan u qaada xaajada. (Xigasho: Murtimaal.com).
   Waa dood furan oo qofkasta soo geli karo, waxaayse caqabadi timi  goob-joog la’aantada  waqtigaas tegay ee arinku dhacaayay, “wixii tegay  tiigsimaad maleh”.  Goobtu waa derbi hore u ahaan jiray makhaaxi shaaha laga cabbo muddo laga joogo toban sanno ka hor,  waxaa isugu yimo meeshaas in ka badan  afar dhalinyaro ah,  & Xaajo Odey da’duna waasoo goddey, Dadku waxaay wada sugayaan gaadiid la raaco,  (Gaaddhi yar).
Waxaa lagu yaqaana dadka somaalida ahi waxaa inta badan muran ka dhaliya waxa soo  dhacay, Taariikh hore & arinka  markaas cusub. Waase laaynagu ibtileeyay inaan ka  fikirno maxaa soo socda mustaqbalka si loo sadaaliyo,  waayo? waay ku adagtahay dadka afka Somaaliga ku hadlaa badbaadada duruufaha imanayaa sidoo looga gaashaaman lahaa, waxa arinkani u egyahay inaan ku dhaxalnay dhiig ahaan & barbarin ahaanba, sidoo kale waxaay u egtahay waxaan muddo faro badan kala dhaxalaaynay, waxaad dareemi kartaa sidaay habsanka u gelisay dad faro badan. Hadal waa ka dambeeyee qofka dhibi la kulantaa  waa uu werwer & walaac badanyahay, Dhiilo fara badan ayaad ka dareentaa, waxaadna moodaa qofka in maamul goboleedyo calooshiisa lagaga dhawaaqaayoo, sheekadani waxay ku bilaabantay qormadan soo socota, waxaana hormuud ka ah Aabihii markaas Odeyga ka ahaa meeshaas, ama da’ahaan ugu weeynaa, wuxuuna ku bilaabay sidan:
“kuye, dadku dhib badanaa shalay casarkii anoo taagan meelaan ka fogaayn iskuulkii hore e farsamadda gacanta ee  qabyadda ahaa tan & dawladdii somaaliay  markaay dhacday, burburkii ka bacdina  waa la bili-liqaaystay,gobtaas anoo taagan waxaa igasoo hor baxay dumar baacsanaaya nin waayeel aha ama Da’I hayso, qaaylo dheer ka bacdi waxaan waaydiiyay,  war maxaa dhacay? “shalay ayuu guriga noogusoo dhacay”, oo xagee degantihiin?  “Waxaanu deganahay  guryihii dawladda  ee ku yaalay xeradii ciidanka Cirka, halkaas oo aay yaalaan dadkii agoomaha ahaa ee ku jiray ciidamadda Somaaliya” haa gartay oo ma-waxaad jaar tihiin ninkii caanka ahaa ee Walambe kana mid ahaan jiray cidamadda nabad sugidda ee hadeer iska tabaalaysan, “haayo kani waa Tuugoo, horena waxa uu ahaan jiray Askari ciidamada Badda ah waana ninkii doontii Masaarida soo qabtay ee lagaadhi waayay” jawaabo caynkaas ah ayaay igu jawaaben Xaawalaaydu. Adeer idinku maxaad ahaaydeen? Ayaan dib ugu celiyay haweenkii  “Waxaanu nahay fanaanintii Durudur ee sanadkii heesihii dambee hirgaly ku jiray” mid ayaa sidaas u jawaabtay, “Anigana waxaa I dhashay Fanaanada caanka ahaady ee Hebla”   iyagoo sheekadii taagan tahay ayaa waxaa meesha soo maaray laba xidhigle Sare Jajuub, war iska warama? Waa nabdoonaan  iyo wacad Alle, “waxaa dhacay ma ogtihiin?”, Maya! “Idaacadda ma dhegaystaan  miyaa??: VOA mise  BBC da?? “VOA !”. Adeer ma dhagaaysano waxaa hasytaa dad kale oo hore u ahaan jiray wanaag neceb, :gartay, hadda BBC-da ka warama iyadda??  “Ka darro dibi dhal, iyaddu warkeedu waa kuture kuteenee,   kolaay war ma jiree hadaanad dhegaaysan idaacadda ku baxdaa FM NO. intaas” ninkii oo niyad jab war sheegisi gashay ayaa u bilaabay sidan “ waxaa saaka la wareeystay  Gaas-Gaab oo ka hadlay arimaha Somaalida  sheegayna in dhowaan somaaliya hagaagi doonto, waayo?  hadddi  Hebel, iyo Hebel  caalamku la tashaddo iyagana lala xajooddo, keligood ayaa  Somaalida yaqaanaana”  oo adeer weli dadku ma waxaay u xidhan yihiin hebl iyo hebel, iyo hebelo dhintay???   “war naga tag dadku waa xayawaane ma cidkale ayaay haystaan”!! waa jawaabta uu ku fal-celiyay Odeyga Idaacadda wareegta.
