Waxsheegu
maaha maag, cambaaraayn iyo mugdi galin, waase hanuunin &
hibeeyn inaad waarto looga gol leeyahay, dadka wanaagoodu waxa uu ku
jiraa in la tosonaado, lana wada fiicanaado, si loo gaadho badhaadhe iyo
wada jir, lana hirgaliyo hanaqaad waara, sidoo kale loo helo wada jir
iyo midnimo shacab, waxaase liibaantaasi ku jirtaa dariiqa toosan oo
sidiisa lagu qaato, kana mid tahay in beenta la joojiyo.
Beeentu waa cudurada u afku keeno si’aan muuqan, horseedana xanuuno aan dawoobin bulsho ahan dad ahaan & qosy ahaanba, waana mid ka mid ah waxyaabaha Rasuulkeenii Suubana NNKHA inagala dardaarmay, weliba u sheegay inan dadka Islaamka ahi aanay sheegi karin.
Hadaba beentu waxaay abuurttaa nacaayb Alle, oo keenta in lacnadi kugu socoto, dadku qofkaas waxaay wejigiisa ka dareeman mugdi iyo madoow Rabaani ah, oo si kasta uu siu nadiifiyo aan ka baxaaayn, Alle cidda ka cadhaaysiisaa waxaay nacsiisaa dhamaan makhluqaadkiisa.
Sidoo kale beentu waxaay horseeda is nacaaybka bulshada oo keenta in qofku u sheego warar been ah oo laba qof, labo qabiil ama laba dadwladood iska horkeento, haligtana dad isku wanaagsan, taasina waxaa qofkaas u dheer inuu fitno soo kordhiyay, sidoo kale keenta inaanay weligeeed aanay tegin aano, necaayb, isku dir, iyo qudhgooyo.
Dhanka kale waxaay dhalisa is nacaaybka qooyska, ama walaalaha guriga ku wada nool, iyadoo horseeda duruufaha kala duwan, ee dhaliya wacyi la’aaanta aanay iska warhaayn labadaas qof laga dhex abuuro xumaan ama is necaayb, aan dhamaan, sidoo kale hadii beentu caadaada noqoto, waxaa meesha ka baxaayaa wanaaga asturi lahaa cidkasta oo isku wanaagsan.
Marka aan leeyahay cudur aan muuqan waxaan uga socdaa, beentu waxaay dishaa wanaaga qalbiga waxaayna galisaa xanuuno, sida shaki, murugo been laguu sheegay, nacaayb, xiqdi qofkale, fikir xumaan ah oo ku jirto aargoosi, been khaldan hadi laguu sheego inaad habeenkaas seexan waaydo, sidoo kale qofka beenta sheegaa isaga ayaa werwe dilaa, caloolyoow uu qaado, dareemo in mar uun la’ogaan doono, taasian aay galiso werwer bukaanimo ku jirto, beenaaluhu isagaa ayaa iskii u bukoa mase dareensana ka sheegaa waayo cadadiisa ayaay noqotay.
Ogoow inaan benaale noqoto waxaa kugu kalifaa, inaad tahay qof aan isku kalsoonaayn, ama qof xaasida, ama qof xiqdiya wanaaga dadka kale, oo sheeganayaa waxaanu gaadhin ama heer aanu hiigsan, neceb midnimada dadka kale & guulaha dadka kale.
Ugu danbaayntu beentu waxaay horseedaa in adigana lagu naco, oo dadku ku aamini waaydo, lagu karaahiyaaysto, lagugu kalsoonaan waayo waxkasta oo aad sheegaayso loona arko inaay ka tahay waxaagii uun(beentaadii), taasin aay keento in lagu naco, iska daa nacaaybee afka lagu soo marin kari waayo, makhluuquna isu sheego, magacaaguna noqdo waa beenaalihii.
Talada & Towfiiqda Alle ha'ina garansiiyo
Hassan A Shire

No comments:
Post a Comment