Thursday, June 26, 2014

Hadal-Haaynta Khilaafka Sexexda Gobol


Khilaafka ka taagan heshiiska Muqdisho ka dhacay ee ku salaaysan maamul u sameeynta sadexda gobol, waxaa kasoo horjeestay qaar ka mid ah beelaha Somaalida, sidoo kale waxaa saluugay dadka dega Gobolka Baay qaarkood oo hore sumeeystay maamulka lixda gobol, inkastoo aan hore uga qoray  maamul goboleedyada qoraalkan ku jira link-gan  http://degal-nabdoon.blogspot.com/2014/04/maamul-goboleedyada-somaalida-burbur.html  hadana dhibta sii fideeysa waxaay u muuqataa aafo umadeed sidoo kale aanay    xamili Karin dadka Somaalida ah gaar ahaan danyarta,  waxaayna turjumaad u tahay inaan dadka Somaalidu aanay weli u bislaan Dawladnimada,  hadaay tahay xaalad nabadeed iyo dan ahaanba,  sidii oo kale 1960 oo xoolo dhaqato la ahaa reer guraanimo u dheertahay, iyo colaad u joogba, sid degdeg ahna loola kulmay daawladnimadii ayaa keentay maamul xumi rakaaday, dhanka kale waxaa ka daremi kartaa in aanu caalamku fahmin weli xal u helista arimaha Somaalida & Meelaha laga abaarayo amase furaha daawladnimo, arinka aan la dhaafi Karin ee jira isaguna waxa weeyaan weli inaanay soo bixin hogaamiye Somaaliyeed oo aan ahaayn mid aay wataan wadamada danaha gaarka ah ka leh Somaaliya, oo  hanankara fahanka shibicka Somaaliyeed, isagoo dersaayaa arimaha degaanka iyo sidaay u kala yaalaan, wax qaaybsiga saamiyeed oo aad moodo in dulmiga Somaaliya u horseeday buruburka weli raadkiisii suu muuqdo, mana jirto daraasad siyaasdeed oo ku saabsan dhaqanka kala duwan ee bulshadani leedahay, waa isla arinkaase, lama hubin mudnaanshiyaha tixgalinta tabashooyinka jira ee taariikhdu sababtay ama Somaalidu kala gashay, waxaadse moodaa in  loo fahmay Somaaliya oo doowlad heshaa aay tahahay   xal u helista magaalada Muqdisho oo kali ah, dadkan aan Somaalida ahaayn ee sheegta beesha caalamka   arinka Muqdisho ayaa  indhahoodii ku gabaabsatay, aaminsanaanta fikirkaasi, doowladnimo waxba kumasoo kordhinaayo, hadaba hadii muqdisho hagaagi waaydo waxaa haboon in looga guuro magaalooyinka kale ee qaadi karaa muuqaalaada Caasimadeed, waayo maaha muqadas Muqdisho inaay horjooge ahaato, waxaase muqadas ah in amni la helo, loona maro duruufta kasta oo lagu heli karo xasiloonida Somaalida, ixtiraamkuna kuma jiro reero ama ashkhaas, ee waxaa uu baahan in la dareemo dadka tabaalaysan sidaay ku xasili -lahaayeen, iyagoo helaayaa Daaawladnimo, cadaaladdu waa muhiim, horumarkuna waa tiir adag, waxaase yaqaana intaas cida ka madxbanaan reernimo, dan gaar ah, iyo  uur-kutaalo ku kaaydsan colool bugta oo ka muuqato aargoosi, Somaaliya uma baahna dano badan waxaayse u baahantahay  shakhsi wanaagsan, leh u hagarbax hanaan hogaamineed.

No comments:

Post a Comment