Sheeko kooban: Waa laguu Yaqaan!
W/Q: Hassan A
Shire
Email: Shire202@gmail.com
·
Waa halkay ka dhimatee.
·
Sidee lagu dhammeeyaa.
·
Dhan u qaada xaajada. (Xigasho:
Murtimaal.com).
Waxaa
lagu yaqaana dadka somaalida ahi waxaa inta badan muran ka dhaliya waxa soo dhacay, Taariikh hore & arinka markaas cusub. Waase laaynagu ibtileeyay
inaan ka fikirno maxaa soo socda
mustaqbalka si loo sadaaliyo, waayo?
waay ku adagtahay dadka afka Somaaliga ku hadlaa badbaadada duruufaha imanayaa
sidoo looga gaashaaman lahaa, waxa arinkani u egyahay inaan ku dhaxalnay dhiig
ahaan & barbarin ahaanba, sidoo kale waxaay u egtahay waxaan muddo faro
badan kala dhaxalaaynay, waxaad dareemi kartaa sidaay habsanka u gelisay dad
faro badan. Hadal waa ka dambeeyee qofka dhibi la kulantaa waa uu werwer & walaac badanyahay, Dhiilo
fara badan ayaad ka dareentaa, waxaadna moodaa qofka in maamul goboleedyo
calooshiisa lagaga dhawaaqaayoo, sheekadani waxay ku bilaabantay qormadan soo
socota, waxaana hormuud ka ah Aabihii markaas Odeyga ka ahaa meeshaas, ama
da’ahaan ugu weeynaa, wuxuuna ku bilaabay sidan:
“kuye,
dadku dhib badanaa shalay casarkii anoo taagan meelaan ka fogaayn iskuulkii
hore e farsamadda gacanta ee qabyadda ahaa
tan & dawladdii somaaliay markaay dhacday,
burburkii ka bacdina waa la
bili-liqaaystay,gobtaas anoo taagan waxaa igasoo hor baxay dumar baacsanaaya nin
waayeel aha ama Da’I hayso, qaaylo dheer ka bacdi waxaan waaydiiyay, war maxaa dhacay? “shalay ayuu guriga noogusoo
dhacay”, oo xagee degantihiin? “Waxaanu
deganahay guryihii dawladda ee ku yaalay xeradii ciidanka Cirka, halkaas
oo aay yaalaan dadkii agoomaha ahaa ee ku jiray ciidamadda Somaaliya” haa
gartay oo ma-waxaad jaar tihiin ninkii caanka ahaa ee Walambe kana mid ahaan
jiray cidamadda nabad sugidda ee hadeer iska tabaalaysan, “haayo kani waa Tuugoo,
horena waxa uu ahaan jiray Askari ciidamada Badda ah waana ninkii doontii
Masaarida soo qabtay ee lagaadhi waayay” jawaabo caynkaas ah ayaay igu jawaaben
Xaawalaaydu. Adeer idinku maxaad ahaaydeen? Ayaan dib ugu celiyay haweenkii “Waxaanu nahay fanaanintii Durudur ee sanadkii
heesihii dambee hirgaly ku jiray” mid ayaa sidaas u jawaabtay, “Anigana waxaa I
dhashay Fanaanada caanka ahaady ee Hebla”
iyagoo sheekadii taagan tahay ayaa waxaa meesha soo maaray laba xidhigle
Sare Jajuub, war iska warama? Waa nabdoonaan
iyo wacad Alle, “waxaa dhacay ma ogtihiin?”, Maya! “Idaacadda ma
dhegaystaan miyaa??: VOA mise BBC da?? “VOA !”. Adeer ma dhagaaysano waxaa
hasytaa dad kale oo hore u ahaan jiray wanaag neceb, :gartay, hadda BBC-da ka
warama iyadda?? “Ka darro dibi dhal,
iyaddu warkeedu waa kuture kuteenee, kolaay war ma jiree hadaanad dhegaaysan
idaacadda ku baxdaa FM NO. intaas” ninkii oo niyad jab war sheegisi gashay ayaa
u bilaabay sidan “ waxaa saaka la wareeystay Gaas-Gaab oo ka hadlay arimaha Somaalida sheegayna in dhowaan somaaliya hagaagi doonto,
waayo? hadddi Hebel, iyo Hebel caalamku la tashaddo iyagana lala xajooddo, keligood
ayaa Somaalida yaqaanaana” oo adeer weli dadku ma waxaay u xidhan yihiin
hebl iyo hebel, iyo hebelo dhintay??? “war
naga tag dadku waa xayawaane ma cidkale ayaay haystaan”!! waa jawaabta uu ku
fal-celiyay Odeyga Idaacadda wareegta.
