Monday, June 1, 2015

Balwadaha & Somaalida.

Balwaduhu waxaay  ka mid yihiin waxyaabaha dadka duruuftu bartay, tusaale ahaan siyaasada & kulamada xasaasiga ah waa dhaqanka Somaalida in qayilaadu  noqoto arinka lagu kala gooyo ama shirka lagu qaato, hadii kale dad faro badan oo la tebaayo baan soo xaadiraayn, halka  dadka inta badan aay soo foodsaarto duruuf nololeed, waxaay waqti faro badan ku lumiyaan cunista qaadka, cabista khamriga, jiidista Sigaarka,  iyagoo xamili kari la’a,  arinta ku habsatay "Pain killer", qaar kale marka uu la  talax tago waxaay ku gabadaan waa quud aawliyo si aan muran faro badan looba galin, halka dadka qaar  dood ka dhigtaan waanu ku shaqaaynaa waxaayna barbar dhigaan suuqa oo laayska fadhiyo miyaan masaajidba la fadhiyi Karin?, qaar kale si dheel-dheel ah baay u galaan,   waxaanse u arkaa balwadahu inuu yahay sida dubaabka oo kale, marka qofku qaadka joojiyo xanuunka ku helaa hurdada sidaad ku aragtaan sawirkan oo kale, bahalkaa hurdada kugu helayaa waa khiyaali.
 Fikiradaha ku yimaada cunista jaadka, go’aamada, & wanaaga ka dhex-dhashaa waa sida dubaabkaas,  iskusoo daroo doodahaas oo dhan waxaa ka furan in qaadku yahay maado qaby ka noqotay  nolosheena, sidoo kale wiiqday qaabkii fikirkeena, mana aha arin si yar oo degan looga doogsan karo.
gebo-gabadii Balwaduhu waa arin nolosha dabiiciga ah ee Somaalida  la jaan qaaday, una baahan olole balaadhan, lagana eegaayo dhinacyada sharciga islaamiga ah, dhaqaalaha, bulsho ahaan, lana adeegsanaayo dadka sida xoogan bulshadu wax uga dhegaaysato.

Hassan A Shire 

No comments:

Post a Comment