Odyegii o oo sheekadii wada ayaa dood kale dhalintii dhex dhigay oo adeer “ Qolama ayaad tihiin? Waan iska duryamayoo ileeyn war ayaa u gaajo badanee,  aan is baranee yaad kasoo jeedaa?! “Aniga waxan ahay reer hebel, hebelna wa reer hebel, waa isku dadkii oo ma kala fogin yarkaas uun ayaa inagu dhex koray, oo isaguna waa inaga, qolo ahana inagma fogga mar hadii…………”!. Sheeko cusub,  oo adiga yaa ku dhalay  “waxaa I dhalay hebel”, waa nin qaali ah waxaa uu ahaa ciidamadd  Dhulka jibaaxa wuxuuna ka mid ahaa saraakiisha Ruushka, “Adeer “Anigana waxaa I dhashay Heblo, oo ahaayd saraakiisha ciidamada guul wadayaashaa”, adigana   yaa ku dhalay? “hebel oo ahaa sarkaal ciidamadda Tangiyada ahaa markii dambena Jabhaddaas ka mid ahaa”,  anigu iyo dhoowr kale waxba maanan oran waayo xiddigo waqtigodii dhacay ayaan u aragnaa arimahan lagu abtirsanaayo, waxaanu isku daynay inaan baadhbaadhno wax magac gaar aanu u leenahay, mid ayaa iga horeeyay oo yiri aniga waxaan ahay hebel waxaana ahay sarkaal u sheqeeya Wasaaradda Caafimaadka, “ adeer goor xun ayaad ksuoo beegantay” odaygii ayaa ku jawaabay. Ku darsoo Odeygan, laftigiisu Sarkaal ayuu ahaan jiray hadda se diif  ayaa ka muuqata, dadkana isaga ayaa ugu caay &  bakhsid  badan, magac ayuu ku sheqeeystaa, dantiisiina waa uu ka tegay,  waxaanse ka yaabay markii jiibta la isla jaan qaadaay, oo marka wax la is waaydiiyaba laaysugu jawaabay “ isaga ayaa kuu yaqaan, & hebel waa laguu yaqaan”, dhankaayga ama dhanka asxaabta qaar waxay nagu noqotay Afkiibaa juuqda gabay, waxaase I farxad badnaan lahaayd in dadku iyagu gaadhaan guulo mustaqbal, waaana jawaab ama sawir ina tusaaya hanyarida dhalinta, maaha dhamaaantood, waase intooda badan.

Sheeko yaanan kugu daalinee, Aabahana barbartiisuna maaha inaad cidla fadhiisato, ee waxaa uu ku barbaariyaa inaad dadaasho, waxqabsato si aad usoo gaadho heerkiisa ama ka sareeysa, Aabo kasta ama hooyo kasta Alle abalkiisa ha guddo, Janadda fardoowsana ha geeyo, Inagana tallo ayaa inala gudboon. is fahan la’aan yaa ka dhacday, waxaa yaab leh inaad dugsato magaca Aabahaa, ha gaboobo ama ha dhintee, waxaase loo baahanyahay in tariikhda la kaaydsho oo aay magac uun noqoto, hadiise aad is tiraahdo waxkasta ha kuu qabato waxaad gabaysaa kartidaadii, waxaadna wiiqaaysaa inaad adigu magac sameeyso, sheekadani waa sawir tusayaa dhacdooyin joogta ah, umase u dhicin si aan goob-joog nimo ah.