“Ayax Tag Eel-na Reeb Miyaa?”.
Tahriibku maaha kan daashaday ama aay ku le’deen Somaali faro badani, waxaase jira sababo faro badan oo dadka & dalkaba ka jira, kuwaasoo laga dhaxlay dhaqanka Tahriibka. Hadaad suuqa muraad u doonato adoo rabaa inaad wax soo iisbsato, dadku waxaay kugu baayacaan lacag $Doolar ka ah, Qofka meherada hasytaa waxaa uu aad u xeeriyaa lacagta Maraaykanka, hadii in yar uu yara jactado lacagtaasi waa lagugu soo celinayaa,sidoo kale hadii qofku kuugu sheego lacagta wadanka oo Shilin ahna, kan wax iibsanayaa si cadho leh ayuu kuugu jawaabaya “intee dolar ka noqoanasyaa”, si'aan ka dhicin bulshooyiinka kale ayaan u ixtiraamnaa lacagtaas, oo ka qiimo badan ama kaba iIaaIin badan ta'aaynu leenahay, Wadanki samaaystay inaga ayaa uga ilaalin badan marka la eego xaga dhoowrsita, ilaa heer kaawiyadiisu, Qaabkisii, inaanay is bedelin ama liid jilaac ah lagu samaysnin baaynu kuu foolanahay “imisaa Odey xoolo dhaqato ah, mid kamid ah caruurtiisa usoo diray 100 Doolar isagoo la sugayaa xiliga abaarta markii la gaadhayna suuqa la yimid laguna celiyay, sababna looga dhigay waa jilicday lacagtaadu, hadaba waxaa is waaydiin leh lacagta Shilinka ahna wuxuu haayn jiray in kabadan sanado, marka suuqa la yimaadana si wanaagsan waxa uga iibsan jiray, waxaa is waaydiin leh muwaadinka nool, & lacagta wadankale leeyahay keebaa xaq mudan? waxaa kasii daran lacagaha aaynu leenahay maalinkasta waxaa laga sameey been abuur (voucher), dhanka kasoo jorjeedana ee lacagta Doolarka ahna waxaa ugu horeeya ee laga hubiyaa waa arinka been abuurka ah gaar ahaan goobaha ganacsiga, qofka shaqeeya hadaanu Doolar qaadan ama aanu mushaharkiisa kuugu sheegin laccagtaas qalaad waa uu dhiilo, tan wadanka qofka qaataa waxa uu ku oranayaa xooga yar oo lacagtaas ah ayaan qaataa “niyad jab iyo ceeb isaga oo u arkayaa”, hadiise in u dhiganta oo doolar ah lasiinlahaa wuu ku faani lahaa. Muwaadin doorka dadkaaga, dalkaaga, deeqda Alle ku siiyay, Khaayraadka, magaca, & dunida halkaad kaga beerantahay aad aamimi waayday, soow yaabka-yaabkiis maaha, soow ciil aduunka ugu tegi maaysid, soow ku dhamaan maayaan ubadkaagii badaha dunida, soow lumin maaysid in Alle ku keenay aduunkan adoo karaamaysan. Dhanka kale markaad eegto waxaad arkaysaa Shaqooyinka marka lasoo xayaaysiiyo waxaa ugu horeeyaa inuu qofku yaqaano luuqada Afka-Ingriisidda, halka luuqadii hooyo aan lagusoo darin muhiimadda koowaad, dadku ama dhalintu waay ku faantaa hebel si wanaagsan ayuu u yaqaana luuqadaas, halka Somaaliga & Carabigii oo dhaqan ahaan kasoo jeedno manta faraheena ka baxeen, amase aay caay noqatay.” Fiiro gaaf ah, Hadaad Wasaarad aragto shaqo bixinaysaa waxaad ku arakysaa inaay luuqaddu tahay ingiriisiga ama fadhiga imtixaanka lagaga qaadaya waajib noqoto in laguu keeno waraaqo luuqad ajaanib ah ku qoran. war ma ajaanib ayaa loo sheqeeynaya?, , hay’adaha gaarka loo leeyahay & gancsatada kaleba waa astaan laga wada simanyahay”.
Ugu dambayntii waxaa dadku aad ugu faanaan xoriyadii laga qaatay Gumaaystihii, waxaase kasii daran dhibta dhaqan ee uu inagaga tagay hadeer, sidoo kale waxa uu hoday hankeenii, isku kalsoonaantii, wuxuuna horseeday inaan ka murugoonno ciidda aan ka dhalanay, dunido inoogu abtiriso, hala yaabin ka tahriibaay, 99% dadkeenu qalbiga ayaay ka tahriibsanyihiin, dhaqaale ahaan, iyo aqoon ahaanba.Dhaqanka labiska isqurxinta, iska yeelyeelka ama u hadalka shaqsi aan dhaqan kula wadaagin, walaal kula ahaayn, diin ahaan kuu cadoow ah, hadaad ku dayato waxaad ka tageysaa noloshii caadiga ahaayd, waa sababta keentay Qofka wanaagsan inaan u aragno doqon, qoraageenu afka Somaaligu inagu dhex dhinto, kan luuqadaha qalaadna inagu dhex iftiimo sidoo kale taariikhda dadkii wanaagsanaa iloowno, waxaayse cidhib xumi ku keeni doontaa wadaniyadda dadka dhulkan leh oo cid kale la wareegto, caadifada iyo lab lakaca ku salaaysan reernimadu waa iska dhamaanayaa.Qofka dalka ka tegay isagoo naftiisa biimeeyay, miyaanay ahaan arin aan kali ku ahaayn kaligii, oo guud ahaan ka jirta dalka oo dhan. Nolosha kalsoonidu waa muhiim inaad dareent xornimo waana asaaska koowaad, u dhaqan si degan ka fiirsasho leh, isku haleeyn leh, kana-fa’iideeyso karaamada aad ku dhalatay, Nolshu waa maalmo isku day inaad samaan nolaato, ugu dambeeyntii Somaalidu waxaay ku maahmaahdaa “ Ninka fuulaa Faras aanu aqoon, wuu gomodaa”- waxaan uga jeedaa hadaad raacdo dhaqan aanad lahaayn Dabo xanuun uunbaa ku daalaysaa!.ugu dambaayntii Gabaygan Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame "Hadraawi" ee Sawirkan ku jira ayaan kaaga tegayaa.
Taladda & Tawfiiqda Alle ha ina garansiiyo.
.Hassan A shire Shire202@gmail.com

No comments:
Post a Comment