Fallo
Kooban.
W/q:
Hassan A Shire
Arraar:
Nin aanu saxiibo nahay, ayaa maalin anagoo wada
joogna waxaanu maqalnay in waddo isku
xidha Jebutti iyo Yemen in la bilaabayo (bridge), Odeygii aanu saxiibka ahaayn,
inta uu aad u dhoolo cadeeyay ayuu igu
yiri “war Xasan waxaan u malaynayaa wadadaasi inaay tahay tii dadka Amxaarta
ahi, ka gali lahaayeen Masjidka Xaramka ah ee barakaaysan aakhiru sabanka,
sidii Rasuulkeenii suubanaa NNKHA uu sheegay. Haddaba waddada Ceergaabo dhismaheeda waxaan u
malayanyaa inaay noqon doonto, mid dib usoo celisaa dadkii ka farcamay gobolkan
“cidkasta ayaankeed, iyo waqtigeed”.
Hada waxaan uga socdaa dadka wax kastoo oo usoo
kordha waxaay ula yimaadaan wanaag iyo dhib labadaba, waxaase markasta loo
badiyaa dhanka rajada wanaagsan, inaad wax sadaalisaana maaha inaad ka
hadlaayso wax ka maaqan,waase fikir aad arki karto, sadaalin karto, hadaad dareento,
waxaayna noqonkartaa Riyo aad ku hambabarto waqti dambe.
Dhismaha wadada Ceergaabo cidkasta waay dareemaysaa
inaay tahay horumar, rajadaasoo u iftiintay dad faro badan, oo muddo si eeri
go’an ah ugu noolaa Gobolka Sanaag, qaarkalena lugahaay miciin badeen waa intii
awoodaysee, ku darsoo qalbiga dadka reer Ceergaabo burcad ayaay isu marisay,
waxaayna dhistay hadaaqa ka waayn da’ahaan, ama ka yar, kii wax soo bartay, kan
caalimka u ahaa,ama hogaan ganacsi intuba wanaag iftiimay iyo niyadsan aaay
isla janqadeen, waana sheeko inta badan laga sheekeeyo, tacab hadal dadka kuma yaraa, waxtarkale ha iska
yaraadee.
Hadaba aan u laabtee
nuxurka qoraalkan, gobolkan sanaag waxaa uu kamidyahay gobolada ugu facca
dheer, sidoo kale waxaa kasoo tafiirmay guud ahaan dadka kasoo jeedaa
Somaalida, waxaana ku aasan in ka badan lix Awoowe, oo dadkoodii hadeer ku
noolyihiin dhulka Somaalidu degto guud ahaan, halka aay ku jiraan dad tariikh
kale lahaa sida Wiil-wal, Araweelo, waxaan meesha ka madhnaayn, asaar duugoowday
oo aan
qiyaasi karaayn,da’da tariikh ahaan ku dheehan, intaasiibaa wa dhaxal ka dhexeeya dadka Somaalid ah, waxaase hadheeyay gobolka burbur iyo dhaqaali xumi keentay
inta dadka ugu dambeeysana qarkood inaay ka guuraan, horena tariikhda hadaad uu
raad-raacdo dhowaan ayaay beelah somaalidu qarkood ama inta badan deganaayeen, waqtigaas oo aan ka
fogaayn qarnigii 18aad, waase laga
hayaamay, dhulka ayaa lagu firdhay, markii tiro ahaan la kordhay, waxaana
hadeer degan bulsho koban.
Somaalidu waxaay tiraaahdaa berigii hore nabsiga
waxaa sidi jiray Diin, hadeerse waxaa sida Shimbir, arinkaas oo micnaheedu yahay
nabsigu waa dheereeya, waxaan uga socdaa
gobolkan hadii wadooyinkaas loo dhiso waxa suurto gal ah in dadyoow faro badan
kusoo laabtaan, nabsigiisana helo, aakhirkana uu noqdo meel dad leh abtirsiyo
faro badan aay isugu yimaadaan “ Maahmaah carabi ah ayaa tiraahdaa shaaykasta
waaa uu ku laabtaa Asalkiisa”, tusaaele ahaan qofku marka u gaboobo waxaa u dib
ugu laabtaa yaraan iyo jidhyaraan, caqli caruur sida ciyaalka(wuu camoomay, ama
wuu hadaaqayaa), waxkasta oo waqtigiisu dhamaadana ciidda ama carrada ayuu dib ugu laabtaa, Qoomiyadaha Somaaliduna
badankoodu waxaay dib ugsoo laaban doonaan gobolkan, waxaana hormuud ka noqon
doonta dhismaha waddada Ceergaabo, oo dad faro badani soo if-raacayaan, ama keento in dib ugusoo
hirtaan.
Mustaqbalka
Gaark ah ee gobolkani leeyahay:
Waa gobol ku yaalaa meel qani ku ah inta wax laga
manaafacaadsado sida: ciidda wax soo saarka, biyo joogta ah, dhanka macdanta oo
ah gobolka ugu qiimaha badan uguna badantahay, Xoolo xoogan oo isug jiraa guud
ahaan meesiga la dhaqdo, sidoo kale
badda ugu dheer eee gobol yeesho waa ka ugu qanisan, ama ugu baaxad dheer,
waxaana meesha ka madhnaayn dhirta udugga ee laga sameeyo waxyaabo faro-badan,
guud ahaan geyigan baaxadda dhuleed waa mid ku fillaan-kartaa cidksta oo martinimo
ku timaada, sidoo kale waxaa uu leeyahay dhul aad u quruxbadan dalxiiskana ku
wanaagsan oo ku xeegaaran baddaas dheer,
waxaa kaliya ee gobolkani u buseeylay waa isku xidhka in la gaadhsiiyo
dadyoowga kale si’aay uga fa’ideystaan kaaydkan dhaqan-dhaqaale, oo wadadu
hormuud katahay baahidaas isku xidh, iyo horumarada kale, dhismaha waddada
Ceergaabo waa arin kuu dhiirashadiisu uu baahnaa, karti,calool-adaayg, iyo
fikir, waana ku mahadsanyihiin hormuudka waddadan.
Tallo
ku aadan Mustqbalka umaddan (Dhalinyaradda):
Waxaan usoo jeedin lahaa dhalinta guud ahaan inaay ka
fa’iideytaan mustaqbalka gobolkan oo aay kasii hor degaan intaan laga hor qabsan,
sida dhismah bulshadda, dhulka, wada-tashiga, wax soo saarka khayraadka, sababaha
keenaya in dib loo gusoo noqdo waxaa ka mid ah, boobka khayraadka oo caalamka
noqday dagaalka koowaad, hadda fikir haayso wax-soosaar hadda waa furad, si’aad
u gadhoo yoolkaaga, Dhismaha waddada Ceergaabona waa arin taariikhiya.
Alla Mahad-leh
No comments:
Post a Comment