Odyegii
o oo sheekadii wada ayaa dood kale dhalintii dhex dhigay oo adeer “ Qolama ayaad
tihiin? Waan iska duryamayoo ileeyn war ayaa u gaajo badanee, aan is baranee yaad kasoo jeedaa?! “Aniga
waxan ahay reer hebel, hebelna wa reer hebel, waa isku dadkii oo ma kala fogin
yarkaas uun ayaa inagu dhex koray, oo isaguna waa inaga, qolo ahana inagma fogga
mar hadii…………”!. Sheeko cusub, oo adiga
yaa ku dhalay “waxaa I dhalay hebel”,
waa nin qaali ah waxaa uu ahaa ciidamadd
Dhulka jibaaxa wuxuuna ka mid ahaa saraakiisha Ruushka, “Adeer “Anigana
waxaa I dhashay Heblo, oo ahaayd saraakiisha ciidamada guul wadayaashaa”,
adigana yaa ku dhalay? “hebel oo ahaa
sarkaal ciidamadda Tangiyada ahaa markii dambena Jabhaddaas ka mid ahaa”, anigu iyo dhoowr kale waxba maanan oran waayo
xiddigo waqtigodii dhacay ayaan u aragnaa arimahan lagu abtirsanaayo, waxaanu
isku daynay inaan baadhbaadhno wax magac gaar aanu u leenahay, mid ayaa iga
horeeyay oo yiri aniga waxaan ahay hebel waxaana ahay sarkaal u sheqeeya
Wasaaradda Caafimaadka, “ adeer goor xun ayaad ksuoo beegantay” odaygii ayaa ku
jawaabay. Ku darsoo Odeygan, laftigiisu Sarkaal ayuu ahaan jiray hadda se
diif ayaa ka muuqata, dadkana isaga ayaa
ugu caay & bakhsid badan, magac ayuu ku sheqeeystaa, dantiisiina
waa uu ka tegay, waxaanse ka yaabay
markii jiibta la isla jaan qaadaay, oo marka wax la is waaydiiyaba laaysugu
jawaabay “ isaga ayaa kuu yaqaan, & hebel waa laguu yaqaan”, dhankaayga ama
dhanka asxaabta qaar waxay nagu noqotay Afkiibaa juuqda gabay, waxaase I farxad
badnaan lahaayd in dadku iyagu gaadhaan guulo mustaqbal, waaana jawaab ama
sawir ina tusaaya hanyarida dhalinta, maaha dhamaaantood, waase intooda badan.
Sheeko
yaanan kugu daalinee, Aabahana barbartiisuna maaha inaad cidla fadhiisato, ee
waxaa uu ku barbaariyaa inaad dadaasho, waxqabsato si aad usoo gaadho heerkiisa
ama ka sareeysa, Aabo kasta ama hooyo kasta Alle abalkiisa ha guddo, Janadda
fardoowsana ha geeyo, Inagana tallo ayaa inala gudboon. is fahan la’aan yaa ka
dhacday, waxaa yaab leh inaad dugsato magaca Aabahaa, ha gaboobo ama ha dhintee,
waxaase loo baahanyahay in tariikhda la kaaydsho oo aay magac uun noqoto,
hadiise aad is tiraahdo waxkasta ha kuu qabato waxaad gabaysaa kartidaadii,
waxaadna wiiqaaysaa inaad adigu magac sameeyso, sheekadani waa sawir tusayaa
dhacdooyin joogta ah, umase u dhicin si aan goob-joog nimo ah.
No comments:
Post a Comment