Akhriste salaam gobeed ka
bacdi, waxaan rabaa inaan halkan idiinku soo gudbiyo qoraal kooban waana
taagtaayda wixii aan ka tegay, waxaan khaldana waa iga cilmi yaraan, walaal
waxaan rabaa inaan ku xususiyo nolosha guusheedu waxaay ku jirto, aakhirana
waxaad ku badbaadi doontid, waxaa suurto gal inaad in badan akhiriday buuga la
yiraahdo side lagu guuleeystaa? Ana manta jawaab kooban ayaan arinkaas kaaga
hayaa.
1. Alle subxaanaha waa tacaalaa wuxuu yiri: (waxaa
libaanay kuwa iimaanka leh), hadba liibaan waxaa ugu horeeysa inaad imaan
yeelat o ka kooban qodobadan:
·
Inaad Alle
rumeeyso.
·
Malaa’iktiisa
rumeeyso
·
Kutubtiisa
rumeeyso
·
Rusushiisa
rumeeyso
·
Maalinta
qiyaamahana rumeeyso
·
Shar &
Khaayr rumeeyso
2. Waxaa intaas xigaa si aad u guuleeysato inaad la
timaado Salaad Khusuuc leh, oo aad hubiso shuruudaha weesada, shuruudaha
salaadda iyo tiirarkeeda, ka bacdi intaas markaad la timaado, guda galka
salaada waa inaad kasoo jeesato
aduunyadii una go’do Alle iyo sidaad ula xaali lahaayd, waayo wad baryaaysa,
waxaa l rabaa inaad isasoo dhiibto walaal, si niyad leh aad u wajahdo Salaadda.
3. Qodobka xigaa waxa weeyaan inaad kasii jeesato
laqwiga, oo aay ka mid yihiin xanta, xaqiiradda, beenta, IWM
4. Inaad Zekadda bixiso markaay kugu waajibto, si aad
uu quudiso dadlka u baahan.
5. In qofku farjigiisu uu xifidyo gaar ahaan qofku
marka uu dhalinta yahay masuuliyad gaar ah ayaa saran
6. In qofku
salaadaha uu xifdiyo oo qalbigiisa aay ku jirto
Intaas oo dhan ayaa qofka guul gaadhsiin karaa, waana camalo kooban oo
qofkasta oo sameeyn karo, waxaase aduunka inagu lamaan Shaydaan iyo Naf oo
labaduba u baahan dadaal dheeraad ah in la galiyo sidii laaysaga difaaci lahaa.
Waa Billaahi Tawfiiq
No comments:
Post a Comment